HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 3-MARCH-2026

0
Tuesday March 03, 2026 - 08:53:21 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 56
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 3-MARCH-2026

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar iyo Boqorka Urdun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Feder aalka Soomaaliya Mudane Xasan She ekh Maxamuud ayaa dhanka telefoonka kula hadlay Boqor Cabdalla binu Al-Xuseen, Boqorka Urdun iyo Sheekh Tamiim binu Xamad, Amiirka Dowladda aan walaalaha nahay ee Qatar.

Hoggaamiyeyaashu waxa ay ka wadaha daleen xaaladda gobolka, xiisadaha iyo iskahorimaadyada milatari ee Bariga Dhexe, iyagoo muujiyey muhiimadda ay leedahay dejinta xaaladda, yareynta xiisadaha iyo xoojinta dadaallada diblumaasiyadeed ee lagu ilaalinayo amniga iyo xasilloonida gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkee yey mowqifka adag ee Soomaaliya ee ku aaddan garab istaagga Dowladda Qatar iyo Boqortooyada Urdun oo dowla da Iiraan kala kulmay duqeymo gardarro ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa bogaa diyey mowqifka carbeed ee mideysan, isagoo muujiyey in weerar kasta oo lagu qaado dhulka dalalkaas walaalaha ah uu yahay xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah, caqabadna ku noqonaya nabadda iyo xasilloonida man diqadda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaa lka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafii skiisa kulan kula qaatay ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaa liya James Swan, waxaana ugu horreyn ergayga uu Guddoomiyaha Golaha Sha cabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya warbixin ka siiyey howlaha xafiiska Qaramada Mid oobay ee Soomaaliya, taageeridooda dowladda iyo sidoo kale guud ahaan shaqooyinka ay dalka ka haayaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaal ka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ugu horreyn ergayga uga mahadceliyey how laha uu dalka ka haayo gaar ahaan taag eerada xafiiskiisa uu siiyo hay’adaha dowladda, ayaa waxa uu warbixin ka siiyey howlaha Baarlamaanka gaar ahaan arrimaha la xiriira dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka, waxaana Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaal ka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) uu sheegay in dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka ay meel wanaagsan mareyso islamarkaana ay ku howlanyihiin Baarla maanka Soomaaliya labadiisa aqal.

Ugu dambeyn, waxaa la isla gartay in lasii xoojiyo lana joogteeyo wada shaqeynta Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka hey’adda (UNICEF) ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka hey’adda (UNICEF) ee Soomaaliya, Marwo Sandra Lattouf, oo dhowaan loo soo magacaabay Wakiilka Unicef ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Marwo Landra, la wadaagay guulaha hirgalay ee ay xaqiijisay Xukuumadda DanQaran, isaga oo xusay in Soomaaliya ay gashay marxalad dib-u-habeyn iyo dhismaha dowladnimada ah gaar ahaan Qorshaha Isbeddelka Qaranka 2025–2029 (NTP) oo ah qaab-dhismeedka ugu weyn ee hagaya mudnaanta horumarineed ee dalka.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa uga mahad celiyay hey’adda UNICEF, taageera deeda ku aaddan dhinacyada waxbaras hada, caafimaadka, nafaqada carruurta, iyo hirgelinta sidii biyo nadiif ah lagu gaarsiin laha bulshada nugul, gaar ahaan deegaannada ay saameeyeen abaaraha.

Marwo Sandra Lattouf, ayaa dhankeeda muujisay sida ay uga go’an tahay taageerada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xoojinta wada-shaqay nta ka dhexaysa hey’adda UNICEF, iyo sidii ay uga taageeri lahayd adeegyada aasaasiga ah ee bulshada, gaar ahaan caafimaadka iyo tallaalka carruurta, la dagaallanka nafaqo-darrada, horumari nta waxbarashada iyo kordhinta helitaan ka biyo nadiif ah iyo fayadhowrka.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo shacabka la wadaagtay ogeysiis muhiim ah

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaali yeed (HDRS), ayaa shacabka Soomaali yeed la wadaagtay in dhammaan duul imaadyadii qorshaysnaa maalinka barito ah oo taariikhdu ku beegantahy 2 March 2026 ay sidoodii u jiraan, aysana HDRS kawarqabin wax isbedel ah oo kuyimid dhammaan duulimaadyada gudaha iyo kuwa dibadaba.

Wararka la isla dhexmaraayo baraha bulshada waxa ay HDRS u cadaynaysaa shacabka Soomaaliyeed in aysan waxba kajirin oo duulimaadyadu caadi yihiin dhammaan garoomada diyaaradaha wadanka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo qaabilay Ku xigeenka safiirka Mareykanka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaa shiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisa laam Cabdi Cali ayaa Muqdisho kula kul may ku xigeenka Safiirka Mareykanka, Chargé d’Affaires Justin Davis, si loo xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga adag ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, is-dhexgalka siyaasadeed, iyo isku-duwidda diblomaasiyadeed ee lagu taageerayo nabadda iyo xasilloonida dal ka.

Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay Mareykanka u ara gtaa saaxiib istaraatiiji ah oo muhiim ah, iyadoo taageeradiisa joogtada ah ee dhi nacyada bani’aadannimada iyo amniga ay weli door weyn ka qaadaneyso xasil loonida dalka iyo horumarinta hay’adaha dowliga ah.

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Dhuusamareeb oo ka warbixiyay halka ay marayaan howlaha gurmadka

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee mag aalada Dhuusamareeb ayaa ka warbixi yay halka ay marayaan howlaha gurmad ka ee loogu talagalay dadka ay abaartu saameysay.

Guddiga ayaa kulan la qaatay ganacsa tada deegaannada Galmudug, iyagoo uga warbixiyay xaaladda abaarta ka jirta deegaannada maamulkaas.

Intii uu kulanku socday, ganacsatada ayaa bilaabay uruurinta lacago loogu talagalay in gurmad lagu gaarsiiyo qoysaska ay abaartu saameysay.

Xubnaha guddiga ayaa sheegay in xaalad adag oo dhanka abaarta ah ay ka jirto qeybo ka mid ah deegaannada Galmudug, isla markaana ay saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyadaba. Waxay bulshada iyo ganacsatada ugu baaqeen in ay ka qeyb qaataan gurmadka loo fidinayo walaalahooda ay dhibaatadu heysato.

Sidoo kale, xubnaha Guddiga Gurmadka Abaaraha iyo Guddoomiyaha Hay’adda Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa kormeer ku tagay deegaanno ka tirsan Galmudug, halkaas oo ay ku arkeen xaalado bani’aadannimo oo aad u liita, kuwaas oo ay sababtay abaarta ka jirta deegaannadaas.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa yiri: "Waxaan indhahayga ku arkay xoolo bakhtiyay oo ay xoolo kale cuna yaan, waxaana degmada Baxdo ku wareejiyay 100 booyadood oo biyo-dhaamin u sameynaya dadka ay abaaru hu saameeyeen.”

Hirgelinta Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee Socdaalka Gudaha Dalka

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Soc daalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Duhulow ayaa shalay si rasmi ah u daah-furay hirgelinta Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee Socdaalka Gudaha Dalka, kaas oo lagu xoojinayo nidaamka maam ulka iyo habsami-u-socodka howlaha socdaalka gudaha dalka.

Agaasimaha Guud ayaa booqday termi naalka laga dhoofo ee duulimaadyada gudaha, halkaas oo uu warbixin faahf aahsan kaga dhageystay madaxda Waa xda Xuduudaha, taas oo la xiriirtay habraaca cusub, heerka diyaargarowga farsamo iyo sida adeegga loogu fududeynayo muwaadiniinta ku safraya gudaha dalka.

Saaka waxaa si rasmi ah loogu adeegey dadkii ugu horreeyay ee ku safrayay gudaha dalka, kuwaas oo loogu adee-gay Kaarka Aqoonsiga Qaranka, iyada oo nidaamkaan loo maray hannaan waafaqsan tilmaamaha socdaalka sharci ga ah.

Agaasimaha Guud ayaa tilmaamay in hirgelintan ay door muhiim ah ka qaa danayso horumarinta nidaamka socd aalka gudaha, xoojinta amniga xuduud aha iyo la socodka dhaqdhaqaaqa dad ka si waafaqsan sharciga. Sidoo kale, waxa uu faray saraakiisha iyo shaqaa laha inay muujiyaan dulqaad iyo tixgelin gaar ah inta ay muwaadiniintu la qabsan ayaan nidaamka cusub, si adeeggu u noqdo mid hufan oo waxtar leh

Hawlgal lagu dilay dhagarqabayaal katirsan khawaarijta oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidanka Midowga Afrika ee AUSSOM iyo kuwa UPDF, ayaa ka saaray maleeshiyad argagixiso ah oo ku dhuumaaleysanaysay deegaanada Mubaarak iyo Daaru Salaam ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Hawlgalkan, oo qayb ka ah howlgalada Bedar, ayaa shacabka ku dhaqan deegaannadan looga dulqaaday heeryo cadow oo in muddo ah saarnayd.

Intii uu socday hawlgalka, waxaa lagu dilay dhagarqabayaal ka tirsanaa kooxaha argagixisada, kuwaas oo ku howlanaa dhibaataynta shacabka.

Ciidanka XDS waxaa ka go’an ciribtirka maleeshiyadaha argagixisada ee khatarta ku ah amniga shacabka, si muwaadiniinta Soomaaliyeed u helaan nabad iyo amni la isku halleyn karo.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar kale adkeynayaan in howlgallada ka dhanka ah argagixisada ay sii wadi doonaan ilaa laga xaqiijiyo amniga, xasiloonida, iyo nabada guud ahaan dalkeenna.

Madaxweyne Deni: Waxaan dalban doonnaa magdhowga iyo khasaarihii ka dhashay xildhibaanada hawada laga celiyay

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa sheegay in ay Dowladda Federaa lka ka dalbanayaan magdhow ku aad dan halistii la geliyay xildhibaannadii dor raad hawada laga celiyay, kuwaas oo ku sii jeeday Garowe si ay uga qeybgalaan shir wadatashi ah. Waxa uu sidoo kale xusay dhacdo hore oo ciidankiisa ilaala da ahaa looga celiyay hawada Muqdisho.

Madaxweyne Deni ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka inay tallaabooyin kaasi sii hurinayaan kala fogaanshaha siyaasadeed ee dalka, isla markaana ay muujinayaan, sida uu hadalka u dhigay, "in aan wax sharci iyo xeer midna la tixgelin.” Waxa uu intaa ku daray in xildhibaannada Puntland ay haatan ku sugan yihiin Muqdisho, isagoo ku tilmaa may xaaladdooda mid u eg afduub siyaasadeed.

"Haddii ay dhacdo in muwaadiniin la afduubo, arrintaas siyaabo kale ayaa looga jawaabayaa. Bulshada lagu xadgudbayo waa in laga bixiyo jawaab degdeg ah. Marka aan gudbino dacwadaha rasmiga ah, waxaan dalban doonaa magdhowga iyo khasaarihii ka dhashay falkaas,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Waxa uu sidoo kale sheegay in xaalad da siyaasadeed ee haatan ka jirta dalka aysan ahayn mid horseedi karta hogg aan mideeya Soomaaliya, isaga oo ku eedeeyay madaxda Villa Soomaaliya in aysan u qalmin masuuliyad qaran oo ilaalisa sharafta muwaadiniinta.

Madaxweyne Deni ayaa ugu baaqay hay’adaha caalamiga ah ee maamula hawada Soomaaliya in ay dib u eegaan waxa uu ku tilmaamay xadgudubyada ka dhacaya hawada dalka, ayna ka hortagaan falalka khatar gelinaya badqabka muwaadiniinta.

Ugu dambeyn, waxa uu Dowladda Fede raalka ugu baaqay in si degdeg ah loogu oggolaado xildhibaannada inay u saf raan deegaannadooda, lagana waanto obo tallaabooyin uu sheegay inay sii kala fogeynayaan bulshada iyo dowlad nimada.

Hay’adda SoDMA oo kaalmo gaarsiisay Degmada Wisil

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Guddiga Gu rmadka Abaaraha Galmudug, ayaa maal intii 3-aad ee safarkiisa gurmadka Abaa raha ku gaaray Degmada Wisil ee Gobol ka Mudug.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa Guddiga Abaaraha Degmada Wisil ku wareejiyay 125 Booyadood oo biyo-dhaa min ah, si loo gaarsiiyo dadka ku nool miyiga iyo deegaannada hoos yimaada degmada, kuwaas oo ay saameysay abaarta ka jirta halkaasi.

Ugu dambeyn, Guddoomiyuhu wuxuu gurmad biyo-dhaamin ah u sameeyay dadka ku nool deegaannada miyiga ah, halkaas oo uu kula kulmay qoysas ku sugan xaalad nololeed oo aad u adag. Wuxuu baaq u diray shacabka Soomaali yeed inay u gurmadaan walaalahooda ay abaartu saameysay.

Israa'iil oo Duqeymo Culus ka Fuliyey Koonfurta Beyruut kadib Weerarro ay Xisbullah Qaadday

Ciidamada Israa'iil ayaa subaxnimadii Isniinta duqeymo cirka ah oo culus ka fuliyey xaafadaha koonfureed ee magaalada Beyruut, kuwaas oo ay maamusho ururka Xisbullah, kadib markii kooxdaasi ay gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku weerartay gudaha Israa'iil.

Duqeymahan ayaa yimid iyadoo Xisbullah ay sheegtay in weerarradeeda ay jawaab u ahaayeen dilka hoggaamiyihii ruuxiga ahaa ee Iiraan, Ayatollah Cali Khamenei, oo lagu dilay weerarro ay si wadajir ah u fuliyeen Maraykanka iyo Israa'iil. Goobjoogayaal ku sugan Beyruut ayaa sheegay in in ka badan toban qarax ay gilgileen xaafadaha koonfureed ee loo yaqaan Dahiyeh, taas oo ah goobta ugu weyn ee ay ku xooggan tahay Xisbullah.

Milatariga Israa'iil ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inuu bilaabay beegsiga badhtilmaameedyo la xidhiidha Xisbullah oo ku kala yaalla dalka Lubnaan, isaga oo kooxda ku eedeeyey inay si toos ah mas’uul uga tahay kacsanaanta colaadeed ee cusub. Taliyaha guud ee ciidamada Israa'iil, Eyal Zamir, ayaa sheegay in Xisbullah ay furtay "olole ka dhan ah Israa'iil” isla markaana ay qaadi doonto cawaaqibka ka dhasha tallaaba deeda.

Dhanka kale, ilo amni oo Lubnaani ah ayaa sheegay in duqeymo kale ay ka dhaceen koonfurta Lubnaan iyo Dooxada Bekaa ee bariga dalka. Xisbullah, oo ah xulufo xidhiidh dhow la leh Tehran, ayaa sheegtay in ay xaq u leedahay inay iska difaacdo weerarrada iyo dilalka lagu beegsanayo hoggaankeeda iyo taageera yaasheeda.

Milatariga Israa'iil ayaa isna caddeeyey in aanu oggolaan doonin in Xisbullah ay noqoto khatar amni oo ku wajahan Israa'iil, isagoo tilmaamay in uu sii wadi doono hawlgallada looga hortagayo waxa uu ku tilmaamay fidinta colaadda.

Sanadkii 2024, Israa'iil iyo Lubnaan waxay ku heshiiyeen xabbad-joojin uu Maray kanku dhexdhexaadiyey, taas oo soo afjar tay dagaal muddo sannad ka badan soc day oo si weyn u wiiqay awoodda Xisbul lah. Si kastaba ha ahaatee, labada dhinac ayaa tan iyo xilligaas is-weydaarsanayay eedeymo la xidhiidha jebinta heshiiska.

Xiisaddan cusub ayaa imanaysa xilli gobolka Bariga Dhexe uu ku jiro xaalad kacsanaan ah, iyada oo uu ka socdo dagaal ballaadhan oo saameeyay dalal badan oo gobolka ah.

Ururka Xisbullah oo weerar ku qaaday Isra’iil.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay inuu bilaabay duqeymo uu ku beegsanayo bartilmaameedyo ay leedahay Xisbullah oo ku yaalla Lubnaan, taas oo jawaab u ah gantaallo loo soo tuuray dhanka Israa’iil.

Bayaan uu soo saaray, Ciidamada Difaaca Israa’iil waxay ku eedeeyeen Xisbullah inay u shaqaynayso danaha Iiraan isla markaana ay beegsanayso rayidka Israa’iil.

Waxay sheegeen inay tallaabo ka qaadi doonaan "go’aanka ay ugu biireen ololaha dagaal” isla markaana aysan oggolaan doonin in Xisbullah khatar ku noqoto waqooyiga Israa’iil.

IDF waxay intaa ku dartay in falalka Xisbullah ay halis u yihiin inay burbur dheeraad ah ku keenaan Lubnaan, ayna si adag uga jawaabi doonto weerarro sii socda. Milatariga Israa’iil ayaa hadda ku dhawaaqay inuu bilaabay duqeymo ka dhan ah bartilmaameedyo Xisbullah ku leedahay Lubnaan.

Tallaabadan ayaa la sheegay inay jawaab u tahay "rasaasta gantaallada” ee Xisbullah ay u soo riday dhanka Israa’iil, sida lagu sheegay bayaanka.


Trump Oo Ku Hanjabay Inuu U Aargudi Doono Askartii Looga Dilay Dagaalka Iiraan

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay inuu "ka aargoosan doono” dilka saddex askari oo Mareykan ah oo ku dhintay howlgalka militari ee ka socda gudaha Iiraan, isaga oo caddeeyay in howlgallada dagaal ee bilaabmay Sabtidii ay sii socon doonaan. Trump ayaa farriintan ku shaaciyay muuqaal hore loo duubay oo uu ku baahiyay bartiisa Truth Social.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale u sheegay warbaahinta CNBC in howlgalka milatari ee Mareykanka uu "ka horreeyo jadwalkii loo qorsheeyay,” taas oo muujinaysa in Washington ay ku qanacsan tahay sida uu u socdo weerarka. Hadalkan ayaa imaanaya xilli xiisaddu sii xoogeysaneyso, kadib weerarro ay si wadajir ah u qaadeen Mareykanka iyo Israa’iil.

Weerarradan ayaa sababay dhimashada hoggaamiyihii ruuxiga ahaa ee Iiraan, Ayatollah Cali Khamenei, taas oo noqotay dhacdo si weyn u gilgishay Jamhuuriyadda Islaamiga ah tan iyo kacaankii 1979. Dilka Khamenei ayaa si degdeg ah u kiciyay jawaab celin militari oo ka timid Tehran, iyadoo Iiraan ay bilowday weerarro aargoosi ah.

Wararku waxay sheegayaan in weeraro ballaadhan la qaaday habeenimadii Sabtida, kadib markii Iiraan ay diiday dalabyo Mareykanka uga yimid oo ku saabsanaa dhimista ama xaddididda barnaamijkeeda nukliyeerka. Arrintan ayaa u muuqatay mid sii hurisay khilaaf horey u jiray oo u dhexeeyay labada dal.

Dhanka kale, Kongareeska Mareykanka ayaa la filayaa inuu toddobaadka soo socda u codeeyo qaraar ku saabsan awoodaha dagaalka, si loo qeexo doorka sharci ee howlgalka socda. Tallaabadan ayaa muujinaysa dood siyaasadeed oo ka dhex aloosan Washington oo ku saabsan baaxadda iyo muddada dagaalka.

Saameynta colaaddan ayaa si weyn looga dareemay suuqyada caalamka, iyadoo kumannaan duulimaad la baajiyay tan iyo markii uu dagaalku billowday. Sidoo kale, shirkadaha caymiska ayaa kordhiyay qiimaha caymiska maraakiibta shidaalka ee mara marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Hormuz, taas oo sare u qaadaysa qiimaha saliidda.

Hoggaamiyeyaasha gobolka iyo daneeyayaasha caalamiga ah ayaa si dhow ula socda halka ay xaaladdu ku dambeyn doonto, iyagoo is weydiinaya in dagaalku ku ekaan doono Iiraan oo keliya iyo in kale. Sidoo kale waxaa la eegayaa in isbeddelka hoggaanka ee Tehran uu horseedi doono jihayn siyaasadeed oo cusub, ama uu sii kusii adkeysan doono mowqifka xukuumadda Iiraan.

Iran oo Duqaysay Xarun Saliidda Lagu Sifeeyo oo Ku Taalla Sucuudi Carabiya

Shirkadda shidaalka qaranka ee Saudi Aramco oo laga leeyahay Sacuudi Carabiya, ayaa si ku meel gaadh ah u hakisay hawlihii sifaynta saliidda ee Ras Tanura, kaddib markii weerar ay ku qaadeen diyaarado aan duuliye lahayn oo laga leeyahay Iran. Ras Tanura waa mid ka mid ah xarumaha ugu muhiimsan ee sifaynta iyo dhoofinta shidaalka ee Boqortooyada Sucuudiga.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Difaaca ee Sacuudi Carabiya ayaa warbaahinta u sheegay in laba diyaaradood oo ku wajahnaa xarunta Ras Tanura la qabtay oo hawada lagu burburiyey ka hor inta aanay gaadhin badhtilmaameedkoodii. Hase yeeshee, wararka hordhaca ahi waxay tilmaamayaan in weerarkusababay, burbur, khalkhal iyo hakad ku yimid hawlihii sifaynta, inkasta oo aan weli si rasmi ah loo shaacin heerka khasaaraha.

Weerarkan ayaa ku soo beegmay xilli suuqyada tamartu ku jiraan xaalad kacsanaan ah, iyadoo colaadda sii fidaysa ee u dhexeysa Iran, Maraykanka iyo Israa'iil ay abuurtay cabsi la xidhiidha amniga marinnada badda. Marinka istiraatiijiga ah ee Hormuz, oo laga gudbiyo ku dhowaad 20 boqolkiiba saliidda dunida maalin kasta, ayaa galay xaalad hakad u eg, maadaama maraakiib badani ay joojiyeen isu socodkoodii cabsi amni awgeed.

Khabiirrada dhaqaalaha ayaa ka digaya in haddii hakadkani sii socdo, uu sababi karo yaraansho sahayda shidaalka ah xilli baahida caalamku kor u kacayso. Qiimaha saliidda nooca Brent ayaa horeba u gaadhay 80 doolar halkii foosto, taas oo muujinaysa walaaca ka jira suuqyada caalamiga ah.

Dawladda Sucuudiga ayaa si adag u cambaareysay weerarrada, kuna tilshalayy kuwo aan wax cudurdaar ah lahayn. Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa sheegtay in Boqortooyadu hore u xaqiijisay in aan dhulkeeda iyo hawadeeda loo adeegsan doonin weerarro ka dhan ah Iran, balse haddana ay la kulantay duqeymo toos ah.

Xiisadda gobolka ayaa cirka isku shareertay, iyadoo laga cabsi qabo in colaaddani isu beddesho mid sii fida oo saameyn ballaadhan ku yeelata amniga iyo dhaqaalaha caalamka.

Dagaalka Bariga Dhexe oo sii xoogeystay maalintii 3-aad

Dagaalka u dhexeeya United States, Israel iyo Iran ayaa galay maalintii saddexaad, iyadoo dhammaan dhinacyadu wadaan duqeymo cirka ah oo ballaaran iyo weerarro isdaba joog ah oo ka socda meelo kala duwan oo gobolka ah.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in "hawlgallada dagaal” ee ka dhanka ah Iran ay sii socon doonaan ilaa laga gaaro dhammaan yoolalka milatari ee la dejiyay.

Wararka ayaa sheegaya in Iran ay kordhisay duqeymaha ay ku beegsaneyso saldhigyada Mareykanka ee Bariga Dhexe, halka dhaqdhaqaaqa Hezbollah uu ku biiray dagaalka, isagoo gantaallo ku garaacay gudaha Israel.

Weerarada Hezbollah ayaa waxaa si degdeg ah uga jawaabay Tel Aviv, iyadoo ciidamada Israel ay duqeymo culus ka geysteen koonfurta Beirut, halkaas oo ay ku xooggan yihiin kooxda.

Duqeymaha isdhaafsiga ah ayaa lagu beegsaday:

Garoomo diyaaradeed

Saldhigyo ciidan

Maraakiib dagaal

Warshado iyo xarumo muhiim ah

Hoteello iyo kaabayaal dhaqaale

Dhismayaal ay degan yihiin dad rayid ah

Burbur xooggan iyo khasaaro naf iyo maalba leh ayaa laga soo sheegaya goobaha la duqeeyay, iyadoo cabsi laga muujinayo in dagaalku ku fido dalal kale oo gobolka ah.

Khabiirada amniga ayaa ka digaya in sii socoshada duqeymaha iyo ku biirista xoogag cusub ay kordhin karto halista dagaal ballaaran oo saameeya Bariga Dhexe iyo amniga caalamka.



Sidee dagaalka Bariga Dhexe u saameyn karaa dalallka Afrrika?


Sii xoogaysashada dagaalladu waxay halis ku yihiin inay sii huriyaan xiisadaha dunida, oo saameyn weyn ku yeelan kara ganacsiga tamarta, amniga cuntada iyo dhaqaalaha – gaar ahaan Afrika, halkaas oo colaado iyo xasillooni darro dhaqaale ay weli ka jiraan.

Tani waxay qayb ka ahayd bayaan uu soo saaray Midowga Afrika Sabtidii, kadib markii Israa'iil iyo Maraykanku ay weerarro ku qaadeen Iiraan. Midowga Afrika ayaa sidoo kale ugu baaqay dhinacyada dagaall amaya inay muujiyaan is-xakameyn, yaree yaanna xiisadda, isla markaana dib u bilaabaan wada-hadallada.

Aan wax yar dib ugu noqono: Markii Ruushku uu ku duulay Ukraine bilowgii sanadkii 2022-kii, Afrika waxay si toos ah u dareentay saameynta dagaalka kadib markii ay bilaabatay dhibaato cunto, oo ay ka mid ahaayeen qiimaha cuntada oo sare u kacay, gaar ahaan sarreenka iyo saliidda.

Warbixin ay soo saartay Hay'adda Lacag ta Adduunka (IMF) bishii Abriil ee isla sanadkaas ayaa lagu sheegay, "Qaar ka mid ah dalalka sida tooska ah uu u saameeyay dagaalka Ukraine, kuwaas oo 85 boqolkiiba ku tiirsanaa soo dejinta sarreenka ka yimaada dalkaas iyo Ruushka, waxaa ka mid ah Tansaaniya, Ivory Coast, Senegal iyo Mozambique."

Ma ahayn Afrika oo keliya; dunida oo dhan ayaa dareentay saameynta dagaalka weli socda. Tani waxay sabab u tahay in ka hor inta uusan dagaalku bilaaban, Ruushku uu ahaa dalka ugu horreeya ee dhoofiya sarreenka adduunka, waxaana ku xigay Ukraine.

Hadda aan dib ugu laabanno dagaalka hadda ka socda Bariga Dhexe. Dabcan, dhibbanaha ugu weyn ee dagaalkan wuxuu noqon doonaa Iiraan, oo wajaha ysa weerarro ka imanaya Maraykanka iyo Israa'iil. Laakiin sidee ayay Afrika u saameyn doontaa?

Ganacsiga Afrika iyo dalalka Khaliijka ayaa ka mid ah waxyaabaha uu saameyn karo dagaalka Bariga Dhexe.Xigashada Sawirka,Reuters

Saliidda

Maraakiibta ayaa helay farriimo ka imanaya militariga Iiraan oo sheegaya in aan loo oggolayn wax maraakiib ah inay maraan marinka muhiimka ah ee Hormuz.

Marin badeedkan waa waddo aad muhiim ugu ah gaadiidka shidaalka caalamka, iyadoo qiyaastii 20 milyan oo foosto oo saliid ah maalintii ay ka gudbaan, taasoo ka dhigan in 20–25% ganacsiga shidaalka ee dunida la mariyo badda iyo ku dhowaad shan meelood meel isticmaalka shidaalka ee caalamka.

Sida ay sheegtay U.S. Energy Information Administration (EIA), 20 milyan oo foosto oo shidaal ah ayaa maalin kasta la soo marinayay Marinka Hormuz sanadkii 2024.

Tani waxay u dhigantaa ku dhowaad 500 oo bilyan oo ganacsi tamar ah sanadkii. Shidaalka ka gudba marinkan wuxuu ka yimaadaa Iraan, Ciraq, Kuwait, Qadar, Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta.

Marinkan biyoodkan wuxuu ku yaallaa Iran dhanka waqooyi i iyo United Arab Emirates dhanka koonfureed. Inkastoo inta badan shidaalkan loo dhoofiyo Aasiya, haddana Afrika sidoo kale way saameyn kartaa.

Sida ay sheegtay Institute for Security Studies (ISS), oo xarunteedu tahay Koonfur Afrika, carqalad kasta oo ku timaadda Marinka Hormuz waxay kordhin doontaa qiimaha tamarta adduunka oo dhan.

Marinkan wuxuu u dhexeeyaa Iiraan oo ka xigo dhanka waqooyi iyo Cumaan iyo Imaaraadka Carabta oo ka xigo dhanka koonfureed. In kasta oo saliidda marta halkaa badankeedu ay aado Aasiya, haddana Afrika ayaa sidoo kale saameyntu gaari kartaa.

Ganacsiga

Weerarada ay qaadeen Maraykanka iyo Israa'iil ayaa keenay in Iiraan ay ka aargu dato iyadoo weerarro ku qaadday saldhigy ada milatari ee Maraykanka ku leeyahay dalal Carbeed sida Qadar, Baxrayn, Sacuudi Carabiya, Urdun iyo Imaaraadka Carabta.

Kororka qiimaha shidaalka caalamka ayaa sababi kara in ay sare u kacaan khara shaadka gaadiidka iyo tamarta gudaha. Tani waxay kordhin doontaa qiimaha badeecadaha la soo dejiyo iyo kharashaa dka gaadiidka gudaha ee dalalka Afrika.

Dalal badan oo Afrikaan ah ayaa si weyn ugu tiirsan badeecooyinka dibadda laga soo dejiyo, waxaana carqalad ku timaadda marinnada ganacsiga iyo kororka kharashaadka gaadiidka ay ka qayb qaadan karaan sicir-barar.

Kenya ayaa sheegtay in weerarradu si toos ah u saamayn karaan dhoofinta dalka, oo ay ku jiraan shaaha, qaxwada, ubaxa, hilibka iyo khudaarta, kuwaas oo si weyn ugu tiirsan suuqyada Bariga Dhexe.

Tansaaniya waxay u dhoofisaa qaxwo, lawska iyo badeecooyin kale dalalka Khaliijka. Weerarada Bariga Dhexe ka dhaca ayaa carqaladayn kara maraakiibta iyo ganacsiga, taasoo saamayn ku yeelan karta dhaqaalaha dalalkan.

Warbixinno ayaa tilmaamaysa in dhowr shirkadood oo diyaaradeed oo caalami ah ay hakad geliyeen ama beddeleen duulimaadyadii ay ku tagi jireen kagana imaan jireen Bariga Dhexe sababo la xiriira amniga.

Saamaynta tallaabadan waxaa ka mid noqon kara kordhinta qiimaha tigidhada iyo dib u dhaca safarrada – taasoo saameyn karta safarrada ganacsi, waxbarasho iyo kuwa diimeed.

Amniga

Iiraan waxay go'aansatay inay adeegsato xeeladda weerarka saldhigyada milatari ee ku yaalla dalalka Carabta. Dalal badan oo Afrikaan ah ayaa leh saldhigyo milatari oo Maraykanku leeyahay. Jabuuti waa mid ka mid ah dalalka ay gantaallada Iiraan gaari karaan.

Maaddaama Iiraan ay u dhowdahay Jabuuti, gantaallada riddada dhexe ee Iiraan oo gaara 1,000 ilaa 3,000 kiiloomitir ayaa gaari kara Geeska Afrika. Jabuuti waxaa ku yaalla saldhigga milatari ee Maraykanka ee Lemonnier.

Haddii Iiraan ay sii waddo istaraatiijiyaddeeda ah weerarka saldhigyada milatari ee Maraykanka, dalkaas Afrikaanka ah wuxuu ku jiraa meelaha ay gaari karaan gantaallada Iiraan. Haddii weerarro dhacaan, waxay carqaladeyn doonaan amniga Jabuuti.

Badbaadada muwaadiniinta Afrikaanka ah ee ku nool Bariga Dhexe sidoo kale waa arrin muhiim ah. Sabtidii, gantaal Iiraan ay ridday oo ku dhacay magaalada Abu Dhabi ayaa dilay shaqaale Aasiyaan ah.

Waxaa la fahamsan yahay in Afrikaan badan ay ku sugan yihiin dalalka Carabta sababo kala duwan oo ay ka mid yihiin waxbarasho iyo shaqo. Sii socoshada weerarradan waxay sidoo kale halis gelinayaan ammaankooda.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Tansaaniya ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto xaaladda, iyadoo kula talisay muwaadiniinta Tansaaniya ee ku sugan meelaha ay saameeyeen weerarradu inay feejignaadaan.

Saameynta weerarradan dabcan waxay ku xirnaan doontaa muddada ay sii socdaan. Inta ay weerarradu sii dheeraadaan, ayay sii kordhi doontaa saameynta dhaqaale, ganacsi iyo mida bani'aadamnimo ee Bariga Dhexe iyo Afrika.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip