
Sababta Masar uga baaqatay heshiiska difaac ee Turkiga, Sacuudiga iyo Pakistan
Markii hoggaamiyeyaasha Sacuudiga, Turkiga iyo Pakistan ay Jimcihii magaalada Makka ku soo bandhigeen heshiis cusub oo difaac wadajir ah, hal dal oo si weyn uga dhex muuqday dadaalladii diblomaasiyadeed ee ka horreeyay heshiiska ayaa ka maqnaa munaasabadda: Masar.Heshiiska oo loogu magac daray Mecca Joint Defense Agreement, ayaa dhigaya in weerar hubeysan oo dibadda kaga yimaada mid ka mid ah saddexda dal loo aqoonsan doono weerar lagu qaaday dhammaantood.
Rayed Krimly, wasiir ku-xigeenka Sacuudiga ee diblomaasiyadda dadweynaha, ayaa sheegay in heshiisku u oggolaanayo saddexda dal inay "horumariyaan awoodaha difaac ee wadajirka ah, xoojiyaan awoodda ka-hortagga, sare u qaadaan diyaargarowga, isla markaana sii mideeyaan awoodahooda difaac si wadajir ah looga hortago khatar kasta oo amnigooda ku soo wajahan.”
Heshiiska ayaa yimid kadib bilo ay Sacuudiga, Turkiga, Pakistan iyo Masar si dhow uga wada shaqeynayeen dadaallo lagu dejinayo xiisadaha gobolka, gaar ahaan dagaalkii Iran iyo Mareykanka oo saameyn xooggan ku yeeshay dalalka Khaliijka iyo isu-socodka maraakiibta tamarta.
Afarta dal waxay lixdii bilood ee lasoo dhaafay yeesheen kulamo xiriir ah, wada-hadallo hoose, xiriirro taleefan oo heer sare ah iyo dadaallo ay dhinacyada isku hayay ugu gudbinayeen farriimo diblomaasiyadeed.
Hase yeeshee markii iskaashigaas loo beddelay heshiis rasmi ah oo difaac, Masar waxay dooratay inay bannaanka ka joogto.
Ilo ku dhow wada-hadallada Pakistan ayaa Mada Masr u sheegay in Qaahira lagu casuumay inay heshiiska qeyb ka noqoto, balse ay diidday.
Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa Sabtidii xaqiijiyay in madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu doonayo in isbahaysiga la ballaariyo, Masarna ay ka mid tahay dalalka uu jeclaan lahaa inay ku soo biiraan.
"Masar mar horeba waa saaxiibkeen dabiiciga ah dhammaan arrimaha,” ayuu yiri Fidan. "Waxaan aaminsanahay in marxaladda xigta Masar ay sidoo kale naga mid noqon doonto. Durba waxaan ula dhaqannaa sidii dalal xulufo ah. Waxaa jira arrimo farsamo oo yar, marka kuwaas la dhammeeyana ma jirto sabab Masar aysan qeyb uga noqon.”
Laakiin dhinaca Qaahira, arrintu sidaas uma fududa.
Maxay Masar ka baqeysaa?
Saraakiil iyo diblomaasiyiin Masri ah ayaa sheegaya in sababta ugu weyn ee Qaahira uga baaqatay aysan ahayn khilaaf ay kala dhexeyso Turkiga, Pakistan ama Sacuudiga, balse ay tahay nooca siyaasadeed ee heshiiska cusub.
Masar waxay heshiiska u aragtaa mid ka baxsan difaac wadajir ah oo keliya, una dhow dhismaha xero siyaasadeed oo uu Sacuudigu hoggaaminayo.
Qaahira waxay xiriir wanaagsan la leedahay dalalka heshiiska saxiixay, laakiin ma rabto inay gasho isbahaysi xaddidi kara awooddeeda ay si madax-bannaan ugu maareyso xiriirrada gobolka.
Fidan wuxuu heshiiska Makka ku tilmaamay mid la mid ah qodobka shanaad ee heshiiska NATO, kaas oo dhigaya in weerar lagu qaado hal xubin loo arko weerar ka dhan ah dhammaan xubnaha.
"Taasi waa sababta loo sameeyo heshiis amni,” ayuu yiri. "Taasi ayaana ah sababta dalal kale ugu dambeyn ugu biiraan isbahaysi — si ay uga faa’iideystaan ilaalinta midba midka kale.”
Muddo sanado ah gobolka waxaa laga hadlaayay fikradda dhismaha waxa mararka qaar loogu yeero "NATO Carbeed”, iyadoo Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ay labaduba isku dayeen inay door hoggaamineed ku yeeshaan nidaam amni oo cusub oo Bariga Dhexe laga hirgeliyo.
Si kastaba, ilo Turki ah ayaa hoos u dhigay fikradda ah in qodobka difaaca wadajirka ahi si toos ah waddamada ugu khasbayo inay dagaal galaan.
Sarkaal Turki ah ayaa sheegay in haddii mid ka mid ah dalalka la weeraro ay u badan tahay in marka hore guddiyo saddex geesood ah ay qiimeeyaan xaaladda, kadibna go’aan laga gaaro tallaabada la qaadayo.
"Qodobka sheegaya in weerar lagu qaado hal waddan uu yahay weerar lagu qaaday saddexdaba waa arrin aad u culus, waana mid u eg qodobka shanaad ee NATO,” ayuu yiri.
Laakiin wuxuu intaas ku daray in fulinta heshiiska ay u badan tahay inay ku xirnaato hannaan wada-tashi iyo codbixin.
Sarkaalku wuxuu sheegay in iskaashiga ugu horreeya uusan qasab ahaan noqon doonin ciidamo si wadajir ah u dagaallama, balse uu xoogga saari karo isdhaafsiga xogta sirdoonka iyo xogta radar-ka.
"Waxaan u arkaa isbahaysigan inuu yahay xudunta dallad ka-hortag oo ka bilaaban karta bariga Mediterranean-ka kuna fidi karta Badda Carabta,” ayuu yiri.
Heshiis difaaca Sacuudiga?
Diblomaasi Carbeed oo hore uga soo shaqeeyay Turkiga ayaa qaba in heshiiska, marka dhinaca awoodda militariga laga eego, uu dhab ahaan aad uga faa’iido badan yahay Sacuudiga marka loo eego labada dal ee kale.
"Ma filayo in qof uu aaminsan yahay in haddii Turkiga la weeraro uu u baahan doono ciidamada Sacuudiga ama xitaa Pakistan,” ayuu yiri.
Sidoo kale wuxuu shaki geliyay in Turkey ama Pakistan ay dagaal toos ah ula geli doonaan Iran ama dal kale si ay Sacuudiga u difaacaan.
"Haddii Sacuudigu wajaho khatar militari oo la mid ah tii dalalka Khaliijka ka dhalatay duullaankii Ciraaq ee Kuwait, ma Turkiga iyo Pakistan oo keliya ayuu u carari lahaa?” ayuu weydiiyay.
"Jawaabtu waa maya. Wuxuu u baahnaan lahaa isbahaysi dalal diyaar u ah dagaal oo Mareykanku hoggaaminayo, sida kii xoreeyay Kuwait.”
Aragtidaas waxaa la wadaaga qaar ka mid ah saraakiisha Masar.
Sarkaal sare oo Masri ah ayaa sheegay in inkastoo dalalka Khaliijka ay mararka qaar ka caroodaan siyaasadaha Washington, haddana aysan jirin beddel dhab ah oo ay u haystaan Mareykanka marka laga hadlayo ammaankooda istiraatiijiga ah.
"Ma noolaan karaan Mareykanka la’aantiis,” ayuu yiri sarkaalku.
Wuxuu sheegay in iskaashiga ay la sameeyaan Turkey, Pakistan, Masar ama dalal kale uu noqon karo mid kaabaya nidaamka jira, balse uusan beddeli karin kaalinta Mareykanka ee difaaca Khaliijka.
Taasi waxay qeyb ka tahay sababta Qaahira aysan ugu qanacsaneyn inay gasho heshiis sharci ahaan ama siyaasad ahaan ku qasbi kara inay qeyb ka noqoto difaaca Sacuudiga.
Sarkaal hore oo Masri ah ayaa si cad u yiri: "Masar kuma biiri doonto isbahaysi militari oo Sacuudigu hoggaaminayo.”
Maxay Qaahira rabtaa?
Taas macnaheedu ma aha in Masar ay diidan tahay dhammaan iskaashiga amni ee Sacuudiga.
Qaahira waxay hore ugu biirtay qaab-dhismeedka iskaashiga dalalka ku teedsan Badda Cas ee uu Sacuudigu hoggaamiyo, maadaama ay u aragto Badda Cas meel si toos ah ugu xiran amniga qaranka Masar.
"Farqigu wuxuu yahay in iskaashiga Badda Cas uu ku saabsan yahay xog-wadaag, wada-tashi iyo difaaca Badda Cas, ee uusan ahayn difaaca Sacuudiga,” ayuu yiri sarkaalka hore ee Masar.
Sarkaal kale ayaa sheegay in wasiirrada arrimaha dibadda Masar iyo Qatar ay hore uga wada hadleen sida Qaahira uga qeyb qaadan karto nidaam cusub oo amni oo gobolka laga hirgeliyo.
Laakiin wuxuu sheegay in Masar aysan taageersaneyn nidaam ballaaran oo amni oo aan Carab ku koobneyn, gaar ahaan mid ay Turkiga iyo Pakistan door weyn ku leeyihiin.
"Masar ma taageersana inay qeyb ka noqoto nidaam amni oo aan Carbeed ahayn,” ayuu yiri.
Masar sidoo kale waxay qabtaa in haddii Sacuudigu u baahan yahay taageero militari oo dalalka Carabta ah, ay hore u jirto Heshiiska Difaaca Wadajirka Carabta, kaas oo labada dalba xubno ka yihiin.
Sidaas darteed, ilo diblomaasiyadeed ayaa ku doodaya in heshiiska Makka uu leeyahay muhiimad siyaasadeed oo ka weyn tan militari.
Diblomaasiga Carbeed ayaa sheegay in fariinta Riyadh ay tahay: "Waxaan awoodnaa, waxaana dhiseynaa istiraatiijiyad difaac oo cusub oo ka gudbaysa nidaamkii hore ee jiray.”
Danaha Turkiga iyo Pakistan
Turkiga iyo Pakistan-na waxay heshiiska ka leeyihiin xisaab siyaasadeed iyo mid istiraatiiji ah.
Il Turki ah ayaa tilmaamay xiriirka sii xoogeysanaya ee India la leedahay Israel iyo Greece, isagoo sheegay in Ankara iyo Islamabad ay arkaan isbeddel juqraafi-siyaasadeed oo labada dhinacba saameynaya.
"India oo deris la ah Pakistan waxay xiriir buuxa la leedahay Israel, oo ku dhow Turkiga. India iyo Israel labaduba waxay sidoo kale xiriir la leeyihiin Greece,” ayuu yiri.
Sida uu sheegay isha, arrimahaas waxay Ankara iyo Islamabad ku riixayaan inay iyaguna dhistaan shabakad iskaashi oo ka tarjumeysa isbeddelada cusub ee gobolka.
Ka hor dagaalkii Gaza ee billowday 2023, India waxay ku dhawaaqday mashruuca India–Middle East–Europe Economic Corridor, oo qorshihiisu ahaa in India iyo Yurub lagu xiro dekedo iyo tareenno mara Imaaraadka, Sacuudiga, Jordan, Israel iyo Greece.
Laakiin dagaalladii iyo khilaafaadkii gobolka ka dhacay ayaa beddelay xisaabihii siyaasadeed iyo dhaqaale, iyadoo dalal badan ay bilaabeen inay raadiyaan waddooyin kale oo ay ku xaqiijinayaan danahooda.
Masar ayaa iyaduna ku dhex jirta isla shabakaddaas xiriirrada isdiidan.
Diblomaasi hore oo Carbeed ayaa sheegay in Qaahira aysan dooneyn heshiis difaac oo Turkey ay qeyb ka tahay xilli ay xiriir istiraatiiji ah la leedahay Greece iyo Cyprus.
Sidoo kale waxay dooneysaa inay sii ballaariso xiriirkeeda dhaqaale ee India, taas oo ka dhigeysa mid aan jeclayn inay si cad ugu soo biirto xero uu Pakistan door muuqda ku leeyahay.
Waxaa arrinta sii adkeynaya loollanka sii muuqda ee Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ee hoggaanka iyo saameynta gobolka.
Qaahira waxay ilaa hadda isku dayday inay ka fogaato inay si cad dhinac uga raacdo Riyadh ama Abu Dhabi.
Sarkaal hore oo Masri ah ayaa sheegay in Masar ay Sacuudiga ugu baahan tahay arrimo badan oo siyaasadda dibadda ah, gaar ahaan marka laga hadlayo Sudan iyo Soomaaliya, halka Imaaraadku dhinaca kale yahay maal-galiye aad muhiim ugu ah dhaqaalaha Masar.
Sidaas darteed Qaahira waxay dooneysaa inay xiriirka labada dhinacba ilaashato.
Aragtidaas ayaa sharxaysa sababta Masar, inkastoo ay qeyb muhiim ah ka ahayd dadaalladii diblomaasiyadeed ee gogosha u xaadhay iskaashiga cusub, ay uga maqneyd sawirkii Jimcihii laga qaaday Makka.
Marka laga eego dhinaca Qaahira, ku biirista heshiiska cusub ma aha oo keliya go’aan ku saabsan difaac wadajir ah. Waxay sidoo kale ka dhigan tahay doorasho xero siyaasadeed oo gobolka ah — doorasho aysan Masar xilligan diyaar u ahayn inay sameyso.


0 




Sababta Masar uga baaqatay heshiiska difaac ee Turkiga, Sacuudiga iyo Pakistan
,