Soomaaliya oo xoojinaysa xiriirka Bangiga Horumarinta Afrika xilli ay waddo dib-u-habayn dhaqaale

0
Friday May 29, 2026 - 14:22:24 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 25
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya oo xoojinaysa xiriirka Bangiga Horumarinta Afrika xilli ay waddo dib-u-habayn dhaqaale

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Wasiirka Maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Biixi Imaan Cige, ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika, Dr. Sidi Ould Tah, intii uu socday shir-sanadeedka Bangiga oo ka qabsoomaya magaalada Brazzaville ee Jamhuuriyadda Congo.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarka ay Soomaaliya ka sameysay dib-u-habaynta dhaqaalaha, xoojinta koboca dhaqaale iyo sidii loo kordhin lahaa maalgashiga iyo taageerada horumarineed ee dalka.

Wasiirka Maaliyadda ayaa soo bandhigay dadaallada dowladda Federaalka ay ku dooneyso dib-u-dhiska hay’adaha dhaqaalaha iyo kobcinta fursadaha maalgashi, iyadoo Soomaaliya ay dadaal ugu jirto inay soo jiidato taageero caalami ah kadib sanadihii ay wajahayeen caqabado dhaqaale iyo amni.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay doorka Bangiga Horumarinta Afrika ee taageeridda mashaariicda muhiimka ah ee la xiriira kaabeyaasha dhaqaalaha, adeegyada bulshada iyo dib-u-dhiska dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay sii wadi doonto qorshayaasha dib-u-habaynta dhaqaalaha, iyadoo mudnaan gaar ah siinaysa kobcinta maalgashiga, abuurista shaqooyin cusub iyo horumarinta adeegyada aasaasiga ah si loo taageero kobaca dhaqaalaha dalka.

 

Bangiga Horumarinta Afrika ayaa ka mid ah hay’adaha maaliyadeed ee sida dhow ula shaqeeya Soomaaliya, waxaana uu taageero siiya mashaariicda horumarinta iyo qorshayaasha dib-u-soo kabashada dhaqaalaha dalka.

Soomaaliya oo xoojinaysa xiriirka Bangiga Horumarinta Afrika xilli ay waddo dib-u-habayn dhaqaale




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip