
Sawirro: Xamza oo maanta Muqdisho ka furay shirka…
Shirweynahan ayaa diirradda lagu saaraya xoojinta wax-soo-saarka gudaha, horumarinta beeraha iyo kobcinta maalgashiga.
Ra’iisul Wasaaraha Xamza ayaa sheegay in qabashada shirweynaha NAFIS 2026 uu xambaarsan yahay farriin muhiim ah oo muujinaysa jihada cusub ee hoggaanka qaranka, kaasi oo salka ku haya qorshaha isbeddelka qaranka (NTP) iyo dadaallada lagu horumarinayo dhaqaalaha, laguna kordhinayo wax-soo-saarka iyo abuurista fursadaha maalgashiga ee dhinacyada Beeraha.
Xamza ayaa xusay in Soomaaliya ay leedahay fursado waaweyn oo dhanka wax-soo-saarka cuntada, oo ay saldhig u yihiin dhulkeenna ballaaran ee ku habboon beeraha, khayraadka biyaha iyo awoodda bulshada Soomaaliyeed oo xilligan u diyaarsan in ay gaaraan isku filnaansho dhanka cuntada ah.
"Waxaan hubaa in maalgashiga Beeraha iyo Nidaamka cuntada uu muhiim u yahay dalkeenna iyo guud ahaan Geeska Afrika. Wax-soo-soo saarka dalkeennu waxa uu kor u qaadaya dhaqaalaha dalka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.
Waxa uu intaas kusii daray "Waxa uu kobcinayaa kaabeyaasha horumarineed ee gobolka, waxa uunna fursad siinayaa dhallinyarada Soomaaliyeed, waanna billowga dakhliga iyo xaqiijinta isku-filnaanshaha cuntada dalka.”
Ugu dambeyntiina, ra’iisul wasaaraha ayaa ka dhawaajiyay in aysan Soomaaliya sidii hore ahayn oo isbeddel lagu sameeyay qorshayaasha qaranka, sidaas darteedna hay’adaha ka howlgala dalkeenna ay taas ogaadaan, ayna muhiim tahay in ay ula shaqeeyaan dowladda sida ay u horumartay, ayna u dajisay qorshayaasha lagu tagayeynayo dowladnimada, kuwaas oo ka tarjumaya Soomaaliyada cusub.















0 



Sawirro: Xamza oo maanta Muqdisho ka furay shirka…
.