Soomaaliya iyo fursadda isbahaysiga dhaqaalaha ee Geeska Afrika

0
Sunday February 22, 2026 - 21:32:34 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 77
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya iyo fursadda isbahaysiga dhaqaalaha ee Geeska Afrika

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Qarnigan 21aad, dalalka guuleysta ma aha kuwa ku taagan xoogooda oo keliya, balse waa kuwa si xeel dheer ugu xiran deriskooda. Isdhexgalka dhaqaale ee heer gobol wuxuu noqday tiir muhiim u ah koboca dhaqaale, xasillooni iyo saameyn siyaasadeed. Geeska Afrika oo muddo dheer la daalaa dhacaayey colaado iyo kala qaybsanaan wuxuu maanta taagan yahay isgoys taariikhi ah. Gobolka wuxuu u guurayaa marxalad ay iskaashi dhaqaale oo qoto dheer noqotay lama huraan, halkii ay ka ahaan lahayd ikhtiyaar.

Soomaaliya, oo ku taala goob istiraatiiji ah, isla markaana leh taariikh ganacsi oo fac weyn, iyo dib-u-soo kabasho dhaqaale oo muuqata, waxay fursad u haysataa inay noqoto hormuudka aragtida cusub: dhismaha Isbahaysi Dhaqaale oo Geeska Afrika ah, kuna dhisan marinnada isku-xirnaanta (economic connectivity corridors).

Isbeddelka Gobolka

Dunida maanta, isku-xirnaanta ayaa go’aamisa horumarka. Midowga Afrika, Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB), iyo Bangiga Adduunka waxay si joogto ah u muujinayaan in kaabayaal isku dhafan, waddooyin, dekedo, tamarta, nidaamyo xuduudeed iyo suuqyo mideysan ay yihiin saldhigga koboca gobolkeena.

Geeska Afrika wuxuu leeyahay dhammaan astaamaha u baahan isbahaysi dhaqaale:

● Suuqyo isku tiirsan


● Dalal aan bad lahayn oo u baahan marinno badeed
● Baahi kaabayaal oo isku mid ah
● Caqabado wadaag ah sida isbeddelka cimilada iyo amni darrada

Si kastaba ha ahaatee, waxa ka maqan ayaa ah qaab hay’adeed danahaasi u mideeya si nidaamsan.

Istraatiijiyadda Juqraadiyeed ee Soomaaliya

 

Soomaaliya waxay ku taallaa marin muhiim ah oo isku xira Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, halkaasi oo ah marin ay maraan qayb weyn oo ganacsiga caalamka ah. Tobannaan sano, arrintaasi loogama faa’iidaysan si buuxda sababo la xiriira colaado iyo tabartarida hay’adaha dowladeed. Maanta, xasilloonida dhaqaale, cafinta deynta iyo dib-u-habeynta maamulku ayaa abuuray rajo iyo fursad cusub.
Itoobiya waxay si weyn ugu tiirsan tahay dekedo didabadda ku yaala. Kenya waxay doonaysaa hoggaamin ganacsi oo goboleed. Jabuuti waxay dhistay dhaqaale ku saleysan saadka iyo dekedaha. Sidaasi darteed, Soomaaliya ma ahaan karto daawade; waxaa la doonaayaa in ay noqoto ciyaaryahan, dhinac kasoo gasha loolanka.

Haddii dekedaha, waddooyinka, khadadka tamarta iyo kaabayaasha dijitaalka ah ee Soomaaliya lagu xiro qorshe ku saleysan wadajirka gobolka, waxay isu beddeli karaan mashiinka koboca gobolka.

 

Maxay tahay sababta Isbahaysi dhaqaale loogu baahan yahay?

Isbahaysi dhaqaale oo laga sameeyo Geeska Afrika ah ma aha arrin siyaasadeed oo keliya; waa mid dhaqaale oo istiraatiiji ah.

1. Balaarinta Suuqa

Suuqa gudaha ee Soomaaliya oo keliya ma qaadi karo maalgashiga waaweyn ee kaabayaal. Isdhexgalka goboleed wuxuu ballaariyaa suuqyada, kordhiyaa soo jiidashada maalgashiga, wuxuuna suurto gelinayaa dhaqaale miisaan ballaaran gaar ahaan gaadiidka, tamarta iyo ICT-ga.

2. Wadaagista Khatarta

Isbeddelka cimilada, carqaladaha sahayda iyo khataraha amni waa dhibaatooyin aan ku koobnayn hal dal. Marinnada isku-xirnaanta ee mideysan waxay dhisaan adkaysi, yareeyaan nuglaanta, isla markaana kobciyaan kalsooni goboleed.

3. Sharciyeynta Ganacsiga Aan Rasmiga Ahayn

Ganacsi badan oo ka socda waddooyinka Muqdisho, Baydhabo iyo Boosaaso ilaa Itoobiya iyo Kenya waa mid aan rasmi ahayn. Haddii la sharciyeeyo oo loo yeelo tayo, wuxuu kordhin karaa dakhliga dowladda, hoos u dhigi karaa kharashaadka, isla markaana xoojin karaa joogitaanka dowladeed.

Marinnada Isku-Xirnaanta waa Laf-dhabarta Horumarka

Marinnada dhaqaale ma aha mashaariic gooni-gooni ah; waa nidaam isku dhafan oo isku dara:

● Waddooyin iyo dekedo
● Maareyn xuduudeed
● Gudbinta tamarta ama korontada
● Kaabayaasha dijitaalka ah

Khibradaha Afrika iyo daraasadaha AfDB iyo Bangiga Adduunka waxay muujinayaan in marka si nidaamsan loo qorsheeyo, marinnadani ay keenaan natiijooyin ka wanaagsan mashaariic kala go’an.

Soomaaliya gudaheeda, diyaar garowga isdhexgalka wuxuu ku xiran yahay ka faa’iidaysiga qulqulka ganacsi ee jira. Halkii laga bilaabi lahaa meel eber ah, waxaa la tayeyn karaa waddooyin hore oo shaqeynayay qarniyo .

Muhimadda Ay Leedahay Taariikhda Oo La Xusuusto

Isbahaysi dhaqaale ma aha fikrad cusub. Qarniyo badan, dekedaha Muqdisho, Saylac iyo Berbera waxay ahaayeen xarumo ganacsi oo isku xira Afrika, Bariga Dhexe iyo Aasiya. Bulshada Soomaaliyeed, oo ku dhisan dhaqdhaqaaq iyo ganacsi, waxay lahayd "kaabayaal jilicsan” oo u sahlay ganacsi xuduudaha ka gudba.

Dib-u-nooleynta aragtidaas taariikheed waxay noqon kartaa saldhigga aragti cusub oo goboleed.

Sharciyad iyo Hoggaamin Wanaagsan

Isbahaysi kasta oo guuleysta waa inuu ku dhisnaadaa ixtiraamka madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo nidaamka dastuuriga ah. Soomaaliya waxay hore u qaaday tallaabooyin muhiim ah sida ku biirista Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo ka go’naanshaha AfCFTA. Laakiin tallaabooyinkaasi waa bilow. Waxa loo baahan yahay waa aragti qaran oo cad, ku dhisan cilmi, wada-tashi iyo qorshe istiraatiiji ah.
Su’aashu ma aha ma dhic doonaa isdhexgal goboleed ee waa kuma cidda qaabeyn doonta?

Gunaanad: Fursad Aan Dib Loo Helin

Soomaaliya maanta waxay haysataa fursad ay ku beddesho juqraafiyaddeeda istiraatiijiga ah oo ay u beddesho awood dhaqaale oo dhab ah. Isbahaysi Dhaqaale oo Geeska Afrika ah ma aha tanaasul; waa istiraatiijiyad lagu xaqiijinayo nabad, xasillooni iyo koboc waara.
Haddii Soomaaliya qaadato hoggaan ku dhisan sharciyad, wadajir iyo aragti fog, waxay noqon kartaa udub-dhexaadka barwaaqada gobolka. Haddii kale, waxay halis ugu jirtaa inay noqoto meel laga gudbo, halkii ay ka ahaan lahayd meel wax laga hago.
Fursaddu way jirtaa. Go’aankuna gacmaheena ayuu ku jiraa.

Soomaaliya iyo fursadda isbahaysiga dhaqaalaha ee Geeska Afrika

Waxaa qoray: Dulmar Maalim oo ah Isku-duwaha Mashruuc Daraasad Isdhexgal Goboleed iyo Isku-Xirnaan Dhaqaale oo ay taageerto Bangiga Adduunka.

XIGASHO:-HOL.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip