HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 26-FEB-2026

0
Thursday February 26, 2026 - 07:04:59 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 35
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 26-FEB-2026

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Xubnaha mucaaradka uu ku jiro Deni oo isaga tagaya Muqdisho.

Waxaa la filayaa in Inta badan xubnaha golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee ka qaybgalayey shirkii madaxtooyada Soo maaliya ayaa shalay iyo beri ka safri doo na Magaalada Muqdisho, kadib burburkii shirka.

Xubnahaan oo uu ugu miisaan culus ya hay Madaxweynaha Puntland Siciid Cab dullaahi Deni ayaa u ambabixi doona Garo owe, Kismaayo iyo Nairobi oo ay horay siy aabo kala duwan uga yimaadeen.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ballamay inay shir isugu yimaadaan Rama dan kadib, iyagoo xilligaasi ka shiri doona xaaladda dalka iyo go’aamada ay ka qaa dan doonaan arrimaha doorashooyinka.

Dhinacyada ayaa shalay shir ku yeelan doono shalay magaalada Muqdisho.

Dowladda Somalia oo mucaaradka ku eedaysay fashilinta shirka ayaa sii wadda waxka beddelka dastuurka kumeel gaarka ah ee dalka oo kamid ah qodobada kee nay khilaafka ka aloosan dalka.

Wasaaradda Amniga oo ku wargalisay mas’uuliyiinta Dowladda inay qaataan kaararka aqoonsiga gaadiidka

Wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku adkay nayso qaadashada kaararka aqoonsiga gaadiidka, iyadoo ku wargelisay dham maan mas’uuliyiinta dowladda iyo hay’ada ha kale inay u hoggaansamaan amarkaasi ka hor 5-ta Maarso 2026.

Wasaaraddu waxay sheegtay in tallaaba dan ay qayb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo amniga guud ee dalka iyo ka hortagga falalka ay geystaan kooxaha ay ku tilmaamtay alshabaab. Qoraalka ayaa lagu sheegay in mas’uuliyiinta heerarka ka la duwan ee dowladda lagu wargeliyay inay qaataan kaararka rasmiga ah si loo fududeeyo hubinta iyo la socodka gaadiid ka.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu amray hay’adaha amniga inay si dhow ula shaqeeyaan laamaha kala duwan ee dowladda si loo dardargeliyo diiwaangelin ta iyo nidaaminta gaadiidka rasmiga ah.

Wasaaraddu waxay caddeysay in qaada shada kaarka aqoonsiga gaadiidka ay ta hay waajib sharci ah oo saaran qof kasta oo wata gaari dowladeed, isla markaana ay ciidamada ammaanku xaq u leeyihiin inay hubiyaan fulinta amarkan.

Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa ku baaqday iskaashi dhexmara bulshada iyo hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo xasilloo nida, loogana hortago dambiyada iyo kha taraha amni ee ka jira dalka.

Wasiir Cadaala: Shirkeenna shalay waxa uu ku saabsanaa bayaaminta sida DFS u curyaamisay dhaqaalihii alshabaab

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaa finta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubno ka tir san golaha wasiirrada ayaa shalay shir ja raa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, iya goo faahfaahin ka bixiyay halka uu mara yo dagaalka ka dhanka ah kooxda alsha baab.

Wasiir kuxigeenka Warfaafinta, Cabdirax maan Yuusuf Al-Cadaala, ayaa sheegay in dagaalka ay dowladdu kula jirto alsha baab uu leeyahay saddex weji oo istaraatii ji ah,isagoo tilmaamay in wejiga koowaad ahaa in dagaal toos ah oo militari lagu beegsado maleeshiyaadka iyo hoggaan kooda, si loo wiiqo awooddooda dagaal iyo joogitaankooda deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan taas na dowladda guul weyn ka gaadhay oo ka xoraysay dha maan deegaanadii kooxdu ku dhuuman jirtay.

Wejiga labaad dagaalka ayuu wasiirku sheegay inuu ahaa dagaal dhanka afkaar ta ah, kaas oo lagu ciribtirayo fikirka xagjir ka ah ee ay ku marin habaabiyaan dhali nyarada, laguna xoojinayo wacyigelinta bulshada iyo ka hortagga fikirrada qalafs an,dadaal dheer ka dibna si weyn ayaa loogu jabiyey alshabaab iyadoo beryihii u dambaysay isa soo dhiibayeen tirada dhali nyaradii ugu badnad ee ka soo laabata fikir xagjirka ah.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu carrabka ku ad keeyay in wejiga saddexaad uu ahaa dag aal dhaqaale, kaas oo lagu beegsanayo ilaha dhaqaale ee ay kooxda ka heli jirtay baadda iyo handadaadda ay ku hayeen ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed.

"Shirkeenna shalay waxa uu ku saabsan aa sida DFS ay u curyaamisay dhaqaalihii baadda ahaa ee Khawaarijtu ka qaadi jireen muwaadiniinta Soomaaliyeed, taas oo guul weyn laga gaaray,” ayuu yiri Wa siir Cadaala.

Mas’uuliyiinta ayaa xusay in tallaabooyi nka la qaaday ay horseedeen in si weyn loo yareeyo awooddii dhaqaale ee kooxda, taas oo qeyb ka ah dadaallada ballaaran ee lagu sugayo amniga iyo xasilloonida dalka.

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo yeeshay kulan ku saabsan xoojinta Iskaashiga dhinaca Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxii ska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, oo uu wehliyo Wasiirka Gaadiidka Badda iyo Dekedaha, Mudane Cabdulqaadir Maxam ed Nuur, ayaa magaalada Ankara kulan kula yeeshay Wasiirka Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Turkiga, Mudane Burhanettin Duran.

Kulanka labada dhinac waxaa looga hadl ay xoojinta iskaashiga dhinacyada kala du wan ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turki ga, iyo sidii warbaahinta ay qeyb weyn uga qaadan lahayd guulaha uu ku tallaab saday iskaashiga labada dal oo haatan meel fiican maraya.

Labada dal ayaa isku afgartey inay abuu raan wadashaqeyn istaraatiijiyadeed oo looga hortagayo dhibaatada wararka been -abuurka ah, isla markaana la iska kaasha do xirfadaha iyo aqoonta warbaahinta casriga ah.

Wadahadalka labada dhinac ayaa qeyb ka ah kulan caalami ah oo looga hadlayo xoo jinta saaxiibtinimada uu Turkiga la leeya hay Afrika, gaar ahaan iskaashiga iyo wax wadaqabsiga sii kordhaya ee sida gaarka ah u dhexeeya Soomaaliya.

Shirkan caalamiga ah waxaa ka soo qeyb galay diblomaasiyiin, aqoonyahanno iyo khubaro, kuwaas oo si saraaxad leh uga doodaya iskaashiga dhinacyada kala du wan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turki ga, oo ay ku jiraan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, arrimaha bulshada, sayniska, iyo is dhexgalka dadyowga labada dal.

 

Wasiirka warfaafinta XFS oo ka qayb galay shir lagu xoojinayo xiriirka dalalka Turkiga iyo Soomaaliya

Shir heer sare ah oo lagu xoojinayo saaxiibtinnimada iyo iskaashiga u dhe -xeeya dalalka Afrika iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa ka socda magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Madasha shirkan ayaa diiradda lagu saara yaa xoojinta xiriirka Afrika, gaar ahaan iskaashiga sii kordhaya ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, ayaa waxaa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga qeybgelaya Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeybgalay diblomaasiyiin, aqoonyahanno iyo khubaro ka kala socota dalal kala duwan, kuwaas oo ka doodi doona horumarinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, arrimaha bulshada, sayniska iyo is dhexgalka dadyowga labada dal.

Wasiirka hawlaha guud iyo madaxweynaha Galmudug oo dhagax dhigay dhismaha waddo laami ah oo 60-km

Wasiirka hawlaha guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta ee Dowladda Federaalka Soo maaliya Mudane Ayuub Ismaaciil Yuusuf iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa shalay Dhuusamareeb uga qayb galay munaasabadda daah-furka dhisma ha waddada laamiga ah ee isku xirta mag aalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug iyo deegaanka Qaradhi, taasi oo dhererkeedu gaarayo 60-KM.

Madaxweynaha ayaa munaasabadda ka jeediyay khudbad uu ku muujiyay sida ay uga go’an tahay maamulkaGalmudug horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaan dhismaha waddooyinka oo laf-dhabar u ah isku socodka bulshada iyo kobaca ganacsiga, isaga oo xusay in mashruucan uu door weyn ka qaadan doono isku xirka deegaanada, fududeynta socodka iyo sare u qaadista fursadaha horumarineed ee Galmudug.

Mashruucan dhismaha waddada Dhuusa mareeb iyo Qaradhi ayaa waxaa maalgel inaya Midowga Yurub, waxaana munaasa badda daah-furla mashruuca ka qayb gal ay, Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska ee Dowladda Federaalka Soomaa liya, Safiirka Midowga Yurub ee Soomaali ya, Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee maamulka Galmu dug.

Soomaaliya oo hambalyo u dirtay Dowladda Kuwait Munaasabadda Maalinta Qarankeeda

Munaasabadda Maalinta Qaranka ee Dowladda Kuwait awgeed, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa Amiirka Dowladda Kuwait, Sheikh Meshal Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah, iyo shacabka walaalaha ah ee Dowladda Kuwait.

Soomaaliya waxay si weyn u qadarinaysaa xiriirka taariikhiga ah ee qotada dheer ee ka dhexeeya labada dal, waxayna rajaynaysaa in la sii xoojiyo iskaashiga iyo wada shaqeynta ku dhisan is-ixtiraam, walaaltinimo, iyo horumarka labada Dal.

Soomaaliya iyo Kasakhstan oo iska kaashanaya sahminta Shidaalka

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soo maaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Kazakh stan danjire Fatxudiin Cali Maxamed ayaa kulan heer sare ah kula yeeshay ma gaalada Astana mas’uuliyiin sare oo ka tir san waaxda tamarta ee Kazakhstan, si loo sahmiyo fursadaha iskaashi ee ku saab san sahminta iyo horumarinta shidaalka iyo gaaska.

Kulamada waxaa ka mid ahaa la-kulanno uu la yeeshay Askhat Khassenov, Guddoo miyaha Guddiga Maamulka ee KazMunay Gas, iyo Mudane Sanzhar Zharkeshov, Wasiir Ku-xigeenka Tamarta ee Jamhuuri yadda Kazakhstan.

Wadahadalladu waxay diiradda saareen iskaashi suurtagal ah oo ku saabsan waaxda tamarta gaar ahaan qeybta hore (upstream), taasoo muujinaysa dan wadajir ah oo ku aaddan dhisidda iskaashi faa’iido u leh labada dal. Dhinaca Kazakhstan ayaa muujiyay awooddooda farsamo ee xooggan, khibradda ballaaran ee ay u leeyihiin sahminta khayraadka shidaalka iyo gaaska (hydrocarbons), iyo furfurnaantooda ku aaddan iskaashi caalami ah, gaar ahaan suuqyada tamarta ee soo koraya.

Intii lagu guda jiray kulamada, Safiir Fathu din Ali Mohamed ayaa soo bandhigay fursadaha ka jira Soomaaliya ee la xiriira shidaalka iyo gaaska dhulka (onshore) iyo badda (offshore), isagoo carrabka ku adkeeyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta khayraadka si mas’uul iyad leh, dejinta hannaan sharci oo hufan, iyo la shaqeynta shirkado caalami ah oo khibrad leh.

Labada dhinac ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimada sahminta juqraafiyeed (geological exploration) oo saldhig u ah iskaashi waqti dheer ah, oo ay ku jiraan adeegsiga tiknoolajiyada casriga ah sida helidda xogta seismic, falanqaynta xogta sare, iyo qaabaynta dhulka hoostiisa (subsurface modeling). Waxaa sidoo kale la isla gartay muhiimadda wareejinta aqoonta, kobcinta awoodda (capacity-building), iyo iskaashi farsamo si loo taageero horumar waara oo dhinaca tamarta ah.

Kulamada ayaa ku soo dhammaaday muujinta rabitaan wadajir ah oo lagu xoojinayo wada-hadalka iyo in la sahmiyo waddooyin wax-ku-ool ah oo iskaashi oo ku saabsan shidaalka iyo gaaska, taasoo calaamad u ah tallaabo wanaagsan oo lagu xoojinayo xiriirka tamareed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kazakhstan.

Pakistaan iyo Taalibaan oo xiisad ay ka dhex taagan tahay

Af-hayeenka Ra’iisul Wasaaraha Pakistan ee Warbaahinta Dibadda, Musharraf Zaidi, ayaa ku eedeeyay maamulka Taliban ee Afghanistan inay rasaas "aan sabab lahayn” ku fureen goobaha xuduudda ee Torkham iyo Tirah.

Isagoo qoraal ku baahiyay barta X Talaadadii, wuxuu sheegay in ciidamada ammaanka ee Pakistan ay si degdeg ah uga jawaabeen rasaasta isla markaana joojiyeen "weerarkii Taliban.”

Musharraf Zaidi ayaa ku hanjabay in "wax kasta oo kicin ah looga jawaabi doono si dhakhso leh oo xoog leh.”

Somaliland oo safiir buuxa u magacawday Israa’iil, kadib aqoonsigii ay dhawaan ka heshay Tal Aviv

Madaxweynaha Somaliland, Cabdirax -maan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa Dr. Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud (Maxa med Hagi) u magacaabay inuu ahaado Safiir buuxa oo idman (Extraordinary and Plenipotentiary) oo Somaliland u fadhiya dalka Israa’iil, kadib markii ay Israa'iil si buuxda u aqoonsatay Somaliland 26 Dece mber 2025.

Safiirkan ayaa leh dhammaan haybadda, awoodaha, xuquuqaha iyo waajibaadka ku xusan xilkaas, si waafaqsan Dastuurka Somaliland, xeerarka u yaalla, iyo qawaan iinta caalamiga ah ee diblomaasiyadda, sida uu sheegay Afhayeenka Madaxwey naha Somaliland.

Magacaabistan ayaa imanaysa xilli la filayo in xidhiidhka Somaliland iyo Israa’iil uu galo marxalad cusub, iyadoo wararku ay sheegayaan in labada dhinac ay qorsheynayaan ballaadhinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, ganacsiga, hal-abuurka, maaraynta biyaha iyo amniga gobolka.

Ilaa hadda, Israa’iil si rasmi ah uma shaa cin magacaabista safiir u fadhiya Somalil and, balse ilo ku dhow arrimaha dibloma asiyadda ayaa tilmaamaya in la filayo tallaabo u dhiganta tan Somaliland, taas oo muujin karta is-weydaarsi safiirro oo buuxa.

Warbaahinta qaarkeed ayaa sidoo kale werisay in Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), uu qorsheynayo booqasho rasmi ah oo uu ku tago Israa’iil dabayaaqada bisha March. Haddii safarkaasi qabsoomo, waxa la filayaa in ay ka mid noqdaan kulamo heer sare ah oo lagu xoojinayo iskaashi anay dowlada Soomaaliya raali ka ahayn oo dhexmara labada dhinac.

Lama shaacin illaa hadda jadwal rasmi ah oo la xidhiidha booqashadaas, sidoo kalena ma cadda waqtiga safiirka cusub uu waraaqihiisa aqoonsiga ku gudbin doono Tel Aviv.

Danjire Maxamed Hagi ayaa hore usoo noqday Wakiilka Somaliland ee Taiwan, isaga oo Taipei loo wareejiyay markii uu bilowday xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan sannadkii 2020, sidoo kale hadda waxa uu ahaa lataliyaha gaarka ah ee madaxwey naha Somaliland u qaabilsan arrimaha dibadda.

Mucaaradka UK oo ku hanjabay haddii ay ku guulaystaan doorashada soo socota in Soomaali badan laga musaafurin doono dalkaas

Xisbiga midigta fog ee Britain ee Reform UK ayaa shaaciyay qorshe cusub oo si weyn u adkeynaya siyaasadda socdaalka, kaas oo ay ku jirto in fiisooyinka laga jooji yo lix dal oo ay Soomaaliya ka mid tahay, haddii ay ku guuleystaan doorashada guud ee soo socota.

Afhayeenka arrimaha gudaha ee xisbiga, Zia Yusuf, ayaa qorshahan ku dhawaaqay khudbad uu ka jeediyay magaalada Dover, isagoo sheegay in dowlad uu xisbigiisu hoggaamiyo ay si degdeg ah u joojin doonto bixinta fiisooyinka dalalka aan dib u qaadan muwaadiniintooda laga masaafurinayo Britain. Dalalka la magaca abay waxaa ka mid ah Pakistan, Eritrea, Soomaaliya, Syria, Afghanistan iyo Sudan. Wuxuu caddeeyay in xayiraaddan aan laga qaadi doonin dalalkaas ilaa ay aqbala an in dib loo celiyo muwaadiniintooda sharci darrada ku jooga UK.

Zia Yusuf ayaa sidoo kale sheegay in xisbigiisu qorsheynayo masaafurin ballaaran oo lagu saarayo dhammaan dadka sida sharci darrada ah ku jooga dalka, isagoo ku tilmaamay arrintaasi xaalad degdeg ah oo la xiriirta amniga qaranka. Wuxuu sheegay in la dhisi doono hay’ad gaar ah oo u xil saaran qabashada iyo masaafurinta dadkaasi, isla markaana tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo ku sugan Britain si sharci darro ah.

Hoggaamiyaha Reform UK, Nigel Farage, ayaa hore ugu ololeyn jiray xakamaynta socdaalka, wuxuuna ballanqaaday in dowlad uu hoggaamiyo ay si buuxda diiradda u saari doonto joojinta muhaajiriin ta ku imaanaya doomaha yar yar iyo ma saafurinta dadka aan sharciyada buuxin.

Qorshahan cusub ayaa sidoo kale tilmaamaya in wax laga beddeli doono nidaamka deganaanshaha, iyadoo la doonayo in meesha laga saaro deganaan shaha joogtada ah laguna beddelo fiisoo yin waqti xaddidan leh, islamarkaana la adkeeyo shuruudaha luqadda Ingiriisiga iyo heerka mushaharka loogu imaan karo fiiso shaqo.

Haddii qorshahan la hirgeliyo, Soomaaliya waxay ka mid noqon doontaa dalalka sida tooska ah u wajihi kara joojinta fiisooyinka, arrintaas oo saameyn ku yeelan karta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee doonaya inay u safraan ama ku biiraan qoysaskooda ku nool Britain.

Trump oo markale weerar afka ah ku qaaday Ilhan Cumar iyo Soomaalida.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump oo khudbad u jeedinaya Congress-ka, ayaa waxaa uu ka hadlay arrimo dho wr ah oo ay ugu horreyaan waxa uu ka qa btay arrimaha dhaqaalaha iyo socdaalka.

Trump ayaa dhanka kale markale soo hadal qaaday Soomaalida oo uu sheegay inay lacago lunsadeen isagoo ku dhawaaqay, in madaxweyne ku-xigeenka JD Vance uu hoggaamin doono dagaal ka dhan ah wax-is-daba marinta, hadalkaas oo ay si xooggan uga falcelisay xildhibaanadda Kongareeska ee Soomaaliyeed, Ilhan Omar.

Hadallo deelqaaf ah, ayuu Mr Trump si gaar ah ula beegsaday bulshada Soomaal iyeed ee ku nool gobolka Minnesota.

Waxaa uu sheegay in ‘burcad badeed Soomaaliyeed’ ay u soo dhaceen gobolka, oo ay ka dhaceen balaayiin dollar, waa sida uu hadalka u dhigayee.

Dhanka wax is bada marinta iyo masuq-maasuqa, Minnesota ayuu tusaale u soo qaatay oo uu sheegay in bulshada Soo maalida ay xadeen lacag gaareysa 19 bilyan oo doolar.

Ilhaan Cumar oo ka tirsan xisbiga Dimuqr aadiga ee gobolka Minnesota, ahna gaba dhii ugu horreysay ee Soomaali-Mareykan ah oo loo doorto Congress-ka, ayaa ku qeylisay Trump iyada oo istaagtay korna ugu qaylisay in Trump uu yahay beenaale.

Ingiriiska oo sheegay in aanu aqoonsan doonin Somaliland kadib Israa'iil

Safiir Ku Xigeenka Ingiriiska u fadhiya Itoobiya, Luke Bullock, oo waraysi gaar ah siiyay Addis Standard, ayaa sheegay in dowladiisu anay aqoonsan doonin Somali land, kadib aqoonsigii Israa'iil siisay Soma liland 26 December 2026.

Luke, ayaa sheegay hadda ay ku mash quulsanyihiin sidii Soomaaliya nabad loo gu soo dabaali lahaa, isla markaana in had da Somaliland la aqoonsada ayna caa winayn in xal loo helo dhibaatada Soomaa liya.

"Ujeedadayadu waxa weeyaan in aanu taa geerno nabadaynta Soomaaliya, waxana nu aaminsanahay in aqoonsi caalami ah oo Somaliland la siiya aanu caawinayn ujeedadaa, waxa aanu dhiirigalinaynaa in Muqdisho iyo Hargaysa wadahadlaan" ayuu yidhi Luke.

Waxa uu sheegay in xal nabadeed oo ay gaadhaan Somaliland, Soomaaliya iyo Itoobiya ay noqon karto wadada ugu ha boon ee lagaga gudbi karo caqabadaha jira, oo dowlada Ingiriisku ay muddo ba dan qayb ka ahayd dadaalada la doonayo in wax lagaga qabto.

Dowlada Ingiriiska oo Somaliland maamuli jirtay muddo 70 sanno ka badan wakhtigii gumaystaha, isla markaana madaxbanaa ni siisay sannadkii 1960 ayaa kamid ah dowladaha xafiisyada ku leh Hargaysa, isla markaana si dhow ula shaqeeyaa Somaliland, lakiin waxay marar badan sheegtay in hadda anay diyaar u ahayn in ay aqoonsato Somaliland.

Raysal-wasaarihii hore ee Ahmet Davuto ğlu oo dhawaan waraysi bixiyay ayaa sheegay in Ingiriisku uu ugu dhawaa in uu Somaliland aqoonsado sannadkii 2012, aqoonsigaas oo uu isagu hor istaagay. "Waxa aan joojiyay qorshe uu Ingiriisku da bada ka riixayay oo lagu doonayay in Mi dowga Yurub ku aqoonsado Somaliland" ayuu yidhi.

Waxa uu xusay in Xoghayihii hore ee Arri maha Dibadda Ingiriiska William Hague uu dalalka Yurub ku qancinayay aqoonsiga Somaliland maadaama ay ahayd meel de ggan oo dimuqraadi ah xilli Soomaaliya ay ku jirtay qalalaase iyo dowlad-la’aan, bal se Davutoğlu uu ku dooday in tallaaba daasi wiiqi doonto dadaallada Turkiga ee dib u dhiska Soomaaliya, isla markaana ay albaab u furi karto in la aqoonsado Jamhuuriyadda Turkiga ee Waqooyiga Cyprus.

Dowlada Ingiriiska ayaa markasta ku celce lisa in Muqdisho iyo Hargaysa wadahadl aan, iyada oo martigalisay wadahadaladii ugu horeeyay ee labada dhinac ay ku yeeshaan London sannadkii 2012, hal kaas oo ay ka dhasheen wadahadalo aan heshiis rasmi ah horseedin oo muddo dheer socday.

Madaxweynaha Israa’iil oo Itoobiya ku jooga safar istaraatiiji ah, kadib booqashadii Erdoğan

Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog ayaa booqasho rasmi ah ku tegay Itoobiya, safar laba maalmood qaadanaya, kaasoo diiradda lagu saarayo xoojinta xidhiidhka taariikhiga ah iyo iskaashiga labada dal, sida warbaahinta labada dal sheegtay.

Safarkan ayaa si cad u shaaciyay rabitaan ka Israa’iil ee ah in saameynteeda siyaasa deed iyo istaraatiijiyadeed ee Geeska Afrika la xoojiyo, kadib booqashadii dha waan Madaxweynaha Turkiga Recep Tay yip Erdoğan uu ku tegay Addis Ababa.

Herzog ayaa kulan la yeeshay Ra’iisul Wa saaraha Abiy Axmed Ali, iyagoo kawada hadlay arrimaha amniga, dhaqaalaha, iyo iskaashiga gobolka. Itoobiya, oo ah dal miisaan culus ku leh Bariga Afrika isla markaana xarun u ah shirarka heerka sare ee qaaradda, ayaa noqotay meel ay quwaduhu ku muujinayaan danahooda diblomaasiyadeed, iyada oo safarradan is xigxiga ay si cad u muujinayaan loollanka siyaasadeed ee gobolka.

Taariikh ahaan, Israa’iil iyo Itoobiya waxay leeyihiin xidhiidh soo jireen ah, oo ay ku jir aan iskaashi milatari iyo mid siyaasadeed, gaar ahaan xilligii Boqor Haile Selassie, oo door weyn ka ciyaaray xoojinta xidhii dhka labada dal qarnigii 20aad.

Safarka Madaxweynaha Israa’iil ayaa imanaya kadib booqashadii Erdoğan, oo Turkigu ku muujiyay taageeradiisa midni mada Soomaaliya isla markaana si weyn uga soo horjeeday aqoonsiga Somaliland. Dhanka kale, Israa’iil ayaa dhowaan aqo onsatay Somaliland, taasoo ka dhigtay in Israa’iil ay rabto in saameynteeda gobolka dardargaliso, iyadoo Itoobiya ay wali aanay si rasmi ah u shaacin mowqifkeeda ku aaddan arrinta aqoonsiga Somaliland.

Arrintan ayaa abuureysa xaalad istaraatiiji ah oo labada dhinac ay doonayaan in ma wqifka Itoobiya uu mid walba dhiniciisa raa co, taasoo ka dhigan in quwadaha shishee ye ay si toos ah isku dayayaan in saamey nta Addis Ababa ay u noqoto mid ka tarjumaysa danahooda siyaasadeed.

Gebogabadii, safarka Madaxweynaha Isra a’iil ee Itoobiya wuxuu ka tarjumayaa loollan siyaasadeed oo sii xoogaysanaya, halkaas oo arrimaha Geeska Afrika – gaar ahaan qadiyada Soomaalidu ay noqotay tiir muhiim u ah jihada iyo xulafaysiga quw adaha caalamiga ah ee gobolka.

Malik Xaashi oo noqday Ciyaaryahankii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee ku biira Arsenal

Malik Xaashi ayaa taariikh cusub u sa meeyay ciyaartoyda Soomaaliyeed kaddib markii uu si rasmi ah ugu biiray akadeemi yadda kooxda caanka ah ee Arsenal F.C., isagoo la saxiixday kooxda da’yarta ee Under-18-ka isaga oo 17 jir ah.

Malik oo ku dhashay dalka Ingiriiska, bal se asal ahaan Soomaali ah, ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee ku biiro nidaamka horumarinta da’ya rta ee Arsenal.

Malik wuxuu ka ciyaaraa khadka dhexe, booska loo yaqaan "Burburiye” ka kooxda, kaas oo isku xira daafaca, baalasha iyo weerarka, Waa boos muhiim u ah xakame ynta ciyaarta, dejinta xawaaraha kubadda iyo abuurista fursadaha goolal dhalinta.

Isagoo ka hadlay xarunta tababarka Arse nal, Malik wuxuu muujiyay farxaddiisa ku aaddan saxiixa uu la galay kooxda, isaga oo sheegay in tani ay sharaf weyn u tahay isaga iyo qoyskiisa.

"Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan saxii xo heshiiskan waa sharaf weyn, Qoyskey ga aad bay ugy faani doonaan, waxayna iga taageeraan maalin kasta si aan u horumariyo xirfaddeyda kubadda cagta,” ayuu yiri Malik.

Inkastoo ay jireen ciyaartoy asal Soomaali ah oo helay jinsiyado kale kuna biiray koo xo Yurub ah, haddana qaar badan oo ka mid ah mar dambe kama soo muuqdaan masraxa weyn ee kubadda cagta sababo aan mararka qaar la caddeyn.

Saxiixa Malik Xaashi wuxuu astaan u yah ay horumar cusub iyo rajo ay heleen dhali nyarada Soomaaliyeed ee ku riyoonaya inay ka ciyaaraan heerarka sare ee kubad da cagta Ingiriiska.


Ilhaan Cumar oo si kulul uga jawaabtay weerar uu Trump ku qaaday Soomaalida Minnesota


Fadhigii Kongareeska Maraykanka ee khudbadda sannadlaha ah ee madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa isu beddelay mid xiiso gaar ah yeeshay, kaddib markii hadallo la xidhiidha socdaalka iyo bulshada Soomaaliyeed ay abuureen buuq iyo is-qabqabsi siyaasadeed. Madaxweyne Trump, ayaa khudbaddiisa ku weeraray siyaasadda socdaalka, isagoo si gaar ah u soo hadal qaaday gobolka Minnesota.

Saacaddii ugu horreysay ee khudbadda, xubnaha Dimuqraadiyiinta ayaa muujinayay diidmo aamusnaan ah, iyagoo aan sacbin ama si muuqata uga falcelin hadallada madaxweynaha. Hase yeeshee, xaaladdu way is beddeshay markii Trump uu si toos ah u weeraray muhaajiriinta iyo bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota, isagoo ku tilmaamay gobolkaas tusaale muujinaya waxa uu ugu yeedhay khaladaad doorasho oo ka jira gobollada ay Dimuqraadiyiintu maamulaan.

Hadalladaas ayaa si weyn uga cadhaysiiyay xildhibaanadda asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya ee ka tirsan Aqalka Wakiillada, Ilhaan Cumar, oo marar badan cod dheer ku diidday hadalka madaxweynaha. Ilhaan Cumar ayaa ku dhawaaqday, "Waxaad laysay dad Maraykan,” iyadoo ku eedeysay siyaasadaha adag ee socdaalka inay sababeen dhimashada laba muwaadin oo Maraykan ah oo dhawaan lagu dilay Minnesota xilli ay jireen howlgallo la xidhiidha arrimaha socdaalka.

Xildhibaanadda kale ee Dimuqraadiga ah, Rashida Tlaib, ayaa iyaduna ku biirtay qaylada diidmada ah. Isweydaarsiga hadallada kulul ayaa cirka isku shareeray markii Trump uu Dimuqraadiyiinta ku eedeeyay inay ku fashilmeen ilaalinta xuduudaha, isla markaana uu ku dooday in waajibka koowaad ee dowladdu yahay ilaalinta muwaadiniinta Maraykanka, "ee aan ahayn dadka sharci darrada ku jooga dalka.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku celiyay eedeymo la xidhiidha khiyaano doorasho, isagoo sheegay in siyaasadda Dimuqraadiyiintu ay liidato isla markaana ay ku guuleystaan doorashooyinka oo keliya khiyaano awgeed, inkastoo aanu soo bandhigin wax caddeyn ah. Hadalladaas ayaa sii huriyay buuqa ka dhex aloosnaa xubnaha labada xisbi.

Dhanka kale, mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda ayaa cambaareeyay falcelinta Ilhaan Cumar iyo Tlaib. Wasiirka Gaadiidka, Sean Duffy, ayaa sheegay in inkastoo la isku khilaafsan yahay madaxweynaha, haddana ay habboon tahay in la dhageysto lana ixtiraamo marka uu khudbad jeedinayo. Si kastaba, Afhayeenkii hore ee Aqalka Wakiillada, Nancy Pelosi, ayaa hoos u dhigtay dhacdada, iyadoo sheegtay in buuqaasi aanu si weyn uga dhex muuqan gudaha hoolka.


Masar oo beenisay inay Itoobiya ka caawinayso helitaanka marin Badda Cas ah, iyadoo adkaysay mowqifkeeda GERD


Dowladda Masar ayaa si cad u beenisay warar sheegaya inay diyaar u tahay inay ka caawiso Itoobiya helitaanka marin ay ku gaarto Badda Cas, taas oo qayb ka ah heshiis lagu doonayo in lagu dejiyo xiisadda ka dhalatay Mashruuca Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya (GERD), oo muddo dheer muran ka dhex abuuray labada dal.

War-saxaafadeed ay soo saartay wakaaladda wararka rasmiga ah ee Masai, ayaa sarkaal dowladeed oo aan magaciisa la shaacin ku tilmaamay wararkaasi kuwo "aan sal iyo raad toona lahayn” isla markaana "been abuur ah,” isagoo xusay in mowqifka Masar ee ku aaddan amniga biyaha iyo arrinta GERD uusan waxba iska beddelin.

Sarkaalka ayaa ku celiyay in Masar ay ka go’an tahay ilaalinta xuquuqda biyaha ee dalalka ku teedsan Webiga Niil, isla markaana ay diidan tahay tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wax u dhimaysa xuquuqdaas.

Masar ayaa sidoo kale sheegtay in maamulka iyo ammaanka Badda Cas ay si gaar ah mas’uuliyad uga yihiin dalalka ku yaalla xeebaha baddaas, maadaama ay tahay marin istaraatiiji ah oo si toos ah ula xiriira amniga qaranka ee dalalkaas.

War-saxaafadeedka ayaa si dadban u diiday suurtagalnimada ka qaybgalka Itoobiya, maaddaama ay tahay dal aan bad lahayn (landlocked).

Intaa waxaa dheer, Masar waxay xaqiijisay inay aqbashay wareeg cusub oo wada-hadallo ku saabsan GERD, kuwaas oo lagu wado inay ka qabsoomaan magaalada Addis Ababa.

Inkasta oo xiisaddu ka dhex aloosan tahay Masar iyo Suudaan dhinac, iyo Itoobiya dhinaca kale, haddana wada-hadalladan ayaa lagu doonayaa in xal looga gaaro ismariwaaga ku saabsan buuxinta iyo maamulidda biyo-xireenka, taasoo noqotay mid si joogto ah u curyaamisa diblomaasiyadda sannadihii u dambeeyay.

Masar iyo Suudaan ayaa ku baaqay in la gaaro heshiis sharciyeysan oo qasab ah oo ku saabsan sida loo maamulayo biyo-xireenka si loo ilaaliyo amniga biyaha, halka Itoobiya ay ku adkeysanayso in mashruucu uusan waxyeello u geysan doonin dalalka ka hooseeya, taas oo keentay dib-u-dhacyo badan oo ku yimid wada-hadalladii sannadihii la soo dhaafay


 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip