Iiraan iyo Mareykanka oo gaaray heshiis lagu kordhinayo xabbad-joojinta.

0
Friday May 29, 2026 - 14:38:40 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 44
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Iiraan iyo Mareykanka oo gaaray heshiis lagu kordhinayo xabbad-joojinta.

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.
Mareykanka iyo Iiraan ayaa Khamiistii gaaray heshiis lagu kordhinayo xabbad-joojintooda isla markaana lagu qaadayo xayiraadaha maraakiibta ee marinka Hormuz, sida ay Reuters u sheegeen ilo xog-ogaal ah. Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wali ma ansixin heshiiska, warbaahinta dowladda Iraan-na waxay sheegtay inaan weli si rasmi ah loo dhammeystirin qodobada heshiiska.     

Heshiiskan cusub ayaa kordhinaya muddada xabadda, taas oo lagu daray muddo gaareysa 60 maalmood, wuxuuna oggolaanayaa in dib loo furo isu socodka maraakiibtu marinka hormuz, iyadoo ergadu ay sii wadi doonaan ka shaqeynta arrimaha barnaamijka nukliyeerka Iraan.

     Haddii hoggaanka Washington iyo Tehran ay ansixiyaan, tani waxay noqon doontaa tallaabadii ugu weynayd ee nabad lagu gaaro tan iyo markii colaadda ay bilaabatay 28-kii Febraayo.

 

Ilo-wareedyadu waxay sheegeen in Trump aanu wali ansixin heshiiska, halka dhanka Iiraan weli aysan wax faallo ah ka bixin wararka ku saabsan heshiiska la soo jeediyay, kaas oo markii ugu horreysay ay werisay Axios.

 

Wakaaladda wararka Iraan ee Tasnim, oo soo xiganaysa ilo ku dhow kooxda u qaabilsan wadaxaajoodka ayaa sheegeysa in qoraalka heshiiska aan wali la dhammeystirin

 

      "Wali ma aanan gaarin meesha kama dambaysta ah, balse aad ayaan ugu dhow nahay, waxaana sii wadi doonnaa shaqada arrintan,” ayuu Madaxweyne Ku-xigeenka Mareykanka JD Vance u sheegay wariyeyaasha kula hadlayey magaalada Washington.

 

"Ma dammaanad qaadi karo inaan halkaas gaari doonno, balse hadda waxaan dareemayaa rajo wanaagsan,” ayuu yiri Vance.

 

Maamulka Trump ayaa dhowr jeer sheegay in heshiis lagu soo afjarayo dagaalka uu dhow yahay, balse Iraan ayaa marar badan beenisay ama ku tilmaamtay kuwo aan cago badan ku taagneyn




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip