
Dagaalkii ugu cuslaa oo ka socda Muqdisho
.
Muqdisho ayaa saaka ku waabariisatay dagaallo culus oo habeenkii oo dhan ka socday guryaha ay degan yihiin Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sharif Sheikh Ahmed, iyo Ra’iisul Wasaarihii hore, Xasan Cali Kheyre.
Wararka laga helayo goobaha colaadda ayaa sheegaya in weerarka ugu xooggan uu hadda ka socdo agagaarka guriga Xasan Cali Kheyre ee degmada Howlwadaag, halkaas oo dagaal culus iyo rasaas joogto ah laga soo sheegayo.
Dhanka kale, agagaarka guriga Sheekh Shariif ee degmada Cabdicasiis ayaa la sheegayaa in ay ka socoto rasaas goos-goos ah, kaddib saacado badan oo iska horimaadyo xooggan ay ka jireen halkaasi.
Ilo ku sugan goobaha dhacdooyinka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada taageersan Sheekh Shariif ay isku fidiyeen waddooyinka iyo aagagga muhiimka ah ee ku dhow xaruntiisa, arrintaas oo la sheegay inay saameyn ku yeelatay jihada iyo culayska weerarrada socda.


0 



Dagaalkii ugu cuslaa oo ka socda Muqdisho
.