HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 23-FEB-2026

0
Monday February 23, 2026 - 08:00:40 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 72
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 23-FEB-2026

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Baarlamaanka Soomaaliya oo shalay soo gabagabeeyay cutubka 9-aad ee Dastuurka

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarla -maanka Jamhuuriyadda Federaalka Soo maaliya ayaa shalay yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 21-aad ee wadajirka ah, waxaana shir guddoominayey Guddoo miye kuxigeenka koowaad ee Golaha Aqal ka sare Cali Shacbaan Ibraahim oo ay we hliyaan Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo guddoomiye kuxigee nka labaad ee Golaha Aqalka Sare Muda -ne Cabdullaahi Xirsi Timacadde.

Ajendaha shalay ee kulanka wadajirka ah waxa uu ahaa sii amba qaadida dooda ku saabsan cutubka 9-aad ee dastuurka Kmg ah, waxaana xildhibaanada labada Aqal ay dood xasaasi ah ka yeesheen qo dobada cutubka sagaalaad ee dastuuka.

Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Aqalka sare Mudane Cali Shac baan Ibraahim oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in shalay lasoo gaba gabeeyey ka doodista cutubka sagaalaad ee dastuur ka, isagoo u mahadceliyey Xildhibaanada labada ee Baarlamaanka Dalka.

Kulan Looga Hadlay Isku-duwidda iyo Wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda ee Xasilinta oo Lagu Qabtay Muqdisho

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arri maha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-he shiisiinta Xukuumadda Federaalka Soo -maaliya (XFS), Mudane Cabdulqaadir Cali, ayaa guddoomiyay kulanka Guddiga Isku-dhafka Wasaaradaha ee Dadaallada Xasili -nta.

Ujeeddada kulankan ayaa ahayd xoojinta isku-duwidda iyo wada-shaqeynta hay’ada ha dowladda ee ku howlan arrimaha xasilinta. Waxaa si gaar ah diiradda loo saaray qiimeynta baahiyaha jira, kala hor marinta faragelinta, caqabadaha taagan, iyo sidii loo dardargelin lahaa dadaallada ka socda deegaannada dhowaan laga xor -eeyay Alshabaab, gaar ahaan gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Mas’uuliyiinta ka socday hay’adaha kala duwan ee dowladda ee ka qaybgalay kula nka ayaa adkeeyay muhiimadda mideynta dadaallada, dejinta mudnaanta qorsheyaa -sha, iyo is-waafajinta howlaha socda. Waxay sidoo kale muujiyeen go’aan adag oo ku aaddan hirgelinta iyo horumarinta dadaallada xasilinta ee heer qaran, si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo dib u soo kaba shada deegaannada la xoreeyay.

Shirkii Madaxda Dowlada iyo Golaha Muataqbalka oo lagu kala tagay iyadoo aan wax heshiis ah la gaarin

Shirkii shalay ee dhexmaray Madaxwey naha Soomaaliya iyo qayb ka mid ah xukuumaddiisa, iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, oo ka furmay xarunta Madax -tooyada ee Villa Soomaaliya shalay 11:00 subaxnimo, ayaa kusoo idlaaday 4:00 galabnimo iyada oo aan wax heshiis ah laga gaarin.

Kulankan oo si weyn looga sugayay kadib dib u dhacyo hore, ayaa ku bilowday jawi deggan iyo is-salaamid, Laakiin, mar kii ay doodaha bilaabantay, waxay isu bed deleen khilaaf adag oo ku saabsan hann aanka doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

Madaxweynaha ayaa ku adkaystay in aan laga wada hadli karin doorasho fede raal ah ilaa marka hore la qabto doora shooyinka golaha deegaanka.

Sidoo kale, wuxuu meesha ka saaray in shirkan looga hadlo doorashooyinka Gal mudug, Hirshabelle, iyo Koonfur Galbeed.

Ka dib nasasho kooban, kulanku ma kee nin wax isbeddel ah oo lagu xalliyo is mari waaga, waxaana shirku kusoo idlaaday iyadoo aan wax horumar ah laga samayn.

Golaha Mustaqbalka ayaa dib ugu laa btay xarumahooda iyaga oo la filayo inay yeeshaan wadatashi gaar ah si loo go’aa miyo tallaabada xigta.

Waxa la filayaa in Golaha Mustaqbalka ay soo saaraan war murtiyeed ku saabsan mowqifkooda oo shacabka ay u dhaga taa gayaan.

Dhinaca dowladda, wax faahfaahin dhee raad ah kama soo bixin, taasoo muujinay sa in labada dhinac ay weli qorsheyna yaan wadatashi, Waxaa la saadaalin karaa in xaaladda ay caddeyso cidda ma -suulka ka noqon doonta fashilka shirka ama cidda lagu eedeeyo.

Waxaa xusid mudan in beesha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed ay rajo weyn ka qabeen shirka shalay, balse natiijadii -su aysan noqon sida la filayay.

Wasiirka Batroolka oo Sheegay in Horumarka Soomaaliya uu Ku Xiran Yahay Ka Faa’iideysiga Khayraadka Shidaalka

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee Dow -ladda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa sheegay in rajada ugu weyn ee mustaqbalka Soomaaliya ay ku jirto ka faa’iideysiga khayraadka shidaa lka, isaga oo tilmaamay in waddamo ba dan oo caalamka ah ay horumar ku gaa -reen maareynta kheyraadkooda dabiiciga ah.

Wasiirka ayaa xusay in shaqo ballaaran laga qabtay dejinta shuruucda iyo qaab-dhismeedka sharci ee hagaya shidaalka, isla markaana la sameeyay sahanno bal laaran oo dhul iyo badba leh, kuwaas oo sare u qaaday rajada laga qabo in dalka uu yeesho wax-soo-saar shidaal.

Wuxuu tilmaamay in heshiisyadii lagu gaaray magaalada Baydhabo ee la xiriiray qeybsiga dakhliga shidaalka ay fududee yeen geeddi-socodka sahaminta, isla mar kaana ay dalka u diyaariyeen marxaladda qodista.

"Rajada keliya ee Soomaaliya waa soo saarista shidaalkeeda, Shuruucda shidaal ka marxalado kala duwan ayay soo ma reen, waxaana diyaar u nahay tallaabada xigta,” ayuu yiri Wasiir Daahir Shire.

Wasiirka ayaa sidoo kale carrabka ku ad keeyay in dadaallada sahaminta iyo qodis ta ay taageero ka helayaan dowladda Tur-key, oo heshiisyo kala duwan la leh Soo maaliya, gaar ahaan dhinaca tamarta iyo farsamada.

Markab casri ah oo ku takhasusay qodis ta shidaalka ayaa loo diyaariyay howsha qodista, waxaana lagu qalabeeyay agab iyo nidaamyo badbaado oo heer sare ah si loo hubiyo hawlgal ammaan ah.

Wasiirku wuxuu ku booriyay shacabka Soomaaliyeed inay mideeyaan dadaalkoo da, isagoo sheegay in ka faa’iideysiga shi daalka uu noqon karo waddada ugu dhow ee dalka u horseedi karta horumar dha qaale iyo isbeddel muuqda.

Deni oo ka digay labo khatar oo halis ku ah dalka.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdull -aahi Deni oo la hadlayey qaar kamid ah waxgaradka gobolka Banaadir ayaa ka hadlay arrimaah doorashooyinka, waxka-beddelka dastuurka iyo qorshaha golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Deni ayaa ugu horrayn sheegay in GMS ay sameeyeen dulqaad xooggan si aysan cududaar ugu samayn qorshaha dowladda, "Golaha Mustaqbalka waxay sameeyeen dulqaad wanaagsan, mana rabno dagaal, waxa keliya noo furan dagaalka argagixisada.”

Dhanka kalena, Madaxweynaha Punt -land ayaa heshiis ugu yeeray MW Xasan Sheekh Maxamuud,"Madaxweyne Xasa now aan heshiinno, wixii aan ku barannay dagaalkii IS ee Puntland in aan dalkaan lagu difaaci karin awood dowlad goboleed oo keliya… aniga & MW Axmed waxa aan u joognaa in aan badbaadinno jiritaanka dowladnimada Soomaaliyeed.”

Ugu dambayntiina Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay inaysan Puntland qayb ka ahayn waxka-beddelka dastuurka,”Dastuurka halkaan lagu malmaluuqayo wax ka jira ma jirto – madaweyne Xasan Shiikh iyo Aadan Madoobe hadii uu dastuur u noqnayo iyagey jirtaa. -Puntland qayb ka noqon mayso.”

Madaxweyne Deni oo xalay hadal ka jeediyay munaasabad ka dhacday Muqdi sho ayaa yiri "dalkan labo khatarood xoog bay ugu soo socdaan, in uu kala irdhoobo oo kala tago iyo in dad aan la garanayn qabsadaan”.

Madaxweyne Deni wuxuu khatarta labaa-d tusaale ugu soo qaatay ajaaniibtii lagu qabtay dagaalka Daacish iyo wixii ay Puntl and ku aragtay buuraleyda Calmiskaad.

Wuxuu sheegay in khatar taas ka weyn laga filan karo gobolada Koonfurta Soom -aaliya ee gacanta ku hayaan kooxda Al-shabaab.

Meydadka dad tahriibayaal ah oo laga helay Liibiya iyo Giriigga

Sideed ruux oo mayd ayaa laga helay biy -aha badaha ee Liibiya iyo Giriiga, xilli tira da dadka socotada ah ee ku dhintay bad da Mediterranean-ka ay sii kordhayaan.

Booliska Liibiya ayaa helay meydadka shan qof oo magangalyo doon ah oo ku soo caariyay xeebta u dhow caasimadda Tripoli, iyadoo dhanka kale mas’uuliyiinta Giriigga ay ku dhawaaqeen dhimashada saddex qof oo kale oo iyaguna laga helay xeebta Crete.

Wakaaladda Wararka ee Athens ayaa Sabtidii sheegtay in mas’uuliyiintu ay soo heleen saddex meyd ah, isla markaana ay badbaadiyeen ugu yaraan 20 qof ka dib markii doon alwaax ah oo siday muhaaji riin iyo magangalyo doon ah ay ku degtay xeebta Crete.

Inta badan dadkii badbaaday waxay aha ayeen Masaari iyo Suudaan, sida la shee gayna waxaa ku jiray afar carruur ah oo aan qaan-gaarin.

Meydadka Liibiya waxaa Sabtidii helay dadka deggan magaalada xeebta ee Qasr al-Akhyar, sida uu sheegay sarkaal booliis ah Hassan Al-Ghawil,wuxuuna intaa raa ciyay in dhammaan meydadkaasi oo ahaa dad madow ah ay ku jireen laba haween ah.

Musiibadaan ayaa timid toddobaadyo ka dib markii Hay’adda Caalamiga ah ee Soc daalka ay sheegtay dhimashada konton iyo saddex muhaajiriin ah, ka dib markii doon caag ah oo ay saarnaayeen 55 qof ay ku degtay xeebta magaalada Zuwara ee galbeedka Tripoli.

Sidoo kale dhimashada dadka tahribka ah ayaa timid xilli mas’uuliyiinta Giriiggu ay ka jawaabayeen dhacdo kale oo ka dhacday bariga Mediterranean-ka.

Deeq raashin ah oo la gaarsiiyay shacabka ay saameysay abaarta ee ku nool bariga Gobolka Mudug

Ku dhowaad 130 qoys oo ku dhaqan dee gaannada Afbarwaaqo, Qoriweyn iyo tuu looyinka hoos yimaada, kuwaas oo ay si weyn u saameysay abaarta ka jirta qaybo ka mid ah bariga Gobolka Mudug, ayaa la gaarsiiyay deeq isugu jirta raashin, biyo iyo xoolo nool.

Deeqdan ayaa ka timid ganacsade Kha dar Nuur Maxamed, oo ka mid ah aqoony ahannada ku nool magaalada Muqdisho, ayaa kusoo aaday xili abaaro daran ay ka jiraan qeyba kamid Gobolka Mudug.

Maamulka Degmada Afbarwaaqo iyo odayaasha dhaqanka ee deegaannadaasi ayaa si weyn uga mahadceliyay deeqda la soo gaarsiiyay shacabka, iyagoo tilmaa may inay kusoo beegantay xilli ay dadka deegaanku baahi xooggan u qabeen gargaar bani’aadannimo, maadaama ay ji reen duruufo nololeed oo adag oo ka dha shay abaarta.

Waxay sidoo kale ugu baaqeen ganacsa tada kale iyo hay’adaha samafalka inay ku daydaan tallaabadan, si loo garab istaago qoysaska danyarta ah ee wali wajahaya saameynta abaarta ka jirta bariga Gobolka Mudug.

Ciidamada Xoogga Dalka oo hawlgallo qorshaysan ka wada degmada Xawaadley

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa wada howlgallo qorsheysan, kaas oo lagu beegsanayo maleeshiyaadka Alsha -baab ee ku dhuumaaleysanaya aagga dee gaanka Xawaadley ee Gobolka Shabeella -ha Dhexe.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ee amni-darrada ka wada deegaannada ku teedsan webiga Shabeel le.

Deegaanka Xawaadley, oo hoos taga ma gaalada Jowhar, ayaa ah meel istaraatiiji ah oo muhiim u ah isku socodka gaadiidka iyo isku xirka tuulooyinka gobolka.

Ciidamada ayaa sameynaya baaritaanno guri-guri ah, iyagoo hubinaya inaysan jirin xubno ka tirsan Alshabaab oo ku dhuum aaleysanaya goobahaasi. Sidoo kale, wa xaa la adkeeyay ammaanka waddooyinka muhiimka ah si loo xaqiijiyo badqabka shacabka iyo gaadiidka isticmaala.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa sheegay in ujeeddadu tahay in la xa qiijiyo xasiloonida deegaanka, lana burbu riyo fariisimaha iyo godadka ay kooxdu ku dhuuman karto.

Howlgalkani wuxuu qeyb ka yahay istara atiijiyadda guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay kula dagaallamayso Alsha baab, si loo xoojiyo amniga guud ee dalka, gaar ahaan gobollada bartamaha.

Somaliland oo Mareykanka u soo bandhigtay macdan qaali ah iyo in ay siinayso saldhigyo ciidan

Somaliland ayaa shaacisay inay diyaar u tahay inay Mareykanka la gasho heshiis la xidhiidha khayraadkeeda macdanta, isla markaana ay u oggolaato in Washington saldhigyo ciidan ku yeelato xeebaha Gacanka Cadmeed, sida uu wakaaladda wararka ee AFP u sheegay Wasiirka Ma daxtooyada Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi.

Wasiirka ayaa caddeeyay in Somaliland si dhab ah u danaynayso heshiis istiraatiiji ah oo ay la gaadho Mareykanka. "Waxaan diyaar u nahay inaan siino Mareykanka he litaan gaar ah oo ku saabsan macdana hayaga. Sidoo kale, waxaan u furan nahay inaan siino saldhigyo ciidan,” ayuu yidhi wasiirku.

Wuxuu intaas ku daray inuu rajo weyn ka qabo in wada-hadalladaasi miro-dhal noq daan. "Waxaan aaminsanahay inaan wax ku heshiin doono Mareykanka,” ayuu u sheegay AFP.

Sidoo kale, wasiirku meesha kama saarin suurtagalnimada in Israa'iil ay ka hesho saldhig ciidan Somaliland, gaar ahaan aag ga istiraatiijiga ah ee Berbera. Madaxwe ynaha Somaliland ayaa dhowaan shaaca ka qaaday inuu ka shaqaynayo heshiisyo la xidhiidha macdanta iyo tiknoolajiyadda oo uu la geli doono Israa'iil.

Warbixinta AFP ayaa sheegtay in mas’uu liyiinta Somaliland ay ku doodayaan in dhu lkoodu hodan ku yahay macdano qiimo badan leh sida lithium iyo coltan, inkasta oo aan weli la helin xaqiijin madax-ban naan oo arrintaas lagu sameeyay.

Hadalkan ayaa imanaya xilli Somaliland ay sii laba-jibbaarayso dadaalladeeda ku aaddan helitaanka aqoonsi caalami ah, kadib markii Israa'iil ay bishii December muujisay taageerada ay u hayso madax bannaanida Somaliland iyada oo goobta juqraafiyeed ee Somaliland oo ku taallo ay sii xoojinayso muhiimaddeeda dhinaca amniga iyo ganacsiga caalamiga ah.

Dhanka kale, dowladda federaalka Soom aaliya ayaa si adag uga hortimid suurta galnimada heshiis kasta oo ay Somaliland la gasho dowlad shisheeye, iyadoo sheeg tay in Somaliland ay ka mid tahay dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee Somaliland oo xukuumadda ugu baaqay inay soo bandhigto heshiiska ay la gashay Israa’iil

Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muu -se Biixi Cabdi, ayaa xukuumadda Somali land ugu baaqay inay si cad u soo bandhi -gto heshiiska ay la gashay Israa’iil, isaga oo dhinaca kale digniin u diray dowladaha Masar iyo Turkiga oo si weyn uga soo hor jeeda aqoonsiga Somaliland.

Biixi ayaa sheegay in loo baahan yahay in heshiiska u dhexeeya Somaliland iyo Is raa’iil uu noqdo mid caddaalad ah oo labada dhinacba danahooda ku ilaashanayaan, isaga oo ka digay in uu noqdo mid cid gaar ahi ku faa’iidayso ama cid kale waxyeello lagu gaadhsiiyo.

"Xukuumaddu weli may soo bandhigin, ummaddana may horkeenin waxa aynu ku heshiinnay Israa’iil – ha ahaado axdi, is-afgarad ama heshiis qoran oo sharci ah – taana waa laga sugayaa. Haddii aanu ahayn heshiis la siman yahay oo midna diintiisa aan waxba lagu yeelayn, Islaamkana aan waxba lagu yeelayn, waa laga hadli doonaa,” ayuu yidhi Biixi.

Biixi, muddadii uu xilka hayay, marnaba ummadda Somaliland uma soo bandhigin faahfaahinta buuxda ee is-afgaradkii ay xukuumaddiisu la gashay dowladda Itoobiya bilowgii sannadkii 2024, iyada oo mar kasta xisbiyada mucaaradku codsan jireen in la soo bandhigo faahfaahinta heshiiska.

Dhanka kale, Biixi waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in Masar iyo Turkigu ay ku midoobaan mucaaradadda aqoonsiga Somaliland, inkasta oo ay taariikh ahaan arrimo badan ku kala aragti duwan yihiin. Waxa uu sheegay in Masar ay ka mid ahayd dowladihii ugu horreeyay ee heshiis la gala Israa’iil, isla markaana Madaxweynihii hore ee Masar, Anwar Al Saadaad, uu ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee Muslim ah ee booqda Israa’iil.

