
Imaaraadka Carabta"waxay si qarsoodi ah ugu lug lahayd 'weeraradii Iran"
Haddii la xaqiijiyo warkan waxay Imaaraadka ka dhigi karta dhinac si toos ah ugu lug leh colaadda Iran.
Ilo ku dhow arrintan oo la hadlay WSJ ayaa sheegay in weerarrada, oo Imaaradka aysan si rasmi ah u xaqiijin, ay ka mid ahaayeen duqeyn lagu beegsaday warshad sifeynta shidaalka oo ku taal Jasiiradda Labuan ee Gacanka Faaris.
Horraantii April, isla waqtigii uu Donald Trump ku dhawaaqayay xabbad-joojin, waxaa sidoo kale dhacay duqeymo dhanka cirka ah oo lagu beegsaday xarumo shidaal oo Iran leedahay oo ku yaalla jasiirado iyo dhulalka xeebaha ee shirkadda National Iranian Oil Company, taasoo sababtay dab ballaaran isla markaana qayb weyn oo ah warshadda Lavan ka saartay adeegga muddo bilo ah.
Iran ayaa markaas sheegtay in warshadda lagu beegsaday "weerar cadow ka yimid,” waxayna ku jawaabtay iyadoo gantaallo iyo drones ku garaacday Imaaraadka iyo Kuwait.


0 




Imaaraadka Carabta"waxay si qarsoodi ah ugu lug lahayd 'weeraradii Iran"
.