
HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 29 JAN-2026
Madaxweyne xasan sheekh oo soo xiray shirka wasiirada maaliyadda geeska afrika
Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka soomaaliya, mudane xasan sheekh maxamuud ayaa caawa soo xiray kulanka 27-aad ee wasiirrada maaliyadda madasha iskaashiga dalalka geeska afrika, kaasi oo markii ugu horreysay lagu qabtay magaalada muqdisho ee caasimadda soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey wasiirrada maaliyadda iyo madaxda ka kala socotay dalalka xubnaha ka ah madashan doorka ay ka qaadanayaan xoojinta iskaashiga dhaqaale, is-dhaafsiga waayo-aragnimada iyo horumarinta xasilloonida dhaqaale ee gobolka geeska afrika.
Madaxweyne xasan sheekh ayaa sidoo kale xusay in martigelinta shirkan heerkiisu sarreeyo ay muujinayso, soo kabashada soomaaliya iyo kalsoonida sii kordheysa ee caalamku ku qabo dalkeenna, iyada oo soomaaliya ay haatan hayso hoggaaminta madashan, taas oo madaxweynaha ku tilmaamay fursad muhiim ah oo lagu xoojinayo wada-shaqeynta gobolka, laguna hormarinayo danaha wadajirka ah ee dalalka xubnaha ka ah.
Soomaaliya iyo turkiga oo dabaaldagay 60 guuradii kasoo wareegtay aasaaski xiriirka diblomaasiyadeed
Safiirka soomaaliya u fadhiya ankara danjire fatxudiin cali (ospite) ayaa ka qeyb galay xaflad ay soo abaabushay safaarada jfs ee wadanka turkiga, taas oo lagu xusay 60-guuradii ka soo wareegtay markii jamhuuriyadda federaalka soomaaliya iyo jamhuuriyadda turkiga ay ku kala saxiixdeen heshiiska xiriirka diblomaasiyadeed.
Xafladdan ayaa ahayd mid muujinaysa xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga joogtada ah ee ka dhaxeeya labada dal, waxaana ka soo qeyb galay xildhibaano, saraakiil sare oo ka socday wasaaradda arrimaha dibadda ee turkiga, iyo sidoo kale masuuliyiin iyo diblomaasiyiin ka tirsan safaaradda jfs ee ankara.
Munaasabadda ayaa lagu adkeeyey muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka walaalnimo, iskaashi siyaasadeed, dhaqaale iyo mid bulsho ee ka dhexeeya soomaaliya iyo turkiga.
Ra’iisul wasaaraha xfs oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka midowga yurub
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda jamhuuriyadda federaalka soomaaliya, mudane xamsa cabdi barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socda midoowga yurub, oo uu hoggaaminayay general seán clancy guddoomiyaha golaha ciidanka xoogga ee midoowga yurub (ceumc), ayna ka mid ahaayeen safiirka midoowga yurub u qaabilsan soomaaliya marwo francesca di mauro, iyo madaxa qaybta bariga afrika ee adeegga arrimaha dibadda midowga yurub (eeas) jonas jonsson .
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqaynta midowga yurub iyo dowladda soomaaliya, gaar ahaan taageerada midowga yurub ee ku aaddan amniga iyo la-dagaallanka kooxaha khawaarijta ah iyo xasilloonida soomaaliya.
Ra’iisul wasaaraha, ayaa wafdiga la-wadaagay dadaallada dowladda ee dib-u-xoraynta deegaannada ay ku suganyihiin kooxaha khawaarijta ah iyo xaqiijinta amniga guud ee dalka oo maraya meel aad u sareysa taasi oo ku timid wada-shaqaynta hey’adaha amniga iyo shacabka soomaaliyeed.
Dhanka kale ra’iisul wasaare xamsa cabdi barre, ayaa xusay in xukuumadda danqaran ay ka go’antahay dardargalinta howlaha dimuqraaddiyadda iyo in dadweynaha soomaaliyeed loo celiyo awoodda si ay u doortaan madaxdooda.
Wafdiga ayaa dhankooda sheegay in ay ka go’antahay taageerada hey’addaha amniga, tababbarka ciidamada qalabka sida ee soomaaliyeed iyo geeddi-socodka dowlad-dhiska, gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyaga oo xusay in ay soo dhowaynayaan gogosha ay fidisay xukuumadda danqaran, taas oo ay sheegeen in dhinacna uusan haysan wax cudurdaar ah oo uu gogosha kaga maqnaado.
Mudane xamsa, ayaa uga mahadceliyay midowga yurub, sidii ay u garab istaageen midnimada jamhuuriyadda federaalka soomaaliya, ilaalinta, madax-bannaanida dhuleed ee dalka iyo taageerada arrimaha gargaarka bani’aadantinimo.
Xildhibaananada labada aqal ee bjfs oo shalayloo qeybiyey shintiriska wax ka bedelka dastuurka cutubyadiisa 5-aad ilaa 9-aad
Xildhibaannada labada aqal ee baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka soomaaliya ayaa shalaykulan wadajir ah ku yeeshay xarunta golaha shacabka, kaas oo uu shir-guddoominayey guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka jfs, mudane sheekh aadan maxamed nuur (madoobe). Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha aqalka sare, mudane cali shacbaan ibraahim, iyo xubnaha kale ee guddoonnada labada aqal.
Kooramka kulanka oo ku furmay 180 xildhibaan oo ka tirsan golaha shacabka iyo 31 senator oo ka tirsan golaha aqalka sare, ayaa mudanayaasha labada aqal loo qeybiyey warbixinta soo jeedimaha wax-ka-beddelka dastuurka, gaar ahaan cutubyada 5-aad ilaa 9-aad. Sidoo kale, xildhibaannada waxaa la siiyey warbixin faahfaahsan oo ku saabsan soo jeedimahaas, iyo soo jeedin kooban oo ku saabsan wax-ka-beddelka qodobbada 49-aad, 50-aad iyo 54-aad ee cutubka 4-aad.
Guddoomiyaha golaha shacabka, mudane sheekh aadan maxamed nuur (madoobe), ayaa ku wargeliyey xildhibaannada labada aqal in ay si taxaddar leh u akhriyaan soo jeedimaha iyo warbixinta la socota, si looga doodo kulamada soo socda.
Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha guddaha oo kulan la qaatay qaar ka mid ah madaxda xafiiska qm u qaabilsan soomaaliya
Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xfs, mudane cabdulqaadir cilmi cali, ayaa kulan la qaatay ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan soomaaliya, mudane george conway, oo ay wehlinayeen masuuliyiin kale
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray adkeynta xiriirka iyo wada-shaqeynta u dhexeeysa hay’adaha qaramada midoobey iyo wasaaradda, iyo sidoo kale taageeridda qorshayaasha mudnaanta u leh wasaaradda, kuwaas oo muhiim u ah hiigsiga dowlad-dhiska, nabadda, iyo horumarka soomaaliya.
Wasiir ayuub ismaaciil: " israa’iil waxay u rogaysaa marinnadii ganacsi, goobo ay colaaddo ka jiraan, waana diidnay taas.”
Wasiirka howlaha guud ee soomaaliya, ayuub ismaaciil; " israa’iil waxay u rogaysaa marinnadii ganacsi, goobo ay colaaddo ka jiraan, waana diidnay taas.”
Wasiirka hawlaha guud, dib-u-dhiska iyo guriyeynta xukuumadda federaalka soomaaliya, xildhibaan ayuub ismaaciil yuusuf ayaa barnaamij uu baahiyay telefishinka al jazeera, wuxuu ku soo bandhigay qorshaha ay israa’iil ka leedahay aqoonsiga ay siisay somaliland oo uu ku tilmaamay mid qeyb ka ah qorshaha guud ee israa’iil ay ku doonayso qalalaase laga abuuro mirannada ganacsiga ee muhiimka u ah ganacsiga iyo isku xirka.
"aqoonsiga israa’iil ay siisay dhul ka tirsan soomaaliya oo ay u aqoonsatay dowlad madax-bannaan, waa ku xadgudub halis ah oo ka dhan ah madaxbannaanida jamhuuriyadda federaalka soomaaliya, waana jebin cad oo ka baxsan shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah,dhanka juqraafi-siyaasadeedka, israa’iil waxay doonaysaa inay gacanta ku dhigto albaabka koonfureed ee badda cas, gaar ahaan marinka bab al-mandab, si ay u maamusho marin caalami ah oo istiraatiiji ah, taas oo si buuxda uga hor imaaneysa danaha soomaaliya iyo gobolka, waana arrin aan si adag u diidnay.”
Wasiir ayuub, ayaa sidoo kale sheegay ; " aqoonsigan wuxuu yimid xilli ay badda cas iyo qaaradda afrika guud ahaanba ka jiraan xiisado iyo kacsanaan sii kordhaya.marka lagu daro waxyaabihii hore u dhacay, israa’iil hadda si cad ayay u muujisay inay tallaabo hore u qaaday. Tallaabadan waxay gudbinaysaa farriin ah in israa’iil ay diyaar u tahay inay taageerto dhaqdhaqaaqyada gooni-goosadka ah ee u adeegaya danahaheeda, isla markaana ay suuragal tahay inay gobolka ku lug yeelato dhinac siyaasadeed ama mid militari.waxaan ku jirnaa xaalad la iskudayayo in dib loo qaabeeyo marinnada ganacsiga ee badda cas, si ay ugu adeegaan danaha israa’iil, taas beddelkeedana ay halis u noqdaan amniga dadka ku nool gobolka iyo dhaqaalahooda.”
Ugu dambeyntii ,wasiirka hawlaha guud ee soomaaliya, xildhibaan ayuub ismaaciil yuusuf wuxuu sheegay in xilligan lagu jiro marxalad la wajahayo qalalaase caalami ah oo si qorsheysay loo abaabulay, kaasoo ujeeddadiisu tahay in badda cas laga beddelo halbowlaha nolosha ee ganacsiga iyo isku xirka dunidda, lagana dhigo goob colaad iyo khilaaf uu ka taagan tahay.
Wasiirka ganacsiga xfs oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka qatar
Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha ee dowladda federaalka soomaaliya mudane jamaal maxamed xasan oo booqasho ku jooga dalka qatar ayaa kulan rasmi ah la yeeshay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha ee dowladda qatar mudane sheikh faisal bin thani bin faisal al thani.
Intii uu kulanku socday, labada wasiir waxay dib u eegis ku sameeyeen heerka xiriirka ganacsi, maalgashi iyo warshadeed ee u dhexeeya labada dal, iyagoo isla gartay baahida loo qabo in la sii xoojiyo iskaashigaas loona horumariyo fursadaha wadajirka ah.
Kulankan ayaa qayb ka ahaa dadaallo ballaaran oo lagu hormarinayo iskaashiga dhaqaale iyo maalgashi ee u dhexeeya soomaaliya iyo qatar.
Mooshin ka dhan aadan mado obe oo la diyaariyay.
Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka soomaaliya ayaa bilaabay mooshin ka dhan ah guddoomiyaha golaha shacabka, aadan maxamed nuur (aadan madoobe), kadib muran xooggan oo ka dhashay wax ka beddelka dastuurka iyo fadhigii shalayee baarlamaanka oo buuq ku soo xirmay
Xildhibaanada wada mooshinkan ayaa gaaraya illaa 103 mudane, sida ay risaala u xaqiijiyeen qaar ka mid ah xildhibaanada saxiixay mooshinka.
Mudanayaashan ayaa si rasmi ah u saxiixay mooshin ay ku dalbanayaan in xilka laga qaado guddoomiyaha golaha shacabka, iyagoo sheegay inay kala laabteen kalsoonidii ay u hayeen.
Mooshinkan ayaa yimid kadib markii uu fashilmay kulankii shalayee baarlam aanka, kaas oo loogu talagalay in lagu qeybiyo lana meel mariyo wax ka bedde lka shan cutub oo ka mid ah dastuurka.
Kulankaasi ayaa ku soo dhammaaday buuq, sawaxan iyo is-qabqabsi, taasoo keentay in guddoonka uu si degdeg ah uga baxo xarunta baarlamaanka, fadhigiina uu xirmo.
Intii uu socday buuqa, xildhibaano ka tirs an labada dhinac ayaa gacmaha isula tageen, halka qaar ka mid ah mudanay aasha mucaaradka ay jeex-jeexeen warqadihii ajandaha kulanka, iyagoo muujinayay diidmo cad oo ka dhan ah qorshaha madaxtooyada iyo guddoo nka baarlamaanka.
Xildhibaanada mooshinka wada ayaa ku eedeeyay guddoomiye aadan madoobe inuu u janjeero dhanka madaxtooyada, isla markaana uusan si dhexdhexaad ah u maamulin shaqada baarlamaanka, gaar ahaan arrimaha la xiriira dastuurka iyo muddo-kordhinta.
Tallaabadan ayaa sii xoojisay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan dalka, iyadoo la filayo in mooshinkan uu noqdo mid si weyn u saameeya hannaanka sharci-dejinta iyo xiriirka u dhexeeya golaha shacabka, madaxtooyada, iyo mucaaradka.
Ma suuragal baa in xasan uu sannado kadib hor fariisto deni iyo a/madoobe?
Mucaaradka dowladda federaalka soomaaliya, oo ku mideysan golaha mustaqbalka soomaaliyeed, ayaa horraantii bishii hore ku baaqay in la qabto shir wadatashi qaran, kaddib kulan ay ku yeesheen magaalada kismaayo.
Mucaaradka ayaa xilligaas sheegay in loo baahan yahay madal lagu xalliyo khilaafaadka siyaasadeed ee taagan, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, dastuurka iyo midnimada dalka.
Dowladda soomaaliya oo ka jawaabaysa baaqa mucaaradka ayaa 30 berri ka dib aqbashay codsiga mucaara dka, iyada oo ku dhawaaqday qabsoo midda shir wadatashi qaran oo loo dhan yahay, kaas oo lagu wado in lagu qabto magaalada muqdisho 1-febraayo 2026.
Dowladda ayaa sheegtay in shirka diiradda lagu saari doono xoojinta midnimada qaranka, hirgelinta nidaam dimuqraadi ah oo ku saleysan isu-tanaasul, iyo ka heshiisiinta arrimaha masiiriga ah ee dalka.
Go’aanka dowladda soomaaliya waxaa taageeray boqortooyada ingiriiska, iyada oo sheegtay in ay dhiirigalinayso dhammaan dhinacyada in ay ka qeyb galaan shirka, si loo gaaro is-afgarad ku saabsan doorashooyinka, waxa ay mucaaradka ugu baaqday ka qeyb galka shirkaan.
Si lamid ah waxaa dhankooda soo dhaweeyay go’aanka dowladda bulsh ada rayidka soomaaliyeed, waxa ay sheegeen in gogosha wada hadal ay soo dhaweenayaan, bayaan ay soo saareen ayay ku sheegeen in khilaafaad ka siyaasadeed ee soo noqnoqda ay mugdi geliyeen mustaqba lka dhalinyara da soomaaliyeed, isla markaana ay horseedi karaan faragelin shisheeye.
Shan maalin ka dib golaha mustaqbalka soomaaliye ayaa soo dhaweeyay go’aanka ka soo baxay dowladda soomaaliya, waxa ay carabka ku dhufteen in ay qeyb ka yihiin shirkaan, markii la’isku afgarto ajandaha shirkaan, oo ay dalabadeen in looga hadla; amniga, doorashooyinka, dastuurka, midnimada, iyo abaaraha.
Golaha mustaqbal ayaa ka kooban; madaxweynihii hore ee soomaaliya, shariif sheekh axmed, ra’iisul wasaara yaashii hore; saacid, kheyre iyo rooble, madaxweynayaasha maamul gobaleed yada puntlanad iyo jubbaland, oo ay wehliyaan xildhibaanno mucaarad ah.
Shirkaan ayaa la filayaa in uu noqdo madal qaran oo lagu wajahaayo doorashooyinka, dastuurka, amniga, midnimada iyo xaaladaha abaaraha, iyadoo indhaha lagu hayo in wadahadalku horseedo is af garad siyaasadeed oo looga gudbo marxaladda xasaasiga ah ee dalka.
Lama hubo in dowladda soomaaliya shirkaan ku casuumi doonta madaxweynihii 9-aad ee soomaaliya oo hadda ah siyaasi kaligiis socod, iyo madaxweynayaasha maamullada kale oo hadda ah saaxiibada dowladda dhexe.
Ma suuragal baa in xasan uu sannado kadib hor fariisto deni iyo madoobe?
Haddii ay isku afgarataan guddiyada farsamo ee dowladda iyo mucaaradka ugu wakiilka ah qaban qaabada shirkaan, waxaa markale si wada jir ah is-horfadhiisan doona madaxweyaha soomaaliya xasan sheekh maxamuud, madaxweynayaasha maamullada puntland saciid cabdullaahi iyo jubbaland axmed maxamed islaam.
Xiriirka kala dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamulka puntland oo xumaaday ayaa sababay in madaxweynaha dowlad gobaleedka puntland saciid cabdullaahi deni uusan ka qeyb galin kulamada golaha wadatashiga qaran tan iyo 2023.
