HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 26 JAN-2026

0
Monday January 26, 2026 - 08:00:27 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 55
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 26 JAN-2026

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

RW Xamsa Cabdi Bare oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Turkiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Turkiga oo uu hoggaaminayo Agaasimaha waaxda Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Amb. Ali Onaner, iyo Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan Soomaaliya Mudane Amb. Alper Aktaş.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Turkiga, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada amniga, iyo la-dagaallanka argagixisada, si loo xaqiijiyo xasilloonida dalka iyo guud ahaan gobolka.

Ra’iisul Wasaaraha Xamsa, ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Turkiga taageerada hagar-la’aanta ah ee ay mar walba la garab taagan yihiin Soomaaliya, isaga oo xusay in Turkigu yahay saaxiib istiraatiiji ah oo door muuqda ka qaatay taageerada dhanka amniga, ilaalinta midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dhankiisa Amb. Ali Onaner, oo ka mahadceliyay qaabiladda Ra’iisul Wasaaraha, ayaa adkeeyay in dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Turkiga ay mar walba garab taaganyihiin dowladda Soomaaliya, ayna sii xoojinayaan xiriirka wada-shaqayneed ee labada Dowladood.

Maxay ka wada hadleen Xoghaye Kamaal Guutaale iyo James Swan?

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa shalayxafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Mr. James Swan.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin xaaladda amniga dalka, geeddi-socodka doorashooyinka, iyo gogosha wada-hadal ee Xukuumaddu u fidisay Golaha Samatabixinta iyo dhinacyada mucaaradka.

Xoghayaha Joogtada ah ayaa Wakiilka Qaramada Midoobay la wadaagay horumarka muuqda ee Xukuumaddu ka sameysay sugidda amniga guud ee dalka, doorashadii Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir oo si nabad ah uga qabsoontay Caasimadda Muqdisho. Sidoo kale, waxa uu carrabka ku adkeeyay sida ay Dowladda uga go’an tahay dhageysiga tabashooyinka mucaaradka iyo xoojinta wadatashiga siyaasadeed si loo helo is-afgarad qaran.

Dhankiisa, Mr. James Swan ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku bogaadiyay gogosha wada-hadal ee ay u fidisay mucaaradka, isagoo ballanqaaday in Qaramada Midoobay ay taageeri doonto dadaallada lagu xaqiijinayo in gogoshu ay miro dhal noqoto. Waxa uu sidoo kale ammaanay habsami u socodka iyo nabadgelyada doorashadii Golaha Deegaanka ee ka dhacday Caasimadda.

Wasiirka Cadaaladda XFS oo la kulmay James Swan

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa shalayxafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Mudane James Swan.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, waxaana si gaar ah diiradda loo saaray arrimaha caddaaladda, dastuurka iyo geeddi-socodka dowlad-dhiska dalka.

Wasiirka Qorsheynta XFS oo la kulmay Wakiilka UNFPA ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene) ayaa shalaykulan miro-dhal ah la yeeshay, Wakiilka UNFPA ee Soomaaliya, Dr. Mary Otieno.

Kulankan ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyay xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda iyo UNFPA, gaar ahaan dhinacyada qorsheynta horumarineed, isku-duwidda mashaariicda, kormeerka iyo qiimeynta barnaamijyada kala duwan.

Labada dhinac waxay ka wada hadleen sidii loo hubin lahaa in dhammaan mashaariicda iyo barnaamijyada la fulinayo ay si buuxda ula jaanqaadaan Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) iyo Dukumintiga Barnaamijka UNFPA ee Dalka, iyadoo xoogga la saarayo hufnaan, isla-xisaabtan, iyo saameyn waarta.

Sidoo kale, Mudane Beenebeene iyo Dr. Mary Otieno waxay mar kale adkeeyeen go’aankooda ku aaddan xoojinta wada-shaqeynta iyo iskaashiga joogtada ah ee u dhexeeya Wasaaradda iyo UNFPA, si loo dardar-geliyo hirgelinta yoolalka wadajirka ah ee horumarinta bulshada iyo tayeynta adeegyada muhiimka ah ee dalka.

Soomaaliya iyo pakistan oo kala saxiixday heshiis ka-dhaafid fiiso oo ku saabsan baasaboorrada diblo maasiyadeed

Jamhuuriyadda federaalka sooma aliya iyo jamhuuriyadda islaamiga ah ee pakistan ayaa shalaysi rasmi ah u kala saxiixday heshiis ka-dhaafid fiiso ah, kaas oo quseeya dadka sita baas aboorrada diblomaasiyadeed, isla mar kaana meesha ka saaraya shuruudda fiisaha ee u kala safarka labada dal.

Heshiiskan muhiimka ah wuxuu astaan u yahay horumar la taaban karo oo lagu xoojinayo fududeynta socdaalka ras miga ah, dardargelinta is-dhaafsiga dibl omaasiyadeed, iyo kor u qaadista wada-shaqeynta laba-geesoodka ah ee u dhaxeysa labada dal ee walaalaha ah.

Munaasabadda saxiixa heshiiska waxaa goobjoog ka ahaa madaxweynaha jamhuuriyadda islaamiga ah ee pakis tan, mudane asif ali zardari, xilli uu ku lan rasmi ah la yeeshay wasiirka arrim aha gudaha ee jamhuuriyadda feder aalka soomaaliya, mudane cali yuusuf.


Heshiiska waxaa kala saxiixday xogha yaha gaarka ah ee wasaaradda arrima ha gudaha iyo la-dagaallanka maand ooriyaha ee pakistan, mudane dawood muhammad baraech, iyo xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee soomaaliya, mudane hamza aadan haadoow, kaas oo sidoo kale ka mid ahaa masuuliyiintii ka qaybgalay muna asabadda.

Intii uu socday kulanka, wasiirka arrimaha gudaha ee soomaaliya ayaa madaxweynaha pakistan gaarsiiyay farriin rasmi ah oo uu ka waday madaxw eynaha jamhuuriyadda federaalka so omaaliya, taas oo si cad loogu muujiyay go’aanka soomaaliya ee ku aaddan xoojinta iyo ballaarinta xiriirka laba-gee soodka ah ee kala dhaxeeya pakistan.

Jamhuuriyadda federaalka soomaaliya waxay muujinaysaa mahadnaq iyo qad darin buuxda oo ay u hayso dowladda iyo shacabka jamhuuriyadda islaamiga ah ee pakistan, soo dhoweynta diirran iyo garab-istaagga joogtada ah ee ay had iyo jeer la garab taagnaayeen soo maaliya, iyadoo rajaynaysa in iskaash iga labada dal uu sii ballaariyo kulammo heer sare ah, wada-tashi joogto ah, iyo mashaariic ku saleysan danaha wadaj irka ah ee labada dal.

 

Wasiir fiqi oo shaaciyey arrin xasaasi ah oo imaaraadka carabta ay ka wadeen dalka

Wasiirka gaashaandhigga soomaaliya, axmed macallin fiqi, ayaa sheegay in kaalmooyin hore oo ka yimid imaa raadka carabta ay hareer mareen hay’a daha dowladda federaalka, mararka qaarna ay gaareen kooxo hubeysan oo ku sugan dowlad goboleedyada, taasi oo uu sheegay ay wiiqday awoodda qaran, khatarna gelisay midnimada dalka.

"marka laga hadlayo taageerada imaaraadku siiyay soomaaliya, waxaa muhiim ah in la xuso in taageeradaasi aysan mar walba soo marin waddooyi nka rasmiga ah ee dowladda,” Ayuu yirifiqi.

Wuxuu intaas ku daray in kaalmada qaar si toos ah loogu hagaajiyay "kooxo hubeysan oo ka hawlgala gobollo gaar ah,” Isagoo arrintaas ku sifeeyay qayb ka mid ah dadaallo ballaaran oo lagu wiiqayo dowladda dhexe, laguna carqa ladeynayo madax-bannaanida soomaa liya.

Fiqi wuxuu caddeeyay in iskaashiga hadda lala sameynayo saaxiibada shi sheeye uu ku socdo kormeer adag oo dowladda federaalka ah. Wuxuu xusay in kadib ku dhawaad labo sano oo hakad la geliyay taageerada imaaraadka, wixii kaalmo ah ee soo haray hoos loo dhigay ilaa heerka ugu yar.

Hadallada wasiirka ayaa kusoo beeg maya maalmo uun kadib markii dowladda federaalku ku dhawaaqday inay joojisay, gebi ahaanba, heshiisyadii difaaca iyo amniga ee ay la lahayd imaaraadka, iyadoo sabab uga dhigtay walaac la xiriira ilaalinta madax-bann aanida qaranka iyo wax ay ku tilmaa mtay faragelin lagu hayo arrimaha guda ha ee soomaaliya.

Go’aankan ayaa astaan u ah xu maanshihii ugu darnaa ee soo kala dhex gala xiriirka muqdisho iyo abu dhabi tan iyo sannadkii 2018-kii, xilligaas oo mas’ uuliyiinta soomaaliya ay garoonka muq disho ku qabteen lacag malaayiin dooll ar ah oo saarnayd diyaarad imaara adku leeyahay, taas oo keentay in imaara adku joojiyo howlgalkiisii tababa rka ciidamada.

Khilaafkan cusub ayaa kusoo aadaya xilli xaaladda gobolku ay cakiran tahay. Xiisadda ayaa sii kululaatay tan iyo markii israa’iil ay dhammaadkii bishii de cember ku dhawaaqday inay aqoonsana yso somaliland — oo ah maamul gooni-u-goosad ah oo ku dhawaaqay inuu ka go’ay soomaaliya 1991-kii balse aan haysan aqoonsi caalami ah.

Muqdisho ayaa tallaabadaas si kulul u cambaareysay, kuna tilmaamtay xad-gudub ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo weerar lagu qaaday midnimada dhulkeeda.

Mas’uuliyiinta soomaaliya iyo dadka fallanqeeya siyaasadda ayaa sheegay in abu dhabi ay door laf-dhabar ah ku lahayd abuurista jawiga siyaasadeed iyo amni ee suurtogeliyay tallaabadaas, iya goo tixraacaya xiriirka soo jireenka ah ee u dhexeeya imaaraadka iyo madaxda somaliland, iyo sida qotada dheer ee ay ugu lug leeyihiin mashaariicda dekeda ha, amniga, iyo ganacsiga ee gobolk aas.

Dhankeeda, dowladda imaaraadku waa ay beenisay inay faragelin ku hayso arrimaha gudaha ee soomaaliya.

Deni oo kulan la qaatay taliy eyaasha ciidamada mareykan ka iyo ingiriiska.

Madaxweynaha puntland siciid ca bdullaahi deni, ayaa shalaykulan la qaatay taliyeyaasha ciidamada gaarka ah ee wadamada maraykanka iyo ingi riis-ka ee bariga africa, col ryan flahe rty iyo col rich grover oo ay weheliyaan saraakiil sarsare.

Kulanka ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda soomaaliya gaar ahaan amn iga iyo la dagaalanka argagixisada, wax aa kaloo si gaar ah looga hadlay guul aha laga gaaray hawlgallada gebageba da maraya ee argagixisada daacish loo ga sifaynayo calmiskaad iyo xoojinta iskaashiga guud ee la dagaalanka arga gixisada.

Madaxweynaha dowladda puntland ayaa maraykanka iyo ingiriiska uga mah adceliyay, sida ay dowladda iyo shac abka puntland uga taageereen in hawlg alka calmiskaad guuleysto.

Kulanka waxaa ka qeybgalay agaasim aha guud ee madaxtooyada dowladda puntland, mudane maxamed jaamac cabdiraxmaan iyo wakiilka arrimaha si yaasadda iyo xiriirka caalamka mudane maxamed cabdiraxmaan dhabancad

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Agaasimaha Guud Arrimaha Dastuurka ee Wasaaradda Caddaaladda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Agaasimaha Guud Arrimaha Dastuurka ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, u magacaabay Mudane Saalax Xiireey Kheyre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Mudane Saalax kula dardaarmay hufnaan iyo xil-gudasho.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Guddoomiyey Shirka Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa guddoomiyey shirka Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda Koonfur Galbeed, kaas oo ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada ee magaalada Baydhabo.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha shaqo ee wasaaradaha, xoojinta isku-xirka hay’adaha dowladda, saameynta abaaraha, iyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee mudnaanta u leh adeegyada bulshada.

Intii uu socday shirka, waxaa sidoo kale laga hadlay caqabadaha jira iyo sidii xal waara loogu heli lahaa, si loo helo maamul hufan oo wax ku ool ah.

Madaxweynaha ayaa Agaasimiyaasha Guud ku bogaadiyey dadaalkooda, isaga oo kula dardaarmay in ay xoojiyaan hufnaanta shaqada, isla-xisaabtanka, iyo u adeegidda shacabka. Waxa uu sidoo kale adkeeyey in la dardargeliyo fulinta siyaasadaha iyo barnaamijyada horumarineed ee Dowladda Koonfur Galbeed.

Ugu dambayn, Madaxweyne Laftagareen ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay wadashaqeyn joogto ah, hoggaan wanaagsan, iyo mas’uuliyad qaadasho, si loo xaqiijiyo horumar waara iyo adeegyo tayo leh oo ay helaan bulshada Koonfur Galbeed.

Wasiir Daa’uud Aweys” Xukuumadda DanQaran waxay ahmiyad gaar siisay horumarinta Dalxiiska Dalka”

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dal-xiiska Xukuumadda Federaalka Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ahmiyad gaar ah siisay horumarinta dalxiiska, isla markaana ay sameysay daraasad gaar ah oo diiradda lagu saarayo dalxiiska Soomaaliya iyo horumarkiisa.

Wasiirka wuxuu sheegay in la asteeyay goobaha dalxiiska uu dalkeenna lahaa, in la dejiyay qorshe ku saabsan Dalxiiska Soomaaliya, in dib loo soo nooleeyo adeegyadii dalxiis ee uu dalka lahaan jiray iyo Machad laga barto arrimaha Dalxiiska.

Sidoo kale, Wasiir Daa’uud Aweys oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in Xukuumadda Soomaaliya ay dhiiragelineyso shaqsiyaadka iyo shirkadaha ka shaqeeya horumarinta arrimaha Dalxiiska, wuxuuna qiray in dalxiiska qeyb libaax leh ka qaadan karo kobaca Dalkhliga Dalka.

 

Puntiland oo shaacisay tirada ciidanka xoogga ee ku sugan deegaanadeeda

La-taliyaha madaxweynaha maamulka puntland ee arrimaha amniga, mudane cabdi xersi cali (qarjab) ayaa shaaciyay tirada ‘ciidam ada xoogga dalka ee ku sugan deegaa nada maa mulkaas’ ee sida tooska ah mushaarka uga qaata dowladda federa alka sooma aliya.

Qarjab ayaa sheegay in ciidam ada asi aanay ka amar qaadan puntland, isla markaana aysan qayb ka ahayn nida amkooda, balse ay yihiin ciidan guur guura oo meelo kale laga xakumo, sida uu hadalka u dhigay.

"ciidan aan dowladda ka amar qaa dan oo hadba meel aadaayo oo me el kale laga maamulo system dowlina maa ha, adduunka wax ku dhaqmaana ma jiro”. Ayuu yiri la-taliyaha madaxwey na ha maamulka puntland ee arrimaha amniga.

Sidoo kale wuxuu xusay in tirada cii damadan ay gaareyso illaa 1,376 askari, isla markaana ay mushaar siiso dow ladda dhexe, ujeedkeedana uu yahay in ay ku carqaladeyso amniga guud ee m aamulka puntland.

"1,376 qof-baa puntland ku nool dowladda federaalka ayaa mushaar sii sa, uguna talagashay puntland inay ku carqaladeyso jiritaankeeda iyo amni geeda” Ayuu sii raaciyay la-taliye cabdi xersi cali (qarjab).

Hadalkan ayaa imaanaya, iyada oo dhawaan wasaaradda gaashaan dhig ga soomaaliya ay sheegtay in cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka soo maal iyeed, oo uu hoggaaminayo jana raal jimcaale jaamac takar ay ka qayb-qaat een sugidda amniga madaxdii is ugu tegt ay magaalada laascaanood.

Ciidamadan oo muddooyinkii ugu da mbeeyay deggenaa duleedka magaa la da garoowe ayaa markii dambe guda ha u galay laascaanood, iyaga oo wata gaadiid dagaal, kadibna waxay ku laabte en xeradooda milatari ee garo owe.

Puntland ayaa si weyn uga oo horjee do maamulka dariska la’ah ee waqooyi bari, waxayna kula jirtaa xifaaltan soo bilo wdy markii ay dowladda federaalka aqoonsi buuxa siisay maamulka fadhigii su yahay magaalada laascaan ood.

Somaliland oo aqbashay in deegaanada la keeno malleeshiyo hubeysan iyo qoyskooda oo la shaqeyn jiray isrl

Warbaahinta israa’iil ayaa sheegtay in somaliland ay ogolaatay in deegaanad eeda la geeyo xubno ka tirsanaa mallee shiyo falastiini ah oo la shaqeynayay ciidamada israa’iil, kuwaas oo dagaal la galay ururka xamaas intii uu socday dagaalka qasa. Malleeshiyadan ayaa la sheegay in noloshooda khatar ku jirto, kaddib markii ciidamada israa

Iil ay bilaabeen inay ka baxaan maga alooyin dhowr ah oo ku yaalla marinka qasa, taasoo qeyb ka ah wajiga labaad ee heshiiska xabbad-jooji nta ee labada dhinac.

Malleeshiyadan ayaa waxaa aas-aasay militeriga israa’iil xilligii dagaalka socday, si ay u abuuraan colaad sokee ye oo dhex marta kooxaha falastiiniyii nta, taasi oo sahli lahayd in israa’iil ay si fudud u qabsato magaalada qasa.

Xamaas ayaa la sheegay inay dishay hoggaamiyeyaasha malleeshiyadaas, taasoo keentay inuu fashilmo qorshe uu watay ra’iisul wasaare israa’iil benja min netanyahu. Ilaa iyo hadda, ma jiro wax war rasmi ah oo ka soo baxay soma liland ama dowladda federaalka soom aaliya oo ka hadlaya arrintan, halka wararkaasi ay weli ku saleysan yihiin xog ay baahiyeen warbaahinta israa’iil.

Arrintan ayaa dhalisay dood iyo had al-heyn ballaaran, iyadoo ay dad badan su’aal ka keeneen saameynta ay ku yeelan karto siyaasadda iyo sumcadda somaliland ee caalamka.

Baarlamaanka carabta oo ba llan qaaday dadaallo siyaa sadeed oo lagu taageerayo amniga iyo xasilloonida soom aaliya

Baarlamaanka carabta ayaa ku dha waaqay inuu qaadayo tallaabooyin siya asadeed oo heer gobol iyo heer caalami ah, kuwaas oo lagu taageerayo amniga, xasilloonida iyo madaxbannaa nida dala lka yemen iyo soomaaliya, isagoo si cad u diiday faragelin kasta oo lagu sa meeyo arrimaha gudaha labada dal. 

Go’aankan ayaa lagu ansixiyay bayaan rasmi ah oo kasoo baxay baarlamaanka carabta intii lagu guda jiray furitaanka kalfadhigii labaad ee fadhiga guud ee wareegga labaad, ee cutubka sharci-dej inta 4aad, kaas oo ka dhacay xarunta xo ghaynta guud ee jaamaca dda carabta ee magaalada qaahira.

Bayaanka ayaa xoogga saaray muh iimadda ay leedahay in la ixtiraamo mab da’a ah in aan lagu faragelin arrimaha gudaha dowladaha, isla markaana lagu dadaalo xalal nabadeed oo lagu ilaaliyo madax-bannaanida, amniga iyo midnim ada dhuleed ee dalalka carabta.

Baarlamaanka carabta ayaa ugu baaqay dowladaha iyo baarlamaannada carbeed inay muujiyaan midnimo iyo garab istaag buuxa oo ay la garab taa gan yihiin yemen iyo soomaaliya, ayna qaadaan tallaabooyinka lagama maarm aanka ah ee lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida labada dal, isagoo markale ku celiyay diidmada buuxda ee faragelin kasta oo shisheeye. Tan iyo markii isra a’iil ay u istaagtay ictiraafka somaliland waxaa jiray cadaa disyo xoogan ay sam eeyeen wadamada carabta iyo kuwa islaamka kaa oo xoojiyay dadaa lada diplo maasiyadeed ee fs.

Duqa minneapolis oo si adag uga hadlay beegsiga sooma alida

Duqa magaalada minneapolis, ja cob frey oo shir jaraa’id qabtay ayaa si adag uga hadlay xaaladda ka taagan gob olka minnesota oo ay haatan ka socdaan rabshado ka dhashay howlgal lada ay wadaan ciidamada ice ee beeg siga ku haya soomaalida iyo bulshooyi nka kale e ku dhaqan halkaasi, kadib markii uu trump amray in la masaafu riyo.

Duqa minneapolis ayaa si weyn u difaacay bulshada ku dhaqan gobolka, isaga oo ka horyimid qorshaha madaxw eynaha mareykanka ee masaafurinta dadkaasi.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay inuu garto mas’uuliyadda saaran, isla marka ana uu si wanaagsan ula dhaqmo shac abka, si xaaladda loo qaoojiyo.

Waxaa kale oo uu ka dalbaday in uu si deg-deg ah u saaro ciidamada ice ee khalalaasaha geliyay gobolkaas oo ay ka dhaceen dibad-baxyo waa wayn.

"madaxweyne trump, waxaa la joogaa waqti aad u dhaqmi laheyd sida hoggaa miye. Jooji howlgalka. Waxaan kuu she eg yaa, magaaladeennu way soo kaban doontaa, ammaankuna waa la soo celin doonaa” Ayuu yiri, jacob frey.

Waa uu sii hadlay waxaana uu yiri"waxaan kaa codsanaynaa inaad tallaabo degdeg ah qaaddo, ciidamada federaalka ah ka saar magaalada. Adee gsiga militari iyo ciidamo aan la gara nayn oo waddooyinkeena qabsa day taasi waa waxa daciifiya dalkeen”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhawaan donald trump uu ku goodiyay inuu adeejinayo milatariga, si ay usoo afjarayaan rabshadaha ka dhanka ah ciidanka socdaalka iyo kastamka ee ice oo si bareer ah u dilay dad rayid ah.

Si kastaba, muddooyinkii dambe ayaa walaac xooggan laga muujinayay ciida mada faraha badan ee halkaas lasoo dhoobay, iyadoo lagu andacoonayay inay saameysay bulshada ku nool gobo lka ayna cabsi gelisay.

Ilhan cumar oo si adag ugu hadashay dil ay geysteen ice.

Xaaladda magaalada minneapolis ee gobolka minnesota ayaa ka sii dareysa, ka dib markii ciidamada ilaalada xuduudaha & kastamyada mareykanka ee ice ay sabtidii toogasho ku dileen nin lagu magacabayay alex pretti. Ninkan ayaa ahaa 37 jir kalkaaliye caafimaad ah, iyadoo uu dilkiisu ka dambeeyay, ka dib markii uu isku dayay in uu kala dhex galo ciidamada iyo hawe eney ay markaasi qabteen. Muuqaalada la isku la wadaagayo barraha bulshada ayaa laga arki karay dhowr askari oo si xun u jir dilaya ninkaasi, ka hor inta aan goobta laga maqlin rasaas, sida la sheegay loo adeegsaday dilkiisa. Alex pretti oo isbitaalka lagu la cararay ayay wararku sheegayaan in uu waddada ku geeriyooday.

Wasaaradda amniga gudaha mareykanka ayaa sheegtay in askari ka tirsan ciidamada ice uu dilay pretti, isaga oo is difaacaya, balse waxaa war kaasi si adag u beeniyay gudoomiyaha gobolka minnesota, tim walz. Mid ka mid ah muuqaaalada ku baahay intern et-ka ayaa muujinaya askari ka tirsan ice oo qori ku qabanaya ninkaasi, wax yar uun ka hor inta aan goobta laga maqlin rasaastii lagu dilay.

Xildhibaan ilhan omar ayaa soo saartay bayaan aad u adag oo ay ku cambaar eynayso dil ay sheegtay inay ciidamada socdaalka ee federaalka mareykanku u geysteen qof kale oo deganaa gobolka minnesota.

Ilhan waxay falkaas ku tilshalayy mid u muuqda dil bareer ah, iyadoo muujisay inay aad uga naxday kana xun tahay in ciidamada federaalku ay gumaad ku hayaan xubnaha bulshada ee ay ahayd inay ilaaliyaan.

​waxay qoraalkeeda ku sheegtay in falkani uusan ahayn mid shil ah, balse uu qayb ka yahay hab-dhaqanka maa mulka trump oo ay ku eedaysay inay isku dayayaan inay dadka cabsi geliya an halkii ay difaaci lahaayeen, iyadoo xustay in maamulkaasi uu ku xad-gudba yo xuquuqda dastuuriga ah ee muwaa diniinta iyadoo magaca socda alka lagu gambanayo.

​xildhibaanadda ayaa si cad u dalbatay in hay’adaha fulinta sharciga ee ice iyo cbp ay si degdeg ah uga baxaan minne sota, iyadoo ku dooday in joogitaa nkoodu uu argagax gelinayo bulshada, nafo badanna ay ku baxeen iyadoo aan lala xisaabtamin ciidamad aas.

Maamulka madaxweyne donald trump ayaa bishii december ciidamada ice u daabulay magaalooyinka mataanaha ah ee minneapolis iyo saint paul, si ay u beegsadaan dadka soo galootiga ah ee bilaa sharciga ku jooga magaalooy inkaasi. Trump ayaa ciidamadan uga hawlgeliyay labadaasi magaalo, si ay u qabqabtaan soomaalida aan sharciga haysan, si loogu musaafuriyo somaliya. Maamulka gobolka, labada duq magaa lo ee saint paul & minneapolis iyo dadka gobolkaasi ayaa si weyn uga horyimid shaqada ciidamadaasi, waxayna dalbadeen in dib gobolka looga saaro. Madaxweyne trump ayaa u dhaqmaya, sida nin aanba maqleynin baaqa isa soo taraya ee uga imanaya maamulka iyo dadka gobolkaasi.

Gobolka minnesota ayaa ku socdo jiho khaldan, mana muuqato in trump uu diyaar u yahay in uu qaado tallaabooyin lagu dejinayo xiisadda cirka isku sii shareereysa ee ka jirta gobolkaasi.

7-Dii bishan ayay ahayd, markii askari ka tirsan ciidamada ice uu minneapolis ku dilay haweeney hooyo u ahayd saddex carruur ah oo lagu magacabayay renee good.

Soomaaliya iyo Pakistan oo kala saxiixday heshiis ku saabsan in laga dhaafo fiisaha dadka wata baasaboorka diblomaasiga

Soomaaliya iyo Pakistan ayaa shalay si wadajir ah u saxiixay heshiis rasmi ah oo dhigaya in la is-dhaafo shuruudda fiisaha ee dadka haysta baasaboorrada diblomaasiyadeed, taas oo fududeynaysa isu-socodka mas’uuliyiinta labada dal.

Heshiiskan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah horumarinta xiriirka diblomaasiyadeed, fududaynta safarrada rasmiga ah, iyo xoojinta iskaashiga laba-geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Pakistan.

Munaasabadda saxiixa ayaa ka dhacday kulan rasmi ah oo uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, Asif Ali Zardari, la yeeshay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cali Yuusuf, halkaas oo ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin sar-sare oo ka kala socday labada dal.

Heshiiska waxaa dhankooda u kala saxiixay Xoghayaha Gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo La-Dagaallanka Maandooriyaha Pakistan, Dawood Muhammad Baraech, iyo Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Hamza Aadan Haadoow.

Kulanka dhexmaray labada dhinac, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya ayaa guddoomiyay farriin rasmi ah oo ka timid Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo muujinaysay rabitaanka Soomaaliya ee ah in la adkeeyo lana ballaariyo xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee kala dhexeeya Pakistan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay Dowladda iyo shacabka Pakistan soo dhaweynta iyo taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, waxayna rajo ka muujisay in iskaashiga labada dal uu horseedo kulammo joogto ah oo heer sare ah, wada-tashi miro-dhal ah, iyo mashaariic wadajir ah oo u adeegaya danaha labada shacab.

 

Trump oo digniin u diray canada

Madaxweynaha mareykanka donald trump ayaa ku hanjabay inuu 100% can shuuro ku soo rogi doono badeeca daha canada, haddii waddanku uu heshiis ganacsi la galo shiinaha. "haddii kana da ay heshiis la gasho shiinaha, isla ma rkiiba waxaa lagu soo rogi doonaa 100% canshuur oo ka dhan ah dhammaan badeecadaha kanada iyo badeecadaha soo gala usa,” Ayuu trump ku yiri bartiisa truth social. Ma cadda heshiis ka uu trump kaga hadlayo qoraalkiisa bar aha bulshada. 7aadkii hore, r/ wasa araha canada carney ayaa ku dhawaa qay "iskaashi istiraatiiji ah” Oo ay la lee yihiin shiinaha, waxayna ku heshiiye en in la dhimo canshuuraha.

Waqtigaas, trump ayaa tallaabadaas ku tilmaamay "wax wanaagsan”. Balse xiisadda u dhaxaysa maraykanka iyo canada ayaa sii kordhaysay maalmihii la soo dhaafay, ka dib markii carney ay khudbad uu ka jeediyay magaalada dav os ku sheegay in la jabsaday nidaamkii adduunka ee uu maraykanku hoggaam inayay.

Faa'iidooyinka la yaabka leh ee koob oranjo ahi u leeyahay jirka bini'adamka

Joogtaynta cabista galaas liin macaan ah ayaa la sheegay inuu faa'iido badan u leeyahay caafimaadkaaga

Sida dadka qaar haddii aad jeceshhaay in subaxii quraacdaada ay ka mid ahaato koob qabow oo liin macaan ah oo la miiray, dhibaatadaadu waa in cabitaankan macaan ee liinta laga sameeyo in ay muddo ku qaadato jirka inuu la qabsado

Inkasta oo liintu ay ka buuxaan fitamiinno jirka u wanaagsan marka loo cabo qaab cabitaan ah, haddana khubarradu waxay ka digayaan in cabitaanka liinta uu keeno in si degdeg ah ay kor ugu kacdo sokorta dhiigga. Muddo ka dib, kororka sonkorta ee maalinlaha ah ay keeni karto in jirku u adkaysto insulin-ka, taas oo kordhin karta halista uu qofka ugu jiro; macaanka, cudurrada wadnaha ku dhaca iyo cayilka.

Taasi waa fakarka guud ee ay qabaan culimada caafimaadk, balse cilmi-baaris cusub ayaa muujineysa, si kasta oo ay sokorta ugu badan tahay liin macaanta, hadana haddii subax kasta laga cabo koob in ay jirka u leedahay faa'iidooyiin caafimaad oo kala duwan.

Marka hore, daraasadaha lagu sameeyo dad kala duwan muddo dheer waxa ay muujinayaan in dadka cuna liiinta ay ku yartahay halista iney ku dhacaan cudurrada wadnaha iyo istaroogga. Si kastaba ha ahaatee, inta badan daraasadaha waaweyn waxay dadka waydiiyaan inta liin ee ay cunaan, balse ma weydiiyaan inta xabo oo cabitaan ah ee ay cabbaan. Cunista liinta oo dhan waxay jirka ku yeelan kartaa saameyn aad uga duwan cabista cabitaankeeda.

"Ugu horreyn waa waqtiga ay qaadaneyso cunista," Ayuu yiri federico amati, oo ah saynisyahan ku takhasusay nafaqada kana tirsan jaamacadda imperial college london ee uk. Amati waxa uu tilmaamay in haddii aad cunto laba ama saddex liin taas oo ah celcelis ahaan tirada laga sameeyo koob yar oo cabitaan liin ah ay waqti dheer kugu qaadanayso inaad calaliso oo aad liqdo/cunto,."

Wuxuu intaas ku daray, "Xaqiiqdii, dadka badankood ma jeclaan lahaayeen inay cunaan laba ama saddex liin, sababtoo ah waa tiro badan. Laakiin marka aad cabbayso koob yar oo casiir ah, dhowr ilbiriqsi gudaheed ayuu dhammaanayaa."

Noocyada miraha oo dhan, waxay hodan ku yihiin fiber, kaas oo quudiya bakteeriyada wanaagsan ee ku jirta mindhicirka, isla markaana keeneysa faa'iidooyin caafimaad sida hoos u dhaca halista cudurrada wadnaha iyo kansarka mindhicirka weyn. Fiber-ku wuxuu kaloo gaabiyaa sida sonkortu ugu qulqulayso dhiigga.

Faa'iidooyinka la yaabka leh ee koob oranjo ahi u leeyahay jirka bini'adamka

Si kooban cunista liinta ayaa ka halis yar cabitaanka koobka liin macaanta ah. "Cabista liinta ayaa deg deg badan marka la cuna yo" Ayuu yiri amati.

Caafimaadka wadnaha iyo maskaxda ay u leedahay liinta

, si kast oo ay ugu jirto sokor badan, hadan waxaa weli jir talooyin sheegaya in cabista cabitaanka liinta si joogto ah ay keeni karto faa'iidooyin caafimaad. Tusaale kowaad, meta-analysis 500ml pp cabitaan liin macaan maalintii ah wax ay keentay hoos u dhac ku yimid heerarka sonkorta dhiigga, hagaagidda shaqada insulin-ka, iyo hoos u dhaca heerarka lipoprotein-ka oo sababa ' beer sugga xun'. Dhammaan astamahaasi waa astaamo muujinaya caafimaad wanaagsan oo wadnaha ah.

Qiimeyn kale oo la sameeyey waxa ay sheegeysaa in qofka caba liinta si joogta ah dhawr todobaad waxaa yaraada halista uu ugu jiro dhiig karka, cayil degdeg ah, sidoo kalena waxaa sare u kaca cufka lipoprotein-ka, kaas inta ku shaqada xeerta wanaagsan.

Koob cabitaan liin macaan ah waxa uu ka wanaagsan yahay cabitaannada kale ee ay sokorta ku badan tahay ee ay dadka cabaan, faa'iido ahaan waxa uu kordhiyaa sawoodda haqada maskaxda muddo gaaban.

Liinta waxaa ka buuxa fitamiinka nooca loo yaqaanno vitamin c, kaas oo sare u qaada difaaca jirka, maadada birta ee jirka ku jirta, sidoo kale waxa ay jirka ka caawisaa inuu helo dhalaal ama iftiin dabiiici ah. Xitaa waxaa la tilmamaa in ay ku jiraan liinta maadooyinka miniraalka, kaalshiyaamka iyo botaasiyaamka (vitamin b).

Faa'iidooyiinka ay khashinka kirka uga saarto liinta

Sababta loogu maleenayo in liintu door fiican ku leedahay caafimaadka wadnaha iyo maskaxda, wa in ay ku jiraan maaddo loo yaqaan flavonoids, taas oo kamid ah maaddooyinka dhirta miraha leh ay leeyihiin, taas oo dhirta siisa midab dhalaalaya isla markaana ka caawiya inay iska difaacdo walbahaarka iyo caabuqa.

Flavonoids-ku waxay leeyihiin maaddooyin caawiya in jirka uu iska saaro sunta, taas oo micnaheedu tahay in liintu ay ka falc elin karto kiimikooyinka waxyeelleyn kara unugyada isla markaa na dedejin kara gabowga, waxa sidoo kale leedahay awooddo oda ka-hortagga bararka (anti-inflammatory).

Dadka da'da ah waxa ay si aad ah liintu uga caawineysaa in wareegga dhiiigga uu ahaado mid wanaagsan, difaaca jirkooda na uu iska difaaci karo weerarada kaga imaanaya bakteeriyada xun.

Caabitaanka oranjiga ee ugu wanaagsan

Dhaqaatiirta ay bbc-du la hadashay waxa ay si isku mid ah u tilmaameen dhammaan cabitaannada laga sameeyo geed miroodyada kala duwan ay faa'iido u leeyihiin bini aadamka, balse liin macaanta ay ka faybar badan tahay kuwa kale.

Si kastaba ha ahatee, waa inaad ku dedaasho cabitaanka aad cabeyso in la miiro oo aan lagu shiidin makiinad ama shey kale. Waa inaad iska ilaaliso kuwa maqaayada lagu gado ee siyaabo kala duwan loo sameeyo, marka aan la miiriin liinta waxaa ka dhimanaya macdan iyo fitamiinno badan oo aan ka heli lahayn.

"Waxa ay ila tahay nolosha maalinlaha ah, waxaa wanaagsan inaad hesho laba ama sadex mar todobaadkii koob/galaas cabitaan saafi ah oo liin macaan ah, kaas oo aan lagu darin wax sokor ah.". Ayuu yiri amat.

Xigasho:-bbc/somali



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip