
UNICEF oo ka digtay xaalad bani'aadamnimo oo sii xumaanaysa Soomaaliya
Hay’adda UNICEF ayaa ka digtay in xaaladda bani’aadamnimo ee Soomaaliya ay si weyn uga sii darayso, iyadoo tilmaantay in dagaallada Bariga Dhexe iyo carqaladaha ku yimid sahayda caalamiga ah ay caqabad ku noqdeen gaarsiinta gargaarka muhiimka ah.
Agaasimaha guud ee UNICEF, Catherine Russell, ayaa sheegtay in dagaalladu ay noqdeen "dharbaaxo weyn" taas oo si toos ah u saameyneysa howlaha gargaarka ee Soomaaliya.
Waxay xustay in arrintan ay kordhisay qiimaha shidaalka isla markaana ay dib u dhigtay sahayda, taas oo halis gelinaysa nolosha carruurta nugul.
UNICEF waxay sidoo kale sheegtay in sahay gargaar oo qiimaheedu gaarayo $15.7 milyan — oo ay ku jiraan cuntooyinka nafaqada daweynta ah, tallaalada iyo shabaqyada kaneecada — ay halis ugu jiraan dib u dhac ama xannibaad, iyadoo la filayo in kharashaadka gaadiidku uu kordho ilaa 60%, meelaha qaarna uu laba jibbaarmi karo.
Dhanka kale, hoos u dhaca maalgelinta, gaar ahaan tan ka imanaysay Mareykanka ayaa sababay in in ka badan 400 xarumood oo caafimaad iyo nafaqo ah la xiro sanadkii la soo dhaafay, taas oo kumannaan qof ka reebtay adeegyo aasaasi ah, iyadoo laga cabsi qabo in xarumo kale oo dheeraad ah la xiro.
Xaaladda dhulka ayaa sidoo kale aad u liidata, gaar ahaan xeryaha barakacayaasha ee koonfurta dalka maadama Kumannaan qof ay ka barakaceen abaarta daran ee ka dhalatay afar xilli roobaad oo isku xigta oo fashilmay.
Tusaale ahaan, xero ku taalla magaalada Doolow, dadka barakacayaasha ah waxay ku nool yihiin xaalado aad u adag kadib markii ay waayeen dalagyadoodii iyo xooladahoodii.
Shaqaalaha gargaarka ayaa xaqiijiyay in saameynta dhibaatooyinka caalamiga ah ay si toos ah uga muuqato gudaha Soomaaliya, iyadoo kororka kharashaadka iyo yaraanta sahaydu ay sii adkeynayaan bixinta adeegyada.
Qiyaaso dhowaan la sameeyay ayaa muujinaya in ku dhowaad 6.5 milyan oo qof ay la ildaran yihiin gaajo daran, halka la filayo in 1.84 milyan oo carruur ah oo ka yar shan sano ay wajahaan nafaqo-darro daran sanadka 2026.
Xeryaha barakacayaasha, carruurta ayaa la ildaran nafaqo-xumo ba’an, qaarna waxay gaareen heer aysan xitaa ooyi karin, halka qoysas badan ay ku nool yihiin cunto aad u kooban ama cabitaanno fudud si ay u noolaadaan.
Hay’adaha gargaarka ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo kordhiyo taageerada caalamiga ah, maadaama isku darka abaarta, colaadaha iyo carqaladaha sahayda ay khatar weyn ku yihiin sii xumaanshaha xaaladda bani’aadamnimo ee Soomaaliya.


0 




UNICEF oo ka digtay xaalad bani'aadamnimo oo sii xumaanaysa Soomaaliya
.