Biixi waxa uu intaas ku daray in Masar aanay waligeed waxtar muuqda u samayn Soomaaliya, isla markaana ay danaynayso in Itoobiya iyo Soomaaliya ay mar walba xiisad ku jiraan si ay u ilaashato danaheeda la xidhiidha wabiga Niilka. Waxa kale oo uu sheegay in ciidamada Masar iyo Turkiga ee la keenayo Soomaaliya aanay xal waara keeni doonin.

"Colaadda la abuurayaa waxa sal u ah qodob keliya – waa aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland,” ayuu yidhi.

Waxa kale oo uu sheegay in doodda ka imanaysa madaxda Soomaaliya ee ku saa bsan in dad Falastiiniyiin ah la keenayo Somaliland aanay sal lahayn, isla markaa na xukuumadda Somaliland ay hore u bee nisay arrintaas.

Sidoo kale, waxa uu ka hadlay wararka sheegaya in Israa’iil u timid Somaliland si loogaga duulo Yemen ama Iran, isaga oo ku tilmaamay "war suuqa la geliyey,” isla markaana aanay suurtoobayn, maadaama uu dastuurka Somaliland arrintaas si cad uga hor imanayo.

Ugu dambayn, Muuse Biixi Cabdi waxa uu baaq u diray Midowga Afrika, isaga oo ugu yeedhay inuu ixtiraamo xuduudaha Somaliland, kuwaas oo uu sheegay inay waafaqsan yihiin axdiga Midowga Afrika ee dhigaya in la dhowro xuduudihii gumay siga laga dhaxlay.

Sirdoonka Mareykanka ayaa dilay nin soo galay dhismaha guriga Trump ee Mar-a-Lago

Madaxweyne Donald Trump ayaa ka maqnaa guriga Mar-a-Lago isagoo joogay Washington kaddib markii nin soo galay ay toogteen ciidamada.

Dhowr jeer ayaan aaday Mar-a-Lago mar waxay aheyd bishii Desember marna Ja naayo ayuu yiri Trump.

Aad ayaa loo adkeeyay ammaanka guri ga iyo dhammaan hareeraha. Waxaana jooga ciidamo kuwa ammaanka ah ee sir doonka. Marka la galayo guriga, gawaa rida iyo dadkaba waa la baraa iyadoo la adeegsanayo eeyo iyo qalabka biraha la gu ogaado.

Weli wax badan lagama oga ninka la tu humay iyo waxa keenay in uu soo aado guriga madaxweyne Trump.

BBC-da ayaa loo sheegay in qofka weerarka soo qaaday uu ahaa Austin T. Martin oo 21 jir ahaa kana soo jeeda North Carolina.

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in uu sitay qori iyo gaas markii uu soo galay guriga Mar a Lago.

Dhanka kale, xoghayaha maaliyadda, Scott Bessent, ayaa u sheegay Fox News in uu la hadlay madaxweyne Trump, wu xuuna sheegay in Trump iyo qoyskiisa ay badqabaan, "Ma ahan in ay la kulmaan is ku dayo midba mid ka dambeeya” ayuu yi ri Scott Bessent.

Puntland oo shaacisay in roobab ka badan celceliska laga filayo deegaannadeeda

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Puntland ayaa soo saartay warbi xin ku saabsan saadaasha roobabka Gu’ ga 2026, taasoo muujinaysa in inta badan deegaannada Puntland laga filayo roob u dhow ama ka badan celceliska caadiga ah.

Sida lagu xusay warbixinta, waxaa jirta 40% ilaa 60% suurtagalnimo ah in roobab ku gaaraan heerka celceliska ama ka ba taan. Qaybo ka mid ah gobollada Nugaal, Mudug iyo Bari ayaa la filayaa inay helaan roob ka badan caadiga, halka deegaanna da kale ay heli karaan roob dhexdhexaad ah oo wanaagsan.

Wasaaradda ayaa sheegtay in xilli roo baadkan uu fursad u yahay kororka wax-soo-saarka daaqa, dib-u-buuxinta ceela sha iyo berkadaha, iyo hagaajinta kaydka biyaha, taasoo muhiim u ah xoolo-dhaqa tada iyo beeraleyda.

Si kastaba, warbixintu waxay sidoo kale ka digtay suurtagalnimada fatahaado iyo daadad ka dhasha roobabka culus, gaar ahaan meelaha dhulka hooseeya iyo toga gga mara magaalooyinka.

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa bulshada reer Puntland ugu baaqday inay feejignaadaan, qaataan tal laabooyin ka hortag ah, isla markaana la socdaan digniinaha rasmiga ah si looga hortago khasaaro ka dhasha roobabka la saadaaliyay.

Warkan ayaa kusoo aaday xilli degaana da Puntland ay ka jiraan abaaro darran oo saamayn ku yeeshay dad ka badan hal milyan oo qof oo ku nool gobollada Punt land, kuwaas oo qaarkood wajahaya xaala do bini'aadantinimo oo adag.

Puntland, labadii sano ee ugu dambeey ay ma irin roobab badan ka da'ay degaana deeda, taasoo keentay in xaaladda abaar ta ay gaarto halkii ugu xumayd muddo to -banaan sano kaddib.

Taliban oo digniin culus dirtay

Pakistan ayaa sheegtay in ay bartilmaa meedsatay "toddobo goobood iyo xero ar gagixiso” oo ku yaalla xadka Pakistan iyo Afgaanistaan, iyadoo la tixraacayo sirdoon.

Dhanka kale, afhayeen u hadlay xukuu madda Taliban ee dalka Afgaanistaan ​​ayaa sheegay in tobaneeyo qof oo ay ku jiraan haween iyo carruur lagu dilay duqeymaha ay diyaaradaha Pakistan ka fuliyeen Nangarhar iyo Pakistan.

Isla mar ahaantaana, Wasaaradda Dif aaca ee xukuumadda Taliban ayaa ka di-gtay aargoosi ‘waqtiga ku habboon’.

Sida laga soo xigtay Wasaaradda Difaa ca ee xukuumadda Taalibaan ee Afgaani staan ​​ayaa soo saartay bayaan ay ku cambaareynayso weerarrada Pakistan ay dhawaan ku qaadday ‘goobaha rayidka’ ee gobollada Nangarhar iyo Paktika.

Sida laga soo xigtay BBC Pashto, afha yeen u hadlay wasaaradda difaaca Afgaa nistaan ​​Inayatullah Khawarizmi, ayaa ha dal uu soo saaray oo lagu sii daayay mareegaha xiriirka bulshada ee X, wuxuu ku tilmaamay duqeymaha Pakistan inay yihiin "kuwo xadgudub ku ah madaxban naanida qaranka Afgaanistaan” wuxuuna sheegay in Afgaanistaan ​​ay u aragto tallaabadan mid si cad u jabinaysa sharci ga caalamiga ah, mabaadi’da deris wanaa gga iyo qiyamka Islaamka.

Xamaas oo dib u qabsatay qeybo badan oo Qasa ah

Markii xabbad-joojin ay soo rogtay dow ladda Maraykanka oo ay hakinaysay dag aalkii Qasa bishii Oktoobar ee la soo dhaa fay, dagaalkii Xamaas ee ka dhanka ahaa Israa’iil wuxuu isu beddelay loollan ay ugu jirto xukunka gudaha.

Dagaalku wuxuu dhimay cutubyadii mila tari ee caadiga ahaa ee kooxda, kuwaas oo isu beddelay xoogag dhuumaalaysi ah oo firirsan, waxaana la dilay inta badan hoggaamiyayaashoodii; dhismooyinkii iyo kaabayaashii Qasa intooda badan waa la burburiyay, dadkeediina waa la barak iciyay, dhaqaalaheeduna wuxuu noqday mid la ragaadiyay. Wasaaradda Caafimaadka ee ay maamusho Xamaas ayaa sheegtay in in ka badan 72,000 oo reer Qasa ah lagu dilay dagaalka iyo weerarrada Israa’iil.

Afar bilood ka dib xabbad-joojinta, dadka deggan Qasa waxay leeyihiin Xamaas wa xay mar kale ballaarinaysaa xukunkeeda dhinacyada amniga, daqliga canshuuraha iyo adeegyada dawladda, taasoo keenay sa su’aalo ku saabsan qorshaha fog ee kooxda iyo inay diyaar u tahay inay waree jiso hubkeeda iyo awoodda, sidii looga baahnaa wejiga labaad ee qorshaha naba dda ee Donald Trump.

"Xamaas waxay dib u la wareegtay xuku nka in ka badan 90 boqolkiiba aagagga ay joogaan,” ayuu yiri Maxamed Diab oo ah u dhaqdhaqaaqe xuquuqda aadanaha oo ku sugan Qasa.

Pakistan ayaa weer dad ku dhintay ku qaaday Afghanistan

Pakistan ayaa dhowr weerar oo cirka ah ku qaaday Afghanistan, waxayna Taliban sheegtay in tobaneeyo la dilay.

Islamabad ayaa sheegtay in duqeyma han lagu beegsaday todobo xero oo la sheegay in ay ku sugnaayeen xagjiriin iyo goobo ay ku dhuumaaleysanayaan oo ku dhow xadka Pakistan iyo Afgaanistaan.

Afghanistan way cambaareysay weera dan, waxayna ku sheegtay in lagu beegsa day guryo dad rayid deggan yihiin iyo dug siyo qur’aan

Weeraradan cusub ayaa yimid kadib mar kii labada wadan ay ku heshiiyeen xabad joojin kumeel gaar ah bishii Oktoobar kaddib dagaal culus oo dhanka xuduuda ah oo dhexmaray.

