M/W/NE Xasan Sheekh oo suuqa Bakaaraha ku tukaday salaadda Jimcaha + Sawirro

0
Friday January 09, 2026 - 14:17:19 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 135
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    M/W/NE Xasan Sheekh oo suuqa Bakaaraha ku tukaday salaadda Jimcaha + Sawirro

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta boqolaal ka mid ah shacabka magaalada Muqdisho kula tukaday Salaadda Jimcaha Masjidka Abuu Hureyra oo ku yaalla Suuqa Bakaaraha.

 

Madaxweynaha waxaa wehliyay qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada, qaar ka mid ah taliyeyaasha Ciidanka Qalabka Sida, iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

 

 

Madaxweynaha ayaa khudbad uu ka jeediyay masjidka kaga hadlay xaaladda guud ee dalka, dadaallada diblumaasiyadeed iyo sharci ee ay dowladdu ku wajahayso faragelinta shisheeye, iyo tallaabooyinka gurracan ee ka dhanka ah midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay guulo muhiim ah ka soo hoysay halganka diblumaasiyadeed ee looga hortagayo damaca gurracan ee Israa’iil.

Waxa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay si midnimo leh uga hortagaan halista faragelinta shisheeye iyo isku-dayga ah in dalkeenna laga sameeyo saldhigyo sharci-darro ah oo laga huriyo colaadaha gobolka.

 

 

Socdaalka madaxweynaha ee Suuqa Bakaaraha iyo inuu halkaas ku oogay Salaadda Jimcaha ayaa muujinaya heerka amni ee caasimadda Muqdisho, inkastoo waddooyinka qaarkood la xiray isku-socodka.

Si kastaba ha ahaatee, magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe ka raysatay qaraxyada iyo falalka amniga ka dhanka ah, kaddib markii saraakiisha ciidanka iyo laamaha kala duwan ee dowladda ay dadaallo xooggan ku bixiyeen xaqiijinta amniga caasimadda.

 

 

 

 

 

 

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip