
Kumuu ahaa Weriye Maxamuud Cabdi Ducaale oo saacado ka hor ku geeriyooday London?
Alle ha u naxariistee, waxaa saacado ka hor magaalada London ku geeriyooday weriyihii rugcadda ahaa ee Maxamuud Cabdi Ducaale, oo ka mid ahaa haldoorkii ugu magaca dheeraa warbaahinta Soomaaliyeed.
Marxuum Maxamuud Cabdi Ducaale ayaa muddo ka badan nus qarni ka soo shaqeynayay saxaafadda, isagoo door muuqda ka soo qaatay horumarinta warbaahinta Soomaaliyeed.
Intii uu ku jiray xirfaddiisa wuxuu ka soo shaqeeyay Radio Muqdisho, Laanta Af-Soomaaliga ee BBC, iyo dhowr telefishan oo waaweyn oo Soomaaliyeed.
Ducaale ayaa sidoo kale ka mid ahaa wariyayaashii ka soo warrami jiray dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana lagu xusuustaa warbixinno sugan, wareysiyo xirfad sare leh iyo codkiisii degganaa ee ay si weyn u jeclaayeen dhageystayaasha Soomaaliyeed.
Sida uu sheegay weriye Axmed Siciid Cage, oo muddo la soo shaqeeyay marxuumka, Maxamuud Cabdi Ducaale wuxuu sidoo kale soo saari jiray barnaamij caan ah oo ku saabsanaa wax-soo-saarka beeraha.
Intii uu ka howlgalayay BBC-da, gaar ahaan illaa sannadkii 2000, wuxuu caan ku ahaa diyaarinta warar iyo barnaamijyo tayo sare leh.
Sanadihii u dambeeyay, wariye Ducaale wuxuu daadihin jiray barnaamijka "Xusuus Reeb” ee ka bixi jiray Horn Cable TV, kaas oo si weyn uga dhex muuqday bulshada Soomaaliyeed, wuxuuna noqday rugcaddaa ay ku daydaan jiilal badan oo wariyeyaal ah.
Inkastoo aan si rasmi ah loo hayn taariikhda dhalashadiisa, waxaa loo badinayaa inuu dhashay dabayaaqadii sanadihii 1950-meeyadii.
Wuxuu shaqada warbaahinta ka bilaabay horraantii 1970-meeyadii isagoo ka howlgalayay qeybta wararka iyo barnaamijyada ee Radio Muqdisho.
Allaha u naxariistee Maxamuud Cabdi Ducaale ayay dadkii geeridiisa ka tacsiyeeyay ku sifeeyeen tiir weyn oo ka baxay warbaahinta Soomaaliyeed, wuxuuna ka tagay dhaxal warbaahineed qani ah iyo sumcad wanaagsan oo ay weligeed ku xusuusan doonaan bahda warbaahinta iyo shacabka Soomaaliyeed.



0 



Kumuu ahaa Weriye Maxamuud Cabdi Ducaale oo saacado ka hor ku geeriyooday London?
.