Wasaaradda difaaca ee Taliban ayaa sheegtay in weerarradan lagu beegsaday goobo rayid ah oo ku yaalla gobollada Nangarhar iyo Paktika.

Mas’uuliyiinta gobolka Nangarhar ayaa BBC-da u sheegay in guriga nin lagu ma gacaabo Shahabuddin la duqeeyay, wa xaana ku dhintay ugu yaraan 20 xubnood oo hal qoys ah oo ay ku jiraan haween iyo carruur.

Weeraradii ugu dambeeyay ee ka dha cay Pakistan ayaa waxaa ka mid ahaa mid horaantii bishan mid lagu qaaday masaa jid Shiicadu leedahay oo ay ku yaal ma gaalada caasimadda ah ee Islamabad, iyo kuwo kale.

Pakistan ayaa ku eedaysay Talibanka Afgaanistaan ​​in ay ka gaabiyeen in ay waxka qabtaan mintidiinta, waxayna intaa ku dareen in ay hayaan cadaymo buuxa oo ah in weeraradaasi ay fuliyeen mintidii nta iyadoo ay amreen hoggaankooda Afgahistan.

Uganda oo sagootisay ciidamo cusub oo loo dirayo Soomaaliya

Uganda ayaa si rasmi ah u sagootisay ciidamo cusub oo ka tirsan cutubka 12-aad ee ilaalada Qaramada Midooby, ku waas oo loo dirayo Soomaaliya si ay uga qayb qaataan howlaha taageerada nabad da.

Xafladda sagootinta ayaa ka dhacday Xarunta Tababarka Nabadda iyo Taagee rada Caalamiga ah (IPSO-TC) ee Ssingo.

Isagoo la hadlayay ciidamada loo dirayo Soomaaliya, Taliye Ku-xigeenka Ciidama da Dhulka, Maj Gen Joseph Ssemwanga, ayaa ku boorriyay askarta inay ilaaliyaan anshaxa iyo xirfaddooda ciidan.

"Waxaa laydiin diyaariyay mid ka mid ah howlgalada ugu sharafka badan qaaradda Afrika. Waxaad tihiin wakiillada Uganda. Calanka qaranka ee ku yaalla direyskiinna wuxuu idin xasuusinayaa inaad mataley saan dalkiinna,” ayuu yiri Maj Gen Ssem wanga.

Maj Gen Ssemwanga wuxuu uga digay ciidamada khatarta kaga imaanaysa koox da Al-Shabaab.

Wuxuu ku adkeeyay ciidamadan in mabd a’a Midnimada Afrika (Pan-Africanism) uu yahay tiirka ay Uganda uga qayb qaadane yso howlgalka Soomaaliya, wuxuuna am maanay taliyaha Guud ee Ciidamada Qala bka Sida iyo Madaxa Ciidamada Difaaca, doorkooda ku aaddan xoojinta ciidanka iyo kordhinta kaalinta Uganda ee nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Dhawaan Golaha Nabadda iyo Ammaan ka ee Midowga Afrika (AU) ayaa si adag u adkeeyay baahida loo qabo in la soo dada jiyo helitaanka ciidamo ku filan Soomaa liya iyo maalgelin waarta oo lagu xoojiyo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), si loo dardargeliyo la-dagaal lanka Al-Shabaab.

Bayaan ka soo baxay kulan heer wasiir oo ka dhacay Addis Ababa ayaa lagu she egay in si degdeg ah loo helo tiro ciidamo ah oo ku filan hawlgallada ka socda, Soo maaliya isla markaana la xaqiijiyo maal gelin waarta oo la saadaalin karo, isla mar kaana muddo-dheer ah oo lagu taage erayo AUSSOM.

Iran oo ka jawaabtay hanjabaadda Mareykanka ee inuu dilayo Khamenei

Jimcihii, safiirka Iran iyo wakiilka joogtada ah ee Qaramada Midoobay, Amir Saeed Irvani, ayaa warqad u diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Golaha Ammaanka, iyo Madaxweynaha Golaha Guud, isagoo si adag u cambaare eyay hadallada Mareykanka iyo Israa'iil ee ka dhanka ah Hoggaamiyaha Sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei.

Wakaalladda Wararka Iran ee Tasnim oo soo xiganeysa Farriinta Irvani ayaa lagu yiri "Fariintani waxay ku timid cambaareyn ta iyo diidmada hadallada sharci-darrada ah ee hurinaya rabshadaha, laguna dhiiri gelinayo argagixisada, ee ay dhawaan soo saareen saraakiil sare oo ka tirsan Mare ykanka iyo [Israa’iil], kuwaasoo isugu jira hanjabaado cad oo soo noqnoqda oo lagu dilayo Hoggaamiyaha Kacaanka Islaamiga ah ee Iran,” sida lagu sheegay qoraalka.

Warqadda ayaa lagu sheegay in hanja baadahaas oo ay ku sifeeyeen kuwo "ku-talo-gal ayna ka dhigan yihiin xad-gudub bareer ah oo ka dhan ah qodobka 2-aad, farqadiisa 4-aad ee Axdiga Qaramada Mi doobay, kaas oo mamnuucaya in hanja baad iyo awood loo adeegsado ka dhanka ah madaxbannaanida dhuleed ama mada xbannaanida siyaasadeed ee dowlad kas ta.”

Maamulka Tigray oo beeniyay in ciidamada federaalka lagu amray inay galaan gobolka

Maamulka Kumeel-gaarka ah ee Gobol ka Tigray ayaa sheegay in xogta lagu baa hiyay in ciidamada Difaaca Itoobiya ay da wladda federaalku ku amartay inay galaan gobolka Tigray ay tahay mid "gebi ahaan ba been abuur ah.”

Maamulka kumeel-gaarka ah oo uu hog gaaminayo Letenant Janaraal Tadesse Werede ayaa arrintan ku shaaciyay ba yaan shalay lagu daabacay bogga Face book ee Xafiiska Madaxweynaha.

Maalmihii u dambeeyay, waxaa baraha bulshada ku wareegayay macluumaad sheegaya in dawladda federaalku ay ku wargelisay maamulka kumeel-gaarka ah in ciidamada difaaca ay geli doonaan go bolka Tigray. dorraadna, waxaa xigay qo raal kale oo sheegayay in heshiis lagu gaa ray in ciidamada difaaca la dejiyo xeryo ku yaalla gobolka dhexdiisa.

Maamulka kumeel-gaarka ah ayaa laba dan eedeymoodba ku beeniyay bayaan uu soo saaray shalay. Qoraalka ayaa lagu xu say in la wareejinayo macluumaad leh: "da wladda federaalku waxay amartay ciidam ada difaaca Itoobiya inay galaan Tigray.”

Sidoo kale, bayaanka ayaa lagu yiri: "Ma amulka kumeel-gaarka ah ee Tigray waxaa lagu geynayaa (ciidamada) siyaabo kala duwan, sidii horay loogu heshiiyay xeryihii hore ee Taliska Waqooyiga.”

Maamulka kumeel-gaarka ah, oo qoraal lada baraha bulshada ku tilmaamay kuwo "qalloocan oo marin-habaabin ah,” ayaa sheegay in "istiraatiijiyadda, isha, iyo uje eddada laga leeyahay” faafinta xogtan ay tahay mid cad.

"Maamulka kumeel-gaarka ah ee Tigray wuxuu rabaa inuu caddeeyo in xogta la faafinayo ay tahay mid gebi ahaanba been ah," ayuu raaciyay bayaanka.

Xafiiska Madaxweynaha iyo Letenant Ja naraal Tadesse ayaa soo saaray bayaan kan xilli ay jirto cabsi laga qabo inay sii xu maato xiisadda u dhaxaysa dawladda fede raalka iyo ciidamada Tigray, taasoo hor seedi karta iskahorimaad.

Bishii Janaayo, ciidamada federaalka iyo kuwa Tigray ayaa ku dagaalamay deegaa nno xuduud la leh gobollada Amxaarada iyo Canfarta. Isla markaasna, waxaa la soo wariyay weeraro diyaaradaha aan duu liyaha lahayn (drones) ah oo ka dhacay magaalooyin kala duwan oo ka tirsan gobolka Tigray, kuwaas oo uu ku dhintay hal qof. Ma jiro wax hadal ah oo ka soo ba xay dawladda federaalka oo ku saabsan weerarradaas.

Muslimiin iyagoo Ramadaanka cunto cunaya la arkay oo lasoo xiray

Booliska Islaamiga ah ee gobolka Kano ee woqooyiga Nigeria ayaa xiray sagaal qof oo Muslimiin ah, kuwaas oo la arkayay iyagoo cunto cunaya maalintii koowaad ee Soonka Ramadaanka ee sanadkan.

Kano waxaa ku badan dad Muslimiin ah, halkaas oo nidaamka sharciga Islaamka - Shareecada - uu ka barbar shaqeeyo shar ciga cilmaaniga ah.

Booliska Islaamiga ah ee loo yaqaanno Hisbah ayaa sanad walba bisha Rama daan baara goobaha lagu shaaho, maqaa yadaha iyo suuqyada si ay dadka Muslimii nta ah ugu xaqiijiyaan in ay ku adkeysana yaan saacadaha soonka. Dhismayaasha qaarkood waxay maqaayadaha ka furan yihiin meelaha ay ku nool yihiin Masiixiyii nta.

Muslimiinta, cunista waa ka mamnuuc inta u dhaxaysa qorrax ka soo baxa iyo qorrax dhaca. Soonku waa mid ka mid ah shanta tiir ee Islaamka, kuwaas oo saldhig u ah sida Muslimiinta looga baahan yahay inay noloshooda u noolaadaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip