
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo saxiixay xeer cusub oo lagu adkeynayo nadaafadda iyo maareynta qashinka Muqdisho
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa si rasmi ah u saxiixay xeer cusub oo lagu nidaaminayo nadaafadda, maareynta qashinka iyo ilaalinta deegaanka ee caasimadda, kaas oo maamulka ku tilmaamay kii ugu horreeyay ee si gaar ah uga hadla arrimahan.
Munaasabadda saxiixa waxaa ka qeyb galay guddoomiye ku xigeennada gobolka, khubaro sharci iyo qaanuun oo ka qeyb qaatay diyaarinta xeerka, mas’uuliyiin ka socday hay’adaha garsoorka oo ay ku jiraan maxkamadaha iyo xafiisyada xeer ilaalinta, xubno ka tirsan dowladda, xildhibaanno, odayaal, aqoonyahanno, culimo iyo wakiillo ka socday bulshada rayidka ah.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in xeerkan uu soo maray daraasado sharciyeed iyo wada-tashiyo ballaaran oo lala yeeshay dhinacyada ay khuseyso, si loo helo hannaan sharci oo wax ku ool ah oo wax uga qabta caqabadaha la xiriira nadaafadda magaalada iyo qashin maareynta.
Khudbadihii laga jeediyay munaasabadda ayaa lagu adkeeyay in nadaafaddu ay saldhig u tahay caafimaadka bulshada iyo bilicda magaalooyinka, iyadoo sidoo kale la xusay in qashinka si habboon loo maareeyo uu isu beddeli karo khayraad dhaqaale, sida tamar ama waxyaabo dib loo warshadeyn karo.
Mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha garsoorka ayaa sheegay in xeerka cusub uu buuxinayo farqi sharci oo jiray, maadaama aysan hore u jirin qodobo cad oo lagu qaado tallaabooyin ka dhan ah dadka ku xadgudba nadaafadda caasimadda.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa sheegay in xeerkan uu saldhig u noqon doono dadaallada lagu horumarinayo nadaafadda Muqdisho isla markaana kor loogu qaadayo caafimaadka iyo bilicda guud ee magaalada.
"Laga bilaabo maanta, ku xadgudubka nadaafaddu wuxuu noqonayaa jebinta xeer sharciyeed, waxaana ka dhalan kara digniin, ganaax lacageed, hakinta rukhsadaha ama xitaa kala noqoshadooda, iyadoo ku xiran heerka xadgudubka,” ayuu yiri guddoomiyuhu.
Wuxuu ugu baaqay shacabka, ganacsatada iyo hay’adaha kala duwan inay si wadajir ah uga shaqeeyaan dhaqangelinta xeerkan cusub, si loo xaqiijiyo magaalo nadiif ah oo u adeegta caafimaadka iyo daryeelka deegaanka.


0 



Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo saxiixay xeer cusub oo lagu adkeynayo nadaafadda iyo maareynta qashinka Muqdisho
.