Dekedda Muqdisho oo maanta gaartay guul weyn oo taariikhi ah

0
Monday March 09, 2026 - 22:32:34 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 51
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dekedda Muqdisho oo maanta gaartay guul weyn oo taariikhi ah

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Dekedda Weyn ee Muqdisho ayaa si rasmi ah ugu biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekedaha International Association of Ports and Harbors (IAPH), oo ah midow caalami ah oo la aasaasay sanadkii 1959, xaruntiisuna tahay magaalada Tokyo ee dalka Japan.

 

Maamulka Dekedda Muqdisho ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in ku biirista ururkan ay tahay tallaabo muhiim ah oo muujinaysa horumarka iyo dadaallada lagu xoojinayo kaalinta dekedda ee ganacsiga iyo gaadiidka badda.

Ururka IAPH ayaa ka kooban in ka badan 190 dekedood oo ku kala yaalla 89 dal oo caalamka ah, wuxuuna door weyn ka ciyaaraa isku xirka dekedaha dunida, horumarinta maamulka dekedaha, iyo wadaagga khibradaha la xiriira howlaha badda iyo ganacsiga.

 

 

Ku biirista midowgan ayaa Dekedda Muqdisho u fureysa fursado cusub oo ay kaga qeyb qaadato shirarka iyo doodaha caalamiga ah ee la xiriira dekedaha, isla markaana ay ula jaanqaaddo hababka casriga ah iyo tiknoolajiyada lagu maamulo dekedaha.

Sidoo kale, arrintan ayaa kor u qaadeysa is-weydaarsiga xogaha iyo khibradaha u dhexeeya dekedaha caalamka, taas oo gacan ka geysan karta horumarinta adeegyada iyo shaqooyinka ka socda Dekedda Muqdisho.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale xusay in midowgan uu dhiirrigeliyo dadaallada lagu ilaalinayo deegaanka badda iyo horumarinta maamulka dekedaha, arrintaas oo muhiim u ah mustaqbalka ganacsiga badda.

 

 

Ku biirista ururkan ayaa la sheegay inay sare u qaadeyso doorka Dekedda Muqdisho ee ka qeyb qaadashada horumarinta ganacsiga iyo isu socodka badeecadaha ee heer gobol iyo heer caalami, iyadoo la xoojinayo xiriirka ay la leedahay dekedaha kale ee dunida.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:

Maamulka Dekedda Muqdisho waxa uu farxad weyn la wadaagayaa bulshada iyo bahda gaadiidka badda in Dekedda Muqdisho si rasmi ah ugu biirtay International Association of Ports and Harbors (IAPH).

 

 

Ururkan caalamiga ah oo xaruntiisu tahay Tokyo – Japan, lana aasaasay sanadkii 1959, waxa uu ka kooban yahay in ka badan 190 dekedood oo ku kala yaalla 89 dal oo adduunka ah.

Ku biirista Dekedda Muqdisho ee midowgan caalamiga ah waxay fursad usiinaysaa:

  • Inay ka qayb qaadato doodaha iyo shirarka caalamiga ah ee dekedaha
  • Inay la jaanqaaddo hababka casriga ah iyo tiknoolajiyada maamulka dekedaha
  • Is-dhaafsiga xogaha iyo khibradaha cusub ee dekedaha
  • Ilaalinta deegaanka badda
  • Aqoon is-weydaarsi la xiriira horumarinta iyo maamulka dekedaha

Tallaabadan muhiimka ah waxay ka tarjumasaa dadaalka joogtada ah ee lagu horumarinayo Dekedda Muqdisho iyo doorkeeda ganacsi ee gobolka iyo caalamkaba.

Turkish Navy Ship F514 docks at the Mogadishu Sea Port following the signing of a defense and economic agreement 

between Somalia and Turkey in Mogadishu, Somalia April 23, 2024 REUTERS/Feisal Omar





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip