
Cabdirashiid Janan oo sheegay in ciidamada ku sugan Gobolka Gedo ay ku biirayaan Jubbaland
Dowladda Federaalka ayaa bishii July ee saandkii 2025, Cabdirashiid Janan u magacawday Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda ee Jubbaland iyo Madaxa Amniga ee Gobolka Gedo, waxayna magacaabiddiisu ka dambeysay, ka dib markii uu xoogeystay khilaafka Dowladda Federaalka iyo Jubbaland.
Khilaafkan oo soo ifbaxay bishii October ee sanadkii 2024 ayaa keenay in Dowladda Federaalka ay sanadkii hore ee 2025 la wareegto inta badan Degmooyinka Gobolka Gedo, iyadoona ka hawlgelisay ciidamo awaamiirteeda ku shaqeeya.
Cabdirashiid Janan oo maanta ciidamada kula hadlay Degmada Beledxaawo ayaa sheegay inay aadayaan dhinaca Jubbaland, ka gadaal markii uu Dowladda Federaalka ku eedeeyay inay diiday bixinta mushaarka iyo garaamka ee ciidamada gobolkaasi.
Waxa uu sheegay in uu isagu ahaa ninka ugu sarreyay ciidamada taabacsan Dowladda Federaalka ee ku sugan gobolka, isla-markaana ay xanuun-jisay inaanan la siinin xuquuqdooda.
"Askariga waxa dhibaayo xaaladdiisa, waan la xanuunsadaa. Xaaladdaas marka waxay nagu ahayd caqabad fara-badan.” Ayuu yiri Cabdirashiid Xasan Cabdinuur.
Cabdirashiid Janan ayaa sheegay inay go’aansadeen in wada hadal nabadeed ay la galaan Jubbaland, si aysan mar dambe u dagaalamin ciidamada ku sugan duleedka Degmada Beledxaawo iyo kuwa Jubbaland ee ku sugan dhinaca Degmada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.
Waxa uu intaasi ku daray in qorshaha nabadeynta uu sahli doono inay xuquuqdooda helaan Ciidamada Qalabka Sida ee ka hawlgala gobolkaasi.
"Askariga federaal ah ama Ciidanka Nabad Sugidda ka tirsan ama Booliska Soomaaliyeed ka tirsan ama Ciidanka Xoogga Dalka ka tirsan, waxa uu ahaa wuu ahaanayaa. Kii intaas aan ahayn magac kale ayaa loo bixinayaa, xuquuqna waa la siinayaa.” Ayuu yiri Cabdirashiid Janan.
Janan ayaa intaasi ku daray "Nimankaas heshiis baan la aadaynaa, waxaad tihiin baana tihiin, waxaana la keeni doonnaa nidaam lagu heshiiyo. Guddiyo ayaa la qabanayaa, dib-u-heshiisiin sax ah oo ciidankii diriray lagu heshiinayo baan ka shaqeynaynaa.”
Hadalka ka soo yeeray Cabdirashiid Janan ayaa ku soo aadaya, xilli uu weli taagan yahay khilaafka Dowladda Federaalka kala dhexeeya Jubbaland.


0 




Cabdirashiid Janan oo sheegay in ciidamada ku sugan Gobolka Gedo ay ku biirayaan Jubbaland
.