HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 7 FEB-2026

0
Saturday February 07, 2026 - 08:39:33 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 19
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 7 FEB-2026

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Afar dowlad-goboleed oo Xasan Sheekh ku wargeliyay inay qaadaceen…

Dowlad-goboleedyada Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Waqooyi Bari ayaa si wadajir ah u qaa dacay ka qeyb-galka tartanka Qur’aanka Kariimka ah oo ay ugu yeertay Dowlad da Federaalka Soomaaliya.

Tartankan oo uu taaba-gelinayo Madax weyne Xasan Sheekh ayey afartan maa mul si cad u diideen ka qeyb-galkiisa, iyagoo diidmadooda ku saleeyay go’aan horey uga soo baxay Wasaaradaha Aw qaafta iyo Arrimaha Islaamka ee afartan dowlad-goboleed.

Maamulladan ayaa sheegay in aysan wax wada-shaqayn ah la yeelanayn Wa saaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaam ka Soomaaliya, oo uu haatan hoggaa miyo Wasiir Mukhtaar Roobow, oo ay eedeeyeen.

"Madaxweynaha Jamahuuriyada Fede raalka Soomaaliya oo ah taaba-galiyaha tartankaan waxaan la socodsiineyna in aanaan qeyb ka aheyn tartankaas, diyaa rna aanan u aheyn inay dowlad-gobo leedyadu ka qeyb galaan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen Wasaaradaha Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee maamullada Galmudug, HirShabelle, Koonfur Gal beed iyo Waqooyi Bari.

Sidoo kale waxaa lagu yiri "Waxaan si cad u muujinaynaa in aysan jirin haba yaraatee wax wada-shaqayn ah oo ka dhaxaysa Wasaaradaha maamul gobo leedyada iyo Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Dowladda Feder aalka, taas oo ka dhalatay ku-guul-darre ysiga Wasaaradda Federaalka ee guda shada waajibaadkeeda dastuuriga ah ee wada-shaqaynta iyo isku-xirnaanta hay’ adaha heer federaal iyo heer dowlad-goboleed.”

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:

KU: Madaxweynaha Jamhuuriyada Fede raalka Soomaaliya Dr. Hassan Sheikh Mohamud

Ujeeddo: Qaadicid Ka Qeybgalka Tartan ka Qaranka ee Quraanka Kariimka ah ee Bisha Barakeesan ee Rmadan.

Annagoo ah Wasiirrada Wasaaraddaha Awqafta iyo Arrimaha Diinta Dowlad-Goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Waqooyi Bari, waxaan si wadajir ah u soo saarnay Bayaan rasmi ah, annagoo ka duulayna Mas’uuliyadda na saaran ee daryeelka arrimaha diinta, Awqafta, iyo danaha guud ee ummadda Soomaaliyeed.

Annagoo Tixraaceyne Warqad Ka soo Baxday Wasaaradda Awqafta iyo Arri maha Islaamka XFS Ref: WAAI7/ 017/2026 kuna Taariikheesan 5/01/2026 taas oo loo diray Wasiirrada Wasaarad daha Awqafta iyo Arrimaha Diinta Dowl ad-Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya Loo gana Codsanaayey in ay soo Gudbiyaan Ergada iyo Ardeydii uga qeybgal laheed tartanka Quraanka kariimka ah Heer Qaran bisha barakeesan ee Ramadan kaas uu taaba galiyay Madaxweynaha Jamahuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Hassan Sheikh Mohamud oo ay qabato Wasaaradda Awqafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumada Federaa lka Soomaaliya.

Haddaba, Waxaan halkaan ka cadey neynaa in aan gabi ahaanba Wax tartan ah oo qabaneyso Wasaaradda Awqafta iyo Arrimaha Islaamka XFS aanan ka qeyb gali doonin wax Ergo iyo Arday ah oo tartankaas nagu matalana aanan soo diri doonin.

Qaadicida Tartankaan waxey daba soc otaa Gabi ahaanba Markii aan hakinay Wadashaqeyntii aan laheeen Wasaa radda Awqafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumada Federaalka Soomaaliya iyo Hogaanka Wasaaradda oo ku guul dareestay Xalinta Cabashooyinka ay qabaan Wasaaraddaha Awqafta iyo Arrimaha Diinta Dowlad-Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamahuuriyada Fede raalka Soomaaliya oo ah Taabaha Galiyaha tartankaan waxaan La soco dsiineyna inaaanaan qeyb ka ahyn Tartankaas Diyaarna aanan u aheyn inay Dowlad Goboleedyadu ka qeyb gal aan.

Waxaan si cad u muujinaynaa in aysan jirin habayaraatee wax wada-shaqayn ah oo ka dhaxaysa Wasaaradaha Maa mul Goboleedyada iyo Wasaaradda Aw-Qafta iyo Arrimaha Islaamka ee Dowla dda Federaalka, taas oo ka dhalatay ku-guul-darreysiga Wasaaradda Federaal ka ee gudashada waajibaadkeeda das tuuriga ah ee wada-shaqaynta iyo isku-xirnaanta hay’adaha heer federaal iyo heer dowlad-goboleed.

Sidaa darteed, annagoo ilaalinayna mi dnimada hawlgalka wasaaradaha diinta, isla markaana ku adkaysanayna Mabd a’a wada-shaqaynta iyo wada-tashiga, waxaan si wadajir ah u go’aansanay:

In aanan ka qayb-gelin wax tartan, Mu naasabad ama hawl-qaran oo ay qabato Wasaaradda Aw-Qafta iyo Arrimaha Islaamka ee Dowladda Federaalka, oo uu ugu Horeeyo tartanka Heer Qaran ee Quraanka kariimka ah, ilaa iyo inta Was aaradda Federaalka ay si rasmi ah ugu soo laabanayso jidkii wada-shaqaynta, wada-tashiga, iyo ixtiraamka Dowlad-Goboleedyada.

Kadib War Saxaafadeedkii hore ee aan kaga cabannay wada-shaqeyn la’aanta joogtada ah ee Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqafta ee Dowladda Federa alka, waxaa nasiib darro ah in halkii laga sixi lahaa khaladaadka, uu Wasiirku bil aabay isku dayo uu ku kala furfurayo mowqifka mideysan ee Dowlad Gobole edyada, isagoo si gaar ah ula xiriiraya Dowlad Goboleedyada si gooni-gooni ah, una raadinaya in loo soo diro ardayda ka qeybgaleysa Tartanka Qur’aanka Kariim ka.

Waxaan si cad u caddeyneynaa in tal laabadaasi ay tahay mid baalmarsan ni daamka wada-shaqeynta Federaalka, ku na xadgudbeysa xaqa Dowlad Goboleed yada, isla markaana sii wiiqeysa kalsoon idii iyo is-afgaradkii lagu dhisay wada shaqeynta Wasaaradaha heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Arrimahaasi waxay si cad u muujina yaan in Wasiirku uusan diyaar u ahayn wada-shaqeyn dhab ah, una si joogto ah u baalmarayo nidaamka Federaalka, xu quuqda Dowlad Goboleedyada iyo mabd a’a wada-tashiga qaranka.

Waxaan Madaxweynaha ka codsaney naa inuu si degdeg ah u qaado tallaabo ku habboon si loo ilaaliyo nidaamka Fed eraalka, loona xaqiijiyo in Dowlad Gobol eedyadu helaan xaqooda sharci iyo ka-qeybgal buuxa oo ku saleysan wada-tashi, is-ixtiraam iyo isla-xisaabtan.

Madaxda ugu Sareyso Dowladda Fede raalka ee Soomaaliya waxaan la socod siineynaa in aan Gabi ahaanba aana ka qeybgal doonin wax tartan heer Qaran ah oo ay qabaneyso Wasaaradda Awqaf ta iyo Arrimaha Islaamka XFS ayna Qaa deyso Masuuliyadda wixii ka dhasho Qabashada Tartanka Heer Qaran ah oo aan loo dhameen

XIGASHO:-CAASIMADDA.NET

Wasiirka ganacsiga XFS oo kulan la qaatay safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Gamal Maxamed Xasan, ayaa shalay kulan la qaatay Sa fiirka Talyaaniga ee Soomaaliya, Muda ne Pier Mario Daccò Coppi,

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xooj inta xiriirka ganacsi ee labada dal, kor u qaadista dhoofinta Soomaaliya, iyo horu marinta fursadaha maalgashi ee Soo maaliya, iyadoo la isla gartay muhi imadda ay leedahay in la kobciyo war shadaha dalka, lana abuuro jawi ganacsi oo soo jiidan kara maal-gashadeyaal caalami ah.

Kulanka ayaa sidoo kale ka tarjumayay dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah, oo kor u qaadaya horumarka dhaqaalaha dalka.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo ka laabtay hadal uu ku sheegay lahaanshaha diyaaradaha F-16

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa dib uga laabtay hadal uu horay ugu sheegay lahaanshaha diyaaradaha dagaalka ee F-16 ee dhawaan lagu arkay magaalada Muqdisho.

Arbacadii, wasiir Fiqi ayaa sheegay in di yaaradahaasi ay leeyihiin Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, hadalkaas oo si weyn u faafay kana dhaliyay dood xooggan baraha Bulshada.

Si kastaba ha ahaatee, Khamiistii ayuu wasiirku sheegay in hadalkiisa si qalad ah loo fasirtay, inkastoo uu hore si cad u muujiyay lahaanshaha Soomaaliya.

Wasiir Fiqi ayaa hadda caddeeyay in diyaaradaha F-16 ay si buuxda u lee yihiin dowladda Turkiga, isla markaana ay weli ku jiraan gacanta iyo maamulka Turkiga, balse ay haatan ku sugan yihiin Soomaaliya si ay taageero iyo gargaar u siiyaan Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

"Diyaaradahan waa kuwo Turki leeyahay, waxayna u joogaan inay taageeraan howlgallada iyo tababarrada ciidamada Soomaaliya,” ayuu yiri wasiirku.

"Diyaaradaha F-16 waxa iska leh wal aalaheenna Turkiga ee na taageera, hadalkaygana waxaa jaray makarafoon ka,” ayuu sii raaciyay Axmed Macallin Fiqi.

Arrintan ayaa imaaneysa xilli dowladda Soomaaliya ay sii xoojineyso xiriirka amni iyo mid milatari ee ay la leedahay Turkiga, oo kamid ah saaxiibada ugu mu hiimsan ee taageera dib u dhiska ciida mada qaranka.

Taliyaha cusub ee CXD oo la kulmay Saraakiisha Hoggaanka iyo Hawlgalada

Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Da lka, General Ibraahim Maxamed Maxa -muud ayaa shalay shir guddoomiyay ku lan ka dhacay Xarunta Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ee Magaalada Muqdisho.

Shirkan oo daarnaa is xogwareysi iyo kala warqaadasho ayaa waxaa ka qaybgalay Saraakiisha Hoggaanka iyo Hawlgalada ee Militariga Somaliya.

"Taliyaha ayaa faray saraakiisha in la sii laba jibaaro howlaha la xiriira hawlgalada dib u xoreynta ee lagu dabarjarayo Khawaarijta, sidoo kalena la dardargeliyo shaqooyinka.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka.

Warka ayaa sidoo kale lagu sheegay "Ugu dambayn Taliyaha ayaa kula dardaarmay saraakiisha in laga dhabeeyo, lana hirgeliyo qorsheyaasha hortebinta u leh Taliska Ciidanka XDS.”

Kulankan ayaa noqonaya kiisii ugu horreyay ee uu shir guddoomiyo Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka, tan iyo markii 29-kii bishii January loo soo magacaabay xilkan.

Taliyaha ayaa Arbcadii dorraad xilka kala wareegay Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage.

Is bedelka ay Dowladda Federaalka ku sameysay Taliska Ciidanka Xoogga Dal ka ayaa imanaya, iyadoo uu jiro abaabul iyo digaargarow ciidamada loogu jiheyna yo qaybo ka mid ah dhulka ay Al Sha baab ka haysato Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Somaliya.

Gobolka Banaadir oo qorsheynaya in la hagaajiyo goobaha biyo fariisiga ah ee Muqdisho

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo kormeeray qeybo kamid ah wadd ooyinka magaalada Muqdisho ee leh goobaha biyo fariisinka ah ayaa shee gay in ay wadaan xalka sidii wax looga qaban lahaa goobaha biyo fariisinka ah ee ku yaalla caasimadda.

Guddoomiyaha ayaa xusay in dhowaan la bilaabi doono qorsheynta mashruuc loogu talagalay dib u dhiska waddooyin ka burbursan,iyadoo ay garab socdaan maareynta biyaha ku soo rogmada wadada iyo hareeraheeda.

Muungaab waxa uu shacabka iyo gana csatada deegaanka ku boorriyay inay ka qaybqaataan ilaalinta iyo dhowrista wadooyinka la hagaajinaayo, si ayuu yiri ay u sii jiraan,isla markaana looga faa’I deysto.

Hadalada ku saabsan dib u dhiska goo baha biyo fariisadka ah ayaa soo baxay xilli uu Guddoomiyaha Maamulka Gobol ka Banaadir uu booqday biyo-fariisinka Isgoyska Fagax ,halkaasi oo dhawaan laga hirgelin doono mashruuca dib-u-dhiska iyo dayactirka ee waddooyinka muhiimka ah ee caasimadda.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muun gaab), waxa uu booqday Wadada Jam huuriya ee degmada Kaaraan, halkaas oo uu ka socdo mashruuca dhismaha waddo Laami ah.

Madaxa Hey’adda SODMA”ummadda Soomaaliyeed waxaa laga rabaa in ay u gurmadaan dadka la ildaran abaaraha”

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Maxamuud Macallin Ca -bdulle oo ka hadlay barnaamijka todo baadka ee warbaahinta qaranka ayaa faahfaahin guud ka bixiyay xaaladda abaarta ka jirta dalka , saameynta ay ku yeesheen dadka iyo sida ugu habboon ee gacan looga geysan karo badbaadint a qeybaha bulshada ee la ildaran abaa raha.

Guddoomiyaha ayaa xusay in dowladi hii kaalmeyn jiray Soomaaliya ay jooji yeen howlihii dhinaca samofalka,sidaas daraadeedna loo baahan yahay in shacab iyo dowladba la isku tashto oo laga qeybqaato sidii loo samatabixin lahaa dadka iyo xolaha.

Madaxa SODMA waxa uu qiray in guud ahaan gobollada dalka ay ka jiraan biyo iyo cunto la’aan ay sababeen maqnaan shaha xilliyada roobabka,kuwaas oo dhaliyay in la galo wajiga afaraad ee sheehaya heerka qatarta ee cabirka abaaraha.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka waxa uu ka dhawaajiyay in haddii waqtiyada soo socda aan la helin gurmad bin’aadanimo ay qatar gali doonaan dad badan oo Soomaali ah,si daa daraadeed,waxa uu mar kale cods aday in loo istaago wax u qabasha dad ka ku barakacay abaaraha.

Illaa shan milyan oo ruux oo ku kala nool gobolada Awdal,Gedo,Hiiraan, Baay, Ba kool,Mudug, ,Gaalgaduud,Woqooyi Ba ri,Sanaag,Gobolada Woqooyi Galbeed iyo Jubbooyinka ayaa la sheegay in ay soo wajaheen abaarihii ugu darnaa ee la arko muddooyinkaan.

Gobolka Banaadir iyo Safiirka Turkiye oo ka qeybgalay olole nadaafadeed oo ka dhacay Muqdisho

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Ba naadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) iyo Sa fiirka Dalka Turkiye ee Soomaaliya Mu dane Alper Aktaş ayaa saaka hoggaa miyay olole nadafadeed oo laga samee yay deegaanka xeebta Liido; iyadoo la mataaneynaayo Magaalooyinka Muqdi sho iyo konya.

Ololahaan ayaa waxaa kaloo ka qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir , dhallinyaro mutada waciin ah oo isu xilsaaray nadaafadda caasimadda iyo dadweyne kale.

Guddoomiye Muungaab oo ka hadlay ololahaasi ayaa ku dheeraaday ahmiyad da ay tallaabadaan u leedahay bilic da caasimadda iyo sida ay lagama maa rmaanka u tahay in cid kasta ay ka qeyb qaadato nadaafadda deegaanka,gaar ahaan goobaha ay ku nool yihiin ama laga fuliyo adeegyada bulshada.

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya Muda ne Alper Aktaş, oo sheegay in dowladdii sa ay sii xoojinayso taageerada ay la ga rab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan horumarinta caasimadda Muqd isho, isagoo shaaca ka qaaday qorshe lagu mataanaynayo magaalada xadaari ga ah ee Konya ee dalka Turkiga iyo Muqdisho, si ayuu yiri labada magaalo ay u yeeshaan iskaashi dhinacyada horu marinta ah iyo is-weydaarsiga khibrada ha maamulka.

Booliska Soomaaliya oo hirgelinaya hannaan cusub oo casri ah

Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa qorsheynaya hirgelinta hannaan cusub oo suurtagelinaya in saldhigyada boolis ka, xarunta dambi baarista (CID), maxka madaha garsoorka iyo xeer-ilaalinta ay si isku mar ah u wada helaan ugana wa da shaqeeyaan xogta dambiyada la dii waangeliyo.

Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaa liya, Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay tababar siisay dhallinyaro loo diyaariyay inay ku shaqeeyaan nidaa mkan, si loo dedejiyo loona fududeeyo maaraynta xogta dambiyada dhacaya.

"Waxaa jira hannaan si wadajir ah isu gu jira 20-ka saldhig ee booliis ee gobol ka Banaadir, hoggaanka baarista dam biyada ee CID, maxkamadda garsoorka iyo xeer ilaalinta, kiiska marka uu dhaco kooxdii ka shaqayn lahayd ayaa tababar u billowday,” ayuu yiri Afhayeenka boo liska.

Waxaa uu intaas kusii daray "6-da bil ee ugu horraysa 2026 ayay shaqadaan billaabanee, qofkii la xiro xogtiisa way wada gaaree, baaraha lagu qoray xogtii sa ayaa soo baxee, dowlad aan saaxiib nahay ayaa naga caawinayso.”

Dowlad uusan shaacin magaceeda, oo saaxiib la ah Soomaaliya ayuu afhayeen ku sheegay inay gacan ka geysanayso hirgelinta qorshahan.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in wejiga labaad ee qorshahan la iskugu xiri doo no xarunta dambi baarista ee CID iyo gobollada dalka, si loo xoojiyo raadraaca iyo qabashada dambiilayaasha.

Ciidanka booliska Soomaaliya ayaa mud dooyinkii u dambeeyay waday qorsha yaal lagu casriyeynayo laguna mideyna yo shaqada saldhigyada booliska, hay’a dda dambi baarista ee CID iyo xeer-ilaalinta, si loo wanaajiyo hab-socodka diiwaangelinta, baarista iyo dabagalka dambiyada.

Booliska Beledweyne oo soo xiray eedeysanayaashii ugu dambeeyay ee kiis kufsi wadareed

Booliska magaalada Beledweyne ayaa ku guuleystay inay soo xiraan laba eede ysane oo ku lug lahaa fal kufsi wadareed oo ka dhacay magaalada Beledweyne, sida lagu sheegay bayaan ay soo saa reen.

Eedeysanayaasha la qabtay ayaa kala ah Cabdishakuur Xasan Ibraahim iyo Maxamed Cawaale Cumar, kuwaas oo ahaa labadii qof ee ugu dambeeyay ee ka harsanaa kiiskan, kadib markii horey loo soo xiray saddex eedeysane oo kale.

Kiiskan ayaa noqday mid si weyn u gilgilay bulshada, kadib markii muuqaal laga duubay gabar yar lagu baahiyay baraha bulshada, taas oo dhalisay caro iyo cambaarayn ballaaran.

Booliska ayaa sheegay in eedeysana yaasha la soo qabtay la horgayn doono maxkamadda awoodda u leh, si sharci ga loo waafajiyo loona helo cadaalad buuxda.

Sidoo kale, Saldhigga Booliska Degma da Beledweyne ayaa ugu baaqay dh ammaan shacabka, gaar ahaan dadka la kulma tacaddi iyo dhibaatooyin, inay cabashadooda si toos ah ugu gudbiyaan booliska, si tallaabo sharci ah looga qaa do loona xaqiijiyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.

Magaalada Baydhabo oo lagu kala baxay

Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed, Maxamed Ibraahim Bilaal ayaa ku dhawaaqay in la soo afjaray hawlgalkii ay ciidamadu ka wadeen Magaalada Baydhabo ee illaa iyo dorraad kula dagaa lamayeen kooxo uu ku sheegay inay ahaayeen burcad isbaaraley ah.

"Waxaad ogtihiin saacadihii la soo dhaafay in Magaalada Baydhabo ay kooxo burcad oo mooryaan ah oo isbaa raley ah ay ka abuureen fadqalalo. Wa xaad ogtihiin markii ugu horreysay inay weerareen Suuqa Xoolaha, halkaas oo dad ganacsato ah oo suuqaasi ku kala iibsanayay xoolaha ariga geela iyo lo’da inay weerar ku qaadeen, dad badan oo shacab ahna ay ku dhibaateeyeen, ka dibna ciidamada ammaanka ayaa ku baxay falkaasi, waxayna ka dib u carareen dhankaas iyo xaafad la yiraah do Onodka, halkaas ayay haddana fadq alalo ka abuureen. Meeshaas ayaa hadd ana looga daba tegay, ka dibna waxay u soo dhuunteen dhanka bartamaha mag aalada.” Ayuu yiri Wasiirka oo galabta shir jaraa’id ku qabtay Baydhabo.

Wasiirka ayaa tilmaamay in ciidamadu ay si buuxda magaalada uga saareen kooxahaasi, isaga oo intaasi ku daray in kooxahan aysan ahayn kooxo mucaarad ah oo dhanka siyaasadda u janjeera.

"Waxaan u xaqiijinaynaa shacabka Soomaaliyeed meel walboo ay joogaan in kooxahaasi fadqalalaha ka abuuray magaalada saacadihii la soo dhaafay ay ahaayeen kooxo isbaaraley oo burcad oo mooryaan ah, haba yaraatee aysan ahayn kooxo mucaarad ah ama wax siyaasad ah ku lug leh, inaysan ahayn.” Ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed.

Wasiirka oo u jawaabayay Siyaasiyiinta Mucaaradka ee ka soo jeeda deegaana da Koonfur Galbeed ee dhalleeceeyay maamulka ayaa yiri "Dadka siyaasiyiinta ah ee ka raadinaya nafiska siyaasadeed kooxahaasi burcadda ah, waxaan leenahay meeshaasi idinkama jirto. Nimankani waxay ahaayeen niman moor yaan ah oo shacabka dhibaateynayay oo shacabka dhacayay oo shacabka weerarayay oo guryaha dadka ugu daa danayay ayay ahaayeen.”

Wasiir Bilaal ayaa cod dheer ku shee gay in Koonfur Galbeed ay ka masuul ta hay badqabka shacabka, amnigooda iyo ilaalinta hantidooda, isla-markaana aan cidna laga ogolaan doonin in bulshada la kala qaybiyo.

"Waxaan ku celinaynaa oo xaqiijinaynaa badqabka shacabka Koonfur Galbeed Somaliya, nabadgelyadooda iyo ilaalinta hantidooda inay tahay waajib saaran Dowladda Koonfur Galbeed, waana ballan uu qaaday Madaxweynaha Koon fur Galbeed, cidna aan laga ogolaaney nin amniga, wada noolaanshaha iyo wadajirka shacabka Koonfur Galbeed Somaliya inay ku ciyaarto. Gacan walba oo isku daydo inay ku ciyaarto amniga iyo wadajirka dadkan, waxay ogaaney saa in la goyn doono oo la jari doono. Marna loo dulqaadan mayo in dadkan oo dhibaatadii ogeyd ka soo baxay oo shalay nolol, barwaaqo iyo mustaqbal ifayo uu u muuqdo in kooxo mooryaan oo burcad ah inta ay isa soo uruurs adaan ay isku dayaan dadkeenna inay horumarkooda hor istaagaan.” Ayuu yiri Bilaal.

Xaaladda Baydhabo ayaa haatan u muuqato mid degan, ka dib markii cii damadu ay magaalada dibadda uga saa reen ciidamadii taabacsanaa Sarkaal Militariga Somaliya ka tirsan ee lagu magacaabo Cabdiraxmaan Maxamed Nishow.

Senator Aadan Cabdirisaaq "Wixii ka dhacay Baydhabo waxaa loo haystaa Dowladda Federaalka”

Senator Aadan Cabdirisaaq Maxamed oo ka tirsan Senatorada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya ayaa Dowladda Federaalka ku eedeeyay inay ka masuul tahay dagaalka dorraad iyo shalayba ka dhacay Magaalada Bay -dhabo.

Senator Aadan Cabdirisaaq oo ka mid ah Xildhibaanada deegaanada Koonfur Galbeed ku metela Baarlamaanka Fede raalka ayaa sheegay in dagaalka ay ku lug lahaayeen saraakiil uu sheegay in qaarkood uu isagu heyb ahaan ku metelo Baarlamaanka Somaliya, kuwaas oo uu muujiyay inay Dowladda Feder aalka gadaal ka taagneyd.

Senator Aadan Cabdirisaaq ayaa carab ka ku adkeeyay in Dowladda Federaalka aysan ka baxsan karin caddeymaha xoogan ee loo hayo in ay ka dambeysay isku dhacyada hubeysan ee ka dhacay Baydhabo, isagoo tusaaleynaya in cii damadii qaar ee la dagaalamayay Ciida mada Koonfur Galbeed ay ka dhex dagaalamayeen hoyga uu magaalada ku leeyahay Wasiirka Wasaaradda Xanaa nada Xoolaha, Dhirta & Daaqa ee Xu kuumadda Federaalka, Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay).

Ciidamada Koonfur Galbeed ayaa shalay la wareegay hoyga Wasiir Xasan Eelaay, oo ka mid ah goobihii uu dagaalka ugu culus ka dhacay Khamiis tan.

"Waxaan rabaa si cad inaan idiinkugu sheego Dowladda Federaalka Somaliya meel ay uga maqan tahay ma jirto, sab abtoo ah Wasiir ka mid ah xukuumadda gurigiisa ayay joogeen. 40 ku dhawaad ah ayaa guriga ku jiray oo ku dagaalama yay. See noo dhihi kartaa Dowladda Somaliya waxba kama ogi.” Ayuu yiri Senator Aadan Cabdirisaaq oo Warbaah inta la hadlay.

Waxa kaloo uu yiri "Dowladda Somali ya iyadaa raali ka ahayd, iyadaana loo haystaa dhibaatada iyo waxa ka dhacay Magaalada Baydhabo.”

Senator Aadan Cabdirisaaq ayaa intaasi ku daray "Waxaan leenahay dadka reer Baydhabo iyo Koonfur Galbeedba si fiican ayaad suubiseen. Waxaad barbar istaagteen Dowladdiinna Koonfur Gal beed, sidaasna u garab taagnaada, annaga oo madaxdiinna iyo masuuliyiin tiinna ahna waan idin garab taagana hay.”

Senator-ka ayaa Madaxweynaha Dowl ad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdi casiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ugu baaqay in maxkamad la soo taago dadkii buu yiri dhibaatadaasi suubiyay iyo in Xafiiska Ilaaliyaha Guud ee Koon fur Galbeed uu magacaabo dadka sida uu yiri daaha gadaashiisa ku jira.

Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed, Maxamed Ibraahim Bilaal ayaa xaqiijiyay in ciidamadu ay gacanta ku hayaan qaar ka mid ah xubnihii ay ciidamada kula dagaalameen gudaha magaalada. Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in laamaha amnigu ay soo bandhigi doonaan raggaasi iyo hubkoodaba.

Xaaladda Baydhabo ayaa ku soo laabatay mid caadi ah, ka dib dagaal laba maalmood qalqal amni ka abuuray magaalada.

XIGASHO:-DHACDO.COM

 


Guriga loo dhisay FARMAAJO oo shalay xarigga laga jaray – Imisa ku baxday?


Waxaa shalay si rasmi ah xarigga looga jaray guri la shee gay in ay shacabka Soomaaliyeed ku maamuuseen Madaxwey nihii 9-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxa -med Cabdullaahi Farmaajo.

Sida uu sheegay xafiiska Madaxweynihii hore ee Farmaajo, gu rigan ayaa lagu hirgeliyay olole qaran oo ay maalgelinayeen muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool gudaha iyo dibadda dalka.

Gurigan ayaa laga dhisay deegaanka taariikhiga ah ee Ceeljaalle, oo ka tirsan degmada Marka.

"Olalaha "Mahadsanid Madaxweyne” waxa uu astaan u yahay baraarugga shacabka Soomaaliyeed iyo doorkooda ilaalinta daahfurnaanta, maamul-wanaagga iyo ammaanada qaran, iyadoo muujinaysa dhaxalkii dowladnimada ee uu dhidibbada u taagay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Madaxweynihii hore ee Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhankiisa mahadnaq ballaaran u jeediyay dhammaan muwaadiniintii ka qayb qaadatay ololaha lagu dhisay gurigan.

"Dhammaan shacabka Soomaaliyeed shibil iyo ciidanba ee ka qeyb qaatay olalahan waan uga mahad-celinayaa, anigoo ad kaynaya farriinta aad muujiseen ee ah in dowladnimadu ay tah ay hanti ay wada leeyihiin muwaadiniinteennu, ayna wax kasta oo qaali ah u hurayaan markii ay arkaan hoggaan u adeegaya danahooda, kana shaqaynaya dib u soo celinta qarannimada Soomaaliyeed,” ayuu yiri Farmaajo.

Dhagax-dhigga mashruucan ayaa la sameeyay 21-kii Luulyo 2023, iyadoo dhismaha guriga loogu magac daray Mahadsanid Madaxweyne uu ku kacay $295,000, sida uu sheegay xafiiska Madaxweynihii hore.

"Wadarta guud ee kharashka ay soo ururiyeen shacabka Soomaaliyeedna ayaa gaaraya $300,000, halka kharashka dhismaha gurigu noqday $295,000.”


Abiy Axmed oo waddamada jaarka ka codsaday in ay ka caawiyaan helidda marin uu ka gaadho Badda Cas


Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa mar kale ku ce liyay baaqiisa ku aaddan xoojinta is-dhexgalka Geeska Afri ka iyo in si nabad, wada-xaajood iyo is-afgarad ku dhisan loo helo marin Itoobiya u fura Badda Cas, isaga oo ku tilmaamay arrin lama huraan u ah badbaadada iyo horumarka fog ee dalkiisa.

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa yimid xilli uu Baarla maanka Itoobiya u gudbina yay warbixin ka hadlaysa waxqabadka xukuumaddiisa, isaga oo ka qayb galay kulan su’aalo iyo jawaabo ah oo ay la yeesheen xubnaha Golaha Shacabka.

Isaga oo ka hadlaya diblo maasiyadda gobolka ayuu sheegay in dalalka Geeska Afrika ay wadaagaan dhaqan, luqad iyo taariikh isku xidhan, balse ay weli kala qaybiyeen faragelino dibadeed iyo dano is-diiddan. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in dalalka deriska ahi ay noqdaan kuwo iskaashi wadaaga, halkii ay noqon lahaayeen kuwo tartan iyo colaadi ka dhaxayso.

"Gobolkeenna waa mid aan kala go'ayn,” ayuu yidhi Ra’iisul Wasaaruhu, isaga oo ku booriyay dalalka Itoobiya, Soomaaliya, Jabuuti, Suudaan iyo Kenya in ay mudnaanta siiyaan wada-shaqayn ka madax bannaan ajandayaal shisheeye.

Abiy Axmed ayaa sidoo kale ka hadlay dadaalka Itoobiya ugu jirto helidda marin badeed, isaga oo arrintan ku tilmaamay mid amni qaran iyo dhaqaale ahaanba muhiim u ah. Itoobiya ayaa noqotay dal aan bad lahayn sanadkii 1993, kaddib gooni-isu-taagga Eriteriya. Wuxuu xusay in muddo dheer ay jireen dareenno ku saabsan dekedda Casab, balse dalabka rasmiga ah ee ku aaddan marin badeed uu si muuqata u soo shaac baxay sannadkii hore.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in Itoobiya, oo ay ku nool yihiin ku dhawaad 130 milyan oo qof, oo raadinaya xal nabadeed oo ku dhisan wada-xaajood iyo wax-is-weydaarsi hal ay adeegsan lahaayeen xoog, sida in dalalka deriska ah la siiyo saamiyo ka mid ah hantida qarankiisa ee waaweyn, oo ay ka mid yihiin Biyo-xidheenka Weyn GERD ama Shirkadda Diyaaradaha Itoobiya, ama heshiisyo kirayn ama is-weydaarsi dhul.

"Ma doonayno in aanu xoog ku qaadano,” ayuu yidhi. "Arrintan waxa lagu xallin karaa mabda’a ganacsiga, nabadda iyo wada-hadalka.”


NISA oo burburisay xarumihii khawaarijta ee gobolka jubbaada dhexe


Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada Caalamka ayaa howlgal bartilmaameed ahaa oo ay ka sameeyeen deegaanka Arabow oo hoostaga Magaalada Bu’aale ee Gobolka Jubbada Dhexe, waxa ay ku burburiyeen xarumihii ugu waaweynaa ee Khawaarijtu kasoo abaabuli jireen falalka argagixiso.

Xarumaha howlgalkan lagu burburiyay waxaa ka mid ahaa; xaruntii siyaasadda iyo maamulka, xaruntii diyaarinta Qaraxyada, xafiisyadii marin-habaabinta (Al-kataa’ib), xeradii tababarada maleeshiyaadka iyo dhisme ay deganaayeen Horjoogeyaal qaabilsanaa tababarada, iyada oo inta howlgalku socday sidoo kale halkaas lagu dilay siddeed (8) dhagar-qabe oo ka tirsanaa Khawaarijta.

Ugu dambayn, howlgalkaan ayaa ku soo dhammaaday si guul ah. Fadlan muwaadin, wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Khawaarijta Al-Shabaab/Daacish la wadaag NISA: 199 / 0770747474 / 0620545454.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip