
DF oo go'aan muddo kordhin ah u gudbisay beesha caalamka + Sawirro
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubnaha beesha caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa maanta kulan xasaasi ah yeeshay, kaas oo looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu muhiimsan tahay muddo xileedka hay’adaha dowladda.
kulanka ayaa waxaa ka qayb-galay wasiirka arrimaha gudaha Cali Yuusuf Cali (Xoosh), Wasiirka cadaaladda Xasan Macallin iyo wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda, kuwaas oo la shiray safiirro iyo wakiillo ka kala socda safaaradaha caalamka ee fadhigoodu yahay Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ee ka howlagala dalka.
Inta uu socday kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda dalka, guulaha ay Soomaaliya ka gaartay fulinta ajendeyaasha qaran iyo hortabinnada dowlad-dhiska.
Wasiirrada ayaa wakiilada caalamka la wadaagay in muddo xileedka hay’adaha dowladda uu ka harsanyahay hal sano, isla markaana uu dhaqangal yahay dastuurka cusub ee dhawaan la ansixiyay.
Sidoo kale saddexda wasiir ayaa xubnaha beesha caalamka ka dalbaday in ay qayb ka noqdaan geeddi socodka doorashooyinka, iyadoo lagu hormarayo madaxda maamul goboleedyada ee uu dhammaaday muddo xileedkooda.
Kulankan wuxuu kusoo aaday, xilli xasaasi ah, maantana uu ku ekaa muddo xileedka Baarlamaanka, maadaama ay u dhammaatay 4 sano ee horay loogu dhaariyay.
Siyaasiyiinta mucaaradka ah oo ay xulafo la yihiin dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubaland ayaa maanta si wadajir ah fariin ugu diraya beesha caalamka, iyagoo ku wargelinaya in uu si rasmi ah u dhammaaday muddo-xileedkii baarlamanka, isla markaana ay jirto baahi loo qabo in cadaadis diblomaasiyadeed la saaro Dowladda Federaalka.
Si kastaba, Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase laga digayaa in dalka uu galo fowdo iyo qalalaase wax u dhimi kara amniga guud ee Qaranka.









0 



DF oo go'aan muddo kordhin ah u gudbisay beesha caalamka + Sawirro
.