Somaliland oo sheegtay in ay rajo ka qabto in Maamulka Waqooyi Bari uu dib ula midoobo

0
Wednesday May 06, 2026 - 13:42:44 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 65
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland oo sheegtay in ay rajo ka qabto in Maamulka Waqooyi Bari uu dib ula midoobo

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi, ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ay rajo ka qabto in deegaannada Maamulka Waqooyi Bari ay mustaqbalka dib ula midoobaan Somaliland.

 

Wasiirka ayaa hadalkan ka jeediyay munaasibad lagu soo dhaweeyay Suldaan Abuubakar Cilmi Wabar, oo maanta dib ugu soo laabtay Hargeysa, kana noqday aragtidiisii hore ee Soomaaliweyn.

"Sida uu walaalkeen Wabar usoo noqday ee uu maanta inoola joogo ayay kuwa Laascaanood joogaana inoogu soo noqonayaan inshallah, waa laga shaqeeya, cid xukuumada ka mid ah ayaa ka shaqaynaysa, dad badan ayaa inagala shaqaynaya, way inoo imanayaan xiligeeda haddii Alle yidha, Somaliland oo wada jirta oo horumartay waa himilada Madaxweynaha" ayuu yidhi Wasiirku.

Dhanka kale, Madaxweynaha Somaliland ayaa dhawaan sheegay in xukuumaddiisu ka shaqaynayso sidii loo gaadhi lahaa heshiis nabadeed oo dhex mara Somaliland iyo Maamulka Waqooyi Bari, isaga oo xusay in sidoo kale la qorshaynayo sidii loo gaadhi lahaa heshiis horseeda is-weydaarsiga maxaabiista.

Si kastaba ha ahaatee, Maamulka Waqooyi Bari ayaa dhankooda ka jawaabay hadalladaas, iyaga oo sheegay in aanay jirin wax wadahadallo ah oo hadda socda, isla markaana ay Somaliland dhibaato u geysatay shacabka deegaannadooda, iyaga oo been abuur ku tilmaamay hadalka ka soo yeedhay Madaxweynaha Somaliland.

 

Arrintan ayaa muujinaysa kala aragti duwanaanta u dhexaysa labada dhinac, iyadoo hadallada siyaasadeed ee is diidan ay weli sii hurinayaan xiisadda ka taagan gobollada Sool, Sanaag iyo deegaannada ku xeeran.

Somaliland oo sheegtay in ay rajo ka qabto in Maamulka Waqooyi Bari uu dib ula midoobo




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip