
Koofur galbeed oo soo saartay go'aano amni oo lagu sugayo Baydhabo.
.
Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guddoomiyey Shirka Amniga Koofur Galbeed, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta amniga guud ee deegaannada Koofur Galbeed iyo dardargelinta howlaha lagu sugayo nabadgelyada shacabka.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Amniga iyo saraakiisha ciidamada kala duwan kuwaas oo warbixinno ka siiyey Hogaamiyaha xaaladda amni ee deegaannada Koonfur Galbeed iyo qorshayaasha lagu xoojinayo sugidda amniga.
Shirka ayaa lagu soo saaray go’aano la xiriira Amniga oo ay kamid yihiin in Askari aan wadanin Dareeska Ciidamada aan qori ku dhexwadan karin Gudaha Magaalada, in Baabuurta Dagaalka aan ku dhex socon Gudaha Magaalada hadaysan ku jirin Howlgal iyo in la bilaabi doono Howlgalo Qorshaysan oo lagu Furaayo Wadooyinka Degmooyinka Koonfur Galbeed.
Hoggaamiyaha Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo bulshada si loo xaqiijiyo amni waara, isaga oo faray laamaha amniga inay sii laba jibbaaraan dadaallada lagu ilaalinayo nabadgelyada iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed.


0 




Koofur galbeed oo soo saartay go'aano amni oo lagu sugayo Baydhabo.
.