
Horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay Hirshabelle.
War-saxaafadeed kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in ciidamada hay’adda oo kaashanaya saaxiibo caalami ah ay weerarro ka fuliyeen deegaannada Masaajid Cali Gaduud iyo Buq-aqable, halkaasi oo lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo la sheegay inay abaabullo ka wadeen goobahaasi.
NISA ayaa sheegtay in howlgalkaasi lagu dilay 23 maleeshiyo oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kadib weerar qorsheysan oo ay fuliyeen ciidamada dowladda iyo saaxiibada caalamka.
Dhanka kale, howlgal labaad oo ka dhacay deegaanka Buq-aqable ee Gobolka Hiiraan ayaa lagu dilay shan xubnood oo kale iyo horjooge lagu magacaabay Cabdiraxmaan, oo loo yaqaanay Cabdi Mudallib, kaas oo NISA ay sheegtay inuu ahaa horjoogihii qaraxyada Al-Shabaab ee Gobolka Hiiraan.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, horjoogahan ayaa lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa abaabulka iyo qorsheynta weerarro ka dhacay degmooyinka Buulo-burde iyo Jalalaqsi.
Hay’adda NISA ayaa xustay in howlgalladan ay qeyb ka yihiin dadaallada lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab, si loo xoojiyo amniga iyo xasilloonida dalka.


0 




Horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay Hirshabelle.
,