
Mucaaradka oo ku Baaqay Dibadbaxyo Ballaaran oo Muqdisho ka Dhacayo 10-ka May
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheikh Sharif Sheikh Axmed ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in aan laga aamusi karin dhibaatooyinka ay wajahaan shacabka caasimadda, gaar ahaan barakicinta lagu sameeyay qoysas badan.
"Shacabka Muqdisho waa in ay si nabad ah usoo baxaan oo ay codkooda muujiyaan” ayuu yiri Sheekh Shariif oo hadalkan u sheegay warbaahinta maxalliga ah ee Muqdisho kadib kulan gaar ah ay yesheen xubnaha mucaaradka oo saacidihii hore ee saakay ku shirsanaa Guriga Madaxweyne Sheekh Shariif.
Hadalka Sheekh Shariif ayaa ku soo aadaya iyadoo ay jiraan hadallo siyaasadeed oo sii xoogeysanaya, isla markaana uu jiro qorshe siyaasadeed oo ay mucaaradku ku sheegeen in uu la xiriira isbeddelka xaaladda dalka, halka dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ay wado dadaallo la xiriira wadahadallo siyaasadeed iyo hanaanka doorashooyinka.
Mudaharaadka ayaa dhacaya 10ka Bishaan May, maalinkaas oo ku beegan xiligga madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay gogosha wadahadalka ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed si looga wada hadlo arrimo ay qeyb ka yihiin Dastuurka iyo Doorashooyinka oo ay labada dhinac ee Dowladda iyo Mucaaradka ay isku hayaan.
XIGASHO:-CAASIMADDA.NET


0 



Mucaaradka oo ku Baaqay Dibadbaxyo Ballaaran oo Muqdisho ka Dhacayo 10-ka May
.