
Shariif oo shaaciyay qodobada lagu heshiiyay in lagu damiyo xiisada Muqdisho.
Heshiiska lagu xakameynayo xiisadda ayaa ka kooban shan qodob oo muhiim ah:
In la kala qaado ciidamada labada dhinac si loo yareeyo xiisadda colaadeed.
In dib loo bilaabo wadahadalladii siyaasadeed ee looga arrinsanayay masiirka dalka iyo hanaanka loo wajahayo marxaladda kala guurka siyaasadeed.
In loo oggolaado ciidamada la sheegay in la soo khalday inay qaataan gaadiidkii laga gubay iyo agab kale.
In ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan u dhawaan karin xarunta cusub ee xisbiga Himilo Qaran ee ku taalla degmada Cabdi Casiis gaar ahaan xeebta Liido.
Horumarkan siyaasadeed ayaa meesha ka saaraya hadalladii dowladda ee ahaa in mucaaradka awood ciidan lagu maquuniyay ama ay isa soo dhiibeen, iyadoo heshiiskan uu muujinayo dadaal cusub oo lagu dejinayo xaaladda siyaasadeed ee dalka.
Sidoo kale, heshiiska ayaa loo arkaa tallaabo Soomaaliya ugu sii dhawaaneyso hannaan doorasho iyo kala guur siyaasadeed oo loo dhan yahay.


0 




Shariif oo shaaciyay qodobada lagu heshiiyay in lagu damiyo xiisada Muqdisho.
.