
RW Xamsa oo hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka ee BFS.
,
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo ku guuleystay in uu sii hoggaamiyo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa guddoomiyaha cusub ugu hambalyeeyay kalsoonida ay Xildhibaannada Golaha Shacabka u muujiyeen, isaga oo u rajeeyay in uu si hufan oo xilkasnimo leh u guto waajibaadka dastuuriga ah ee loo igmaday, isla markaana uu hormuud ka noqdo dadaallada lagu xoojinayo shaqada iyo doorka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Xamsa Cabdi Barre, ayaa xusay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta iyo isku-duubnida dhow ee ka dhexaysa hay’adaha dowladda gaar ahaan
Xukuumadda iyo Barlamaanka, taasi oo mudnaan gaar ah siinaysa dardargelinta qorshayaasha Qaranka,


0 


RW Xamsa oo hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka ee BFS.
,