Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya

0
Monday May 18, 2026 - 14:20:22 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 94
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa isku dayga weerarka loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu bartilmaameedsaday Boqortooyada Sacuudi Carabiya, kuwaas oo la qabtay lana burburiyey kadib markii ay galeen hawada dalkaasi.

Dowladda Soomaaliya waxay weerarradan ku tilmaantay xadgudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo khatar ku wajahan nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Soomaaliya waxay markale xaqiijineysaa garab istaaggeeda buuxa ee ay la leedahay Boqortooyada walaalaha ah ee Sacuudi Carabiya, iyadoo muujisay taageeradeeda dhammaan tallaabooyinka lagu ilaalinayo amniga, xasilloonida iyo midnimada dhuleed ee dalkaasi.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay adkeyneysaa in weerarrada lagu beegsanayo amniga dowladaha iyo kaabeyaasha muhiimka ah ay wiiqayaan xasilloonida wadajirka ah ee gobolka, isla markaana ay halis gelinayaan sii kordhinta xiisadaha ka jira gobolka.

Soomaaliya waxay ugu baaqeysaa dhammaan dhinacyada is-xakameyn, ixtiraamka sharciga caalamiga ah, iyo in la xoojiyo dadaallada lagu ilaalinayo amniga iyo xasilloonida guud ee gobolka.



 

XIGASHO:-SONNA.SO


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip