Lafta-gareen oo war yaab leh ka soo saaray doorashada guddoomiyaha BF Soomaaliya

0
Saturday August 08, 2026 - 11:33:35 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 46
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Lafta-gareen oo war yaab leh ka soo saaray doorashada guddoomiyaha BF Soomaaliya

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

 Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo xaaladda guud ee Koonfur Galbeed.

 
 
 
 
 
 
 
 

Lafta-gareen oo weli sheeganaya inuu yahay Madaxweynaha sharciga ah ee Koonfur Galbeed ayaa shaaca ka qaaday in aysan qayb ka ahayn doorashada Muqdisho ka socoto ee lagu doonayo in lagu soo buuxiyo kursigii Baarlamaanka ee uu baneeyay Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe)

Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in aysan jirin cid wakiil uga doorashadaas oo ay ku tartami doonaan xildhibaanno kasoo jeedo Koonfur Galbeed Soomaaliya.

 

"Dowladda Koonfur Galbeed Waxa ay cadeynaysaa in aysan qeyb ka ahayn doorashada sharcidaradda ah ee uu Xasan Shiikh ka wado Muqdisho, qeyb kama nihin, mana aqoonsanin cid wakiil nooga ahna majirto,”

Cabdicasiis Lafta-gareen oo haatan dibad joog ah ayaa sidoo kale sheegay in ay weli ku howlan yihiin sidii loo xoreyn lahaa Koonfur Galbeed, ayna sii wadi doonaan howlgallada ay ka wadaan aagga magaaada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

"Dowladda Koonfur Galbeed waajibaadkeeda u yaallo kaliya waxa waaya gobbanimada, xornimada iyo sidii ay usoo celin lahayd dowladnimada Koonfur Galbeed oo ay gumaysiga uga dulqaadi lahayd”.

 

Dhinaca kale, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo ah afhayeenka Lafta-gareen oo isaguna shir jaraa’id qabtay ayaa faah-faahiyay go’aannadooda, wuxuuna sheegay in gebi ahaanba aysan aqoonsaneen Baarlamaan Soomaaliyeed oo dalka ka jira, isaga oo uu sheegay inuu ka dhammaaday muddo xileedka.

"Dowladda koonfur Galbeed Soomaaiya ma aqoonsana Baarlamaan Soomaaliyeed oo maanta ka jiro Soomaaliya, sababtoo ah Baarlamaanka waqtigiisu waa dhacay,” ayuu isna yiri afhayeenka Cabdicasiis Lafta-gareen.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan magaalada Muqdisho ay ka socoto qaban-qaabadii ugu dambeysay ee doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka, waxaana ugu cad-cad musharrax Xidhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo hadda ah Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, kaas oo sidoo kale taageero way ka helaya Villa Soomaaliya.

xigasho:-caasimadda.net




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip