
Qalbi Dhagax oo si adag u naqdiyay Fahad Yaasiin iyo Farmaajo oo dusha ka saaray…
Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) ayaa naqdiyay wareysi uu bixiyay agaasimihii hore ee Nabad-sugidda, Fahad Yaasiin, kaas oo sheegay in dhiibistii Qalbi Dhagax ay isu bahaysteen afar koox oo uu ku sheegay "jilaa, doqon iyo shirqool,” balse uusan magac-dhabin cidda uu ula jeeday.
Wuxuu beeniyay in ay jirto lacag uu ka helay Fahad Yaasiin, kaas oo hore u sheegay inuu Hargeysa ugu diray $20,000. Qalbi Dhagax ayaa arrintaas ku tilmaamay waxba kama jiraan, isagoo sheegay in haddii lacagtaas la siin lahaa xilligaas ay urur ahaan baahi weyn u qabeen, maadaama ay ku jireen dagaal xornimo-doon ah.
Mar uu ka hadlayay kiiska Ikraan Tahliil, ayuu sheegay in Fahad Yaasiin uu isagu maleegay kiiskaas, isla markaana uu marin habaabiyay shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in sheekooyin been abuur ah lagu qariyay kiiska Ikraan, laguna eedeeyay koox uu ka mid ahaa ra’iisul wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble.
Qalbi Dhagax ayaa sidoo kale sheegay in dowladdii hore ee Xasan Sheekh aysan jirin khatar uga imanaysay isaga, isla markaana uu xilliyada qaar magaalada Muqdisho ku isticmaali jiray gaadiidka dadweynaha.
Sidoo kale, mar uu ka hadlayay booqasho uu xabsiga ugu tegay taliyihii Nabad-sugidda xilligii la dhiibayay, Cabdullaahi Maxamed Cali "Sanbaloolshe,” ayuu sheegay in qorshaha uu markaas u socday uu ahaa amar ka yimid Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo Sanbaloolshe ka dalbaday inuu soo ogaado halka uu ku dambeeyay, nolol iyo geeri.
"Waxaan Sanbaloolshe weydiiyay sababta ay Itoobiya iigu dhiibeen, wuxuuna yiri, ‘Waan isku kaa badbaadinaynay.’ Intaas ayuu iigu soo koobay warka,” ayuu yiri Qalbi Dhagax.
Qalbi Dhagax ayaa intaas raaciyay in Farmaajo uu rabay inuu hadlo, shacabka Soomaaliyeedna u sheego inuu isagu isu dhiibay Itoobiya.
Wareysi uu dhawaan bixiyay Fahad Yaasiin ayaa dhaliyay falcelin, waxaana ka mid ah inuu soo hadlay Qalbi Dhagax, oo sheegay in Fahad uusan waxba ka ogeyn dhiibistii ay dowladdii Farmaajo u dhiibtay Itoobiya.
XIGASHO:-CAASIMADDA,NET


0 




Qalbi Dhagax oo si adag u naqdiyay Fahad Yaasiin iyo Farmaajo oo dusha ka saaray…
.