HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 27 JAN-2026

0
Tuesday January 27, 2026 - 08:21:30 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 57
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 27 JAN-2026

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Guddoonka Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddiyada Dib-u-eegista Dastuurka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaal ka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeennada koowaad iyo labaad ee labada Aqal ee Baarlamaanka, ayaa kulan la qaatay guddiyada u xilsaaran Dib-u-eegista Dastuurka.

Kulanka ayaa guddiyadu ku wareejiyeen Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaan ka soo-jeedimaha wax-ka-beddelka Cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee Dastuur ka, iyadoo sidoo kale la gudbiyay shintiriska (jadwalka) doodda soo-jeedimahaasi.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada socda ee lagu dardargelinayo dib-u-eegista Dastuurka KMG ah, si loo helo dastuur dhammeystiran oo ku saleysan wada-tashi, isla-xisaabtan iyo matalaad qaran.

Wasiir-dawlihii hore ee Wasaaradda Amniga oo bogaadiyey guulaha laga gaaray sugidda amniga caasimadda

Wasiir-dawlihii hore ee Wasaaradda Amniga, Mudane Farxaan Cali Axmed, oo la hadlay warbaahinta qaranka, ayaa bogaadiyey isbeddelka amni ee laga dareemayo caasimadda, isaga oo sheegay in amniga hadda jira uu suurto-geliyey in bulshada ay si nabad ah oo aan cabsi lahayn u wataan nolol-maalmeedkooda habeen iyo maalin.

"Saddex sano ka hor suurtagal ma ahayn in qofku keligiis habeenkii adeegto, halka shalay amniga ka jira caasimadda uu suurto-geliyey dhaqdhaqaaq habeen iyo maalin ah,” ayuu yiri wasiir-dawlihii hore.

Waxa uu intaa ku daray in horumarkan dhanka amniga ah uu ku yimid dadaal iyo hawlkarnimo ay dowladda gelisay sugidda amniga caasimadda, isaga oo si gaar ah u bogaadiyey ciidamada amniga doorka weyn ee ay ka qaateen xaqiijinta nabadgelyada.

"Dowladda waxaan ku bogaadinayaa sida ay uga dhabeysay ballanqaadkeedii ku aaddanaa sugidda amniga,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Muddadii u dambeysay waxaa isbadal weyn laga dareemayay amniga caasimadda marka loo eego bilooyinkii hore, taas oo keentay in siyaasiyiin iyo shacabka Soomaaliyeed ay dowladda ku ammaanaan dadaallada ay ku bixinayso sugidda amniga caasimadda iyo guud ahaan dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jam huuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa shalay si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo laga hirgelin doono dhisme casri ah oo beddelaya xaruntii qadiimiga ahayd ee la dhisay sanadkii 1980, ujeedkana yahay in dhismaha cusub daboolo baahiyaha iyo waajibaadka wasaaradda.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay in tallaabadani ay ka mid tahay siyaasadda Xukuumadda DanQaran ee lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha dalka, laguna xoojinayo hay’adaha dowliga ah, isaga oo tilmaamay in dhisamahan uu qeyb weyn ka qaadanayo fududeynta howlaha shaqo ee wasaaraddani ay u hayso bulshada Soomaaliyeed ayna yarayn doonto culayskii ka jiray dhanka xafiisyada iyo rugaha shaqada ee wasaaradda.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Wasaaradda Maaliyadda ay tahay halbowlaha dhaqaalaha iyo horumarka dalka, wuxuunna bogaadiyay dadaalka Wasiirka Mudane Biixi Iimaan Cige iyo bahda wasaaradda ee ku aaddan casriyeynta iyo dib-u-habaynta kaabeyaasha dakhliga dalka.

"Waxa aan ku faraxsanahay in shalay aynu dhagax-dhigayno xarun dhexe oo weyn oo badqabkeeda iyo tayadeda la hubiyey si fiicaanna loo qalabeeyay, dhisamahan marka uu dhammaado waxa aad yeellan doontaan xafiisyo ay ku howlgali doonaan dhammaan shaqaalaha iyo madaxda wasaaradda, waanna idiinku hambalyeynaya tallaabada wanaagsan ee aad u qaadeen dhanka tayeynta adeegga”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa diyaarisay naqshad casri ah oo ka tarjumaysa xafiisyada la dhisi doono iyo sida loo hubiyey badqabka deegaanka iyo korontada, waxaanna ka qeyb qaadanaya dhisamaha xarunta cusub Bangiga Horumarinta Afrika, oo door muhiim ah ka qaadata horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha dalkeenna.

Golaha Shacabka oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Amniga Saybarka Soomaaliya

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay si rasmi ah u ansixiyay Sharciga Amniga Saaybarka, kaas oo loogu talagalay ilaalinta kaabayaasha dhijitaalka ah, sugidda nidaamyada macluumaadka, iyo xoojinta amniga qaranka ee dhanka saaybarka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka oo u codeeyey Hindise Sharciyeedka Amniga Saybarka Soomaaliya ayaa waxaa ogolaatay 144-Xildhibaan, hal Xildhibaan ayaa diiday, wax ka aamusayna ma jirin.

Sharcigan wuxuu dejinayaa qaab qaran oo dhameystiran oo lagu maareeyo amniga saaybarka, isagoo qeexaya mas’uuliyadda Wasaaradda Isgaarsiinta, doorka farsamo ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, waajibaadka hawl-wadeennada kaabayaasha muhiimka ah, iyo nidaamka ka-hortagga, ka-warbixinta iyo ka-falcelinta shilalka amniga saaybarka. Sidoo kale, sharcigu wuxuu aasaasayaa Xarunta ka Jawaabidda Xaaladaha Deg-degga SOMCIRT.

Mustafa Yaasiin Sheekh, Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, ayaa sharcigan ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo dhismaha nidaam qaran oo isku-duuban lagu xoojinayo, isagoo carrabka ku adkeeyay in uu ka qayb qaadan doono u-diyaar-garowga iyo ka-falcelinta khataraha dhijitaalka ah.

Dhinaca kale, Axmed Cismaan Diiriye, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, ayaa xildhibaanada Golaha Shacabka uga mahadceliyay ansixinta sharcigan, isagoo xusay in uu yahay tiir muhiim u ah ilaalinta danaha muwaadiniinta, sugidda amniga qaranka, iyo waafajinta Soomaaliya heerarka caalamiga ah ee amniga saaybarka.

Sharcigan ayaa sidoo kale door muuqda ka qaadanaya xoojinta kalsoonida adeegyada dhijitaalka ah, kobcinta dhaqaalaha dhijitaalka, iyo adkeynta iskaashiga u dhexeeya hay’adaha dowladda, kuwa gaarka loo leeyahay, iyo bahda caalamka.

 

Shirka Maalgelinta Caafimaadka Soomaaliya oo ka furmay magaalada Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa si rasmi ah u furay shir heer sare ah oo diiradda lagu saarayo maalgelinta iyo xoojinta nidaamka caafimaadka Soomaaliya.

Shirkan, oo muhiim u ah horumarinta iyo tayeynta nidaamka caafimaadka dalka, waxaa ka soo qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Guuleed Cabdijaaliil, Wasiirrada Caafimaadka ee Dowlad-goboleedyada Soomaaliya iyo Gobolka Banaadir, saaxiibada caalamiga ah ee taageera horumarinta caafimaadka Soomaaliya, agaasimeyaasha waaxyaha Wasaaradda, iyo daneeyayaal kale oo muhiim ah.

Shirka ayaa diiradda saaraya mideynta dadaallada, xoojinta wada-shaqeynta, iyo hirgelinta hannaan maalgelin oo waara, si loo xaqiijiyo adeegyo caafimaad oo tayo leh, la heli karo, isla markaana gaara dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Xildhibaannada BFS ansixiyey Hindise-Sharciyeed Amniga Saybarka Soomaaliya

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaal ka Soomaaliya, oo shalay kulan yees hay ayaa ansixiyey Hindise-Sharci yeedka Amniga Saybarka Soomaaliya. waxaana oggolaaday 144 xildhibaan, hal xildhibaan ayaa diiday, mana jirin xildhibaan ka aamusay.

Hindisahan ayaa muhiim u ah sugidda amniga xogta iyo kaabeyaasha isgaarsiinta dalka, Sidoo kale wuxuu diiradda saaraya ka hortagga weerarrada dhanka saybarka ah, xoojinta wada shaqeynta hay’adaha amniga iyo sare u qaadista kalsoonida nidaamyada dijitaalka ah ee dalka.

Wasiirka arrimaha dibadda oo qaabilay wafdi sare oo ka socda Turkiga

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaa shiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa shalay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Muqdisho ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Jamhuuriyadda Turkiga, kuwaas oo u yimid wadahadallo heer sare ah oo lagu xoojinayo xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal.

Intii uu socday kulanka, Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan ilaalinta midnimada, madaxbannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee dalka, isagoo sidoo kale xusay doorka muuqda ee Turkigu ka qaato taageeridda Soomaaliya fagaarayaasha caalamiga ah, oo ay ku jirto Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Kulanka waxaa ka qeyb galay Mudane Cali Onaner, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga, iyo Mudane Alper Aktaş. Safirka Turkiye u fadhiyo somalia. Labada dhinac ayaa isla qaatay in la sii amba-qaado wadatashiyada joogtada ah iyo iskaashiga ku aaddan dhinacyada mudnaanta u leh labada dal, si loo sii xoojiyo xiriirka istaraatiijiyadeed ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Somaliland oo beenisay in dad taageersan Soomaaliya ay ka dagaalamayaan gobolka Awdal

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ayaa beenisay warbixin uu baahiyay telefishinka Al Carabiya, taas oo sheegtay in xoogag kala taageersan Soomaaliya iyo Somaliland ay ku dagaalamayaan gobolka Awdal.

Wasaaraddu waxay ku tilshalayy warbixinta Al Carabiya mid aan sal iyo raad toona lahayn, iyadoo sheegtay in gobolka Awdal uu si buuxda ugu jiro gacanta Somaliland. Waxa ay intaas ku dartay in ciidanka kaliya ee ka hawlgala gobolkaasi ay yihiin ciidamada Somaliland, isla markaana anay jirin ciidamo kale oo halkaa jooga.

Warbixinta oo ah mid kooban oo muuqaal ah ayay Al Carabiya, ku sheegtay in maalintii labaad oo xidhiidha ah ay ka socdaan iska-horimaadyo gobolka Awdal, kuwaas oo u dhexeeya kooxo ay ku tilshalayy "gooni-goosad” iyo kuwo taageersan midnimada Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa ku baaqay in warbaahinta caalamku ay ka fiirsato wararka ay baahinayso, islamarkaana ay xaqiijiyaan xogta ka hor inta aan la faafin, si looga fogaado marin-habaabin iyo kicin xiisado aan jirin.

Gobolka Awdal ee Somaliland waxa dhawaan ku dagaalamay laba qabiil oo gobolka wada daga, oo isku haysta lahaanshaha magaalada Saylac. Colaada ayaa bilaabantay kadib markii beesha Ciise ay soo qaban qaabisay munaasibad lagu waynaynayo buugga Xeer Ciise, taasi oo beesha darafka kale ay sheegtay in uu horseedayo in dhul ay leeyihiin la qaato.

Inkasta oo dhawr jeer la sameeyay dadaalo lagu daminayo colaada hadana wali Laguma guulaysan, waxaana jira isku dhacyo dhinacyada dhex mara maalmaaha qaarkood, iyada oo Somaliland ay gobolka gaysay ciidamo la doonayo in ay kala dhex galaan beelah colaadu ka dhexayso.

Dhanka kale, xildhibaanada beesha Ciise ee ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa ku dhawaaqay maamul ay u bixiyeen Guban State, oo ay sheegeen in ay doonayaan in ay ka dhisaan magaaalada Saylac.

Soomaaliland oo beenisay in ciidan Shisheeye ay ku sugan yihiin Awdal.

Xukuumadda Somaliland ayaa si cad u beenisay war ay baahisay warbaahinta Al Arabiya, kaasi oo lagu sheegay in ciidamo aan ka tirsanayn kuwa Somaliland ay ku sugan yihiin magaalada Saylac ee gobolka Awdal.

War-saxaafadeed ay soo saartay Somaliland ayaa lagu sheegay in aanu jirin wax ciidan shisheeye ah oo ku sugan gobollada Awdal iyo Salal, isla markaana la xaqiijiyay in ciidanka kaliya ee ka jooga deegaanadaasi ay yihiin Ciidamada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Somaliland.

"Ma jiraan wax ciidan shisheeye ah oo ku sugan gobollada Awdal iyo Salal, mana jiraan wax ciidan ah oo halkaas jooga marka laga reebo Ciidamada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Somaliland,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Somaliland ayaa ugu baaqday warbaahinta caalamka in ay hubiyaan xogtooda ka hor inta aysan baahin warar ay sheegtay in ay khalad iyo marin-habaabin ku yihiin amniga iyo xasilloonida dalka.

Wafdi ka socda Talyaaniga oo yimid Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaa shiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa shalay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Muqdisho ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Jamhuuriyadda Turkiga, kuwaas oo u yimid wadahadallo heer sare ah oo lagu xoojinayo xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal.

Intii uu socday kulanka, Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan ilaalinta midnimada, madaxbannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee dalka, isagoo sidoo kale xusay doorka muuqda ee Turkigu ka qaato taageeridda Soomaaliya fagaarayaasha caalamiga ah, oo ay ku jirto Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Kulanka waxaa ka qeyb galay Mudane Cali Onaner, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga, iyo Mudane Alper Aktaş. Safirka Turkiye u fadhiyo somalia. Labada dhinac ayaa isla qaatay in la sii amba-qaado wadatashiyada joogtada ah iyo iskaashiga ku aaddan dhinacyada mudnaanta u leh labada dal, si loo sii xoojiyo xiriirka istaraatiijiyadeed ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ansixiyay Sharciga Amniga Saybarka Soomaaliya.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 32-aad ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Guntanka ama kooramka kulanka ayaa waxa uu ku furmay 145-Xildhibaan waxaana ugu horreyn Xildhibaanada ay akhrinta sedaxaad marsiiyeen Hindise Sharciyeedka Amniga Saybarka Soomaaliya oo hore u soo maray akhrimaha koowaad iyo labaad.

Intaasi ka dib, Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka oo u codeeyey Hindise Sharciyeedka Amniga Saybarka Soomaaliya ayaa waxaa ogolaatay 144-Xildhibaan, hal Xildhi baan ayaa diiday, wax ka aamusayna ma jirin.

Dhinaca kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuu riyadda Federaalka Soomaaliya ayaa akhrinta labaad marsiiyey Hindise Sharciyeedka Sharciga dhismaha Hay’a dda Qaran ee Maareynta Deegaanka, waxaana xildhibaanada ay ka doodeen qodobada hindise sharciyeedkan iyo muhiimadda uu dalka u leeyahay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa faray guddiga ku shaqada leh Hindise Sharciyeedka Sharciga dhismaha Hay’adda Qaran ee Maareynta Deegaanka inuu soo diyaariyo akhrinta sedaxaad ee Hindise Sharciyeedka dibna uu Golaha ugu soo celiyo.

Ugu dambeyn, Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa loo qeybiyey warbixinta akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Macmiilka Danabeysan.

Dhaq dhaqaaq siyaasadeed oo ka dhan ah Deni oo ka bilowday Boosaaso.

Kulamo siyaasadeed iyo dhaqdha qaaqyo ka dhan ah Madaxweynaha Maamulka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka billowday magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Gobol ka Bari.

Dhaqdhaqaaqan siyaasadeed ayaa waxaa wada siyaasiyiin si weyn uga soo horjeeda hab-maamulka Puntland, kuwaas oo ay ka mid yihiin Maxamuud Mashruuc, Faarax Cali Shire iyo xubno kale. Siyaasiyiintan ayaa dhaliilaya nidaamka uu Madaxweyne Deni ku hoggaaminayo Puntland, iyagoo ku eedeynaya inuu ka gaabiyay arrimo la xiriira maamulka, amniga iyo horumarka.

Siyaasiyiinta ku sugan Boosaaso ayaa sheegay in ujeedkooda ugu weyn uu yahay in ay u kuurgalaan xaaladda nololeed iyo tan amni ee ka jirta Puntland, isla markaana ay la tashiyo ballaaran la yeeshaan bulshada deegaanka.

Waxay sidoo kale ku eedeeyeen Madaxweyne Saciid Deni inuusan aaminsaneyn qaranimada Soomaaliya, isla markaana uu caqabad ku yahay dadaallada lagu difaacayo midnimada iyo wadajirka dalka.

Wararka ayaa tilmaamaya in magaalada Boosaaso maalmaha soo socda lagu wado in lagu qabto shir ballaaran oo looga soo horjeedo Madaxweyne Deni, kaas oo lagu gorfeeyn doono xaaladda siyaasadeed ee Puntland iyo mustaqbalka maamulka.

Dhaqdhaqaaqyadan siyaasadeed ayaa la filayaa in ay saameyn ku yeeshaan xasilloonida siyaasadeed ee Puntland, isla markaana ay sii kordhiyaan khilaafaadka u dhexeeya hoggaanka maamulka iyo mucaaradka, taas oo laga cabsi qabo inay wiiqdo amniga, horumarka iyo wada-shaqeynta Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Uganda oo ciidamadeeda kala baxaysa Soomaaliya.

Dowladda dalka Uganda ayaa shaacisay in ay si degdeg ah ciidamadeeda ugala baxayso dalka Soomaaliya oo ay nabad ilaalin u joogeen muddo 19 sano ah.

Wiilka uu dhalay madaxweynaha Uganda, ahna taliyaha ciidamada dal kaasi Jeneraal Muhoozi Kainerugaba ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X (hore loo oran jiray Twitter) ku sheegay in ay ciidamadooda si degdeg ah ugala baxayaan Soomaaliya.

Ciidamada Uganda ayaa hadda ah askarta ugu badan ee qaybta ka ah howlgalka taageerada iyo xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo baddelay sanadkii hore ATMIS.

Hadalka taliyaha ciidamada Uganda wuxuu ku soo aadayaa, iyadoo hoggaanka howlgalka AUSSOM uu ka digay in howlgalka uu wajihi karo caqabado haddii aan la helin maalgelin joogto ah oo la isku halaynka.

Waxaa la sheegay in shirar hore oo lagu qorsheeyay in looga hadlo maalgelinta howlgalka AUSSOM ay dib u dhaceen, taasoo abuurtay walaac la xiriira mustaqbalka taageerada dhaqaale ee howlgalka.

Dowladda Masar oo wajahaysa fadeexad kadib markii saraakiil ka tirsan ciidankeeda lagu arkay gudaha Israa’iil

Taliska Dhexe ee Militariga Mareykanka (CENTCOM) ayaa si kooban u baahiyay sawirro muujinaya saraakiil ka tirsan Ciidamada Masar oo ku sugnaa xarun uu Maraykanku hoggaaminayo, oo taalla magaalada Kiryat Gat ee Israa’iil, taasoo dhalisay xasaasiyad diblomaasiyadeed iyo falcelin degdeg ah oo ka timid dowladda Masar.

Sida lagu sheegay warbixin ay daabacday Defence Security Asia, sawirradaas oo markii dambe si degdeg ah loo tirtiray ayaa ahaa caddeyntii ugu horreysay ee si fagaare ah loo arko saraakiil Masaari ah oo ka hawlgala xarun ku taalla gudaha Israa’iil, taasoo muujisay heerka hoose ee wada-shaqeynta amni ee u dhexeysa Masar, Maraykanka iyo Israa'iil ee la xidhiidha maareynta xaaladda Gaza.

Warbixintu waxay tilshalayy in Masar ay si dhaqso ah uga codsatay Mareykanka in la tirtiro muuqaalladaasi, kaddib markii ay ka muujisay walaac ah in sawirradu ay "aragti xun” ku reebi karaan shacabka Masar iyo guud ahaan dunida Carabta, xilli ay Qaahira isku dayayso inay isku dheellitirto iskaashi amni oo qarsoon iyo taageero muuqata oo ay u muujinayso shacabka Falastiin.

Xarunta Civil-Military Coordination Center (CMCC) ayaa la aas-aasay dabayaaqadii 2025, kaddib xabbad-joojin laga gaadhay Gaza, waxaana looga gol leeyahay isku-dubaridka gargaarka bani’aadannimo, kormeerka xabbad-joojinta, iyo qorsheynta dib-u-dhiska Gaza. Xaruntan waxaa hoggaaminaya Mareykanka, waxaana ka qayb qaata dalal badan oo Carab iyo Reer Galbeed ah.

Masar ayaa muddo dheer door muhiim ah ka qaadanaysay dhexdhexaadinta colaadda Gaza, gaar ahaan wada-xaajoodyada xabbad-joojinta, sii-deynta maxaabiista, iyo fududeynta gaadhsiinta gargaarka bani’aadannimo. Hase yeeshee, hoggaanka Masar ayaa si joogto ah uga fogaada in si muuqata loo muujiyo iskaashi ciidan oo ay la leeyihiin Israa’iil, sababo la xidhiidha cadaadis gudaha ah, dareenka shacabka, iyo xasaasiyadda siyaasadeed ee gobolka.

Falanqeeyayaasha ayaa qaba in tallaabada CENTCOM, inkastoo ay ahayd mid kooban, ay si cad u muujisay caqabadda u dhexeysa siyaasadda daahfurnaanta Mareykanka iyo istaraatiijiyadda qarsoodiga ah ee ay doorbidaan dalalka Carabta qaarkood, gaar ahaan marka ay timaaddo xidhiidhka Israa’iil.

Dhacdadan ayaa mar kale iftiimisay in iskaashiga amni ee Bariga Dhexe uu yahay mid jira oo qoto dheer, balse inta badan la qariyo, maadaama muujintiisu ay halis gelin karto xasilloonida siyaasadeed, sharciyadda hoggaaminta, iyo kalsoonida shacabka ee dalalka ku lugta leh.

Ciidamada Masar oo ku biiraya Hawlgalka AUSSOM, kana hawlgeli doona Shabeellaha Dhexe

Mas’uuliyiin ka tirsan Midowga Afrika ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Masar ay si rasmi ah ugu biiri doonaan Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM), kaddib marka la soo gabagabeeyo diyaarinta arrimaha farsamo iyo kuwa sharci ee lagama maarmaanka u ah bilaabista hawlgallada.

Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in cutubka Masar uu door muhiim ah ka qaadan doono la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan deegaanada istiraatiijiga ah ee dalka.

Sida lagu sheegay qorshaha hawlgalka, ciidamada Masar ayaa la filayaa in ay ka hawlgalaan gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay la wareegi doonaan xeryo ay horay u joogeen ciidamada Burundi.

Ciidamada Burundi, oo Soomaaliya ku sugnaa ku dhowaad labaatan sano, ayaa door weyn ka qaatay dagaalladii lagaga saaray Al-Shabaab deegaanno badan oo ay ka mid tahay caasimadda Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

Mas’uuliyiinta AUSSOM ayaa sheegay in ujeeddooyinka istiraatiijiga ah ee hawlgalkan ay ka mid yihiin xoojinta awoodda dowladda federaalka Soomaaliya, yareynta saameynta kooxaha xagjirka ah, iyo dib-u-dhiska hay’adaha amniga qaranka.

Dhanka kale, hoggaanka hawlgalka AUSSOM ayaa ka digay caqabado ka imaan kara dhinaca maalgelinta, iyagoo xusay in guusha hawlgalka ay ku xirnaan doonto helitaanka dhaqaale joogto ah oo la isku halayn karo.

Barack Obama oo si adag ugu hadlay dilka ay geysteen ICE.

Madaxweynihii hore Barack Obama iyo Marwadii hore Michelle Obama ayaa dilka Alex Pretti ku tilmaamay "musiibo qalbi jab leh”.

War-saxaafadeed ay soo saareen, lamaanahan ayay ku sheegeen in toogashadii "ay tahay mid baraarujin u ah qof kasta oo Mareykan ah, iyadoon loo eegin dhinac gaar ah, in qaar badan oo ka mid ah qiyamkeenna asaasiga ah ee qaran ahaan ay si isa soo taraysa ugu socdaan weerarro”.

"Toddobaadyo hadda, dadka dalka oo dhan waxay si sax ah uga caroodeen muuqaalka shaqaale ICE ah oo weji-xiran iyo wakiillo kale oo federaal ah oo si arxan darro ah u dhaqmaya oo ku hawlan xeelado u muuqda in loogu talagalay in lagu cabsi geliyo, lagu dhibaateeyo, lagu kicinayo dadka taasoo khatar gelineysa dadka deggan magaalo weyn oo Mareykan ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Waxay intaa ku dareen in maamulka Trump "uu u muuqdo mid aad u xiiseynaya inuu xaaladda sii xumeeyo” iyada toogashooyinkii dhacay oo aan "wax baaritaan ah oo dhab ah lagu sameyn taasoo ay ku tilmaameen in ay u muuqato inay si toos ah uga hor imaanayso caddaynta muuqaalka”.

"Tani waa inay joogsataa,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Al-shabaab oo weerar ka fulisay Gaarisa.

Mas’uul sare oo ka tirsan maamulka deegaanka iyo macallin dugsi hoose ayaa lagu dilay habeenkii xalay weerar loo maleynayo inay geeysteen kooxda Al-Shabaab oo ka dhacay degmada Hulugho, ee gobolka Garissa, taasoo sii kordhinaysa welwelka ku saabsan amniga ee gobolka waqooyi-bari ee Kenya.

Booliisku waxay sheegeen in labada qof, oo kala ahaa Sarkaalka Sare ee Degmada Boma iyo macallin aan kamid ahayn dadka deegaanka, lagu bartilmaameedsaday weerar habeenimo ah oo si xirfadeeysan looga fuliyey guryahooda.

Waxaa la rumeysan yahay in dadka weerarka fuliyey ay sameeyeen weerar ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka hor inta aysan ka cararin goobta.

Dilkaasi wuxuu argagax geliyey bulshada deegaanka, iyadoo dadku ku tilmaameen dhacdadan inay tahay guuldarro amni oo weyn, gaar ahaan deegaan horey ugu jiray hanjabaadaha kooxaha hubeysan sababo la xiriira xuduuda u dhaxaysa Kenya iyo Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta ammaanka ayaa sheegay in baaritaanno degdeg ah la bilaabay si loo ogaado duruufaha saxda ah ee weerarka iyo sidii loo soo qaban lahaa dadka ka dambeeyey.

Sidoo kale, ciidamo booliis dheeraad ah ayaa la geeyey gudaha iyo hareeraha degmada Hulugho si loo xoojiyo ammaanka.


Hormuud Salaam Foundation oo Muqdisho ku qabatay Munaasabad Lagu Mahadcelinayo Dhakhaatiir Talyaani ah oo Qalliinka Wadnaha u sameeyay 24 Carruur Soomaaliyeed


Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabad ballaaran oo lagu maamuusay laguna mahadcelinayay Prof. Stefano Marianeschi, Dr. Stefano Mazzoleni, Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya Ambassador Piere Dacco, iyo Marwo Edna Moallin Cabdiraxmaan, kuwaas oo door muuqda ka qaatay daaweynta iyo qalliinka wadnaha ee 24 carruur Soomaaliyeed oo lagu sameeyay Isbitaalka Niguarda ee magaalada Milano, gobolka Lombardia ee dalka Talyaaniga.

Munaasabadda waxaa ka soo qaybgalay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Jibriil Xaaji Cabdirashiid Cabdi, wasiiro, xildhibaano, Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir H.E Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), masuuliyiin ka socday Hormuud Salaam Foundation, carruurtii la daweeyay iyo waalidiintooda, dhakhaatiir Talyaani ah, Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya, iyo marti sharaf kale.

Ugu horrayn, Guddoomiyaha Hormuud Salaam Foundation Cabdullaahi Nuur Cusmaan ayaa faahfaahin ka bixiyay barnaamijkan samafalka ah, isagoo sharaxay sida uu ku bilowday iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray. Wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyay Prof. Stefano Marianeschi kaalinta naf-hurnimada leh ee uu ka qaatay qalliinnada carruurta, sidoo kale wuxuu bogaadiyay Marwo Edna Moallin Cabdirahmaan oo ahayd qofkii bilaabay barnaamijkan. Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale u mahadceliyay Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya doorkii uu ka qaatay fududeynta fiisooyinka carruurta, iyo maamulka Isbitaallada Welcare iyo SIMAN dadaalkii ay ku bixiyeen isku-duwidda barnaamijka. Sidoo kale, wuxuu mahadcelin u diray Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya kaalintii ay ka qaadatay fududeynta dukumentiyada iyo hab-socodka barnaamijka.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa isna si weyn u bogaadiyay barnaamijkan kheyriga ah, isagoo ammaanay doorka Hormuud Salaam Foundation, Marwo Edna Cabdiraxmaan, iyo dhakhaatiirta Talyaaniga ee badbaadiyay nolosha carruur badan oo Soomaaliyeed.

Dhankeeda, Marwo Edna Moallin Cabdiraxmaan ayaa ka hadashay muhiimadda barnaamijkan iyo saamaynta togan ee uu ku yeeshay carruurta Soomaaliyeed, iyadoo xustay in guusha mashruucu ay ku timid iskaashi miro-dhal ah oo u dhexeeya Hormuud Salaam Foundation, Gobolka Lombardia, iyo Isbitaalka Niguarda.

Prof. Stefano Marianeschi, oo hoggaaminayay barnaamijka daaweynta carruurta, ayaa muujiyay farxaddiisa ku aaddan caawinta carruurta Soomaaliyeed, wuxuuna ballanqaaday inuu sii wadi doono taageeradaas. Wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyay Hormuud Salaam Foundation oo uu ku tilmaamay laf-dhabarta barnaamijka.

Sidoo kale, Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya Ambassador Piere Dacco ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in carruur Soomaaliyeed lagu daaweeyo dalka Talyaaniga, taas oo culays weyn ka qaadday carruurta iyo waalidiintooda. Wuxuu xusay in Dowladda Talyaaniga ay sii wadi doonto taageerada noocan ah, isagoo ammaanay doorka samafal ee Hormuud Salaam Foundation.

Wasiiru-Dowlaha Caafimaadka XFS Marwo Maryan Mohamed Hussein ayaa si weyn u bogaadisay mashruucan, iyadoo ka hadashay xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga. Waxay u mahadcelisay dhakhaatiirta, maamulka Isbitaalka Niguarda ee Milano, iyo Gobolka Lombardia dadaalka iyo dhaqaalaha ay ku bixiyeen daaweynta carruurta Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2aad Jibriil Xaaji Cabdirashiid Cabdi ayaa hadal qiiro leh ka jeediyay munaasabadda, isagoo xusay in barnaamijkani uu si toos ah u beddelay nolosha carruur badan oo hore ula daalaa dhacayay xanuunka wadnaha.

Gabagabadii munaasabadda, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka iyo Wasiiru-Dowlaha Caafimaadka ayaa gudoonsiiyay shahaadooyin sharaf dhakhaatiirta Talyaaniga, Hormuud Salaam Foundation, Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya, iyo Marwo Edna Moallin Cabdiraxmaan.

Sidoo kale, carruurtii la daweeyay iyo waalidiintooda ayaa muujiyay mahadnaq ballaaran, iyagoo shahaadooyin sharaf iyo hadiyado guddoonsiiyay dhakhaatiirtii qalliinnada sameeyay.

Ugu dambeyn, dhakhaatiirta Talyaaniga ayaa sameeyay baaritaanno caafimaad oo gaaraya 55 carruur ah, kuwaas oo la rajeynayo in inta lagu jiro sanadkan 2026 lagu daweeyo dalka Talyaaniga, kuwaas oo isugu jira carruur qaba xanuunnada wadnaha iyo cudurro kale oo carruurta ah.


Puntland oo ugu baaqday saraakiisha aan xilalka hayn inay hubka kusoo wareejiyaan maamulka


La-taliyaha Madaxweynaha Puntland ee arrimaha amniga, ahna Wasiirkii hore ee Amniga Cabdi Xirsi Cali (Qarjab), ayaa si adag uga hadlay saraakiisha xilalka laga qaaday ee weli haysta hubka dowladda, isagoo ku tilmaamay arrin sharci-darro ah.

Qarjab ayaa shee gay in qof kasta oo xil dowladeed loo magacaabo, marka xilka laga qaadona ay waajib ku tahay inuu xilka si nabad ah uga dego, isla markaana ku wareejiyo hubka iyo awoodda uu hayay dowladda. "Taliyihii la magacaabay oo ciidan dowladeed hayey, haddii xilka laga qaado waa inuu masuuliyadda iska wareejiyaa,” ayuu yiri.

Wuxuu caddeeyay in muwaadinka xil loo magacaabay uu leeyahay xuquuq buuxda oo ay ka mid yihiin mushaar, daryeel caafimaad, iyo waardiye haddii uu u qalmo, balse uusan marnaba xaq u lahayn inuu haysto hub ama hanti ay leedahay ummadda haddii uusan xil haynin.

"Hantida gaarka ah waa la yeelan karaa, laakiin waxa ummadda ka dhaxeeya lama qaadan karo,” ayuu yiri.

Qarjab ayaa sidoo kale sheegay in ku dhegganaanshaha hubka dowladda kadib marka xilka laga qaado sarkaalku aysan ahayn sharci, isla markaana ay qayb ka tahay qaladaadka ka socda dalka.

"Qof aan xil laga qaadi karin ma jiro, balse qofka hantidiisa gaarka ah ayuu leeyahay; hase yeeshee hubka iyo hantida ummadda lama qaadan karo,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Ugu dambayn, Qarjab ayaa ku baaqay in arrimahan lagu xalliyo sharci iyo nidaam dowladeed, isaga oo ka digay in ku adkeysiga wax aan sharci ahayn ay sii hurinayso qalalaase iyo amni-darrada.

Hadalka la taliyaha arrimaha amniga ee madaxweyne Deni ayaa kusoo aaday, xilli dhawaan taliyaha ciidanka Booliiska Puntland uu ku eedeeyay saraakiil horey xil u hayay oo ka mushaar qaata dowladda Federaalka Soomaaliya inay boob ku haystaan hub ay Puntland leedahay




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip