Dowladda federaalka iyo saraakiisha Gobolka Bay oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Baydhabo

0
Saturday May 30, 2026 - 14:30:32 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 67
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda federaalka iyo saraakiisha Gobolka Bay oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Baydhabo

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

 Wasaaradda arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo saraakiisha ammaanka ee Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay si buuxda gacanta ugu dhigeen xaaladda amni ee magaalada Baydhabo, kadib dagaallo saaka ka dhacay magaalada iyo duleedkeeda.

 

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha, Sadaad Maxamed Caliyow, ayaa sheegay in ciidamo hubeysan ay weerar kusoo qaadeen Baydhabo, balse ay la kulmeen iska caabin xooggan oo uga timid ciidamada ammaanka iyo kuwa dowladda federaalka.

Wasiir Sadaad ayaa sheegay in dagaalladu ka dhaceen meelo kala duwan, gudaha iyo bannaanka magaalada, isagoo xusay in ciidamadii weerarka soo qaaday lagu jebiyay dagaalka isla markaana laga qabsaday gaadiid dagaal.

"Waxay damacsanaayeen inay gudaha u soo galaan magaalada si ay qalalaase uga abuuraan, balse ciidamada ammaanka ayaa ka hortagay qorshahaas, waxaana hadda magaalada ka jira xasillooni,” ayuu yiri Wasiir Sadaad.

Dhankiisa, Taliyaha Booliska gobolka Baay, Sadiiq Doodishe, ayaa sheegay in kooxo uu ku tilmaamay "maleeshiyaad iyo kooxo dambiilayaal ah” ay isku dayeen inay khal-khal amni ka abuuraan Baydhabo, balse ciidamada ammaanka ay si degdeg ah u soo afjareen weerarka.

 

Isagoo la hadlay warbaahinta, Doodishe wuxuu sheegay in ciidamada dowladda ay dib u soo celiyeen deganaanshaha magaalada, inkastoo uusan faahfaahin ka bixin khasaaraha ka dhashay dagaallada.

Taliyuhu wuxuu sidoo kale xaqiijiyay in ciidamo federaal ah la geeyay magaalada si loo xoojiyo amniga, hase yeeshee wuxuu ka gaabsaday inuu ka hadlo wararka la xiriira dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay iska horimaadyada.

Warar madax-bannaan oo laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in dagaalku sababay khasaaro soo kala gaaray dhinacyadii dagaallamay, Tiradaas ayaan weli si rasmi ah u xaqiijin mas’uuliyiinta dowladda.

Dowladda federaalkaiyo saraakiisha Gobolka Bay oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Baydhabo





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip