Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Duqa magaalada Bristol + Sawirro

0
Tuesday August 11, 2026 - 11:44:46 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 56
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Duqa magaalada Bristol + Sawirro

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

 Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku qaabilay Duqa Magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska Yaasiin Maxamuud, oo asal ahaan Soomaali ah, isla markaana haatan booqasho ku joogo magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay Yaasiin Maxamuud dadaalka uu muujiyay iyo hoggaamintiisa Bristol oo kamid ah magaalooyinka ugu muhiimsan dalka Ingriiska.

"Waxaan Madaxtooyada ku qaabilay Duqa magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska, Mudane Yaasiin Maxamuud, oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo hoggaamiya mid ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee dalka Ingiriiska. Waxaan si gaar ah ugu bogaadiyay Mudane Yaasiin dadaalka iyo hoggaaminta uu ku muujiyay magaalada Bristol iyo guusha uu ka gaaray hoggaaminta mid ka mid ah magaalooyinka muhiimka ah ee dalka Ingiriiska,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

 

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in guushiisa ay sharaf wayn u tahay guud ahaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool dalka dibaddiisa, kuwaas oo fursado muhiim ah ka helay dalalka ay ku nool yihiin.

"Guushiisa iyo doorkiisa hoggaamineed waxa ay sawir wanaagsan ka bixinayaan kartida, aqoonta iyo awoodda dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan jiilka Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha, kuwaasi oo fursad u helay in ay kaalin muuqata ka qaataan hoggaaminta iyo horumarinta bulshooyinka ay ku nool yihiin,” ayuu sii raaciyay.

Horay waxaa Duqa Magaalada Bristol u qaabilay Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, isaga oo la wadaagay, sida ay magaalada Muqdisho uga soo kabanayso burburkii soo gaaray, gaar ahaan horumarka muuqda ee dhanka kaabeyaasha ah iyo muhiimadda ay leedahay in dowladaha hoose ee Muqdisho iyo Bristol is-dhaafsadaan khibradaha maamulka iyo adeegyada bulshada.

 

Sidoo kale, wuxuu Duqa Bristol uga mahadceliyay booqashada uu ku yimid caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho si uu indhihiisa ugu arko dib-u-dhiska baaxadda leh ee ka socda dalkeenna gaar ahaanna caasimadda ummadda Soomaaliyeed.

Kulankaas waxaa Ra’iisul wasaaraha ku wehlinayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip