Koox burcad badeed ah oo isku dhiibay Puntland

0
Sunday June 14, 2026 - 11:15:17 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 68
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Koox burcad badeed ah oo isku dhiibay Puntland

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.
Maamulka Puntland ayaa sheegay in saddex ka mid ah kooxda burcad-badeeda ee haysatay markabka MV Sward ay isu soo dhiibeen dowladda, kadib cadaadis iyo howlgallo ka socday xeebaha gobolka Mudug.

Raggan ayaa la sheegay inay isu dhiibeen odayaasha dhaqanka degmada Jariiban, iyagoo sheegay inay ka baxeen falalka burcad-badeednimada isla markaana ay cafis ka dalbanayaan dowladda Puntland.

Odayaasha deegaanka ayaa dowladda Puntland ka codsaday in cafis loo fidiyo raggan, waxaana maamulka uu aqbalay codsigaasi kadib shir ay yeesheen odayaasha iyo taliyaha saldhigga degmada Jariiban.

Puntland ayaa muddooyinkii dambe xoojisay howlgalada ka dhanka ah burcad-badeeda ee ka socda xeebaha gobollada Mudug, Karkaar iyo Bari, halkaas oo weli lagu haysto saddex markab oo ay afduubteen kooxaha burcad-badeeda.

Maamulka Puntland ayaa horay u sheegay inuu sii wadi doono dagaalka ka dhanka ah burcad-badeeda iyo kooxaha kale ee amniga qalqal geliya ee ka howlgala xeebaha maamulkaasi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip