
HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 15-FEB-2026
Guudmarka Khudbadda Madaxwayne Xasan Sheekh ee Shir Madaxeedka Labaad Afrika iyo Talyaaniga
Laba sano ka hor magaalada Roma, Shir-madaxeedkii ugu horreeyay ee Tal -yaaniga iyo Afrika waxaa lagu guddoomi yay in laga gudbo hannaanka iskaashiga soojireenka ahaa, lana yagleelo iskaashi ku saleysan arrimaha hortabinta u leh Afrika iyo in Afrika ay iyadu go’aamiso masiirkeeda.
Marka laga ambaqaado aragtideenna, iskaashiga Talyaaniga iyo Afrika waxa uu jidaynayaa ahmiyadda ay leedahay maalgelinta kaabayaasha halbowlaha ah ee horseedaya xasillooni iyo koboc dha qaale oo waara.
Waxyaabaha hortabinta u leh Soomaa -liya waa kuwo cad: xoojinta gegsiga bul shada, inaan dhallinyaradeenna u abuu rno fursado shaqo, helitaanka cunto bul shada ku filan, iyo inaan dhaqaalaheen na ku xirno suuqyada heer gobol iyo heer caalami.
Horumarka ay Afrika ku tallaabsanay so waa inay saldhig u tahay ilaalinta go bonnimada, midnimada dhuleed iyo ma dax-bannaanida siyaasadeed ee dalalka, si waafaqsan mabaadii’da Axdiyada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika.
Mabaadii’dani ma aha kuwo la tiigsado oo kali ah; waa waajibaad sharci ah oo go’aaminaya badqabkeenna. Tallaaboo yinka ay sida goonida ah Israa’iil ugu beegsatay madaxbannaanideenna wa xay si toos ah u wiiqayaan nidaamka caalamiga, waana inaan si adag isaga diidnaa.
Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika inay iska diidaan nooc kasta oo faragelin dibadeed oo wiiqaysa sharciga caalami ga ah, xasaradna ka abuuraysa gobolka, isla markaana dhaawacaysa kalsoonida u dhaxaysa wadammada.
Maadaama nabadda iyo horumarku ay san kala harin, Soomaaliya waxay ahmi yad gaar ah siinaysaa iskaashiga amni ga ee u dhexeeya Talyaaniga iyo Afrika. Waxaan si gaar ah uga mahadnaqaynaa taageerada Talyaaniga ee Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay xoojiso iskaashiga kala dhexeeya Taly -aaniga iyo dhammaan bahwadaagta qay bta ka ah Qorshaha Mattei, iyadoo qors hahaas lagu hagayo kalsooni, xilkasni mo, dan-wadaag iyo aragti mideysan oo ku wajahan Afrika oo barwaaqo ah.
Kusimaha madaxweynaha JFS ahna Guddoomiyaha golaha shacabka oo qaabilay wafdi ka socda ururka jaamacadda carabta
Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriy adda ahna Guddoomiyaha Golaha Sha cabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Shee -kh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Ururka Jaam -acadda Carabta, Ururka u Qaabilsan Waxbarashada, Dhaqanka iyo Cilmi
Baarista (ALECSO).
Wafdiga ayaa waxaa hoggaaminayay Xoghayaha Guud ee ALECSO, Dr. Mohamed Ould Amar, waxaana sidoo kale kulanka ka qayb galay Wasiirka Wa saaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaal ka Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Guddoomiyaha Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka, Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane Cabdirax maan Maxamed Cabdulle (Jaabiri).
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xooj inta iskaashiga dhinacyada waxbarasha da, dhaqanka, iyo cilmi-baarista, iyadoo xubnaha wafdiga ALECSO ay Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka la wadaageen warbixin ku saabsan howl aha ay hay’addu ka waddo Soomaaliya, iyo sidoo kale heerka wada-shaqeynta ay la leeyihiin hay’adaha waxbarasho ee dalka.
Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriya dda ahna Guddoomiyaha Golaha Shaca bka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa uga mahadceli yey Ururka ALECSO doorka muhiimka ah ee ay ka qaadanayaan horumarinta waxbarashada, ilaalinta hidaha iyo dhaqanka, iyo sidoo kale kobcinta cilmi-baarista, asigoo wafdiga ku boorriyey in ay sii xoojiyaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada tayada waxbarashada, cilmi-baarista, iyo horumarinta aqoonta jiilka cusub.
Ra’iisul wasaare kuxigeenka XFS: Soomaaliya waxay dalal badan kaga horaysaa Isticmaalka adeegyada Dhijitaalka
Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuuma dda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya ay horumar muuqda ka sameysay dhinaca dhijitaalka, isla mar kaana ay dalal badan kaga horreyso adeegsiga iyo hirgelinta adeegyada cas -riga ah ee dowladda.
Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ayaa xusay in ay jiraan dalal badan oo hadda hiigsanaya inay soo gaaraan heerka ay Soomaaliya ka joogto isbeddelka dhanka dhijitaalka, taas oo uu ku tilmaamay mid muujinaysa dadaalka iyo horumarka ay sameysay dowladda Federaalka.
Sidoo kale, Saalax Axmed Jaamac ayaa shaaca ka qaaday qorshe cusub oo lagu mideynayo adeegyada dowla dda, isagoo tilmaamay in sanadka soo socda la doonayo in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed uu hal meel ka wada heli karo adeegyada muhiimka ah ee dowladda, sida warqadda dhalashada, warqadda guurka iyo adeegyo kale oo dowladeed.
Ra’iisul wasaare kuxigeenk ayaa Wu xuu carrabka ku adkeeyay in tallaaba dan ay fududeyn doonto helitaanka adeegyada aas-aasiga ah, isla mar kaana ay sare u qaadi doonto hufnaanta iyo daahfurnaanta hay’adaha dowladda.
dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beryahan waday dadaal xooggan oo ay ku bixinayso casriyeynta adeegyada dadweynaha iyo kobcinta nidaamka dhijitaalka ee dalka.
Ra’iisul wasaaraha XFS ka qayb galay madal lagu soo bandhigayey guulihii laga gaaray ka qayb galka Shirkii Isbedelka cimilada Adduunka
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fe deraalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay guulihii iyo natiijooyinkii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka soo hooysay Shirweynaha Isbeddelka Cimilada Addu unka ee COP30 oo ka dhacay dalka Brazil.
Munaasabaddan, ayaa lagu soo bandhi gay warbixin dhammaystiran oo ku saab san dadaallada dowladda ee ku aaddan saameynta isbeddelka cimilada, mashaariicda dib-u-soo-kabashada deegaanka, qorshayaasha yaraynta fatahaadaha iyo fursadaha maalgelinta deegaanka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa bogaadiyey doorka firfircoon ee wafdiga Soomaaliya ay ka qaateen doodaha caalamiga ah, isaga oo xusay in Soomaaliya ay markan dunida u gashay gorgortan dhab ah oo ku aaddan helitaanka Maalgelinta Cimilada (Clima te Finance) iyo magdhowga khasaaraha ka dhasha Isbeddelka Cimilada ee ay sameeyaan dalalka horumaray.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay samaysay wasaarad gaar u ah arrimaha deegaanka si xal loo gu helo saamaynta abaaraha iyo isbedd elka cimilladq, taasi oo ka tarjumaysa mudnaanta ay dowladda siisay arrimaha Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada.
Mudane Xamsa, ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed xilligan ay wajahayaan abaar aad u adag oo loo baahanyahay in loo kaco sidii gurmad loo gaarsiin lahaa sidii xaaladda ba’an ee ay ku jiraan bulshada Soomaaliyeed.
Dowladda Soomaaliya waxa ay dadaal ugu jirtaa gurmadka dadka tabaalaysan iyada oo dowladdu ay samaysay Sanduuq lagu uruuriyo dhaqaalah loo qorsheeyay gurmadka abaaraha, iyada oo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, uu la kulmay safiirrada dalalka saaxiibada la ah Soomaaliya, isla markaana ugu baaqay madaxda dalalka iyo hey’adaha caalamiga in ay gacan ka gaystaan arrimaha taagan.
Ugu dambayn, Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu baaqay culimada, ganacsada iyo samafalayaasha Soomaaliyeed in ay ka qeyb-qaataan sidii ay dadka Soomaa liyeed ee duruufaha qalafsan ku jira loo gaarsiin lahaa gurmad iyo taakulo.
Ra’iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Jaamacadda Carabta
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Jaamacadda Carabta, oo uu hog gaaminayay Dr. Maxamed Walad Acmar, Xoghayaha Guud ee ALECSO (Hey’ad da Jaamacadda Carabta u qaabilsan waxbarashada, dhaqanka iyo culuumta).
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Jaamacadda Carabta, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, dhaqanka, culuumta iyo kobcinta iyo kor u qaadidda luqadda Carabiga.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa wafdiga siiyay warbixin ku saabsan xaaladda guud ee dalka, horumarka ballaaran ee ay Soomaaliya ka gaartay dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dib-u-dhiska hey’adaha, iyo sidoo kale dadaallada lagu tayeynayo nidaamka waxbara shada dalka.
Dhankooda, wafdiga Jaamacadda Carabta ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii amba qaado iskaashiga waxbarasho, iyaga oo xusay in Soomaaliya ay dib u soo cesha tay kaalinteedii ururrada waxbarashada caalamiga ah, isla markaana la sameeyay horumar muuqda oo lagu tayeynayo heerarka waxbarashada dalka. Waxay sidoo kale caddeeyeen in Jaamacadda Carabtu diyaar u tahay in ay bulshada Soomaaliyeed siiso fursado iyo deeqo waxbarasho oo kala duwan.
Intii uu kulanku socday, waxaa sidoo kale laga wada hadlay sidii kor loogu sii qaadi lahaa horumarinta luqadda Carabiga oo ah luqadda labaad ee dalka, isla markaana leh mudnaan gaar ah marka loo eego doorka ay ku leedahay aqoonta, diinta Islaamka iyo xiriirka ay Soomaaliya la leedahay dunida Carabta.
Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta XFS oo daahfurtay Ololaha Wacyigelinta Xujeyda Soomaaliyeed
Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS Sheekh Mu khtaar Roobow ayaa shalay Daahfuray Ololaha Wacyigelinta Xujeyda Soomaali yeed ee Sanadkan 1447/2026.
Wacyigelinta ayaa waxaa ay ku saab san yahay si loo helo xaaji wacyigiisa ka dhisan yahay dhan kasta iyo in laga wac yi geliyo Sharuudo lagu soo kordhiyey adeegyada Xajka 2026.
Qodobada laga wacyigelinaayo xujey da ayaa waxaa kamid ah.
1. Wachigeliinta xujeyda si loo helo xaaji wacyigiisa ka dhisan yahay dhan kasta
2. Hubinta Caafimadka Xaajiga loo diyaariyey xarun caafimaad oo lagu daryeelo xujeyda
3. Huibinta habraaca Hadiga Xaajiga oo sanadkan lagu laazimiyey xujeyda
4. Muhiimada Garoomada laga dhoofayo (Mogadishu, Hargeysa, Garoowe iyo Boosaaso) iyo sidoo kale garoomada laga degayo (Madiina) iyo kuwa laga soo baxayo ee Jeddah
5. Hubinta qaadashada Kaarkaada aqoonsiga ee Nusuk: Madiina Al munawara
6. Muhiimadda Murshidiinta Xujeyda, inuu u hogaansan xaajiga fariimaha Shirkadaha, Xamlada iyo Bicsada ee xaajiga adeege u ah
7. Ilaalinta nadaafadda goobaha barakeysan ee Madiina, Makkah iyo Mashaacirta, sidoo kale Xaaji inuu dhowro xaajiga kale.
Shuute oo shaaciyay in xatooyada qalabka militariga ay noqotay dambigii ugu cuslaa 2025
Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, Sareeye Guuto Xasan Cali Nuur "Shuu te”, ayaa shaaca ka qaaday in dambiya dii ugu waaweynaa ee la diiwaangeliyay sanadkii 2025, marka laga reebo kuwa argagixisada la xiriira, ay ahaayeen xatooyada qalabka iyo agabka militariga.
Shuute ayaa sheegay in maxkamaddu ay dhageysanaysay dacwado la xiriira askar iyo shaqsiyaad lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen xatooyada hubka iyo qalabka ciidanka, isla markaana qaar ka mid ah eedeysaneyaasha lagu riday xukuno kala duwan, kuwaas oo haatan ku jira xabsiga.
Hase yeeshee, Guddoomiyuhu wuxuu carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay baaritaan qoto dheer oo lagu sameeyo sababaha asalka u ah falalkan soo kordhay.
Wuxuu tilmaamay in inkastoo tallaabo sharci ah laga qaado cid kasta oo lagu helo xatooyo, haddana ay muhiim tahay in la ogaado waxa sababay kororka xatooyada hantida ciidamada.
"Sanadkii u dambeeyay ee 2025, dambiyada ugu culus ee dhacay, marka laga reebo kuwa argagixisada, waa xatooyada qalabka militariga, In la xiro dadka hubka xada waa tallaabo lagama maarmaan ah, balse ma xallinayso sababta dhabta ah ee ka dambeysa,” ayuu yiri Xasan Cali Nuur Shuute.
Wuxuu intaas ku daray in maxkamaddu ay diyaar u tahay inay dib u furto dacwado haddii loo baahdo baaritaanno dheeraad ah, si loo helo xaqiiqda buuxda ee ku saabsan dhacdooyinkan.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa qaabilsan dacwado kala duwan, oo ay ku jiraan kuwa ka dhanka ah shaqsiyaadka lagu eedeeyo inay xiriir la leeyihiin ururrada Al-Shabaab iyo Daacish (ISIS), iyo sidoo kale askarta lagu soo eedeeyo dil, xatooyo iyo xadgudubyo kale oo ciidan, kuwaas oo dhammaantood mara hannaan garsoor oo rasmi ah.
Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed oo la kulmay Cali Badaawi
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaali yeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi iyo wefdi uu Hogaaminayo oo safar shaqo ku jooga Dalkaa ayaa ku lan la qaatay Agaasimaha guud ee Amni ga Qaranka Aljeeriya Cali Badaawi .
Kullanka ayaa looga hadlay la dagaal lanka dambiyada abaabulan ee xuduuda ha ka tallaaba, iskaashiga Tababarada gaarka ah iyo dhisidda Aqoonta Ciidama da, La dagaallanka dambiyada internet ka ,baarista dambiyada iyadoo loo ma rayo dhinaca Sayniska iyo Farsamada.
Soomaaliya oo u soo bandhigtay maalgashadayaasha caalamiga ah iyo ganacsatada inay maalgashadaan dekedda cusub ee Muqdisho
Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Bad da ee Dowladda Soomaaliya Cabdiqaa dir Maxamed Nuur ayaa sheegay in la soo gabagabeeyay daraasadaha Mash ruuca Dekedda Cusub ee Muqdisho, isla markaana mashruucu galay marxaladda qandaraas bixinta.
Wasiirka Dekedaha ayaa sheegay in mashruucan la filayo inuu wax ka bed delo awoodda saadka ee gobolka, wu xuuna ugu baaqay maalgashadayaasha iyo wakiillada ganacsiga gaarka loo leeyahay inay ka qeyb qaataan horuma rinta dekedaha Soomaaliya.
Hadalkaan ayuu wasiirku ka sheegay shirka 2-aad ee Wasiirrada Gaadiidka ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa sheegay in is-weydaarsiga ganacsi ee Soomaaliya iyo Turkiga uu ka gudbay awoodda qaab-dhismeedka saadka ee hadda jira. in samaynta khadad maraa kiib oo toos ah oo u dhexeeya Soomaali ya iyo Türkiye ay noqotay baahi istiraatii ji ah, xilli uu sii ballaaranayo ganacsiga iyo xiriirka laba geesoodka ah ee sii xoogeysanaya.
"Ganacsiga hadda u dhexeeya Soo maaliya iyo Türkiye waxa uu dhaafay qaab-dhismeedka saadka ee jira,” ayuu yiri wasiirka, isaga oo intaas ku daray in khadad badeed oo toos ah ay yareyn doonaan kharashaadka, dedejin doo naan gaarsiinta badeecadaha, isla mar kaana kordhin doonaan guud ahaan mugga ganacsiga.
Shirkan ayaa isugu keenay wasiirrada gaadiidka ee dalalka xubnaha ka ah OIC si ay uga wada hadlaan isku xirka iyo iskaashiga kaabeyaasha dhaqaalaha.
Wasiirka dekedaha ayaa sheegay in ay macno gaar ah leedahay in arrimaha isku xirka gaadiidka looga doodo magaa lo taariikh ahaan isku xirtay qaarado, ilbaxnimooyin iyo waddooyin ganacsi
UK oo maxkamad soo taagaysa nin Soomaali ah oo lagu eedeeyay inuu ka tirsan yahay Daacish
Dowladda UK ayaa maxkamad soo taagaysa nin looga shakisan yahay inuu yahay Daacish, kaddib markii lagu ee deeyay inuu ka safray UK una baxay Soomaaliya si uu uga qeyb qaato dagaa lada kooxda.
Mohamed Farah Mohamoud oo ka soo jeeda magaalada Bristol, ayaa lagu tuhu nsan yahay inuu qorsheeyay falal argagi xiso islamarkaana uu shan toddobaad ku sugnaa dal Afrikaan ah intii u dhaxey say 29-kii Janaayo ilaa 4-tii Maarso 2025.
Ninkan oo 21 jir ah, oo deggen Fran combe Grove, ayaa lagu eedeeyay inuu tagay meel ay deggen yihiin kooxo xagjir ah oo ka tirsan waxa lohogu yeero Dow ladda Islaamiga ah (IS).
Jimcihii, wuxuu ka soo muuqday maxka madda Old Bailey si loo qabto dhageysi hordhac ah. Garsoore Cheema-Grubb ayaa si ku-meel-gaar ah u asteeyay in dacwadda la bilaabo 3-da Agoosto, iyadoo lagu qaadi doono Maxkamadda Winchester Crown Court.
Waxaa lagu soo oogay dacwad ku saa bsan ku lug lahaanshaha falal argagixiso, taasoo ka hor imaanaysa Qodobka 5-aad ee Sharciga Argagixisada UK ee 2006.
Hogaamiyaha Jarmalka oo qiray in ay kala qeybsan yihiin Yurub iyo Mareykanka
Hogaamiyaha Jarmalka Friedrich Merz ayaa ka digay shir weyn oo amni in ni daamkii caalamiga ahaa ee ku dhisnaa xeerarka "uusan hadda jirin.”
Isagoo furayay shirka amniga ee Munich, Merz wuxuu u sheegay hoggaa miyeyaasha adduunka in "xorriyaddeen nu aysan dammaanad ahayn” xilli ay awoodaha waaweyn si toos ah u tartam ayaan, wuxuuna sheegay in rreer Yurub ay tahay inay diyaar u noqdaan "naf-hurnnimo.”
Hogaamiyaha Jarmalka ayaa sidoo kale qiray inuu jiro "kala qaybsanaan qoto dheer oo u dhexeysa Yurub iyo Mareykanka.”
Shirkan amniga ayaa ku soo beegmaya iyadoo Donald Trump uu ku hanjabay inuu ku darayo Greenland, taas oo khatar gelinaysa madaxbannaanida Denmark ee ku saabsan dhulka Arctic-ka, isla markaana uu canshuuro saari doono badeecooyinka ka yimaada dalalka Yurub.
Xukuumadda Somaliland oo nabad dhex dhigtay beelo colaadi ku dhex martay gobollada galbeedka.
Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday in ay nabad dhex dhigtay laba beelood oo dhawaan dagaallo ku dhexmareen gobollada Awdal iyo Salal ee galbeedka Somaliland.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabdalle Maxamed Carab, ayaa sheegay in guryo ay qoysas deggan yihiin la gubay, dadna la laayay, isaga oo sheegay in uu ahaa dhaqan aan shacabka deegaanka lagu aqoon. Waxa uu xaqiijiyay in dadkii falka geystay loo taxaabay xabsiga Madheera, isla markaana ilaa 30 qof ay hadda ku xidhan yihiin.
"Dadkii halka joogay waxa aanu u sheegnay in xukuumaddu ay fulin samay nayso, oo aan loo dulqaadanayn dad dambiilayaal ah. Odayaashii way nala qaateen, geed-geed ayaanu uga shaqaynaynay" ayuu yidhi wasiirku.
Waxa kale oo uu sheegay in ciidamada Somaliland hawlgal ay fuliyeen dhawaan ay kusoo qabteen dad jidgooyo ku dilay shacab, isla markaana qaar ka mid ah dablaydii dhibaatada geysatay la laayay.
Waxa uu sheegay in xukuumaddu ay diiday in la arko dad shacab ah oo hubaysan, isaga oo sheegay in dhammaan deegaannadii ay fadhiyeen ciidamo beeleedka la maray, isla markaana odayaasha laga saxeexay nabadgelyo buuxda.
Waxa uu sheegay in ciidamada Somali land ay ku sugan yihiin xuduudaha galb eedka, isla markaana aanay jirin ciidamo beeleed ka soo tallaabay xuduudaha Jabuuti iyo Itoobiya, isaga oo wararka sidaas tilmaamay ku sheegay been abuur.
Waxa uu sheegay in la soo xidhay nabaddii beelaha wada dega gobollada Awdal iyo Salal, isla markaana wixii hadda ka dambeeya aan loo dulqaadan doonin cid kasta oo kicin dadweyne samaysa ama nabadda ka hor timaadda.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo ka hadlay booqashadii Ra’iisul Wasaare Xamse iyo muranka ka dhashay sawir-qaadista
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soo maaliya, Cali Yuusuf Cali Xoosh, ayaa ka hadlay hadal-heynta ka soo baxday booqashadii Ra’iisul Wasaaraha Soo maaliya, Xamse Cabdi Barre, ee ka dhacday hoteelka Airport, taas oo bara ha bulshada si weyn loogu faafiyay tan iyo xalay in Madaxdi ay u tageen ee Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay diideen in aan wax sawir ama muqaal ah laga qaadin.
Wasiir Cali Xoosh ayaa sheegay in madaxdii halkaasi joogtay si sharfan ay soo dhoweeyeen kulankaasina uu ahaa booqasho iyo salaan, isla markaana aysan jirin cid wax diiday ama laga reebay.
"Ujeedada booqashadu waxay ahayd salaan iyo marxabeen,” ayuu yiri wasiir ku.
Waxaa sidoo kale ay saxaafadda gu daha ay wax ka weydiisay wasiirka goor ta uu furmi doono shirka labada Dowlad da iyo Golaha Mustaqbalka, waxaana wasiirku xusay in madaxweynaha ay sugayaan oo dalka safar shaqo uga maqan.
Warbaahinta qaar iyo dadka isticmaala baraha Bulshada ayaa si weyn u falanqeeyay tan iyo xalay Booqashada Ra’iisul Wasaare Xamse ugu tagay Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Saciid iyo in Madaxdaasi ay dalbadeen inta kulanka socday laga ilaaliyo sawir iyo muqaal ayna arintaasi ka socotay Mas’uuliyiinta Hab-maamuuska ee Jubaland ay amar ku bixiyeen in aan wax sawir iyo muuqaal duubis ah la sameyn inta kulanka uu socdo.
Sidoo kale waxa ay hadalheyntoodi raaciyeen in ay jireen mas'uuliyiin Ra'iisul wasaaraha la socotay oo banaanka lagu celiyay waxaa ka mid ahaa Wasiirka Amniga Fartaag iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Xoosh oo isagu arintaasi shalay beeniyay.
Safiirka JFS ee K/afrika oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed
Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Koonfur Afri ka, Mudane Maxamad Sheekh Isxaaq, ayaa kulan ballaaran oo is-xogwaraysi iyo wada-tashi ah la qaatay qeybo kamid h Culimada Soomaaliyeed, Odayaal Dhaqan iyo qaar kamid ah Imaamyada Masaajida magaalada Cape Town.
Kulanka oo ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ujeedadiisu aheyd in la xoojiyo xiriirka iyo wada-shaqeynta u dhaxeysa Safaaradda iyo Jaaliyadda, isla markaana si toos ah looga dhageysto cabashooyinka iyo baahiyaha ay qabaan.
Safiirka ayaa sidoo kale ku boorriyay Jaaliyadda inay muujiyaan midnimo, wadajir iyo is-kaashi, si ay u xoojiyaan sumcadda iyo doorka ay ku leeyihiin bulshada ay la nool yihiin, isla markaana ay ula shaqeeyaan safaaradda si wadajir ah.
Antonio Guterres oo ku eedeeyay Golaha Ammaanka inay ku guul daraysteen in ay ku heshiiyaan maalgalinta howlgalk AUSSOM
Antonio Guterres ayaa ku boorriyay beesha caalamka inay bixiso maalgelin joogto ah oo la saadaalin karo oo lagu taageerayo Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM). Waxa uu si weyn uga xu -maaday in Golaha Ammaanka uu ku guuldarreystay inuu ku heshiiyo in hawl galka nabad ilaalinta ee Soomaaliya (AUSSOM) lagu maalgeliyo qaaraan waajib ah.
Guterres oo ka hadlayay furitaanka kalfadhiga 39aad ee Shirweynaha Guud ee Midowga Afrika ee lagu qabtay Addis Ababa, ayaa ku tilmaamay hawlgalka Soomaaliya mid tijaabo u ah sida ay beesha caalamku uga go’an tahay taageerada hawlgallada nabad-ilaalinta ee ay Afrika hoggaamineyso.
"Haddii hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya uusan mudnayn taageero caalami ah, maxaa mudan?” ayuu yiri.
Madaxa Qaramada Midoobay ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo hannaan maalgelin oo la isku halayn karo si loo hubiyo waxtarka iyo sii jiritaanka hawlgalka Midowga Afrika, kaas oo taageeraya dadaallada Soomaa liya ee xasilinta dalka iyo la tacaalidda khataraha amni.
Wuxuu sidoo kale muujiyay niyad-jab ku saabsan in Golaha Ammaanka uusan gaarin is-afgarad ku saabsan adeegsiga in qaaraanka ay si khasab ah u bixiyaan dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay si loogu maalgeliyo hawlgalka.
Guterres ayaa intaa ku daray in Qaramada Midoobay dib u eegis ballaa ran ku sameyneyso hawlgallada nabad-ilaalinta si loo hubiyo in waajibaadkoodu yihiin kuwo macquul ah, si habsami leh loo kala hormariyay, si ku filan loo maalgeliyay, isla markaana ay la socdaan qorshe cad oo kala-guur ah.
Hadaladiisa ayaa imaaanaya xilli ay socdaan wadahadallo ku saabsan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, isla markaana loo heli lahaa maalgelin joogto ah oo la saadaalin karo oo loogu talagalay hawlgallada nabad-ilaalinta ee ay Afrika hoggaamiso.
Farmaajo oo ka hadlay kulankii uu la yeeshay Deni iyo Axmed Madoobe, baaqna u diray Madaxweyne Xasan Sheekh
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa faahfaahin ka bixiyay kulan salaan iyo is-xog wareysi ah oo uu shalay la yee shay Madaxweynayaasha Dowlad-gobo leedyada Puntland iyo Jubbaland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Farmaajo ayaa sheegay in kulankaasi si gaar ah diiradda loogu saaray xaalad da siyaasadeed ee adag ee dalka ka taa gan iyo baahida loo qabo wada-tashi dhab ah oo xal loogu helo caqabadaha jira, gaar ahaan arrimaha la xiriira doora shooyinka iyo dastuurka.
Madaxweynihii hore ayaa soo dhawee yay imaanshaha labada Madaxweyne ee caasimadda Muqdisho, isagoo ku dhiirrigeliyay in la sii xoojiyo dadaallada lagu gaari karo heshiis loo dhan yahay oo dalka ka badbaadiya hubanti la’aan siyaasadeed iyo qalalaase amni oo ka dhasha khilaafaadka taagan.
Wuxuu ku ammaanay Madaxweyne Deni iyo Madaxweyne Axmed Madoobe niyad-wanaagga iyo rabitaankooda ku aaddan in la helo xal waara oo mideeya dhinacyada siyaasadda isku haya.
Dhanka kale, Farmaajo ayaa baaq u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ugu baaqay inuu muujiyo tanaasul iyo hoggaan mideyn kara dhinacyada is haya, si looga gudbo ismari-waaga jira loogana hortago firaaq dastuuri ah oo dalka gala.
Ugu dambeyn, Farmaajo ayaa xusay in xaaladda siyaasadeed ee cakiran aysan ka mashquulin madaxda iyo siyaasiyiinta gurmadka shacabka Soomaaliyeed ee ay saameysay abaarta daba-dheeraatay, isagoo ku baaqay in la qaado tallaa booyin cad-cad oo wax ku ool ah si loo badbaadiyo nolosha dadka tabaaleysan.
Somaliland oo sheegtay in mar dambe aanay wadahadal la gelayn dowladda Soomaaliya, isla markaana ay cadow u aqoonsatay
Wasiirka Duulista iyo Hawada ee Somaliland, Fu'aad Axmed Nuux, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka codsatay in ay kala hadlaan arrimaha ha wada, laakiin ay diideen, isla markaana ay go’aansadeen in aan mar dambe wa dahadal lala gelin dowladda Soomaaliya, oo uu ku tilmaamay cadow.
Waxa uu sheegay in dowladdii hore ee xisbiga Kulmiye ay Somaliland gelisay khaladaad sharci, isla markaana caqaba dda ay wajahayso ay yihiin qaar ka mid ah dhibaatooyinka laga dhaxlay wadah adalladii Somaliland iyo Soomaaliya, kuwaas oo uu sheegay in ay ahaayeen ilduuf dhacay.
"Waxa nasiib darro ah in dowladdii xilliga Somaliland ka talinaysay ay ga shay wadahadal nasiib darro ah oo ay dhibaatooyin badan inaga galiyay, kaas oo ay Somaliland ku aqbashay in hawa da Soomaalida lagu soo celiyo gacanta Soomaaliya," ayuu yidhi Wasiir Fu’aad.
Waxa uu sheegay in muddo saddex jeer ah ay dowladda Soomaaliya ka diideen in ay wadahadal kala galaan arrinta dal-ku-galka, isaga oo sheegay in wadahadalladu ay hore u lugooyeen Somaliland, sidaa darteedna ay diideen.
"Annaga oo ku soconna siyaasadda uu madaxweynuhu nagu hoggaaminayo, waanu diidnay in aanu Soomaaliya kala hadalno hawada, arrimaha dowladnima da iyo E-visaha midna. Waxa aanu qa rankani go’aansaday in dalkaasi cadow yahay, cadowguna iska dhicin mooyaa ne aanu lahayn sasabasho," ayuu yidhi Wasiir Fu’aad.
Waxa uu sheegay in ay go’aansadeen in Somaliland loo raadiyo ictiraaf oo laga saaro caqabadaha haysta, isla markaa na aan mar dambe wakhti lagu lumin wa
dahadal, sida uu hadalka u dhigay.
Dowladda Soomaaliya ayaa dadka Soo maaliya u socdaalaya, oo ay Somaliland ku jirto, kusoo rogtay dal-ku-gal danabay san (E-visa), taas oo ay Somaliland ka cadhootay.


0 



HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 15-FEB-2026
.