
Xasan oo ku dhawaaqay dhaqan-gelinta dastuurka oo ay ku jirto muddo kordhin
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay nuqulka dastuurka cusub ee Soomaaliya, isaga oo ku dhawaaqay dhaqan-galkiisa.
Madaxweynaha ayaa xusay in dastuurkan uu saldhig u noqon doono xoojinta hay’adaha dowladda, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo horumarinta nidaamka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya.
"Maanta waxaa soo gaba-gaboobay safarkii dheeraa ee dib-u-eegista Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo muddo dheer ku-meel-gaar ahaa, isla markaana ay dhowaan ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Ilaahey idankiis, maanta wixii ka dambeeya waxaa bilaabanaya dhaqan-galkiisa,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Munaasabadda saxiixa dastuurka cusub ayaa waxaa ku wehliyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo guddoomiyeyaasha guddiyada dib-u-eegista dastuurka.
Arrintan ayaa ka dhigan in hal sano oo dheeraad ah uu qaadan karo Madaxweyne Xasan Sheekh, oo haatan ku jiray bilihii u dambeeyay ee muddo-xileedkiisa, iyadoo mucaaradka si adag uga horyimaadeen wax-ka-beddelka dastuurka.


0 




Xasan oo ku dhawaaqay dhaqan-gelinta dastuurka oo ay ku jirto muddo kordhin
.