Golaha Mustaqbalka oo ku baaqay ficil ka dhan ah Xasan Sheekh kadib hubkii Gaalkacyo

0
Wednesday August 05, 2026 - 09:49:51 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 77
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Mustaqbalka oo ku baaqay ficil ka dhan ah Xasan Sheekh kadib hubkii Gaalkacyo

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

 Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag uga falceliyey hub iyo ciidamo la sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay geysay magaalada Gaalkacyo, kaddib iska-horimaad ka dhacay dhinaca koonfureed ee magaalada oo sababay dhaawaca ugu yaraan laba qof.Golaha oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiin mucaarad ah ayaa ku eedeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu magaalada Gaalkacyo ka abuurayo xiisad colaadeed oo halis gelin karta nabadda, xasilloonida iyo wada-noolaanshaha bulshada ku dhaqan deegaannada Galmudug iyo Puntland.

"Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu si adag u cambaareynayaa hubka iyo ciidamada uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku daabulayo magaalada Gaalkacyo,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed uu goluhu soo saaray Talaadadii.

Iska-horimaadka ayaa qarxay kaddib markii hub laga dejiyey dhinaca Galmudug ee magaalada ay dhexda u galeen rag hubeysan, kuwaas oo la sheegay inay la wareegeen qayb ka mid ah saanadda oo gaadiid lagu raray.

Ciidamada ammaanka Galmudug ayaa la sheegay inay bilaabeen howlgal ay ku doonayeen inay kusoo ceshadaan hubka, waxaana halkaas ka dhacay dagaal sababay dhaawaca laba qof. Xaaladda magaalada ayaa kacsaneyd saacado kaddib iska-horimaadka.

Gaalkacyo colaad uma baahna’

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in Gaalkacyo ay tobankii sano ee lasoo dhaafay kasoo kabanaysay dagaallo iyo colaado sokeeye oo sababay dhimasho, barakac iyo burbur dhaqaale.

"Waa ayaan-darro in Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday uu colaad hor leh ka hurinayo magaalada, dibna uga abuurayo xasillooni-darro amni,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Gaalkacyo waxay ka kooban tahay laba dhinac oo ay kala maamulaan Puntland iyo Galmudug, balse bulshada magaalada ayaa wadaaga ganacsi, adeegyo iyo xiriirro qoys iyo dhaqan.

Golaha ayaa sidoo kale sheegay inay la yaab leh tahay in dowladda federaalka ay hub iyo ciidamo u adeegsato xiisado siyaasadeed, xilli kooxda Al-Shabaab ay dib ula wareegeyso deegaanno ay horay uga saareen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Baaq loo diray bulshada

Mucaaradka ayaa ugu baaqay maamullada Galmudug iyo Puntland, isimada dhaqanka, culimada, waxgaradka iyo ururrada bulshada rayidka inay si wadajir ah uga shaqeeyaan dejinta xaaladda.

Goluhu wuxuu si gaar ah uga digay in khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo Puntland uu isu beddelo dagaal ka qarxa Gaalkacyo.

"Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan qeybaha bulshada inay si wadajir ah uga hortagaan colaadda uu Madaxweyne Xasan Sheekh ka hurinayo Gaalkacyo,” ayuu goluhu yiri.

Puntland ayaa sheegtay in hubka laga dejiyey dhinaca Galmudug loo qorsheeyey in loo gudbiyo deegaannada ay maamusho, balse hay’adaha ammaanka iyo dadka deegaanka ay hor istaageen.

Maamulka Puntland wuxuu sidoo kale uga digay shacabka inay ka feejignaadaan waxa uu ku tilmaamay faragelin amni oo lagu doonayo in lagu dhaawaco dowladnimada iyo xasilloonida deegaannada maamulkaas.


XIGASHO:-CAASIMADDA.NET

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip