HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 22-FEB-2026

0
Sunday February 22, 2026 - 08:06:10 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 42
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 22-FEB-2026

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka warbixiyay natiijooyin la taaban karo ee laga gaaray horumarinta waxbarashada dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fede -raalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa ka warbixiyay natiijooyin la taaban karo oo laga gaaray horumarinta waxbara shada dalka, isaga oo sheegay in isbeddel dhab ah lagu sameeyay nidaamka waxba rashada muddo ka yar 45 bilood

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in wax barashada tayadeeda sare loo qaadayo ay ahayd hadaf qaran oo saldhig u ah horumarka, sharafka iyo mustaqbalka dalka, Wuxuu tilmaamay in ballanqaad yadii hore loo beddelay waxqabad muuq da iyo natiijooyin la taaban karo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in markii ay xafiiska la wareegeen ay jireen 900 macalin oo keliya oo ku diiwaangashanaa shaqaalaha dowladda ee mushaariga ah, halka wax ka yar afar carruur ah midkood uu dugsi dhiganayay, Wuxuu caddeeyay in xaaladdaasi si weyn isu beddeshay hadda.

Muddo laba sano ku dhow, ayuu shee gay in la shaqaaleysiiyay 6,000 macalin oo leh tababar ku filan, kuwaas oo loo kala diray guud ahaan dalka, laga bilaabo magaalooyinka waaweyn ilaa tuulooyinka fogfog, Tirada macallimiinta ayaa la qorsheynayaa in dhawaan la gaarsiiyo 10,000, halka bartilmaameedku yahay 12,000 dhammaadka sannadka 2026.

Sidoo kale, markii ugu horreysay taariikh da dhow, mushaarka macallimiinta ayaa gebi ahaanba laga bixiyaa dakhliga guda ha ee dowladda, arrintaas oo uu ku tilmaa may mid ka tarjumeysa isku filnaansho iyo maalgashi qaran oo lagu dhisayo mustaq balka dalka.

Dhanka tacliinta sare, ku dhowaad 250, -000 Arday oo qalinjabisay iyo 200,000 Arday oo hadda waxbarashada ku jira ayaa ka diiwaangashan nidaamka tacliinta sare, Tirada Ardayda u fariisatay imtixaan ka dugsiyada sare ayaa kor uga kacday 7,000 ilaa 39,000 Arday, iyadoo markii ugu horreysay muddo 30 sano ah imtixaan qaran lagu qabtay magaalada Laascaa nood.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa qiray in dalka uu weli u baahan yahay ku dhowaad 120,000 macalin si loo daboolo baahida waxbarasho ee carruurta Soomaaliyeed, balse wuxuu adkeeyay in la xaqiijiyay in isbeddel dhab ah la sameyn karo, nidaamyadana dib loo dhisi karo.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay in ilmo kasta oo Soomaaliyeed, meel kasta oo uu joogo, uu helo fursad waxbarasho oo tayo leh, si loo xaqiijiyo qaran dib u soo kabtay oo mustaqbalkiisa si kalsooni leh u hoggaaminaya.

Baarlamaanka oo shalay ka bilaabay ka doodista cutubka 9-aad ee Dastuurka.

Mudanayaasha Labada Aqal ee Baarla maanka Soomaaliya ayaa shalay xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 20-aad ee wadajirka ah, waxaana shir guddoominayey Guddoomi yaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan guddoomiye ku xigeennada labada aqal.

Ajendaha kulanka wadajirka ah ee shalay waxa uu ahaa dib U eegista dastuurka, marxaladdiisa labaad iyo ka doodista soo jeedimaha wax ka baddalka dastuurka, gaar ahaan cutubka 9-aad, qodobadiisa 130-aad ilaa 154-aad.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in dooda cutubka 9-aad ee dastuurka ay sii socon doonto islamarkaana la sii amba qaadi doono kulanka kan xiga.

Hoggaanka Golaha Mustaqbalka oo ka shiraya mowqifkooda ku aadan doorashooyinka.

Madaxda Golaha Mustaqbalka Soomaali -yeed (GMS) ayaa shalay shir ku yeela naya magaalada Muqdisho, iyaga oo ka arrinsanaya mowqifkooda ku aaddan hann -aanka doorashooyinka dalka.

Kulankan ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro qorshaha ay goluhu ka qaadana yaan nooca doorasho ee la qabanayo, xilli ay weli taagan yihiin khilaafaad u dhexee ya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka siyaasadeed ee ku saabsan habraaca doorashada.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ay falanqeyn doonaan doorashooyinka dowla d-goboleedyada iyo kuwa heer federaal, iyo sida loo gaari karo hannaan ay ku mideysan yihiin dhinacyada siyaasadda, si looga fogaado jahawareer siyaasadeed iyo dib u dhac doorasho.

Shirka shalay ayaa imanaya xilli ay wali socdaan dadaallo lagu doonayo in lagu gaaro is-afgarad siyaasadeed oo dhameys tiran, kaas oo lagu xallinayo muranka ka taagan hannaanka doorashooyinka iyo mustaqbalka geeddi-socodka dimuqraadiyadda dalka.

Dowladda Federaalka ayaa ku adkaysa tay hirgelinta nidaamka doorashooyinka qof iyo cod, oo ka bilaabma dowladaha hoose, kuna fida dowlad-goboleedyada, uguna dambayn dowladda dhexe, halka Mucaaradka ay soo jeediyeen in la qabto doorashooyin dadban, iyadoo marka hore laga bilaabayo dowlad-goboleedyada aan weli gelin doorashooyinka, ka hor inta aan la gaarin heer federaal, isla markaana arrintan la dhammaystiro ka hor bisha May.

Khilaafka taagan ayaa muujinaya caqabadaha weli hor taagan heshiis siyaasadeed oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka iyo mustaqbalka dowlad-dhiska Soomaaliya.


Dowladda Soomaaliya oo shaqo joojin ku sameysay qaar kamid ah diyaaradaha ka howlgalla dalka

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaa -liyeed (SCAA) ayaa hakisay shaqada qaar ka mid ah diyaaradaha ka hawlgala Soo maaliya, kaddib kormeerro lagu ogaaday khaladaad farsamo iyo u hoggaansanaan la’aan heerarka ay dejisay hay'adda Duulista adduunka (ICAO).

Go’aankan ayaa lagu sheegay mid lagu xoojinayo badqabka duulimaadyada iyo kalsoonida rakaabka.

Tallaabadan ayaa timid kaddib dhacdadii 10-kii Febraayo, markaas oo diyaarad ay maamuleysay Starsky Aviation ay cilad farsamo la kulantay wax yar kaddib markii ay ka duushay Garoonka Aadan Cadde.

Diyaaradda ayaa ka baxday dhabbihii ay ku ordi lahayd, iyadoo ku dhacday meel u dhow xeebta Badweynta Hindiya. Inkastoo dhammaan 55-kii qof ee saarnaa ay ka badbaadeen, dhacdadaasi ayaa waxay dhalisay walaac iyo su’aalo ku saabsan heerka kormeerka, dayactirka iyo u hoggaansanaanta xeerarka badqabka.

SCAA ayaa sidoo kale sheegtay in, iyadoo la tixgelinayo xoojinta isdhexgalka dhaqaale ee Bariga Afrika, ay adkeynayso xeerarka la xiriira cabbirka kuraasta, tayada adeegga duulimaadyada iyo habraacyada qiimeynta, si loo ilaaliyo xuquuqda rakaabka Soomaaliyeed loona hubiyo in shirkaduhu raacaan halbeegyo caalami ah.

Dhanka kale, rakaabka u kala safra magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi ayaa si isa soo taraysa uga cabanaya qiimaha sare ee tikidhada iyo ciriiriga diyaaradaha. Qiimaha safarka wareegga ah ee u dhexeeya Muqdisho iyo Nairobi ayaa gaaraya inta u dhaxaysa $400 ilaa $450, inkastoo masaafadu tahay qiyaastii 90 daqiiqo. Rakaab badan ayaa ku tilmaamay qiimahaas mid aan la jaanqaadi karin masaafada gaaban iyo heerka adeeg ee la helo.

Warbixinno laga helayo rakaabka ayaa muujinaya in qaar ka mid ah shirkadaha ka shaqeeya khadkaas ay adeegsadaan diyaarado yaryar oo si gaar ah loogu habeeyey kuraas aad u ciriiri ah, si loo kordhiyo tirada rakaabka halkii duullimaad. Taas ayaa keentay cabashooyin la xiriira meel la’aanta lugaha iyo garbaha, taas oo ka dhigaysa safarka mid daal iyo raaxo darro leh.

Dadka dhaliilaya qaabka ganacsi ee jira waxay ku doodayaan in suuqan uu yahay mid xaddidan, maaddaama aysan jirin waddooyin dhuleed oo ammaan ah oo si fudud ugu beddelan kara duullimaadyada. Arrintaas ayaa shirkadaha siinaysa awood ay ku qaadaan qiime sare, iyada oo tartanka suuqeed uu kooban yahay—taas oo sare u qaadaysa qiimaha, balse aan la socon koror tayo iyo adeeg.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay Mas’uuliyiinta Wasaaradda Qorsheynta

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arri maha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-he shiisiinta Mudane Cabdiqaadir Cali ayaa shir istiraatiiji ah la yeeshay mas’uuliyiinta wasaaradda qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah, si dib loogu qaabeeyo jihada wada shaqeynta iyo isku-dubaridka barnaamijyada mudnaanta leh.

Kulanka ayaa si qoto dheer loogu falanq eeyey Iswaafajinta qorshayaasha istiraatiiji ga ah ee labada wasaaradood, Xoojinta is la-xisaabtanka iyo nidaamka dabagalka mashaariicda, Kordhinta dhaqaalo dheeri ah la heli karo, iyo Dardargelinta fulinta barnaamijyada dib-u-heshiisiinta iyo dowlad-dhisidda

Waxaa si gaar ah diiradda loo saaray sidii loo abuuri lahaa hannaan wada shaqeyn oo joogto ah, loona mideyn lahaa qorsheyaasha fulineed si loo gaaro natiijooyin la cabbiri karo oo saameyn xoogan ku leh maamulada iyo bulshooyin ka Soomaaliyeed.

Gunaanadka shirka ayaa lagu go’aami yey in la dhiso guddi farsamo oo wadajir ah, kaas oo diyaarin doona khariidad-haw leed (roadmap) cad, dejin doona jadwal fulineed oo waqtiyeysan, islamarkaana xaqiijin doona in mashaariicda la qorshee yey ay noqdaan kuwo wax-ku-ool ah, waa ra, isla markaana la jaanqaadaya qorsha ha qaran ee horumarinta dalka.

Dowladda oo dishay xubnihii ugu badnaa ee khawaarijta u qaabilsanaa baada ay ka qaado shacabka Soomaaliyeed

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sii xoojisay dagaalka ka dhanka ah kooxa ha khawaarijta, iyadoo hawlgallo qorshey san oo ay fuliyeen ciidammada amniga la gu dilay saddex horjooge oo ka tirsanaa garabka maaliyadda iyo boobka hantida shacabka ee kooxda khawaarijta.

Hawlgalladan oo ka kala dhacay gobolla da Shabeellaha Hoose iyo jubadda dhaxe ayaa lagu beegsaday horjoogeyaal si gaar ah ugu lug lahaa ururinta baadda, dhaca hantida shacabka iyo maalgelinta falalka argagixiso ee ay kooxdu khawaarijtu ka waddo dalka.

Horjoogaha koowaad ayaa lagu maga caabi jiray Cabdillaahi Xasan, oo loo ya qaanay Cabdillaahi Wadaad, kaas oo lagu dilay hawlgal ka dhacay deegaanka Kuun yo Barrow,Wadaad ayaa ahaa horjooge u qaabilsanaa kooxda dhibaataynta iyo ka qaadista lacago baad ah shacabka ku dhaqan gobollo kala duwan oo uu uga soo hawlgalay Khawaarijta.

Horjoogaha labaad, Axmed Dhubad Xiddig oo loo yaqaanay Aadan Dheere, ayaa isna lagu dilay hawlgal ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) iyo cutubyo ka tirsan Kumaandooska Gaashaan, Hawlgalkan ayaa ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose halkaas oo uu ku dhuumaaleysanayay, Aadan Dheere ayaa ahaa horjoogihii u qaabilsanaa kooxda ururinta baadda iyo dhaqaalaha laga qaadi jiray shacabka gobolka Banaadir.

Sidoo kale, hawlgal gaar ah ayaa lagu dilay Maxamed Sahal oo loo yaqaanay Abu Usama, kaas oo xilal kala duwan ka soo qabtay kooxda, oo ay ka mid ahaayeen waxa ay ugu yeeraan dabagalka maaliyadda iyo horjoogaha gobolka Shabeellaha Hoose, Waxaa la sheegay inuu ka mid ahaa xubnaha ugu dhow horjoogaha guud ee kooxda, Axmed Diiriye, 8 bisha febraayo 2026 ayaana sharkiisa lagu soo af jaray duleedka degmada Saakow ee gobolka Jubadda dhaxe.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in hawlgalladan ay qeyb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee lagu burburinayo shabakadaha maaliyadeed ee kooxaha khawaarijta, si loo ciribtiro awooddooda dhaqaale loona badbaadiyo hantida iyo nolosha shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Dowladda ayaa ku celisay baaq ay u dirtay shacabka Soomaaliyeed, kuna dhiirrigelisay inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, si loo dardargeliyo ciribtirka kooxaha nabad diidka ah loona xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida dalka.

Mareykanka oo $200 Milyan u qoondeeyay hirgelinta taleefanno ammaan ah oo AI u diyaarsan gobolka Indo-Pacific

Waaxda Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa shaacisay barnaamij tartan ah oo la gu bixinayo ilaa $200 milyan oo kaalmo di badeed ah, si loo dedejiyo hirgelinta talee fanno casri ah oo ammaan ah, tayo sare leh isla markaana qiimo jaban ku gaadha dalalka gobolka Indo-Pacific. Lacagtan ayaa loogu talagalay in lagu taageero shirkadaha soo bandhiga qorshe cad iya da oo lagu gaadhsiinayo taleefanno la isku halayn karo.

Barnaamijkan wuxuu diiradda saarayaa taleefanno ku shaqeeya nidaamyo la aami ni karo sida Android iyo iOS. Ujeeddadu waa in dadka ku cusub internet-ka ee ku nool gobolka Indo-Pacific lagu daro ni daam furan oo is-waafaqsan, si ay uga faa’iidaystaan adeegyo casri ah, ganacsi dhijitaal ah iyo horumar ku saleysan tiknoolajiyada.

Mashruucan ayaa qayb ka ah aragti isti raatiiji ah oo loo bixiyay Pax Silica. Arag tidan waxay ku saleysan tahay in la dhiso Indo-Pacific isku xidhan oo horumarsan, halkaas oo malaayiin qof lagu siiyo qalab iyo barnaamijyo u suurtogelinaya inay horumariyaan Caqliga Macmalka ah iyo hal-abuurka ganacsi. Taas macnaheedu waa in taleefanku noqdo aalad lagu abuuro shaqo, waxbarasho iyo fursado dhaqaale.

Sidoo kale, barnaamijku waxa lagula da gaalamaya shirkadaha Shiinaha ee Tele foonada oo uu Maraykanku u arko khatar amni. Mareykanku wuxuu rumeysan yahay in qaar ka mid ah shirkadaha suuqa ku jira ay keenaan khatar dhinaca xogta iyo madaxbannaanida dijitaalka ah, sidaas darteedna uu muhiim yahay in la helo suuq ku dhisan tartan cadaalad ah iyo tiknoolajiyad la isku halayn karo.

Wasaaraddu waxay si rasmi ah ugu casuuntay shirkadaha isgaadhsiinta iyo shirkadaha sameeya qalabka taleefanna da inay soo gudbiyaan dalabyo, mid wadajir ah ama mid gaar ah. Tani waxay ka dhigan tahay in shirkaduhu ay soo ban dhigaan qorshe cad oo muujinaya sida ay u qaybinayaan taleefanno jaban balse tayo sare leh dalalka la beegsanayo.

Shuruudaha muhiimka ah waxaa ka mid ah in shirkadu adeegsato nidaam hawlgal oo Mareykan ah oo la aamini karo, isla markaana si buuxda ula jaanqaadaya nidaamka barnaamijyada iyo Caqliga Macmalka ah ee Mareykanka. Sidoo kale, shirkaduhu waa inay caddeeyaan sida lacagta la siinayo ay uga caawinayso inay hoos u dhigaan qiimaha taleefanka si uu ula tartamo kuwa kale ee suuqa yaalla.

Mudnaan gaar ah ayaa la siin doonaa shirkadaha xaruntoodu ku taal dalalka la-hawlgalayaasha Pax Silica, si loo dhiso isbahaysi tiknoolajiyadeed oo ku dhisan kalsooni. Waxaa kale oo lagama maarmaan ah in shirkaduhu muujiyaan daahfurnaan buuxda oo ku saabsan silsiladda sahayda, taas oo micnaheedu yahay in si cad loo ogaan karo halka uu qalabku ka yimaaddo iyo cidda soo saartay.

Shirkadaha danaynaya waa inay iimayl u diraan EdgeAI@state.gov si ay u helaan faahfaahin dheeraad ah, waxaana codsiyada la gudbin karaa muddo 90 maalmood ah. Si kastaba ha ahaatee, maalgelinta $200 milyan ah waxay ku xidhnaan doontaa helitaanka miisaaniyad iyo ogeysiinta Kongareeska Mareykanka.

Waddamada Indo-Pacific guud ahaan waxaa ka mid ah dalal ku teedsan Badweynta Hindiya iyo Badweynta Baasifigga, sida: Hindiya, Pakistan, Bangladesh, Sri Lanka, Maldives, Indonesia, Malaysia, Singapore, Thailand, Vietnam, Philippines, Japan, South Korea, Australia, New Zealand, Papua New Guinea, Kenya, Tanzania, Mozambique, iyo South Africa, mararka qaarna waxa lagu dara Soomaaliya iyo kuwo kale oo ku yaalla Bariga Aasiya iyo Pacific-ga. Gobolkan ayaa maanta ah mid ka mid ah meelaha ugu muhiimsan dhaqaale iyo istiraatiiji ahaan dunida.

Xiisad Ka Taagan Buurhakaba oo Saameysay Garoonka Diyaaradaha

Wararka naga soo gaaraya degmada Buurhakaba ee gobolka Bay ayaa shee gaya in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysa hoggaanka sare ee maamulka Koonfur Galbeed iyo maamulka degmada.

Xiisaddan ayaa si toos ah u saameysay garoonka diyaaradaha ee dhawaan laga hirgeliyay magaalada, kaas oo ahaa mash ruuc ay si wadajir ah u maalgelisay bulsha da deegaanka.

Duqa Degmada Buurhakaba, Ibraahim Maxamed Ibraahim (Laysaamow), ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay in maamul ka Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxa -med (Laftagareen) uu cadaadis siyaasa deed ku hayo degmada. Wuxuu xusay in dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ay hakisay duullimaadyadii gargaarka bani’aa dannimo ee imaan jiray Buurhakaba maalmaha Arbaco iyo Axad.

Duqu waxa uu tilmaamay in go’aanka lagu joojiyay duullimaadyada uu yimid kaddib walaacyo la xiriira amniga oo ay soo jeediyeen hoggaanka sare ee gobolka.

Ibraahim Laysaamow ayaa carrabka ku adkeeyay in garoonka Buurhakaba uu yahay mid ay dadweynuhu si iskaa wax u qabso ah u dhiseen, islamarkaana ay bixiyeen dhaqaalaha ku baxay dhismihiisa. Wuxuu ku eedeeyay maamulka Koonfur Galbeed in halkii laga taageeri lahaa howlaha garoonka ay caqabad ku noqdeen.

Dhinaca kale, ilo wareedyo ayaa shee gay in cadaadiska lagu hayo garoonka uu la xiriiro ciidamo tababar ku qaadanaya ha lkaasi, kuwaas oo la sheegay in tababa rkoodu leeyahay ujeeddo siyaasadeed.

Si kastaba ha ahaatee, maamulka Buur hakaba ayaa ku dooday in ciidamadaasi ay qeyb ka yihiin hay’adaha ammaanka, isla markaana tababarka ka socda garoon ka uu la mid yahay kan ka socda degmoo yinka kale ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Arrintan ayaa weli taagan, iyadoo la suga yo sida ay u xallin doonaan dhinacyada is ku haya khilaafka saameynta ku yeeshay adeegyada muhiimka ah ee degmada.

Koonfur Galbeed oo diyaarineysa ciidamo ka qeyb qaata adkeynta amniga

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Gal beed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxa -med Laftagareen ayaa booqasho iyo dhii ragelin ugu tagay cutubyo ka tirsan Ciidan ka Daraawiishta Koonfur Galbeed, kuwaas oo loo diyaarinayo adkeynta amniga iyo ilaalinta dowladnimada koonfur galbeed.

Madaxweynaha ayaa adkeeyey in dowla ddu ka go’an tahay taageeridda iyo tayeyn ta ciidamada, si ay u gutaan waajibaad kooda qaran ee ku aaddan difaaca dalka, ilaalinta dowladnimada, iyo ciribtirka kooxa ha nabad-diidka ah.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaal lada joogtada ah ee Dowladda Koonfur Galbeed ay ku xoojinayso amniga, dib u dhiska hay’adaha dowliga ah, iyo sugidda nabadda shacabka ku dhaqan deegaan nada Koonfur Galbeed.

Trump oo ku eedeeyay Maxkamadda Sare "Daacad-darro” kadib Go’aankii Canshuuraha

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa si kulul u weeraray qaar ka mid ah garsoorayaasha Maxkamadda Sa re ee Maraykanka kadib markii ay laaleen canshuuro uu ku soo rogay dalal badan, isaga oo ku tilmaamay "kuwa aan wadd aniyad lahayn oo aan daacad ahayn."

Trump ayaa warbaahinta kula hadlay Aqalka Cad, isagoo sheegay inuu "u khajilsanyahay xubnaha ka tirsan maxkamadda,” isla markaana ku andacooday in go’aanka maxkamaddu uu saameyn ku yeeshay danaha waddamada shisheeye.

Go’aanka Maxkamadda Sare ayaa lagu diiday adeegsiga ballaadhan ee uu Trump ku sameeyay Sharciga Awoodaha Dhaqaalaha Degdegga ah ee Caalamiga ah - IEEPA - si uu canshuuro ugu soo rogo ku dhawaad dhammaan dalalka. Sharcigan oo la dejiyay 1970-meeyadii ayaa u oggolaanaya Madaxweynaha inuu xakameeyo soo dejinta badeecadaha marka ay jirto xaalad degdeg ah oo khatar aan caadi ahayn ku ah amniga qaranka.

Trump ayaa sannadkii hore, bilowgii maamulkiisa labaad, canshuuro ku soo rogay Canada, Mexico iyo China isaga oo ku doodayay in dalalkaasi ku fashilmeen xakamaynta tahriibinta daroogada fentanyl ee soo galaysa Maraykanka.

Garsoorayaasha Neil Gorsuch iyo Amy Coney Barrett - oo Trump magacaabay xilligii hore ee madaxtinimadiisa - ayaa ku biiray Guddoomiyaha Maxkamadda John Roberts iyo saddexda garsoore ee loo arko kuwa garabka bidix si ay u go’aamiyaan in adeegsiga awoodaha degdegga ahi uu sharci-darro ahaa.

Dhanka kale, Trump ayaa u mahadceliyay garsoorayaasha diidmada muujiyay ee kala ah Clarence Thomas, Samuel Alito iyo Brett Kavanaugh, isaga oo ku tilmaamay kuwo "xoog iyo xigmad leh” oo jecel dalkooda.

Markii wax laga weydiiyay in uu ka qoomamaynayo magacaabista Gorsuch iyo Barrett, Trump ayaa sheegay in aanu rabin inuu si cad uga jawaabo balse uu go’aankooda ku tilmaamay "mid xun” oo xitaa ceeb ku ah qoysaskooda.

Inkasta oo Maxkamadda Sare ay laashay canshuurihii ku salaysnaa IEEPA, Trump ayaa shaaciyay inuu soo rogi doono canshuur guud oo dhan 10 boqolkiiba, isla markaana uu bilaabi doono baadhitaanno horseedi kara canshuuro cusub oo lagu soo rogo dalal iyo badeecooyin kala duwan. Waxa uu sidoo kale caddeeyay in canshuuraha kale ee uu hore ugu soo rogay biraha iyo badeecooyin kale ay weli sii jiri doonaan, maadaama aanay qayb ka ahayn kiiskan Maxkamadda Sare.

Trump ayaa ku adkaystay in sharciyo kale oo jira ay siinayaan awood uu ku soo rogi karo canshuuro ka ballaadhan kuwii hore, isaga oo sheegay in "si loo ilaaliyo dalka madaxweynuhu uu qaadi karo tallaabooyin ka sii xooggan kuwii hore.”

WFP”Gargaar cunto oo malaayiin Soomaali ah badbaadiya halis ayuu ku jiraa”

Hay’adda World Food Programme (WFP) ee Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in barnaamijyadeeda gargaar ee badbaadiya nolosha malaayiin qof ay istaagi karaan toddobaadyada soo socda, haddii aan si degdeg ah loo helin dhaqaale lagu sii wado kaalmada cuntada iyo nafaqada degdegga ah ee Soomaaliya.

Ross Smith, Agaasimaha Diyaargarowga iyo Ka-jawaabista Gurmadka Degdegga ah ee WFP, ayaa sheegay in ku dhowaad laba milyan oo carruur ah oo ku nool Soomaaliya ay la ildaran yihiin nafaqo-darro ba’an. Wuxuu xusay in dalka uu wajahayo mid ka mid ah dhibaatooyinka gaajada ee ugu daran sanadihii u dambeeyay, taasoo ka dhalatay roob yari soo noqnoqotay, colaado sii kordhaya iyo hoos u dhac ku yimid maalgelintii bani’aadamnimo.

Sida uu sheegay, dhaqaale xumida jirta waxay ku qasabtay WFP inay si weyn u dhinto tirada dadka helaya gargaarka cuntada degdegga ah. Tiradaas oo ahayd 2.2 milyan oo qof horraantii 2025 ayaa hadda hoos ugu dhacday wax ka badan 600,000 oo qof oo keliya taasoo la micno ah in hal qof oo keliya laga caawinayo toddobadii qof ee u baahan gargaar si ay u noolaadaan.

Sidoo kale, barnaamijyada nafaqada ee loogu talagalay haweenka uurka leh, kuwa nuujinaya iyo carruurta ayaa si weyn loo dhimay. Tirada ka faa’iideysanaysay ayaa ka soo degtay 400,000 bishii Oktoobar 2025 ilaa 90,000 bishii Diseembar ee la soo dhaafay.

Mas’uulkan ayaa ka digay in xaaladdu si xawli ah uga sii darayso, iyadoo qoysas badan ay lumiyeen ilihii nolol-maalmeedkooda, taasoo ku riixaysa inay qarka u saaran yihiin macaluul.

Ugu dambayn, hay’addu waxay sheegtay in si degdeg ah loogu baahan yahay 95 milyan oo doolar si loo sii wado taageerada dadka ugu nugul inta u dhexeysa Maarso iyo Agoosto 2026. Waxay ka digtay in haddii aan la helin dhaqaalahaas, gargaarka bani’aadamnimo ee ay ka waddo Soomaaliya uu istaagi karo bisha Abriil ee soo socota.

Xiisad dagaal oo ka soo cusboonaatay xuduuda Itoobiya iyo Eritrea

Xiisad amni oo sii kordheysa ayaa laga dareemayaa waqooyiga Tigray, iyadoo dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo cabsi dagaal dib u soo cusboonaaday ay walaac ku abuureen dadka deegaanka iyo diblomaa siyiinta gobolka.

Inkasta oo heshiiskii nabadda ee Pretoria lagu gaaray 2022 uu soo afjaray dagaalkii u dhexeeyay ciidamada qaranka Itoobiya iyo jabhadda Tigray People’s Liberation Front (TPLF), haddana dadka deegaanka ayaa sheegaya in xaaladda amni ay weli tahay mid jilicsan oo u eg "ukun dusheed”.

Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in ciidamada Ethiopian National Defense Force (ENDF) iyo dagaalyahannada Tigray ay ku soo dhoobeen aagga xuduudda waqooyi, halkaas oo ay la wadaagaan Eritrea. Diblomaasiyiintu waxay ka digayaan in dhismaha ciidamadan uu sare u qaadi karo halista iska horimaad cusub.

Dowladda federaalka Itoobiya ayaa Eritrea ku eedaysay inay taageero siiso TPLF — eedeyn ay diideen labadaba TPLF iyo maamulka Asmara. Si kastaba, kala qaybsanaanta siyaasadeed ee gudaha Tigray iyo loollanka awoodda ayaa sii hurinaya walaaca laga qabo xasillooni darro.

Mustafa Abdu, oo ah falanqeeye siyaasadeed oo ku sugan Mekelle, ayaa sheegay in xaaladdu tahay mid aad u cabsi badan, isagoo xusay in ciidamada federaalku ku sugan yihiin dhammaan xuduudaha, taasoo muujinaysa suurtagalnimada iska horimaad cusub.

Xiisaddan sii kordheysa ayaa dib u soo nooleysay cabsi ku saabsan in gobolka Geeska Afrika uu galo qalalaase kale, xilli bulshada rayidka ah ay weli ka soo kabanayaan dhaawacyadii dagaalkii dhowaan soo dhammaaday.


Dowladda Ingiriiska oo dhiirrigelisay in Somaliland iyo Itoobiya gaadhaan heshiis ganacsi


Danjiraha Dowladda Ingiriiska u fadhiya dalka Itoobiya, Darren Welch, ayaa sheegay in UK ay taageersan tahay horumarka ay gaadhay dekedda Berbera, iyo in la meel mariyo heshiis xamuul oo dhex mara Somaliland iyo Itoobiya, sida uu hore u sheegay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro.

elch oo waraysi siiyay warbaahinta Itoobiya, ayaa wax laga waydiiyay dadaallada ay Itoobiya ugu jirto helitaanka marin badeed. Wuxuu ku jawaabay in uu taageersan yahay horumarka ay gaadhay dekedda Berbera, hawlaha ka socda, iyo in Itoobiya iyo Somaliland gaadhaan heshiis ganacsi.

"Waan fahmi karaa waddanka Itoobiya oo koraya dhaqaale ahaan iyo dad ahaanba in uu u baahdo dekedo ganacsi oo kala duwan. Dowladda UK waxay taageeraysaa shaqada ka socota dekedda Berbera, sidoo kalena waxay taageeraysaa heshiiska xamuulka si alaabadu si fudud ugu kala gudbaan dekedda iyo Itoobiya,” ayuu yidhi Danjire Welch.

Waxa uu sheegay in uu ka soo jeedo waddan leh boqolaal dekedo ah, isla markaana uu fahmi karo baahida ay leedahay bad la’aantu. Dhanka kale, wuxuu ugu baaqay dowladda Itoobiya iyo dowladaha kale ee gobolka in xiisadda la dejiyo, isaga oo sheegay in gobolku u baahan yahay iskaashi, isla markaana si nabad ah Addis Ababa u raadsato hadafkeeda.

"Waxa aanu ku doodaynaa in xiisad kasta lagu xalliyo wada-hadal nabadeed,” ayuu yidhi. Mar la waydiiyay muhiimada marin-badeed u leeyahay Itoobiya, wuxuu sheegay in marka laga yimaaddo baahida ay u qabto la macaamilka dunida kale, ay sidoo kale muhiim u tahay xoojinta ganacsiga ay la leedahay waddamada Afrika.

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo wareysi gaar ah siiyay CNN Business Arabic, ayaa sheegay in dhawaan la soo gabagabeyn doono heshiis ganacsi oo dhex mara Itoobiya. "Waxa aanu Itoobiya la wadnaa heshiis ku saabsan xamuulka oo aan rajaynayo in dhawaan la soo gabagabeeyo,” ayuu yidhi Cirro.

Waxa uu intaas ku daray in uu doonayo in uu abuuro gobol nabdoon oo ganacsigu ku badhaadho, isaga oo xusay in gaar ahaan dowladda Maraykanka uu diyaar ula yahay in uu la galo heshiis ku saabsan ganacsiga macdanta qaaliga ah ee laga helo Somaliland.

Somaliland ayaa hadda leh mid ka mid ah dekedaha ugu casrisan gobolka, iyada oo dowladda Imaaraadku in ka badan 400 milyan oo dollar ku horumarisay dekedda Berbera, madaarka iyo waddada isku xidha Berbera iyo Itoobiya. Itoobiya ayaa hore saami boqolkiiba 19 ah looga siiyay dekedda, kaasi oo lagala noqday markii ay shuruudihii ku xidhnaa kasoo bixi wayday.


Maxkamadda Sare ee Maraykanka oo Laashay Canshuurihii Badeecadaha ee Trump


Maxkamadda Sare ee Maraykanka ayaa go’aan kama dambays ah ku laashay canshuurihii badeecadaha dibadda laga keeno ee uu soo rogay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, iyada oo ku tilshalayy in tallaabadaasi ay jebinayso dastuurka dalka.

Go’aankan ayaa noqday kii ugu weynaa ee si toos ah u saameeya ajandaha dhaqaale ee Trump, ka dib markii maxkamado hoose ay hore uga hor yimaadeen sharciyadda canshuurahaasi.

Aqlabiyadda garsoorayaasha ayaa sheegtay in awoodda cashuur dejintu si cad ugu taal Kongareeska, ayna tahay mid aan Madaxweynaha si keligiis ah u qaadan karin. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, John Roberts, ayaa qoray in "aasaasayaashii Maraykanku aanay wax qayb ah oo ka mid ah awoodda cashuuraha u xilsaarin laanta fulinta.”

Si kastaba ha ahaatee, saddex garsoore ayaa diiday go’aanka aqlabiyadda. Garsoorayaasha kala ah Brett Kavanaugh, Samuel Alito iyo Clarence Thomas ayaa ku dooday in canshuurahaasi ay sharciyad ku fadhiyaan marka loo eego qoraalka iyo taariikhda dastuurka. Kavanaugh ayaa xusay in inkastoo siyaasadda laga doodi karo, haddana ay waafaqsanyihiin sharciyada. Trump ayaa ku ammaanay diidmada Kavanaugh isagoo ku tilmaamay "mid heer sare ah.”

Maxkamaddu si cad ugama hadlin su’aasha ah in ganacsiyada dib loogu celin doono lacago balaayiin dollar ah oo ay hore u bixiyeen. Shirkado badan, oo ay ka mid tahay silsiladda bakhaarada waaweyn ee Costco, ayaa dacwooyin ka gudbiyay maxkamadaha hoose iyaga oo dalbanaya in lacagohooda loo soo celiyo. Kavanaugh ayaa qiray in habka dib-u-celinta lacagahaasi uu noqon karo mid "qalafsan.”

Xogta federaalka ayaa muujinaysa in Wasaaradda Maaliyaddu ay ururisay in ka badan $133 bilyan oo doolar oo ka yimid canshuurahaasi ilaa bishii December. Saamaynta dhaqaale ee muddada tobanka sano ee soo socota ayaa lagu qiyaasay ku dhawaad $3 tirilyan.

Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka, JD Vance, ayaa go’aanka ku tilmaamay "ku tumasho sharci” qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip