
MW Xasan Sheekh iyo mucaaradka oo shir ku yeelanaya Xerada Xalane.
Kulankan ayaa ka dhacaya xarun ku taalla gudaha Xalane, waxaana isku keenaya wakiillo caalami ah iyo dhexdhexaadiyayaal reer galbeed ah oo door weyn ka qaadanaya dadaallada lagu dejinayo xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya.
Dhinaca Dowladda Federaalka waxaa kulanka uga qeybgalaya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka, halka Golaha Mustaqbalka ay matalayaan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.
Kulankan ayaa imanaya xilli ay cirka isku shareertay xiisadda siyaasadeed ee dalka, islamarkaana mucaaradka ay wadaan abaabullo siyaasadeed iyo bannaanbaxyo looga soo horjeedo dowladda.
Indhaha siyaasadda Soomaaliya ayaa hadda kusoo jeeda Xalane, iyadoo si weyn loo sugayo in kulankan uu horseedo is-afgarad cusub oo dhinacyada isku soo dhaweeya ama uu sii kordhiyo cadaadiska siyaasadeed ee taagan.


0 




MW Xasan Sheekh iyo mucaaradka oo shir ku yeelanaya Xerada Xalane.
.