Dowladda soomaaliya ayaa ka hortimid doorashadii sanadkii hore ka dhacday magaalada kismaayo taas oo markale dib loogu doortay madaxweynaha dowlad gobaleedka jubbaland axmed madoobe, oo isaga baxay shirkii golaha wadatashiga qaranka oo muqdisho ka qabsoomay october 2024.
Puntland iyo jubbaland oo ka soo horjeeda siyaasadda dowladda dhexe ayaa hadda la filayaa in ay markaan qeyb ka noqdaan shir looga arinsanayo xaaladda dalka, iyaga oo la safan mucaaradka dowladda.
Guddiga farsamada laba dhinac oo muqdisho shir uga furmay ayaa ka arinsanaya habka la rajeeyo in uu u qab-soomo shirkaan.
Ilhaan cumar oo ka badbaaday weerar lagu qaaday
Xildhibaan ilhaan cumar oo ka tirsan congress-ka
Mareykanka ayaa sheegtay in ay ka badbaaday weerar uu ku soo qaaday nin ku sugnaa goob ay ka khudbadeynaysay, kaasoo ku buufiyay walax dareere ah oo aan la garaneyn.
Ninkan ayaa xalay ilhaan cumar ku weeraray magaalada minneapolis ee gobolka minnesota, xilli ay khudbad ka jeedineysay hoolka shirarka ee magaaladaasi oo kulan dadweyne ay ku qabaneysay.
Booliska minneapolis ayaa sheegay in mid ka mid ah dadkii ku sugnaa hoolka uu weeraray xildhibaanadda, isagoo adeegsanaya sirinji ama saliinge uu ku jiro walxo dareere ah oo aan la aqoon maadada uu ka sameysan yahay.
Ilhaan cumar ayaan wax dhaawac ahi soo gaarin, iyadoo awoodday inay hadalkeeda sii wadato, ka dib hakad kooban oo dhacay. Booliska ayaa xaqiijiyay in la xiray ninkaasi, isla-markaana loo kaxeeyay xarunta dembi baarista.
Jacquelynn goessling oo ka mid ah dadkii goobta ku sugnaa ayaa sheegtay in ninkaasi ay u maleynayeen kaaliyeyaasheeda oo u kacaya in uu warqad ama wax kale u dhiibaya ilhaan cumar.
Jacquelynn goessling ayaa dhanka kale sheegtay in ur aan fiicneyn uu ninkaasi ku buufiyay ilhaan cumar oo laga soo doorto gobolka minnesota.
Koox saynisyahano ah oo la shaqeeya laamaha amniga ayaa gaaray goobta, si loo baaro maadada dareeraha ee ninkaasi uu u adeegsaday weerarka.
Ilhaan cumar ayaa barteeda twitter-ka ku sheegtay in ay badqabto, isla-markaana aysan falalka noocan ah ka hor istaagi karin inay shacabkeeda u adeegto.
Toddobaadyo ka hor ayay ahayd, markii ilhaan cumar ay ka digtay in weerarada afka ah ee kaga imanaya madaxweyne donald trump iyo hadaladiisa ka dhanka ah bani’aadantinimada ay ka dhalan karaan qalalaase siyaasadeed oo horseedi kara sida ay sheegtay cawaaqib xumo.
Trump oo aan qarsan naceybka uu u qabo soomaalida mareykanka ayaa in muddo ahba fagaareyaaasha ka weerarayay ilhaan cumar, oo ah xubinta ugu caansan ee soomaalida dalkaasi.
Ilhaan cumar ayaa xubin ka ah xisbiga dimoqraadiga mareykanka, iyadoo trump uu mar walbaba ku celceliyo in uunu jecleyn gabadhaasi.
Dowladda soomaaliya oo martigelisay meertada 27-aad ee wasiirrada maaliyadda dal alka geeska afrika
Shirka 27-aad ee wasiirrada maaliyadda ee iskaashiga geeska afrika (horn of africa initiative) ayaa shalaysi rasmi ah uga furmay magaalada muqdisho, taas oo ah guul diblomaasiyadeed oo u soo hoyatay jamhuuriyadda federaalka soomaaliya.
Wasiirka maaliyadda xukuumadda feder aalka, mudane biixi iimaan cige, oo ah guddoomiyaha madasha, ayaa shir-guddoomiyey kulankan heerkiisu sarreeyo ee muqdisho ka furmay, isagoo si diirran u soo dhoweeyey wafuudda ka kala timid dalalka gobolka iyo saaxiibada caalamka.
Wasiir biixi iimaan cige oo furay shirka ayaa soo bandhigay aragti fog oo ku aaddan isbeddelka gobolka, isagoo ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay in xuduudaha nugul loo beddelo aagag dhaqaale oo firfircoon.
Wasiirka maaliyadda soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in isku xirka kaabayaasha dhaqaalaha iyo ganacsiga xuduudaha ay yihiin waddada ugu habboon ee lagu xaqiijin karo nabadda iyo barwaaqada shucuubta iyo dowladaha geeska afrika.
Shirka waxaa ka soo qeyb galay wasiirka maaliyadda jabuuti, wasiirka maaliyadda itoobiya, wasiirka qorsheynta koonfurta suudaan iyo masuuliyiin kale oo ka socda dowladaha gobolka iyo urur goboleedka igad.
Sidoo kale, waxaa goobjoog ahaa wakiillo sare oo ka socda saaxiibada horumarinta caalamiga ah, sida midowga yurub (eu), bangiga adduunka, bangiga horumarinta afrika (afdb) iyo uk.
Shirka ayaa bilowgiisa shalaydiiradda lagu saaray tamarta iyo kaabayaasha iyo sidii xal waara loogu heli lahaa yaraanta korontada ee gobolka.
Madasha ayaa sidoo kale waxaa lagu falanqeeyey xogta ay soo bandhigeen bangiga adduunka iyo midowga yurub, taas oo muujisay in ku dhowaad kala bar dadweynaha geeska afrika aysan haysan koronto ku filan, iyadoo si weyn looga dooday hirgelinta isku-xirka tamarta gobolka, si hoos loogu dhigo qiimaha korontada, gaar ahaan soomaaliya oo qiimaha tamartu uu aad u sarreeyo.
Wasiirrada ayaa dib u eegis ku sameeyey qorshaha dhismaha khadka korontada ee isku xiraya itoobiya iyo soomaaliya (500kv), mashruucaas oo la filayo in guddiga fulinta uu ansixiyo bisha maarso 2026.
Wasiirka maaliyadda itoobiya oo goobta ka hadlay ayaa ballanqaaday in dalkiisu uu sii ahaan doono xuddunta tamarta gobolka, isagoo xusay in ay diyaar u yihiin in ay la wadaagaan tamarta la cusboonaysiin karo dalalka deriska ah.
Jawiga shirka ayaa ahaa mid ku dhisan walaaltinimo iyo iskaashi. Wasiirka maaliyadda jabuuti ayaa bogaadin weyn ka helay madasha, kadib markii uu khudbaddiisa ku jeediyey afka sooma aliga, isagoo ammaanay soo dhoweynta qiimaha leh ee muqdisho iyo horumarka ay caasimaddu ku tallaabsatay.
Shirka ayaa la filayaa in laga soo saaro war-murtiyeed wadajir ah oo lagu xoojinayo ballanqaadyada ku aaddan isku-xirka ganacsiga xuduudaha, mideynta siyaasadaha tamarta, iyo horumarinta aagagga dhaqaalaha.
Intii uu shirku socday wasiirka maaliyadda soomaaliya ayaa sheegay in madaxweynaha jfs mudane xasan sheekh maxamuud uu ku soo biiri doono shirka, sida khudbad uu uga jeediyo, una soo xiro.
Cabdi xaashi oo laga dalbay inuu caddeeyo mowqifkiisa ku…
Senator maryan faarax kaahiye oo ka tirsan golaha aqalka sare, lagana soo doorto jubbaland ayaa shalaydhambaal u dirtay guddoomiye cabdi xaashi, iyada oo ka dalbatay inuu caddeeyo mowqifkiisa ku aadan xaaladda dalka, gaar ahaan wax ka beddalka dastuurka kmg ka ah oo ay weli ku howlan tahay kooxda villa soomaaliya.
Maryan ayaa oo qoraal dheer soo saartay ayaa sheegtay in guddoomiyaha ay uga baahan tahay jawaab waafi ah oo waafaqsan dastuurkii 2012-kii.
"waxaan waayey hal mar adigoo si cad u soo bandhigaya diidmadaada ku aaddan ku tumashada dastuurkii lagugu dhaariyey, taas ayaa shalayigu kaliftay in aan kaa codsado caddaynta mawqifkaaga ku aaddan masiibada hadda golaha aqalka sare hortaal muddo 24 saacadood ah” Ayay tiri maryan.
Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammaystiran;-
Guddoomiye cabdi xaashi aqalka sare shalayoo ay taariikhdu tahay 28 jannaayo 2026, anigoo ixtiraam kuu haya waxaan ku dareensiinayaa:
Markaad golaha nala joogto waxaad mar walba kusoo celcelisaa sida ay kaaga go’an tahay soomaalinimadu,iyo sida aad u diidan tahay wax walba oo kasoo horjeeda dastuurka iyo dowladnimada soomaaliyeed.
Innagoo og in dalkeenu shalayu baahan yahay bedbaadin,waxaa ii muuqata in aad meel iska dhigtay wixii aad aaminsaneyd ee ahaa sarreynta sharciga iyo ilaalinta midnimada soomaaliyeed.
Waxaan waayey hal mar adigoo si cad u soo bandhigaya diidmadaada ku aaddan ku tumashada dastuurkii lagugu dhaariyey, taas ayaa shalayigu kaliftay in aan kaa codsado caddaynta mawqifkaaga ku aaddan masiibada hadda golaha aqalka sare hortaal muddo 24 saacadood ah.
Guddoomiye,
marka 1aad,waxaa ku cad dastuurka 2012-kii,gaar ahaan cutubka 6-aad,qodobka 56-aad,farqooyinkiisa (a),(b):
(a) xilka labada gole wadagaan waa inay u gutaa si wadajir ah
(b) xilka uu gole walba gaar u leeyahay wuxuu u gutaa gaar ahaantisa(halkaas waxaa ka cad in ay reebban tahay isku-milan shaqo ee labada gole)!
Dhanka kale,
maaddaama aad tahay gudoomiyaha aqalka sare,sidoo kalana tahay oday soomaaliyeed,shalaysidee u oggolaatay ku xad-gudubka qodobka 25-aad ee xeerhoosaadka aqalka sare oo sheegaya:
Ajendaha waxaa loo qeybiyaa xubnaha golaha ugu yaraan 48 saac ka hor fadhiga loo dhan yahay!
Guddoomiye,waxaad shalayjoogtaa cimri ama sharaf ku raacdo,ama magacaagu taariikhda ka galo baal madow!
Guddoomiye,shalaymarkhaati been ah oo daaha gadaashiisa wax la- guugu sheego ha aqbalin ee doorkaaga gudd oomiye qaado oo dalka bedbaadadiisa qeyb libaax ka qaado!
Mudane guddoomiye,
Waxaan kaa sugayaa(ummaada soom aaliyeedna waa ila qabaan),jawaab waafi ah oo waafaqsan dastuurkii 2012, cabsi eebbe, dareenkaaga odaynimo iyo adigoo og in baarlamaanka jfs xirmayo 29 berrito.
Mahadsanid
Madaxweyne trump oo si yaab leh uga hadlay weerarkii lagu qaaday ilhaan cumar
Madaxweynaha mareykanka donald trump ayaa si lama filaan ah u soo jeediyay eedeyn aan wax caddeyn ah loo hayn, isagoo sheegay in xildhibaanad ilhaan cumar ay iyadu soo abaabushay, "oo ay jishay” Dhacdadii habeenkii talaadada ee nin uu dareere ku weeraray xilli ay ku sugnayd kulan dadweyne.
Mar uu la hadlayay telefishinkaabc news,trump ayaa yiri: "kama fekero iyada. Waxaan u arkaa inay tahay qof beenaale ah. Malaha iyadaa ka dambeysay in lagu weeraro dareeraha, maadaama aan aqaan dabeecaddeeda.”
Markii la weydiiyay inuu daawaday muuqaalka dhacdada, madaxweynaha ayaa ku jawaabay: "ma aanan arkin. Maya, maya. Waxaan rajeynayaa in aanan isku dhibin daawashadiisa.”
Hadalka trump ayaa ku soo beegmay xilli muuqaallada tooska ah ee kulanka (livestream) ay si cad u muujinayeen ninka oo taagan, kuna qeylinaya ilhaan cumar, ka hor inta uusan ku buufin dareere aan la garanayn, kadibna ay ciidamada amniga iyo dadweynihii goobta joogay dhulka dhigeen. Xilligaas, ilhaan waxay ku baaqaysay in xoghayaha amniga gudaha, kristi noem, ay is-casisho kadib dilal la xiriira hay’adaha socdaalka oo ka dhacay minneapolis.
Jawaabta adag ee ilhaan cumar
Xildhibaanad ilhan cumar, oo aan dheg jalaq u siin isku-dayga cabsi gelinta, ayaa si dhiirranaan leh u sii wadatay kulankeeda kadib hakad kooban. "doqomadan nagama hor istaagi doonaan shaqadeenna,” Ayay tiri ilhaan oo adeegsatay erayo kulul xilligii dhacdada.
Mar dambe ayay barteeda x (twitter) soo dhigtay qoraal ay ku muujinayso adkaysigeeda: "waan fiicanahay. Waxaan ahay qof soo badbaaday, sidaa darteed daandaansiga ninkan yar igama hor istaagi doono shaqadayda. Waxaan ka soo badbaaday dagaal, hubaalna waan ka badbaadayaa cagajugleynta iyo wax kasta oo dadkani u maleynayaan inay igu tuuri karaan, sababtoo ah sidaas ayaa la ii abuuray.”
Waxa ay intaas ku dartay: "uma ogolaado inuu ii guuleysto qofka cagajugleynta wada. Waxaan u mahadcelinayaa dadka deegaankayga ee garab istaagga ii muujiyay.”
Weerarka afka ah ee trump
Madaxweyne trump ayaa marar badan weeraro cunsuriyadeed iyo naceyb xambaarsan ku qaaday ilhaan cumar oo ah soomaaliga kaliya ee ku jira koongareeska. Saacado ka hor inta uusan dhicin weerarka jireed ee talaadada, trump oo khudbad ka jeedinayay iowa ayaa yiri: "waxay ka timid dal masiibo ah. Waxaan u maleynayaa inuu yahay dalka ugu xun. Xitaa waddan ma aha.”
Si kastaba ha ahaatee, booliska minneapolis ayaa xaqiijiyay in dhacdadu aysan ahayn mid la jilay. Bayaan ay siiyeen wargeyskathe hill, ayay ku sheegeen in saraakiishu arkeen 55-jir lagu magacaabo anthony kazmierczak oo saliinge u isticmaalaya inuu dareere ku buufiyo ilhaan.
"ninkaas isla markiiba waxaa xiray saraakiisha booliska minneapolis, waxaana lagu xiray xabsiga hennepin county, iyadoo lagu soo oogayo dacwad weerar heerka saddexaad ah,” Ayuu yiri afhayeenka booliska.
Ciidanka ilaalada capitol-ka maraykanka (uscp) ayaa dhankooda dhacdadan ku tilmaamay "go’aan aan la aqbali karin oo lala tiigsan doono caddaalad degdeg ah,” Iyagoo sheegay inay kala shaqeynayaan hay’adaha federaalka sidii ninkaas loogu qaadi lahaa dacwadda ugu adag.
Cambaareynta xisbiga jamhuuriga
Inkastoo trump uu shaki geliyay dhacdada, haddana xildhibaanno dhowr ah oo ka tirsan xisbiga jamhuuriga (gop) ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka.
Xildhibaan mike lawler (r-n.y.) ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri: "waxa ka dhacay kulanka ilhaan cumar… Waa wax aan gebi ahaanba la aqbali karin. Iyadoo aan loo eegin aragtiyaha siyaasadeed, waa inaan ku heshiinnaa in dhaqankan uu yahay mid xad-gudub ah oo aan loo dulqaadan karin.”
Dhacdadan ayaa imaanaysa xilli ciidanka capitol-ka ay sheegeen inay baarayaan ku dhawaad 15,000 oo kiis oo la xiriira hanjabaado iyo dhaqammo halis ah oo lala beegsaday xildhibaannada sannadkan, taas oo muujinaysa koror weyn oo dhanka amniga ah.
Wasiirka ganacsiga xfs oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka qatar
Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha ee dowladda federaalka soomaaliya mudane jamaal maxamed xasan oo booqasho ku jooga dalka qatar ayaa kulan rasmi ah la yeeshay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha ee dowla dda qatar mudane sheikh faisal bin thani bin faisal al thani.
Intii uu kulanku socday, labada wasiir waxay dib u eegis ku sameeyeen heerka xiriirka ganacsi, maalgashi iyo warshadeed ee u dhexeeya labada dal, iyagoo isla gartay baahida loo qabo in la sii xoojiyo iskaashigaas loona horumariyo fursadaha wadajirka ah.
Kulankan ayaa qayb ka ahaa dadaallo ballaaran oo lagu hormarinayo iskaashiga dhaqaale iyo maalgashi ee u dhexeeya soomaaliya iyo qatar.


0 



HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 29 JAN-2026
.