Warbaahinta,fanaaniin iyo marti sharaf xaflad sagootin ah loogu sameeyay Villa Hirshabelle

0
Sunday June 14, 2026 - 19:13:15 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 81
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbaahinta,fanaaniin iyo marti sharaf xaflad sagootin ah loogu sameeyay Villa Hirshabelle

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa munaasabad sagootin ah aqalka madaxtooyadda ugu sameeyay bahda Warbaahinta, Hoballada Qaranka Waberi iyo marti-sharaf kale oo magaalada Jowhar u yimid xarig-jarka mashaariicda kala duwan.

Ugu horeyn Agaasimaha Bariga iyo Bartamaha Afrika ee Telefishinka Universal Cabdullaahi Xersi Kulmiye ayaa tilmaamay shaqo boogaadin mudan inuu madaxweynaha ka qabtay Hirshabeelle.

"Caalamka oo dhan markay arkeen Madaxtooyo iyo Meel saan u iftiimaysa waxa ay iswaydiinayeen halkaan ma Soomaaliyaa, MW Cali Guudlaawe Mahadsanid, Umadda Soomaaliyedna Waa ku ogtahay Waxqabadkaaga”ayuu yiri Agaasime Xirsi.

Maareeyaha Golaha Murtida iyo Madadaallada Qaranka Soomaaliyeed Abwaan Cusmaan Cabdullaahi Guurre ayaa waxqabadka Hirshabeelle ku tilmaamay cadceed aan sacabada lagu qarin karin.


Xildhibaan Maxamed Deeq Barre "Fiyoore” oo kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka Federalka lagana soo doorto Hirshabelle oo ka hadlay munaasbadan ayaa ku tilmaamay dhismaha villa Hirshabelle inay tahay astaan lagu faani karo.

"Madaxtooyada Hirshabeelle waa dhisme ay ku faani karaan dhammaan umadda Soomaaliyeed, waana astaan muujinaysa horumarka iyo dowlad-dhiska Hirshabeelle, Waxaan uga mahadcelinayaa Madaxweyne Cali Guudlaawe dadaalka lagu hirgeliyay.”

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle, Mudane Cabdixakiim Luqmaan Xaaji ayaa uga mahadceliyay dowlada Hirshabelle mashaariicda laga hirgeliyay caasimada Jowhar,

"Habeenadii u dambeeyay baraha bulshada waxaa si weyn looga hadal hayay Hirshabeelle, Waxaan uga mahadcelinayaa Madaxweyne Cali Guudlaawe dadaalka iyo hoggaaminta uu ku gaaray horumarka maanta muuqda.”ayuu yiri Guddoomiye Luqmaan.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa dhammaan dadkii goobta ku sugnaa uga mahadceliyey garabka walaal ay Hirshabeelle u muujiyeen taasina ay tahay mid diiwaan gaar ah ugu qoran.

"Farriinteenna inay meel sare gaarto idinka ayaa sababay, dhammaanteen waan guulleysan.”ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabelle.

Magaalada Jowhar ee xarunta dowlada Hirshabelle ayaa dhawaan Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu xariga jaray dhismaha Madaxtooyada Hirshabelle,xarumo loo dhisey wasaarado iyo wadooyin laami ah oo laga hirgeliyay magaalada Jowhar.

xaflad sagootin ah oo ka dhacday villa hirshabelle

1 of 10

 
XIGASHO:-JOWHAR.COM


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip