Garoonka Muqdisho oo saaka xiran, xilli uu dagaal culus ka socdo Muqdisho.

0
Thursday June 04, 2026 - 09:22:25 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 77
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garoonka Muqdisho oo saaka xiran, xilli uu dagaal culus ka socdo Muqdisho.

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.
Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde iyo Dekedda Muqdisho ayaa saaka xiran, iyadoo dagaalka ka socda magaalada uu galay saacaddii 15-aad oo xiriir ah.
Magaalada Muqdisho ayaa saaka ku waabariatay xaalad amni oo aad u kacsan, iyadoo xalay inteeda badan ay shacabka ku hoydeen cabsi iyo welwel ka dhashay dagaallada iyo madaafiicda la isku adeegsanayo.
 
Wararka laga helayo xaafado kala duwan ayaa sheegaya in rasaas culus iyo madaafiic laga maqlayo inta badan degmooyinka gobolka Banaadir, taasoo sababtay in dad badan ay bilaabaan inay ka barakacaan qaar ka mid ah xaafadaha magaalada.
 
Dadka deegaanka ayaa sheegay in madaafiicda waaweyn ee la adeegsanayo ay gaareyso meelo ka baxsan goobaha dagaalka, taasoo sii kordhisay cabsida shacabka. Dhaqdhaqaaqyo barakac ah ayaa saaka laga dareemayaa waddooyinka ka baxa magaalada, iyadoo qoysas badan ay raadinayaan goobo ammaan ah.
 
Ilaa hadda ma jiraan tirooyin rasmi ah oo laga soo saaray khasaaraha ka dhashay dagaallada socda, waxaana weli jira walaac laga qabo in xaaladdu sii xumaato haddii aan la helin xal degdeg ah oo lagu dejiyo xiisadda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip