
Mucaaradka iyo Dowladda oo Abaabul Ciidan ka wada Muqdisho iyo xiisad hor leh
Wararka laga helayo magaalada ayaa sheegaya in hoggaamiyeyaasha mucaaradka qaarkood ay dageen xaafado ka tirsan degmooyinka Gobolka Banaadir, halkaas oo ay ka wadaan abaabulka bannaanbaxyada iyo kulamo siyaasadeed oo la xiriira qorshahooda.
Dhanka kale, xaafadda Mirinaayo ayaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo uu wado Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, taasoo muujinaysa sare u kaca dhaq-dhaqaaqyada mucaaradka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa iyaduna kordhisay feejignaanta amni, iyadoo ciidamo badan la dhigay waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, si looga hortago xaalado amni darro iyo rabshado ka dhasha bannaanbaxyada la qorsheeyay.
Bannaanbaxyadan ayaa ku soo aadaya xilli dalka uu wajahayo xaalad siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo ay jiraan khilaafyo la xiriira arrimaha doorashooyinka, amniga, hannaanka dowlad-dhiska iyo maamulka dalka. Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa dowladda ku eedeeyay inay ku fashilantay wax ka qabashada caqabadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee dalka ka jira.


0 



Mucaaradka iyo Dowladda oo Abaabul Ciidan ka wada Muqdisho iyo xiisad hor leh
.