Puntland oo xeradii sadexaad kala wareegtay ciidamada taabacsan DF Soomaaliya

0
Saturday August 08, 2026 - 18:41:43 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 49
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo xeradii sadexaad kala wareegtay ciidamada taabacsan DF Soomaaliya

    ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,

 Ciidamada difaaca Puntland ayaa maanta la wareegay xeradii saddexaad oo ay horay ugu sugnaayeen ciidamada taabacsan Dowladda Federaalka ee ku sugan deegaannada maamulkaasi, kuwaas oo horay dagaallo ula galay maamulka Madaxweyne Saciid Deni.War-saxaafadeed kasoo baxay Taliska Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in maanta ciidamadu ay la wareegeen xarun ay magaalada Carmo ku lahaayeen ciidamada dowladda ee ku sugnaa halkaasi, kuwaas oo ay Puntland ku eedeysay inay wadeen falal lagu khal-khalgelinayo amniga deegaannadaasi.

"Dawladda Puntland ayaa maanta si rasmi ah ula wareegtay talis ciidan oo ku yaalla magaalada Carmo, kaas oo ay hore u deggenaayeen maleeshiyaad hubaysan kuwaas oo degaannada Puntland ka waday falal lagu khal-khalgalinaayo amniga iyo xasiloonida bulshada,” ayaa lagu yiri qoraal.

 

Sidoo kale, Puntland ayaa la wareegista xeradan ku tilmaamtay inay qayb ka tahay tallaabooyinka ay ku xaqiijinayso amniga, kala dambeynta iyo awoodda hay’adaha dowliga ah ee deegaannada maamulkaasi.

Waxaa kale oo warsaxaafadeedka lagu sheegay in taliska Carmo ay hadda si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada Puntland, isla markaana ay sugeen amniga guud ee taliska iyo maamulka goobta.

"Ciidamada Puntland ayaa si buuxda ula wareegay xarunta, waxaana la xaqiijiyey amnigeeda iyo maamulka goobta, iyadoo la faray dhammaan dhinacyada hubaysan inay u hoggaansamaan hay’adaha sharciga ah ee Dawladda Puntland,” ayaa lasii raaciyay bayaanka.

 

Puntland ayaa sidoo kale intaas kusii dartay in ay sii wadeyso howlgallada ka dhanka ah ciidamada taabacsan ee dowladda ee ku sugan gobollada maamulkaasi, si loo soo afjaro ciidamada kasoo horjeedo maamulka.



"Dawladda Puntland waxay caddeyneysaa inay sii wadi doonto tallaabooyinka lagu xoojinayo amniga iyo ilaalinta shacabka, iyadoo dhammaan hawlgallada lagu fulinayo si waafaqsan sharciga iyo Dastuurka Puntland,” ayaa lagu soo gabagabeeyay warsaxaafadeedka.

Howlgalkan waxaa ka horeeyay kuwa kale oo ka dhacay Boosaaso iyo Gaalkacyo oo Puntland ay kula wareegtay laba talis oo ay magaalooyinkaas ku lahaayeen ciidanka gaarka ah ee PSF-ta ee taabacsan Dowladda Soomaaliya.

 

Xaaladda Puntland ayaa ah mid kacsan, taas oo ka dhalatay dhaq-dhaqaaqyada hubeysan ee u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kuwa maamulkaas oo dhawaan ku dagaalamay magaalooyin ka tirsan Puntland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip