
Puntland oo ku dhawaaqday go'aan uga sii daraya xiisadda kala dhexeysa DF Soomaaliya
Wasaaradda Amniga Puntland oo warsaxaafadeed kasoo saartay shir ku saabsan amniga deegaannada maamulkaas ayaa ku dhawaaqday go’aanno xasaasi ah oo uga sii dari kara xiisadda siyaasadeed ee haatan kala dhexeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya.
"Dadka magacaaban ee darajooyinka iyo xilalka ka haya Dowladda Federaalka oo raba inay qas iyo dhibaato ka abuuraan Puntland kama soo geli karaan dhammaan xuduudaha iyo garoomada Puntland,” ayaa lagu yiri go’aanka.
"Waxaan Dowladda Federaalka uga digeynaa hubka sharci darrada ah oo ay kusoo daabuleyso gudaha deegaanada Puntland , kana soo dajineyso garoomada. Sidoo kale waxaan uga digeynaa in aysan diyaaradaha soo qaadin hub sharci darro ah, diyaaraddii soo qaadda wixii soo gaara ayadaa mas’uul ka ah,” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Puntland.
Sidoo kale, Puntland ayaa deegaannadeeda ka mamnuucday in dhaq-dhaqaaq ay ka sameeyaan maleeshiyaadka hubeysan, sidoo kalena ciidamo laga qorto.
Si kastaba, go’aankan ayaa u muuqda mid uu maamulka Puntland oo xiisad siyaasadeed kala dhaxeyso hoggaanka Dowladda Federaalka uga hortagayo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ay dowladda ka sameyso deegaanno ka tirsan Puntland, xilli ay maalmihii u dambeeyay waday qorshe lagu doonayay in dib loogu hawlgeliyo cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga oo hore ugu sugnaa deegaannadaas.


XIGASHO:-CAASIMADDA.NET


0 


Puntland oo ku dhawaaqday go'aan uga sii daraya xiisadda kala dhexeysa DF Soomaaliya
.