Guddiga Doorashooyinka oo sheegay in tirinta codadka Doorashada Koonfur Galbeed lasoo gabagabeeyay

0
Tuesday May 12, 2026 - 14:37:39 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 76
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga Doorashooyinka oo sheegay in tirinta codadka Doorashada Koonfur Galbeed lasoo gabagabeeyay

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

 Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Qaranka ayaa war cusub kasoo saaray howlaha tirinta codadka doorashooyinka "hal qof iyo hal cod” ee xubnaha goleyaasha deegaanka iyo Baarlamaanka Koonfur Galbeed, kuwaas oo ka dhacay 13 degmo oo ka tirsan maamulkaasi.

 

Guddoomiyaha guddiga, Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa sheegay in howlaha tirinta, gudbinta iyo hubinta natiijooyinka doorashooyinka ay u socdaan si hufan oo waafaqsan sharciga doorashooyinka qaranka.

Cabdikariin ayaa sheegay in guddigu uu si rasmi ah u xaqiijinayo, iyadoo loo marayo qodobka 61-aad ee sharciga doorashooyinka qaranka, in la soo gabagabeeyay tirinta codadka dhammaan xarumaha codbixinta.

Waxa uu sidoo kale xusay in la dhameystiray dhammaan habraacyadii la xiriiray xiritaanka goobaha codbixinta iyo soo afjaridda tirinta codadka, sida ku cad qodobka 21-aad ee sharciga doorashooyinka.

Guddoomiyaha guddiga ayaa intaa ku daray in dhammaan natiijooyinka xarumaha codbixinta loo gudbiyay guddiga, islamarkaana ay hadda ku guda jiraan xaqiijinta iyo hubinta sharciyadda natiijooyinka kahor inta aan si rasmi ah loogu dhawaaqin natiijada kama dambaysta ah ee doorashada.

Guddiga Doorashooyinka oo sheegay in tirinta codadka Doorashada Koonfur Galbeed lasoo gabagabeeyay


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip