Taliska Ciidanka Xoogga Soomaaliya oo kulan degdeg ah ka yeeshay xaaladda amni ee Baydhabo

0
Saturday May 30, 2026 - 09:33:35 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 56
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliska Ciidanka Xoogga Soomaaliya oo kulan degdeg ah ka yeeshay xaaladda amni ee Baydhabo

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa yeeshay kulan degdeg ah oo lagu qiimeynayay xaaladda amni ee magaalada Baydhabo, kaddib dagaal iyo rabshado saaka ka dhacay magaaladaasi.

 Kulanka oo socday saacado badan ayaa waxaa guddoomiyay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, Sarreeye Guuto Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro), oo tan iyo 15-kii May ku sugnaa Baydhabo.
 
Saraakiisha ammaanka ayaa warbixinno ka dhegeystay Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Gaashaanle Isaaq Berdaale, kaas oo faahfaahiyay xaaladda amni ee magaalada, caqabadaha jira iyo qorshayaasha lagu xoojinayo sugidda amniga.
 
Kulanka ayaa sidoo kale lagu faray ciidamada ku sugan Baydhabo inay adkeeyaan tallaabooyinka amniga iyo ilaalinta goobaha muhiimka ah, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray dhaq-dhaqaaqyada kooxaha hubeysan ee ka howlgala hareeraha magaalada.
 
Wararka ayaa sheegaya in maamulka federaalka iyo hay'adaha ammaanka ay sare u qaadeen dadaallada lagu xaqiijinayo xasilloonida Baydhabo, xilli magaalada ay ka taagan yihiin xiisado siyaasadeed oo la xiriira geeddi-socodka doorashooyinka maamulka Koonfur Galbeed.
 
Dhanka kale, doorashooyinka qof iyo cod ayaa bishii May ka dhacay deegaanno ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo la filayo in dhawaan la doorto hoggaanka cusub ee maamulkaasi.
 
Mas'uuliyiinta ammaanka ayaa sheegay in iskaashiga u dhexeeya hay'adaha federaalka iyo kuwa heer dowlad-goboleed uu door muhiim ah ka qaadanayo ilaalinta nabadda iyo xasilloonida magaalada Baydhabo

Taliska Ciidanka Xoogga Soomaaliya oo kulan degdeg ah ka yeeshay xaaladda amni ee Baydhabo




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip