
Pakistaan oo War ka soo saartay halka ay marayo sii deynta shaqaale lagu haysto Soomaaliya.
Wuxuu tilmaamay in mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn uu yahay goobta lagu hayo shaqaalaha, taas oo uu sheegay inay ku taallo deegaan iskiis isu maamula oo ka tirsan Soomaaliya, arrintaasna ay adkeynayso dadaallada lagu doonayo in shaqaalaha si ammaan ah lagu soo furto.
Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in wadahadallada lala yeelanayo burcad-badeedda ay yihiin caqabad kale, isagoo xusay in xaaladda ay sii murjisay qaab-dhismeedka qabaa’ilka Soomaaliya iyo saameynta ay leeyihiin qaar ka mid ah dadka deegaanka.
Pakistan ayaa sheegtay inay weli rajo ka qabto in horumar laga sameeyo dadaallada lagu sii deynayo shaqaalaha, iyadoo Islamabad ay xiriir joogto ah la leedahay dowladda Soomaaliya, maamulka deegaanka iyo hay’adaha caalamiga ah.
Dowladda Pakistan ayaa sidoo kale sheegtay inay si buuxda u fahamsan tahay walaaca iyo xanuunka ay qabaan qoysaska shaqaalaha la haysto, iyadoo xaqiijisay in dadaallada lagu doonayo soo celintooda ay weli socdaan.
Wasaarada Arrimaha Dibadda Pakistan ayaa ugu dambeyn sheegtay in hay’adaha ay khuseyso ay si dhow ula socdaan xaaladda, isla markaana ay iska kaashanayaan dowladda Soomaaliya iyo dhinacyada caalamiga ah sidii loo heli lahaa xal ammaan ah oo lagu soo furayo shaqaalaha markabka Honor 25


0 




Pakistaan oo War ka soo saartay halka ay marayo sii deynta shaqaale lagu haysto Soomaaliya.
.