Ra'iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Magacaabay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya

0
Wednesday May 06, 2026 - 13:28:30 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 81
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Magacaabay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa soo saaray wareegto uu ku magacaabayo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, kadib markii uu tixraacay qodobka 120-aad, farqadiisa 2-aad iyo 3-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana uu la tashaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xilka Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska u magacaabay Cabdifataax Qaasim Maxamuud, isagoo tilmaamay baaxadda hawlaha horyaalla xukuumadda iyo baahida loo qabo dardargelinta shaqooyinka muhiimka ah, waxaana xilkii laga qaaday wasiir Daud Aweys oo kamid ahaa wasiirada ugu mudada dheeraa ee xukuumadaani la shaqeeyay.

Ra'iisul wasaare Xamsa ayaa wasiirka cusub kula dardaarmay in uu muujiyo xilkasnimo, hufnaan iyo dadaal dheeri ah oo ku aaddan gudashada waajibaadka loo igmaday.

Waxaa la xusuusan yahay, 21-kii May 2025 in Ra’iisul Wasaaruhu xilka ka qaaday Cabdifataax Qaasim Maxamuud oo markaas ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga laguna badelay Idiris Cismaan Xaaji Cali, iyadoo xiligaasi aan si rasmi ah loo shaacin sababta xil ka qaadistiisa, inkastoo uu markii dambe warbaahinta u sheegay inuu waxbarasho u baxay.

Waxaa xusid mudan in wasiirka cusub ee Warfaafinta uu kamid yahay mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Magacaabay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip