
Baarlamaanka Carabta oo cambaareeyay ku dhawaaqista safaarad lagu sheegay inay Somaliland ka furanayso Qudus
Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al-Yamaaxi, ayaa si adag u cambaareeyay wararka ku saabsan furitaanka safaarad lagu sheegay inay leedahay Somaliland oo laga hirgelinayo magaalada Qudus ee la haysto.
Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay in tallaabadan ay ka hor imanayso sharciga caalamiga ah isla markaana ay taageero u tahay isku day kasta oo lagu beddelayo xaaladda sharci iyo siyaasadeed ee magaalada Qudus.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Qudus ay tahay magaalo Falastiini ah oo leh maqaam uu aqoonsan yahay sharciga caalamiga ah iyo go’aannada Qaramada Midoobay.
Guddoomiyuhu waxa uu sidoo kale sheegay in tallaabooyinka noocan oo kale ah ay dhiirrigelin karaan siyaasadaha la xiriira dhul ballaarinta iyo isbeddellada lagu sameynayo xaaladda magaalada, xilli uu tilmaamay inay weli socdaan colaadaha ka jira dhulka Falastiin.
Ugu dambeyn, Baarlamaanka Carabta ayaa ugu baaqay beesha caalamka iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay qaadaan tallaabooyin lagu ilaalinayo xaaladda sharci iyo taariikheed ee magaalada Qudus, isagoo mar kale adkeeyay taageeradiisa buuxda ee madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.



0 



Baarlamaanka Carabta oo cambaareeyay ku dhawaaqista safaarad lagu sheegay inay Somaliland ka furanayso Qudus
.