DF Soomaaliya oo ogolaatay banaanbaxa mucaaradka haddii hal mid laga helo

0
Wednesday May 06, 2026 - 22:36:38 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 86
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DF Soomaaliya oo ogolaatay banaanbaxa mucaaradka haddii hal mid laga helo

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan diidaneyn bannaanbax ka dhaca magaalada Muqdisho, xilli mucaaradku uu qorsheynayo dibadbax weyn oo ka dhan ah dowladda.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in dowladda ay diidan tahay in hub la soo qaato, balse aysan ka soo horjeedin qabashada bannaanbax nabadeed.

"Bannaanbax lama diidin, dowladduna ma diidin. Waxa aan ka hadlaynay waa hubka dadka lagu hanjabayo, weli farriintas ayaa direyna in hub aan la soo qaadan karin. Wax hub ah oo la soo qaadan karana ma jirto,” ayuu yiri Wasiir Axmed Macallin Fiqi. 

Wuxuu intaas ku daray: "Bannaanbax aad tabeelahaaga wadatid oo shucuurtaada ku cabbiraysid waa kuu furan yahay. Dadna heli maysid oo dadna kusoo bixi maayaan.”

Sidoo kale, wasiirku wuxuu si weyn u dhaliilay habka ay siyaasiyiinta mucaaradku wax u wadaan, kuwaas oo uu ku eedeeyay inay adeegsanayaan dalal shisheeye.

"Dalkaan wax ka haleysan ma leh, haddii aad qalad sameyso gacanta ayaa lagu qabanayaa,” ayuu yiri Wasiir Fiqi. 

Wasiirka ayaa siyaasiyiinta mucaaradka qaarkood ku tilmaamay "xagjir siyaasadeed”, isagoo weerar aan loo meel-dayin ku qaaday mucaaradka.

Mucaaradka ayaa maanta iclaamiyay dibadbax weyn oo ay qaban doonaan 10-ka bishan, iyagoo reer Muqdisho, gaar ahaan dadkii la barakiciyay ugu baaqay inay si buuxda uga soo qayb-galaan banaanbaxa, isla markaana ay muujiyaan dareenkooda ku aadan ka dhiidhinta "dhul boobka ka socda gudaha caasimada.”

Hoggaanka mucaaradka ayaa uga digay ciidamada inay ku xad-gudbaan dadka isku soo baxaya, isaga oo sheegay in lagula xisaabtami doono fal kasta oo ay gaystaan.

 Mucaaradka ayaa sidoo kale sheegay in hay’adaha Dowladda Federaalka uu ka dhamaaday muddo xileedka, isla markaana aysan haysan wax sharciyad ah.

Si kastaba, isla maalintan ay mucaaradka iclaamiyeen banaanbaxa ayaa ah maalintii uu Madaxweyne Xasan Sheekh qabsaday inay is arkaan isaga iyo mucaaradka, si looga wada-hadlo xaaladda sii cakirmeyso ee siyaasadda, iyadoo weli la isku fahmi la’yahay hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka KMG ah.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip