
HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 19-FEB-2026
Mudanayaasha labada aqal ee BJFS oo soo gaba gabeeyey ka doodista dastuurka cutubyada 7-aad iyo 8-aad
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaal ka Soomaaliya oo shalay kulan wadajir ah yeeshay ayaa sii amba qaaday ka doodista qodobada labada cutub ee 7-aad iyo 8-aad ee dastuurka KMG-ka ah, waxaana kulanka shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaal ka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehli yaan Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, guddoomiye kuxi geennada labada aqal.
Kulanka wadajirka ah ee shalay ayaa Xildhibaanadda labada aqal waxa ay ku sii amba qaadeen ka doodista dastuurka KMG-ka ah, qodobadiisa 7-aad iyo 8-aad.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaal ka Soomaaliya oo kulanka soo xiray aya a sheegay in shalay lasoo gaba gabee yey ka doodista cutubyada todobaad iyo sideedaad ee dastuurka, islamarkaana kulanka kan xiga la bilaabi doono ka doodista cutubka 9-aad ee dastuurka.
Ra’iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda qatar
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jam huuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mu dane Xamsa Cabdi Barre, ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dawladda Qatar u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Dr. Cabdullaahi Bin Saalim Al-Nucaymi . waxa ayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya labada dowladood ee Qatar iyo Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa uga mahadceliyey dawladda iyo shacabka Qatar taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, gaar ahaan mashaariicda kaabayaasha dhaq aalaha iyo gargaarka bini’aadantinimo, isaga oo xusay in Xukuumaddiisu ay mu dnaan gaar ah siinayso hirgelinta heshii syadii iskaashi ee dhowaan ay labada dal kala saxeexdeen, gaar ahaan kuwa la xiriira difaaca iyo horumarinta bulshad.
Dhankiisa, Danjire Dr. Cabdullaahi , ay aa caddeeyey in dawladda Qatar ay ka go’an tahay taageerada ay siiso dawlad da Soomaaliya, isaga oo boggaadiyay horumarka ay Soomaaliya ka gaartay dhinacyada amniga iyo xasillinta dalka.
Midowga Yurub oo soo dhaweysay wada-hadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka Soomaaliya
M idowga Yurub ayaa soo dhoweeyay bilowga wada-hadallada siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soo maaliya iyo mucaaradka, kaddib kulan uu Muqdisho ku qabtay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud.
Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa qoraal ay ku baahisay barta X ku sheegtay in Midow ga Yurub uu si weyn u soo dhoweynayo bilowga wada-hadallada ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Golaha Musta qbalka Soomaaliyeed, oo ah isbahaysi mucaarad ah.
Warka ka soo baxay Midowga Yurub ayaa yimid kaddib markii is-afgarad hor dhac ah laga gaaray qabsoomidda shir ka wada-tashiga u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo Isbahaysiga Mucaarad ka ee Golaha Mustaqbalka Soomaali yeed, kaas oo lagu wado in lagu qabto Madaxtooyada Qaranka.
Go’aankan ayaa la sheegay inuu ka dhashay codsi uu gudbiyay Madaxwey ne Xasan Sheekh, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen dabacsanaan iyo tanaasul si loo abuuro jawi wadahadal oo rasmi ah.
Beesha Caalamka ayaa doonaysa in Muqdisho lagu gaaro heshiis siyaasad eed oo dhabbaha u xaaraya doorasho loo dhan yahay, si uu dalku si nabad ah ugaga gudbo marxaladda kala-guurka siyaasadeed iyo kala aragti duwaansha naaha madaxda.
Shirkadda diyaraadaha dalka Cumaan SalamAir oo duullimaad toos ah Ka Bilaabaysa Muscat iyo Muqdisho
Shirkadda diyaaradaha ee dalka Cuma -an, SalamAir, ayaa qorsheynaysa inay 3-da Sebtembar 2026 bilowdo duullimaa dyo ay ku tagayso Muqdisho, taasoo no qonaysa xiriirkii ugu horreeyay ee toos ah ee u dhexeeya Boqortooyada Cuma -an iyo Soomaaliya.
Shirkaddu waxay laba jeer toddobaad kii duullimaadyo ka fulin doontaa garoo mada Muscat International Airport (MCT) iyo Aden Adde International Airport (MGQ). Qiimaha tikidka hal jiho ayaa la sheegay in uu ka bilaaban doono 79.99 Riyaal Cumaani (OMR), taasoo siinaysa rakaabka dalalka Khaliijka (GCC) fursad safar oo jaban.
Soomaaliya ayaa noqonaysa waddankii afaraad oo Afrika ah oo ay gaarayso shir kaddu, iyadoo ku biiraysa Kenya, Masar iyo Sudan oo dhawaan lagu daray. Caal amka, SalamAir waxay u duushaa in ka badan 40 goobood oo ku kala yaalla Aasi ya, Afrika iyo Yurub.
Maamulaha Guud ee SalamAir, Adrian Hamilton-Manns, ayaa yiri," Soomaaliya waxay sannadihii u dambeeyay muuji say koboc dhaqaale iyo horumar la taa ban karo; duullimaadyadeenna tooska ah waxay sii dhiirrigelin doonaan dhaqaa laha waxayna abuuri doonaan fursado cusub oo safar iyo ganacsi.
"Waxaan sii ballaarinaynaa shabakad deenna Bariga Afrika, waxaana rajeynay naa inaan dhowaan ku darno meelo kale oo aan weli si toos ah loo gaari jirin," ayuu yiri.
Ballaarinta joogtada ah ee shabakadda SalamAir ayaa la sheegay in ay qeyb ka tahay qorshaha Oman Vision 2040, iya doo kor u qaadaysa isku-xirnaanta caala miga ah isla markaana dhiirrigelinaysa dalxiiska gudaha.
Shirkaddu waxay dhawaan ku dhawaa qday inay ku dartay Vienna shabakad deeda, iyadoo noqotay diyaaraddii ugu horreysay ee bixisa duullimaadyo toos ah oo aan joogsi lahayn oo u dhexeeya Cumaan iyo Austria, kuwaas oo bilaaba naya 24-ka Juun 2026, saddex jeer toddobaadkii, taasoo sii xoojinaysa joogi -taankeeda Yurub.
RW Xamsa oo la kulmay Axmed Madoobe iyo Deni.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fed eraalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan gaar ah la yeeshay madaxda Puntland iyo Jubbaland, Siciid Cabdulla -ahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam Madoobe.
Xamsa Cabdi, Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa diiradda saaray Xaala dda guud ee Dalka & in si wadajir ah loo gu wajo arrimaha mudnaanta leh sida Amniga, Xasiloonida iyo Siyaasadda si da lagu yiri war kasoo baxay xafiisya dooda.
Kulankaan waxa uu ahaa mid muhiim u ah dhinacyadaan oo siyaasad ahaan ka la fogaa, wararka ayaa intaas ku daraya in markaan ay isaga dhow yihiin sidii ho re maadaama uu u billowday wadahadal lo hordhac ah.
Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in madaxda Jubbaland iyo Puntland lagu qanciyay inay tageen Xarunta Madaxtoo yada Soomaaliya.
Wasiirka Tamarta oo qaabilay agaasimaha cusub ee WFP u qaabilsan Soomaaliya
Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biya ha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdillahi Bidhan Warsa -me, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Agaasi maha cusub ee Hay’adda WFP u qaabil san Soomaliya mudane Hameed Nuru.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan horumarinta maamulka biyaha, kobcinta karaanka aqoonta hay’adaha dawliga ah, iyo adeegsiga hannaanka casriga ah ee xogta biyaha (Hydrological Modeling).
Wada-shaqeyntan waxa ay laf-dhabar u tahay qorshaha qaran ee lagu xaqiijina yo helitaanka biyo waara oo la isku halle yn karo guud ahaan dalka.
Wasaaradda amniga oo la wareegtay qalab ciidan oo loogu talagalay Ciidanka Haramcad
Wasiirka Wasaaradda Amniga Guda ha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa shalay si rasmi ah uga kala wareegay Safiirka Dowladda Turki ga u fadhiya Soomaaliya qalab ciidan oo loogu talagalay cutub ka tirsan Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Harmacad.
Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soo maaliyeed, S/Guuto Asad Cusman Cab dullahi, Agaasimaha Guud ee Wasaarad da Amniga Gudaha, Mudane Yuusuf Cali iyo mas’uuliyiin kale.
Qalabkan, oo lagu wareejiyey munaasa bad ka dhacday xarunta Ciidanka Harm -acad, ayaa la sheegay inuu yahay mid casri ah, isla markaana kor u qaadaya awoodda howlgal, tababar iyo u-diyaar garowga cutubka, kaas oo dhowaan soo dhameystay tababar sare oo lagu xoojin ayey xirfadaha amni iyo la-dagaallanka argagixisada.
Mas’uuliyiintaan ayaa uga mahadceli yey Dowladda Turkiga taageerada ay sii so hay’adaha amniga Soomaaliya, iya goo xusay in qalabkani uu door weyn ka qaadan doono sugidda amniga iyo xasil -loonida dalka.
SODMA oo soo xirtay shir looga hadlayey Nidaamka ilaalinta Bulshada
Hay’adda Mareynta Musiibooyinka Qaranka Somaaliyeed (SoDMA) ayaa soo gabagabeysay shir laba maalmood socday oo lagu tijaabinayay Nidaamka Ilaalinta Bulshada ee Ka Jawaabista Ma siibooyinka.
Shirka oo ay ka soo qeyb galeen hay’a daha Dowladda Federaalka, Dowlad Go boleedyada, iyo la hawlgalayaal caalami ah, ayaa lagu qiimeeyay habraacyada hawlgalka (SOP-yada) iyadoo la qabtay layli jilitaan iyo kulan falanqeyn ah, iyad oo Ujeedku ahaa in la hubiyo in nidaam ku si degdeg ah, hufan oo isku xiran uga jawaabi karo xaaladaha degdegga ah.
Nidaamkan ayaa xoojinaya isku xirka ilaalinta bulshada iyo maareynta masii booyinka, si loo helo hannaan qaran oo mideysan oo xaqiijiya in taageero waqtiy eysan oo wax ku ool ah la gaarsiiyo bul shada ugu nugul marka ay dhacaan musiibooyin.
Ugu dambeyn, Guddoomiye Ku-xigeen ka Hay’adda SoDMA, Dr. Axmed Cabdi Aadan oo si rasmi ah u soo xiray shirka, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leeda hay in la xoojiyo isku xirka hay’adaha ka la duwan iyo u-diyaargarowga qaran ee dhamaystiran, si loo hubiyo in jawaab degdeg ah, hufan oo waxtar leh loo bixiyo marka ay dhacaan musiibooyin, loona yareeyo saameyntooda bulshada iyo hantidooda.
Safiirada dalalka Carabta u fadhiya dalka Koonfur Afrika oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Xisbiga ANC
Magaalada Pretoria, Koonfur Afrika Waxaa ka qabsoomay kulan muhiim ah oo u dhexeeya safiirrada dalalka Carab ta ee fadhigoodu yahay Koonfur Afrika iyo xoghayaha xisbiga talada haya ee African National Congress (ANC), Mud -ane Masibulele Xaso.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoo jinta xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya dalalka Carabta iyo Koonfur Afrika, iyo iskaashiga dhinacyada siyaasadda, dha qaalaha, iyo arrimaha caalamiga ah.
Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Koonfur Afrika, Danjire Maxamed Sheekh Isxaaq, oo ka mid ahaa safiirradii ka qeybgalay shirka, aya a khudbad ka jeediyay madasha.
Danjiruhu wuxuu si qoto dheer uga had lay muhiimadda ilaalinta madax-bannaa nida iyo midnimada dhuleed ee Soomaa liya, isagoo adkeeyay doorka ay dalalka Carbeed ka qaataan garab istaagga Soo maaliya iyo xoojinta wadajirka iyo iskaa shiga gobolka.
Danjiraha ayaa sidoo kale u mahadcel iyay Dowladda Koonfur Afrika iyo xisbiga ANC sida ay u garab istaageen madax-bannaanida iyo wadajirka Jamhuuriyad da Federaalka Soomaaliya.
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad iyo ballan-qaad ku aaddan sii xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo is kaashiga wadajirka ah ee u dhexeeya dalalka Carabta iyo xisbiga ANC.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Jar -malka oo uu warqadaha Aqoonsiga ka guddoomay Madaxweynaha Hungary
Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Jarmalka, Ambas sador Cabdulcasiis Maxamuud Maxamed Farabadan, oo sidoo kale ah Safiirka Soomaaliya ee Poland, ayaa shalay si rasmi ah loogu guddoomay Warqadihiisa Aqoonsiga Safiirnimo ee dalka Hungary.
Munaasabadda guddoonka warqadaha aqoonsiga ayaa ka dhacday magaalada Budapest, halkaas oo Safiir Farabadane uu warqadihiisa aqoonsiga ku wareej iyay Madaxweynaha Hungary, Mudane Tamás Sulyok.
Safiirka ayaa Madaxweynaha Hungary u gudbiyay salaam iyo farriin uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fede raalka Soomaaliya, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay Soomaaliya siinayso xoo jinta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashi ga dhaqaale, wada shaqeynta dhinacya da horumarinta, ganacsiga iyo waxbara shada ee u dhexeeya labada dal.
Dhankiisa Madaxweynaha Hungary Tamás Sulyok ayaa soo dhoweeyay Safiirka cusub, isaga oo muujiyay sida ay uga go’an tahay dowladda Hungary in la sii xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga kala dhexeeya Soomaaliya.
Ambassador Cabdulcasiis Farabadane ayaa haatan Soomaaliya uga wakiil ah saddex dal oo Yurub ah Jarmalka, Pol -and iyo Hungary taas oo muujinaysa dadaalka Dowladda Federaalka Soomaa liya ee ku aaddan ballaarinta xiriirrada diblomaasiyadeed iyo kor u qaadidda matalaadda caalamiga ah.
Muxuu Erdoğan ka yiri aqoonsiga Somaliland ee Israa’iil?.
Madaxweynaha Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegay in aqoonsiga hal dhinac ah ee Israel ay siisay Somaliland uusan wax faa’iido ah u lahayn Somalia iyo guud ahaan Geeska Afrika.
Erdoğan, oo hadalkan ka jeediyay isa goo garab taagan Ra’iisul Wasaaraha Abiy Ahmed intii uu ku sugnaa Addis Ababa, ayaa ugu baaqay waddamada gobolka inay khilaafaadkooda ku xalli yaan wada-hadal iyo iskaashi, iyaga oo ka fogaanaya faragelin shisheeye.
Madaxweynaha Turkiga ayaa sidoo ka le carrabka ku adkeeyay in dalkiisu ka go’an tahay ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalalka gobol ka, isla markaana uu sii wadi doono taa geerada xasilloonida iyo nabadda Gees ka Afrika.
Somaliland: Hadallada Erdogan waa faragelin aan la aqbali karin
Xukuumadda Somaliland ayaa si adag u cambaareysay hadallo shalay ka soo yeedhay Madaxweynaha Turkiga, Rec -ep Tayyip Erdogan, kuwaas oo uu kaga horyimid aqoonsiga Somaliland, iyadoo ku tilshalayy faragelin aan la aqbali karin oo lagu carqaladeynayo xidhiidhada ay la leedahay waddamada gobolka iyo kuwa caalamka.
War-saxaafadeed ay soo saartay Xu kuumadda Somaliland ayaa lagu shee gay in go’aannada siyaasadda dibadda ee dalalka Geeska Afrika ay tahay inay go’aamiyaan dowladaha iyo shucuubta gobolka, isla markaana aan loo oggolaan karin in loollan shisheeye loo soo raro gobolka si loo wiiqo xasillooni da iyo iskaashiga.
"Jamhuuriyadda Somaliland waxay si adag u cambaaraynaysaa hadalladii u dambeeyay ee Madaxweynaha Jamhuur iyadda Turkiga, kuwaas oo ay u aragto faragelin aan la aqbali karin oo lagu carq aladaynayo xidhiidhka ay Somaliland la leedahay saaxiibadeeda iyo dalalka go bolka."
Hadalka Somaliland ayaa yimid kadib markii Madaxweynaha Turkiga uu Addis Ababa ka sheegay in aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland aanu wax faa’ iido ah u lahayn Somaliland iyo guud ahaan Geeska Afrika.
Erdogan, oo hadalkan ka jeediyay shir jaraa’id oo uu si wadajir ah ula qabtay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa ku dooday in dalalka gobolka ay iyagu xal u helaan dhibaatooyinkooda, isla markaana Geeska Afrika aan loo rogin "goob ay ku loolamaan quwadaha shisheeye.”
Erdogan ayaa sidoo kale sheegay in Turkigu uu muhiimad siinayo madaxban naanida iyo wadajirka dhuleed ee dalal ka gobolka, isla markaana aanu doona yn in colaado iyo dhibaatooyin hor leh la gu sii kordhiyo gobol horeyba uga jirto xasillooni darro.
Dhankeeda, Somaliland ayaa ku adkay satay in xidhiidhada ay la yeelanayso dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ay yihiin kuwo nabad ah, sharci ku dhisan, kana tarjumaya rabitaanka dimuqraadiya deed ee shacabkeeda. Waxay ugu baaq day Turkiga inuu ixtiraamo mabaa’di’da is-qaddarinta, faragelin la’aanta, iyo xaqa ay Somaliland u leedahay inay ka tashato mustaqbalkeeda siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed.
"Somaliland waxay xaq u leedahay in ay si madax-bannaan ula macaamisho cid kasta oo ay dan u aragto, iyada oo ku salaynaysa maslaxaddeeda qaran iyo rabitaanka shacabkeeda."
Xaaladda caafimaad ee Imran Khan oo xog cusub laga helay iyo walaac isa soo taraya
Mucaaradka ka soo horjeeda dowladda ee Pakistan ayaa sheegay inay joojina yaan fadhi lix maalmood ah oo ka soc day Guriga Baarlamanka, taasoo la xiriir tay walaac ku saabsan caafimaadka ra’Ii -sul wasaarihii hore ee xabsiga ku jira, Imran Khan.
Laakiin kooxda lixda xisbi ee loo ya qaan TTAP (Tehreek-i-Tahafuz-i-Ayin-i-Pakistan) ayaa mar kale ku celisay dalabkooda ah in dhakhaatiirtiisa gaarka ah loo oggolaado inay daweeyaan.
Qareenkiisu wuxuu toddobaadkii hore sheegay in Imran Khan uu luminayay inta badan aragga iishiisa midig.Talaada dii kabtano hore oo caalami oo ciyaarta cricket-ka ayaa dowladda Islamabad uga codsaday in ciyaaryahanka isku -isbeddelay siyaasiga ah loo oggolaado daryeel caafimaad oo ku filan.
Trump oo booqan doona Venezuela
Kadib markii Madaxweynaha Marey kanka Donald Trump uu soo afmeeray qabashada dhiggiisa Venezuela Nicolás Maduro bishii la soo dhaafay, wuxuu bal lan qaaday inuu ka faa’iideysan doono keydka batroolka Venezuela, oo ah kan ugu weyn dunida.
Trump ayaa hadda sheegay inuu dama csan yahay inuu booqdo Venezuela, inkasta oo uusan weli cayimin taariikhda uu tegid oono.
Hadalladiisa, oo uu jeediyay Jimcihii la soo dhaafay, ayaa yimid kadib markii Xo ghayaha Tamarta Mareykanka Chris Wright uu soo gabagabeeyay booqasho laba maalmood ah oo uu ku tagay Vene zuela si uu u ogaado sida uu dalku u bi laabayo dib u furista waaxdiisa batroolka ee shirkadaha Mareykanka.
Booqashada Wright ayaa sidoo kale ti mid wax yar kadib markii Golaha Qaran ka Venezuela uu ansixiyay sharci oggol aanaya maalgashi gaar loo leeyahay iyo mid ajnabi ah oo ku saabsan waaxda batroolka, kadib labaatan sano oo ay dowladdu si adag u maamuleysay.
Trump wuxuu arrintan u arkaa fursad ganacsi oo weyn oo u taalla waaxda bat roolka Mareykanka. "Waxaan soo saari doonnaa saliid badan ah oo aan hore loo arag,” ayuu ka sheegay shir jaraa’id bartamihii Janaayo, kadib kulan uu Aqalka Cad kula yeeshay madax ka kala socday shirkadaha tamarta.
Laakiin shirkadaha batroolka Mareykan ka ee uu Trump doonayo inay si weyn u maalgashadaan Venezuela, hal su’aal oo fudud ayaa weli hor taagan: Tiradu ama badnaantu maxay macno u leedhay?
William Jackson, oo ah dhaqaale-ya han sare oo ku takhasusay suuqyada soo koraya kana tirsan Capital Econo mics, ayaa sheegay in ujeeddada mada xweynaha Mareykanka ay tahay "in dib loo soo nooleeyo waaxda batroolka Venezuela lana adeegsado tamartaas si loo kordhiyo sahayda loona dhimo kharashaadka macaamiisha, taasoo noqon karta il dakhli u ah dowladda Venezuela oo la jaanqaadi karta dib-u-dhiska dhaqaalaha kadib sanado badan oo maamul xumo ah.”
Lix waxyaabood oo ay tahay in aad ku dedaasho bisha Ramadan
Bisha Ramadaan 1447 Hijri ayaa soo gashay, waana xilli ay Muslimiintu gu taan mid ka mid ah tiirarka diintooda.
Muslimiinta dunida oo dhan waxay qaadan doonaan 29 ama 30 maalmood oo ay ka soomman yihiin cunista, cabbi taanka, galmada, iyo wax kasta oo kale oo lagu tilmaamay inay buriyaan soonka, laga bilaabo waaberiga ilaa qorrax-dha ca.
Quraanka Kariimka ah ayaa markii ugu horreysay la soo dejiyay bisha Rama-daan, waxaana soonka Ramadaan lagu xusay aayado kala duwan oo ku jira Kitaabka Quduuska ah.
Qof kasta oo buuxiya shuruudaha Islaa -mku dejiyay, ha noqdo lab ama dhedig, waxaa ku waajib ah inuu soomo bishan, marka laga reebo kuwa diintu u fudu deysay (sida bukaanka, musaafirka, iyo kuwa kale ee leh cudur daar sharci ah).
Maadaama Ramadaan ay tahay bil saa meyn weyn ku leh nolosha Muslimiinta, maxay yihiin diyaargarowga ay tahay inay sameeyaan kuwa u diyaargaroo baya soonka?
BBC-da ayaa la xidhiidhay Dr. Junaid Abubakar, oo ah aqoonyahan muslim ah kana soo jeeda dalka Nigeria.
1. Niyad Wanaagsan
Dr. Junaid wuxuu sheegay in marka bisha Ramadaan soo dhowdahay ay Muslimiintu tahay in ay niyadooda sax aan oo is daahiriyaan.
Wuxuu yidhi: "Niyad wanaaggu waa tiir-dhexaad ka jira dhammaan diimaha."
Taas micneheedu waa in cibaadadu qii mo leedahay oo keliya haddii qofku u sameeyo niyad daahiran iyo ikhtiyaar isaga ka yimi.
2. Toobad Keenid
Macallinku wuxuu sheegay in qodobka labaad uu yahay in qofku ka toobad keeno dambiga.
Dr. Junaid wuxuu sharraxay in Ilaahay jecel yahay addoommadiisa, sababtoo ah waa sababta uu cibaadada soonka u faray, waxaana la og yahay in soonku qofka ka caawiyo inuu ka fogaado aflag aadada iyo inay afka ka baxaan ereyo xunxun.
Wuxuu intaas ku daray in Ilaahay ku amray banii-aadamka inay ka dheeraa daan wax kasta oo keena in qofku hadallo xun ka yiraahdo Rabbigiisa.
Macallinku wuxuu yidhi:
"Mid ka mid ah waxyaabaha uu soomu hu go'aansado marka uu soonku dham maado waa toobad sax ah. Qofku waa inuu go'aansadaa inuu ka go'o dambiga uu ku jiro, oo uu ku niyoodo inuusan dib ugu laaban inta ka dhiman noloshiisa. Haddii aad qof xuquuq ka qaadatay ama dhaawacday, waa inaad u celineysaa xuquuqdiisa sida oo kalena weydiisataa cafis."
3. Ogaanshaha Qiimaha Waqtiga
Waxa kale oo uu sheegay in Muslimii ntu fahmaan qiimaha bisha Ramadaan. Waa bishii uu Qur'aanku soo degay, waana bisha ay ku jirto Habeenka Laylu -tal Qadriga oo Ilaahay ka doortay ha beennada kale.
Dr. Junaid wuxuu yidhi:
"Sida ajarka dadka cibaadaysanaya uu ugu kordho bisha Ramadaan, sidaas oo kale dambiyada iyo cawaaqib xumadu way u kordhaan haddii qofku Eebbe caa si u noqdo."
Sidaas darteed qofku waa inuu garto darajada Ramadaanka iyo waxa uu bishaasi ka dalbanayo ruuxdiisa.
4. Wax yar in la cuno
Macallinku wuxuu soo xigtay xadiis uu Nebigu (NNKH) yidhi:
"Ma jiraan qofnaa wax ka xun caloos hiiska . Waana in qofku uu cabbo dhowr dhibcood oo biyo ah, intaas ayaana ku filan si uu awood u helo."
Sidaas darteed Dr. Junaid wuxuu ku taliyay in dadka, gaar ahaan kuwa bad qaba ee aad u cuna, ay yareeyaan cun tooyinka noocyadooda badan. Cunnada badan waxay dhaawacdaa caafimaadka iyo ruuxda labadaba.
5. Fahamka Ujeeddada Soonka
Qofku waa inuu ogaadaa xikmadda ka dambeysa soonka iyo waxa uu soo saa rayo.
Sheekh Junaid wuxuu yidhi:
"Soonku waxa uu ujeedkiisu yahay in qofku eebbihii ku xidhmo, uuna ka dhigo mid keliya cunaya waxa u xalaasha ah, isla markaana isku baraarujiyo sadaqa da iyo wax-bixinta."
Wuxuu sheegay in Nebigu (NNKH) bi sha Ramadaan gudahooda uu aad u siyaadin jiray sadaqada iyo bixinta hadiy adaha, isla markaana uu aad u akhrin jiray Qur'aanka.
6. Ka soo horjeesashada hawlaha xun xun iyo ku dedaalidda camalka wanaag san
Macallinku wuxuu sharaxay in Rama daan ay tahay waqti qofku naftiisa ku ta babaro oo uu ku boorriyo camalka fiican.
Wuxuu yidhi: "Waa xilli qofka la tababa rayo oo la barayo naftiisa."
Ramadan: Sababta aniga iyo sambuus aan isku macsalaameynay
Sambuusku waxa uu ka mid yahay cuntooyinka fudud ee caanka ka ah magaalooyinka Soomaalida. Bisha Ramadaanka dad aad u badan oo awooda dhaqaale ahaan ayaa jecel in ay ku afuraan.
Anigu shakhsi ahaan, aad uma jecli sambuuska, oo wuu ku ya raa magaalada aan yaraanteydii kusoo barbaaray. Kama caag ganeyn cunistiisa, laakiin haddana kama mid ahayn cuntooyin ka aan joogtada u cuno.
Maaddama aanan ku fiicneyn cunto karinta, war uma heynin howsha iyo dhibka laga maro diyaarinta sambuuska. Waxaan se ku baraarugay arrintaa dhowr sano ka hor, taas ayaana igu dhalisay in aan joojiyo in aan ku afuro sambuuska ama gurigeyga lagu sammeeyo bisha Ramadaan iyo bilaha kaleba.
Sababta aan u joojiyay
Subaxdaas waxaa guriga ka socotay howsha sambuus sam -eyska, oo ay ku jireen xaaskeyga iyo gabdho walaalahey ah oo guriga nagula noolaa. Intaan la fariistay ayaan ku iri, shalay sambuuska ayaan idinla sameynayaa ee gambar ii kee na. Waxaa la ii dhiibay howshii lagu fidinaayay foolyada oo aan khibrad saas u weyn u baahneyn
Maalintaas waxaan goobjoog u ahaa howsha sambuus same ynta min billow ilaa dhammaad; qasida burka, rifaaqiddiisa, fool yada sambuuska fidinteeda, jarjariddeda, iyo isku laabiddeeda, ka bacdina shiididda hilibka iyo qudaarta lagu dhex shubayo sambuuska.
Burjikooyinka ayaan wax ka shiday, foolyada ayaan wax ka laallaabay iyo waliba buuxinteeda iyo isku dhedhejinteeda. Markii dhowrkii xabbo ee ugu horreeyay jaga-gacdooda ay yeertay ayaan guriga ka baxay oo aan xaafadda walaashey iga yar soo aaday, si aan usoo salaamo.
Sidoo kale, guriga walaashey waxaa ka socotay howl sam-buus dubid ah oo intii aan soo arkay la maraayo.
Galab-gaabkii ayaan guriga kusoo laabtay, iyadoo sambuuskii dubiddiisa ay dhammaatay, oo isagoo midabka dahabka oo kale leh saxamo lagu shubay, oo u diyaarsan in lagu afuro.
Waxaan xisaabiyay inta saacadood ee ay qaadatay samey nta sambuuskaas oo aan ka yareyn 7 saacadood. Aakhirkiina kusoo dhamaaday bur la dhex galiyay hilib iyo qudaar.
Markii aan afurnay ayaan isugu yeeray xaaskeyga iyo gabdhi hii kale. Waxaan kala sheekeystay dhibka laga maro sambuus ka ee aan shalay arkay, ayaguna ay maalin walba kujiraan, farahana uga gubtaan. Waxaan u cuskaday in sambuus si kasta ha u macaanaadee uusan istaahilin in waqtigaa iyo daalka intaas la eg lagu bixiyo oo intaas oo fara-murux ah loo maro.
Waxaan ku iri: ka warrama haddii sambuus aan iska dhaafno sidiisaba, oo dhibkiisa ay ka nastaan. Dood dheer ka dib waxaan isku waafaqnay in caawa ay ugu dambeyso in gurigaan sambuus laga dubo.
Markii ay gabdhihii aad iila doodeen waxaan ku iri "Aniga sambuus idiinma diidaayo, laakiin aniga kuma jiro, haddaad adinka rabtaan khiyaarkiin, laakiin yaan la isoo hor dhigin caawa ka dib. Habeenkaas ayaan aniga iyo sambuus afurkiisa aan is macasalaameynay, gabdhahana waxaan uga cudur daartay dhibkii horey ugu gaaray sammeyntiisa.
Hadda reerkeygu wey ka nasteen sambuus howshiisa, intii dhowr sano ah. Markii ay carruurteydu 'yiraahdaan ama dhahaan sambuus baan rabnaa', waxaan ku iraahdaa 'laamiga ka soo gata'.
Dhacdada sheekadan oo aan iyadoo kooban la wadaagay asxaabteyda Facebook, waxay ku noqotay lama filaan, muddo ka dibna qaar badan oo ka mid ayaa qaatay go'aan la mid keyga, waxeyna noqotay sheeko qosol iyo xannun labadaba leh oo la is dhaafsado.
Ka sokow sambuuska, waxaaba jirta in ragga soomaalida badankoodu aysan ka warqabin wax ka socda jikada dhexdeeda, oo gabdhaha keliya loo daayay, oo ay la aamusan yihiin daal iyo rafaad. Waana arrin u baahan in dood laga furo mujtamaca dhexdiisa.Waxaan soo xusuusatay oraah ay tiri gabadha qoraaga ah ee reer Nigeria oo lagu magacaabo Chimamanda Ngozi Adichie oo ahayd: "Aqoonta cunto-karintu ma ahan wax ay gabdhuhu caloosha hooyadood kaga soo bexeen oo dheddignimda ku laran".
Inta sambuuska jecel ee guryahooda laga sameeyo waxaan kula talinayaa in ay hal mar ka qeyb qaataan sameyntiisa, ka bacdina ay ka talo bixiyaan haddii sambuus istaahilo intaas oo dhib iyo howl ah.
Xigasho;BBC-Somalia


0 



HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 19-FEB-2026
.